Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q4AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q4AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q4AAD.”

Shimbirti ayaa shulu’shulu’ billowday, waagii ayaa sala’ yiri: carceeradii hiirannimo ayaa bari ka soo muuqatay, waxaa yimid qaboonada dharabka keenta ee subaxnimo. Intii mici wax ku asiibta godadkooda ayay galeen, qaar na shuuraha dhexdooda ayay dhabbacdeen, halaqyadu godadka ayay galeen qeyb na geedaha ayay fuuleen, waxaa soo kallaxay shimbirihii oo waxay dhunxiyaan doonaya, qorraxdu hiiradaan, waxay la soo baxday fallaaro yididdiilo tilmaamaya. Toxobeey oo aan gam’in intii yarayd ee la seexday, cabsi darteed, ayaa Toxoboow oo hurda biq la yiri toosisay; waxay u sheegtay, in waagii beryay qorraxdiina soo baxday oo la jid qaadi karo. Toxoboow ciiddii ayuu iska jaf-jafay, shanlaydii ulfaha laheyd na waa hurguftay, toboxey na iyadoo leh Eebbow subax kheyr qabta nooga dhigtay ayay socod u hedlatay (39). Wixii agab dhulka yiil ayaa la kala qaybsaday, Toxoboow ooddii dhacata aheyd ayuu daba geddi siisay. Mase wuxuu duljoogsaday Waraabe duqoobay oo dibi lo’aad oo kale ah ee reedihiisa dhiig iyo mindhiciro daadsan yihiin, Toxobeey ayuu farta ugu fiiqay halkii uu Waranka kala dhacay xalay saqdii dhexe. Inta qosol yar oo juuq laaway ah ilkaha la jiidday ayay tiri: “Allow maxaad geesi il mac tahay kuma waayo.” Dhabbigii ayaa lagu dhacay, markii cabbaar la habjaqay ayaa Toxobeey oo aqliga Ilaahey u hibeeyay la soo boodday Toxoboow aan af billaabanno. Toxoboow xoogaa ayuu aamusay wuxuu is yiri: ma baahi ayaa heysa oo in qaloonka la cuno ayay rabtaa?” Hadda na niyadda ayaa siin wayday. Toxobeey oo is tiri: malaha Toxobow haadalkii aad tiri ma maqal, ayaa ugu celisay is la kii hore. Toxoboow wuxuu fahmay shaxda ay Toxobeey u sarbeebayso dhabbiga na inta ka leexday ayuu geed dhiniciisa ku yiil oo ahaa “Ilka caddeeye” laba rumay kasoo jebiyay hal na afkuu gashtay kii kale na Toxobeey ayuu u dhiibay. Toxobeey way garatay in Toxobow maan togane yahay, waxay se la yaabtay garasha dheerida iyo siduu hore uga fahmay in rumaygu (Cadaygu) yahay af billaawga koobaad ee lagu jermaadsado, wax ka horreeya na aanay jirin.”

Wixii la hardafo, wixii la hadeeco, wixii la socod boobsiiyo, wixii la daalaa dhoco, wixii sheekaba sheeka u dhiibto, wixii cabbaar la kala shibbanaado, qof ba qofta kale ayay ku maqan tahay. Waxaa lagu wada jiraa goobis iyo geed bexayn, gashiino lagu gabbaatiyo la ma joogo, oo dhabbigu waa caga ku reeb, Qof walba waxa niyadda uga jira sidii looga bixi lahaa dhulkaan gurma go’anka ah (40) ee halaq ku halakeeya mooyee aan wax la heybsado joogin, qof walba nafteeda ayay la showreysaa, mar mar waxay si hoose isugu gaabsanayaan, ma waxaad tihiin Aadan iyo Xaawo iyagaa beri dhulkaan ku noolaan jiray kaligood’e.

Geed-ba geed ayuu u dhiibaa, jir-jir ba jir-jir (41) ayay uga degtaan tallabba tallaab ayay ku sii daraan. Qorraxdii waa sii kululaaneysaa, caga gubadkii waa soo saa’idayaa, kobihii maqaarka ka sameysnaa dhammac ayay cagihii ku noqdeen, hawadu waa holom hortooda waxaa ka sii muuqda wiira-wiiro la moodayo biyo hortaada galcanaya, fallaaraha cadceeddu sidii roobki ayey dhulka ugu shubmayaan, kulkii iyo harraadkii waa soo karay, biyuhu markii hore ayay gabaabsi ahaayeen oo duuddo (42) yar oo dhuunta lagu qoysto ayaa dhiisha ugu jirta. Dhulkii howdka ahaa waa ka bexeen, waxay na galeen dhul geed gaab ah “JIRAX” oo aad u jeeddo wixii meel dheer ka soo hummaaga, geedihii hooska iyo hergelmada laga heli jiray, cagahooda ayay uga soo bexeen. Meel lagu gabbaatiyo ma leh, meel la jooga na lama arko. Iyadoo la niyad jabsan yahay oon la arag hoos lagu hergelo, ayaa waxaa meel dheer ka soo bidhaamay geed hudur madow ah cagaar dartiis, oo gambalaalaxa (43). Raadadkii jinni cadde ee cabsida iyo ceyn wareegga lahaa na reedohooda kuma arkaan, waxay isu sheegeen inaaney jirin halis Waraabe iyo hujuum Libaax too-na, marka laga reebo, kuwa dool (44) ku yimid. Geedkii ayaa la gaaray, mase waa Garas bejiino (45) oo gambalaalaxa qaniin iyo kud-kude mooyee wax kale na aan looga baqayn, hoosta ayay ka galeen, nohdii iyo hanfigii darnaa ee qorraxda na uga qabowsadeen. Qof walba meel ayay is biliqday, inta xashaafulka iyo xayaabada iska xaar-xaartay, halkaas ayaa na lagu gabbaatiyay inta kulayl-ku ka yaraanayo oo carraabada galabnimo laga gaarayo.

Haddii ay cabbaar bejiyeen, Toxobow na hurda big la yiri; ayaa Toxobey waxay aragtay Good weynaaday oo horogta shicir ku leh baraxsha giir ah. Inta isku naxday ayay dhowr xaabo oo agteeda tiil ku tuurtay, mase waa ku yalmi diiday waa good harac qabow geedka ku bartay oo waligii ku hergeli jiray’e. Harbaxdii ay dhaheysay ayaa waxaa kusoo baraarugay Toxobow oo aan si fiican hurdada ula qabsan sow yiri; maxaad aragtay asigoo berkaagsan (46), Goodkii na waa yimid oo dhanka Toxobow xigay ayuu geedka ka soo galay kor na ugu abaabay. Toxobeey waxay farta ugu fiiqday Toxobow halkii halaqu ku sii abaabayay, Toxobow na ishuu ka qaaday, haddii uu sii arkaaya ba inta xoogaa qosol gariiray ayuu madaxa dhulka dhigtay. Toxobeey oo la yaabtay ninka halaqa cuni raba ku qoslaya ee hadda na sii seexanaya, ayaa tiri: “Maad geedka hergelmo nooga bixisid Cadawga?” Toxoboow oo kalsooni ka muuqato ayaa ugu jawaabay ma taqaan waxa uu yahay?” say tiri: haa waa Meyrrow cagaar. Inta soo fadhiistay oo ciiddii gacanti uu barkanaa uga tiil iska jafay ayuu yiri: Meyrrow Cagaar maahan, waxaa na la yiraa: “Gugume” dadka na ma cuno, mariid na ma leh, ee ma waad ogeyn inaan Good mariid leh amminkaan oo kale socon karin. Toxobeey oo laabtu u degtay goodaadkii (47) ay u jilba jabta na kasoo laabatay oo si qumman salka dhulka u dhigatay ayaa tiri: waxaan maqli jiray; “Roob soo gootay iyo saymo godladay waxaa ka baxsan kara “Gugume iyo Gor-gor baal dillaacsaday” ee ma Gugumihii orodka lagu sheegi jiray baa?” Toxoboow oo helay wadda sahlan oo uu wax ku fahan sii karo ayaa yiri: haa waa isagii. Toxobeey oo la dhacday aqoonta uu Toxoboow u leeyahay Xammaaratada iyo guud ahaan duurjoogta ayaa ku hadaaqday “Haddii uu na qaadi kari lahaa sow na lama buubeen?” halkaas ayaa labbadoodi iyo Gugumihii isku la hergeleen Garaskii bejiino.

Amminkii la gaaray kaagicii galabnimo ee lagu carrabi lahaa, qorraxdu na tahay wax sii tabar dhigaya, ayaa Toxobeey hardadaf soo tiri; cod debacsanna ku kicisay Toxoboow oo Khuurinaya/xuurinya, Halkaas waxaa ka billaawday in carraabo loo hil-hisho, dhabbiga ayaa na lagu dhacay. Amminkii cabsida waa laga yimid oo ma jiraan wax la kahanayo marka laga reebo uun hoose oo isagu iska caad yaal ah mar walba. Wixii layska daba dhabuullaqa-ba (48) Toxobeey waxay heshay ammin fiican oo ay ku baran karto Toxobow iyo cidda uu ka soo jeedo, waxay na ceynka ka goysay sheeko u badan xidid raadin iyo xaal ogaansho. Waxay oodda ka qaadday gabay afarray ah ammaanna u badan, say tiri

“Hilow farax leh Hooyiyo walaal, Hiillo gacal-baa leh
Huruufiyo hantaaq laysu godo, Hoog-na cadaw baa leh
Hufya been hantaa-taca cidlaa, Hebedka liitaa leh
Hal addayg hubsiimiyo dulqaad, Oodda iyo hiilka
Hiddihiisu kow saxan-yohoo hanada uun-baa leh.”

Markey halkaa marisay ammaantii ay ku dahaaraneyd fir garashadu ayaa Toxobow dib u milicsaday wajigeeda hillaacaya ee ilqabatada leh, mar na aan laga dheehayn kahasho iyo kibir. Toxobeey waa qof filsan oo fayo qab kula falgasha dhiggeeda. Toxobow wuxuu la ashqaraaray sida ay u doolla caddeynayso iyadoo goobeysa isirka iyo reerkiisa. Indhihiisii wanaagga lagu shar jebiyay ayuu dib usoo naqsaday, hore na uga ma jawaabin ee xoogaa ayuu laaabta baar-baaray, wuxuu ku tallamay seddax arrin middii uu ku dhaqaaqi lahaa:

  • Kow: inuu haasaawe iyo hoohaleysi ugu sheego haybtiisa, sheeko caadi ah.
  • Labo: inuu hab tixaysan ugu gudbiyo sidii ay iyadu ba ugu liifgaabisay tixda.
  • Seddax: habkii uu isagu na ku ogaan lahaa reerka ay u caana sheegato.

Aragtiyahaas badan ee lidka isku ah oo maankiisa ku kulmay iyo Toxobeey oo warcelin habboon ka sugaysa ayaa amminkii ku sii dheereeyay Toxoboow, markii dambo se wuxuu go’aan ku qaaray inuu sheegidda reerkiisa u maro wadda suugaaneysan sidii Toxobey ba fashay. Toxobeey oo afka hadal u halaajisay oo sugi la’ ka falcelinta maasadeedi ayuu Toxobow dhegta farta gashaday gaba na ku dhiftay uu isirkiisa ku caddeynayo sow yiri:

“Gugoo da’ay barwaaqadu hadday, Gees walba ba taallo
Giblo iyo ciyaar tumid haddii, Loo habiin gudayo
Adigoo galbeed socod ka yimid ee, Bari-na soo gaaray
Guud haldhaa haddaad caashaqdoo, Hadalku kaa gaaro
Gun haddaad u haasaawisood, Goob faq kula baanto
Hal-xiraale guuniyo haddii, Haddal la goo-goosto
Gacaltooyo sheekadu hadday, Gaar isula jeeddo
Gabanyohow is sheeg xaajo waa, Loo gu’ tiriyaa’e
Gar ayay u leedahay inay, Golaha keentaaye
Geddaas iyo hadduu xaalku yahay, Goobis xididkayga
Waan kuu galaa bixine maqal, Wiil gobaan ahaye.

Gurigaygu waa Xamar haddii, Guudka laga eego
Gebigeed-ba Soomaali waa, Gogol midaysaaye
Gaar haddaan u kala qaado oon, Kuu galgaal bixiyo
Goonyaha shabeellaan ka imid, Cadale gaarkiisa
Galcad iyo waxaan joogi jiray, Boodya guradeeda
Gal libaaxya waxan geel ka shubay, Gowlya geed raran’e
Goomaalya wuxuu reerku yaal, Guriga saadeel’e
Gobsho iyo Mareegaan degnaa, Golaha Ceeldheere
Godka faaxya geesaha Burdiir, Gaanka Xaradheere
Guraddii Hobyow gaarayaa guriga keennaaye
Go’aan qaado garu laba nin weli, Goob ma wada dhigine.

Guntay oo warkeygii ka baxay, Soo-na guudmaray’e
Geba-gebadu waxay tahay haddii, Geeddi calafkaagu
Gurigayga kuu furo marnnaba, Gaajadiyo oonka
Galbeed iyo waxaad kala tihiin, Bari gunteediiye
Geelaa laguu maalaya labada goorood’e
Guntaydu-na halkaasey gashee, Garashadeed yeelo
Adna goobta reerkiinnu yaal, Goyn-ka ka higaadi.”

Sheekadii waa isku dhacdey Toxobey na waa u riyaaqday dhulka uu Toxobow soo tiriyay oo ah dhul ay qayb na taqaan qeyb na maqashay. Waxay se ka gigtey habkii ay iyadu na markeeda ugu sheegi lahayd golaha ay u dir sheegato, Toxoboow na kama xishoon’e toos ayuu u weydiiyay inay is caddeyso. La ye: “Xalaal barqaa la quutaa” ee Toxobey waxay gashay is moogaysiis iyo sarbeeb tebin iyo u riyaaqid gabaygii Toxobow, waxay la yax-yaxday inay reerkeeda u sheegto, waxay ba ka gaartay maxaad u weydiisay iyo maxaa gabayga afarreyda ah kaa keenay.” Si kaftan ah ayay u su’aashay sheekooyin u badan saantirasho iyo maldahaad. Waxay tiri: waxaan ku waydiinyaa seddax su’aalood haddii aad ka jawaabto na waxaa tahay geyaankey iyo garasho maandoogle ee waxaad sheegtaa:

  • (1) Noolaha adduunka ugu xaasidsan?”
  • (2) Noolaha adduunka ugu maagidda badan?’
  • (3) Noolaha aan socon ee inuu taagan yahay ama inuu ordaayo aan wax ba u dhaxeyn?!

Toxobow, oo haadda baalaleyda ah, xammaaratada galcata iyo noolaha duurjoogta ah dhammaantood, si qumman u kala yaqaan, ayaa wax dhib yar u arkay xujooyinka laga doonayo inuu furo, wuxuu na ku jawaabay:

  • 1. Noolaha dhulka ugu arxanka daran waa Yaxaaska.
  • 2. Kan ugu gardarrada badanna waa Jeerta.
  • 3.Noolaha inuu ordayo iyo taagan yahay aan wax-ba u dhaxaynna waa Bakaylaha.

Toxoboow jawaabtii kuma ekaan’e wuxuu udaba dhigay halxiraale kale, wuxuu na yiri maadaama aad i xujaysay ee aan wada furay, waxaan kugu halxiraalaynayaa seddax su’aalood ee waxaad sheegtaa adigu na:

  • (1) Shimbirta ilmaheeda nuujisa, caadada Dumarka ku dhacda na la wadaagta, sida Haweenka na ilmaheeda naaska u dhigta, u deysa?,
  • (2) Shimbirta maykeeda aasta/ duugta ee xawaasha sidii Aadanaha?”
  • (3) Shimbirta ugu dhiifoon ugu na aragtida dheer inta buubta oo baalalka leh?”

Toxobeey oo warankey cirka u gentay kusoo jeega laabmay laakin isku kalsoon ayaa ku tiraabtay:

  • 1. Shimbirta ilmaheeda nuujisa waa Fiidmeerta (Koballiga).
  • 2. Shimbirta haddii hal ka dhinto xawaasha na waa Dukaha.
  • 3. Shimbirta ugu dhiifoon haadka na waa: Xiita-xiitada ama xidin-xiitada.

Labadaas xujo markii ay u kala dhacday leys na mari waayay oo qof walba guusheeda difaacatay ayaa Toxoboow oo raba inuusan amminka uu heysto iska lumin maadaama ay Toxobeey billowdey in lays aqoonsadu xagga reeraha, si kedis ah ku yiri: Toxobeey aniga waa i baratay waa na isu kaa sheegay balse adi kuma haayo weli, ee warka ii dil-dillaaci?” Toxobeey oo ka shallaayday waydiintii hore iyo reera is wareysiga ayaa geed Ontor (49) mug fiidiyey oo ay la wareegeysay inta laan yar ka soo gooysay oo Toxoboow u dhiibtay ku tiri:

Hayb iyo qabiil male jeceyl, Lays-ku haybsado’e
Hidda raac-na maahiyo hilbaa, meel is kula yaale
Howraarta iyo sheekadiyo, haykalkiyo muuqa
Hibuu dhalashadoow haybsadaa, Aw ku hirayaa’e
Hannaan quruxsan hoobaan lamood, Howdka mirihiisa
Amba halac xareeddii harraad, Looga haqab beelo
Hamigayga adigaa ku weyn, Hiirta iyo layle
Iga hoo adaan kuu hibbeyn, ubaxan haayaahe.

Toxoboow wuxuu ka guddoomay laantii fiidda laheyd ee ubax ahaan loo siiyey. Kuma se qancin habka ay ugu jawaabtay, wali na wuxuu goobayaa xididkeeda iyo cidda ay u tahay udub dhexaad.”

  • Sharraxaadda Erayda:
    (39) HEDLEDEY: socod isu diyaarin.
    (40) GURMA GO’AN: meel cidlo iyo baahalo looga guuray. Amminka beerta la falaa na waa la yiraa, beerta waa la gurma gooyey.
    (41) JIR-JIR: jir-jir waxaa la yiraa raadadka ay reebaan beeraha la falo jabadka loo dhigo. Waa na astaan iyo calaamad lagu garto ayaamo dabadood markii dhulku howd noqdo.
    (42) DUUDDO: Biyaha ku hara salka makaanka ay ku jiraan, sida: dhiisha, Haanta, Weelka, iyo meel walba ee biya lagu shubto.
    (43) GAMBALAALAX: waa geed u sameysan in lagu hergelo oo hoos qabow laga helo. Berigii hore na garta lagu goyn jiray gabdhaha na lagu bixin jirey.
    (44) DOOL: wax meel dheer ka yimid oo aan goobta ay joogaan deegaan ku aheyn.
    (45) GARAS-BEJIINO: Garasku wuxuu ka mid yahay geedaha aan doogga dhigin kuleel iyo qabow, jiilaal iyo diraac. Waa geed hergelmo iyo hoos laga helo oo aan caleento ka dhicin.
    (46) BERKAAGSAN: qof tafya ka naxdey.
    (47) GOODAAD: qof inay orod ku jiiddo isu diyaarineysa, Qallalisada na waa la yiraa: marka ay taagan tahay.
    (48) DHABUULAQAYA: iska daba socda.
    (49) FIID: waa ubaxa geeduhu bixiyaan markey miraha dhalayaan, gaar ahaan geed Ontorku wuxuu fiidiyaa kaldambeedka Roobku soo dhaw yahay.”

FG: Gabayada waxaa curiyey walaalkey laashin: Xasan Abuukar Calasoow “Abaaji”

La soco Qeybaha xiga:

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE