Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q8AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q8AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Uurka ka heshiiya” waxaa na mariyay laashin: Maxamed Gacal Xaayoow (AUN). Waa guurow ka hadlaya, Nabad, waano, wacdi Diineed, iyo dar-daaran. Waa Guurow Laashinku Soomaalida ugu bidhaamiyay cadawga heyata inay iyadu ka masuul tahay ee aanay jirin cid usoo waaridday. Laashinku wuxuu si aan leex-leexad leheyn u tilmaamay inaaney jirin cid laga sugayo badbaadinta qaranka Soomaaliyeed ee saaxada adduunyada ka sii baxaya. Laashin: Maxamed Gacal Xaayow EEBBE ha u raxmadee, guurowgaan wuxuu farriin toos ah ugu diraya Culimada, Hal-abuurrada, Nabadoonnada, Aqoonyahanka iyo guud ahaan wax galka Soomaaliyeed ee Rag iyo Dumar ba leh. Guurowgaan, wuxuu tiriyay: amminkii dagaallada sokeeye waddanka ka holcayeen ee jabhaduhu, oodda soo jebiyeen. Waxaad se mooddaa inuu maanta aynu noolnahay ka qisoonayo Eebbe ha u naxariistee. Guurowgi na wuxuu u dhacay sidaan ee ka bogasho wacan:

1. Aas-aaska noloshiyo naftii, Lagu ammaaneeyay
2. Ibliiska iyo sheyddaanka waa, Laga ilaalshaaye
3. Ashahaadda ruux laga helee, Ehulu towxiida
4. Awaamiirta lays faray inuu, Oofiyaa wacane
5. Iimaanka lixa Eebbehey, Kuma addeecdaane
6. Dadka ul iyo diir kama dhigtaan, Uurka wada yiile
7. Is la dhalashadiinna-ba indhaha, Waa ka dadabtaane
8. Ummadyahey haddaad ehel tihiin, Uurkaka heshiiyoo
9. Alla ka cabso Soomaaliyeey, Eebbeheey megenee.

10. Isirka iyo faracaaga waa, Loo abtiriyaa’e
11. Siirada abkaa odayadaa, Laga tixraacaahe
12. Oraahdiyo sarbeebtaa murtida, Lagu adkeeyaahe
13. Afar gadawle awrkaaga waa, Lagu aroorshaahe
14. Is-jinta ba marbaa laga dhigaa, Oori maharkeede
15. Aqal bari u jeedaa gebdhaha, Lagu aroosaaye
16. Oollimaadka dhaqankeenni hore, Udub dhexaadkiise
17. Idinkoo ogaal u leh fudeyd, Kuma illowdeene
18. Aqligaa Ibliis idinka xaday, Aamus-naa jiraye
19. Ood filigta moogiye wax kale, Kuma adeegtaane
20. Eedaad qabiil kama baxdaan, Aana doqoneede
21. Ummadyahey haddaad ehel tihiin, Uurka ka heshiiyo
22. Alla ka cabso Soomaaliyeey, Eebbeheey megenee.

23. Aarmiga wax dila iyo intey, uburu qiiqeydo
24. Inta uur ku taalladu halkii, Ka amba qaadeydu
25. Aafaha magaada intey, Agabtu noo taallo
26. Alabaabada qaxootiga intuu, Ubad ka ooyaayo
27. Aqli kala fog maankii intuu, Noo arriminaayo
28. Inta Ayax tagyee eelki heray, Ubixi leefaayo
29. Inta ummadda Soomaaliyeed, Iniba meel joogto
30. Ifa-faallo loo bogay indhaha, Loogu furi maayo
31. Dadka aaminsane yay mar kale, Idin ka eed sheegan
32. Argagixiso umma baahnin iyo, Urugu ciilkeede
33. Ummadyahey haddaad ehel tihiin, Uurka ka heshiiyoo
34. Alla ka cabso Soomaaliyeey, Eebbeheey megenee.

35. Ummadyahey adduunyada dad-baa, Eeda soo marayo
36. Waxaan la arki jirin maahan iyo, Xaaja noo ugube
37. Ogaansha-ba waxaa nooga filan, Bini Israa’iile
38. Nabi Muuse aabiga Fircoon, Kuma af-dhaafeene
39. Wuxuu yiri waxaan ahay, Ergagi Eebbe soo diray’e
40. Aayaatil-laahigi markuu, Ka oggolaan waayay
41. As-takooyinkiisii Rabbigey, Eray ku gaarsiiyay
42. Goortii laga aqbalay maalintii, Loo insha’Alleeyay
43. Arbaciin sanaa laga war sugay, Eegge dabadiiye
44. Ilaahnimo la sheegtiyo markuu, Amarki beenoobay
45. Asha-haadu taag waay markii, La la imaan waayay
46. Baddoo lagu ahligu iyo afkoo, Dhooba laga saaro
47. Aroortey kulmeen-baa Fircoon, Oodda loo rogay’e
48. Ma oggolin Alleylehe inaad, Belo abuurtaane
49. Ummadyahey haddaad ehel tihiin, Uurka ka heshiiyoo
50. Alla ka cabso Soomaaliyeey, Eebbeheey megenee.

51. Haddey urursan tahay waajibyada, Kama il-duufteene
52. Agoonta iyo maatida madfaca, Lagu asqaynaayo
53. Ehelka iyo sokeeyaha xumaha, Kala ammaahaaya
54. Abaartaya colaadaha arriga, Gees walba ekeeyay
55. Orrexeedka nagu saa’idiyo, Omoska jiilaalka
56. Alaalaxa albaabada gurtaye, Ooga bahaloobey
57. Iyo kuwa is baaradadhigtee, Araxda kaa toogta
58. Ibni Aadamkaa laga dhaxloo, Soo aruuriyaye
59. Iimaanki tiirkiisi-baa, Aaf ka soo ruqaye
60. Nabsi ooman-baa nagu habsadey, Waa abaal marin’e
61. Ewelkeedi iyo aakhirkiyo, Aayadi Diinta
62. Shanti Udube Eebbeheey dhisaad, Ka asal guurteene
63. Ummadyahey haddaad ehel tihiin, Uurka ka heshiiyoo
64. Alla ka cabso Soomaaliyeey, Eebbeheey megenee.

65. Islaannimiyo wow baahan tahay, Dhaqan asluubeede
66. Awliyo duceydiyo ma helin, Culuma’ u diine
67. Aaqiibo taliyaal ma helen, Odaya beeleede
68. Aqoonyahanna laabta umma culin, Waa indheer garad’e
69. Hal-abuur wax sheegiyo abwaan, Eraya gaarsiiya
70. Iyo aaqil sama doonehee, Kala eryey wayde
71. Immaan iyo Ugaas iyo Suldaan, Duul la ula saarto
72. Inta ehel karaama leh bulshada, Ugu awood roone
73. Dadku ka hor imaan karin, Wixii aamusiyay moogi
74. Waxa loo alkumay waa inay, Olol bakhtiiyaane
75. Isimada la xulay waa bulshada, Udub dhexaadkeede
76. Mar haddaan la arag waa adduun, Aakhir sabankiiye
77. Ummayahey haddaad ehel tihiin, Uurka ka heshiiyoo
78. Alla ka cabso Soomaaliyeed, Eebbeheey megenee.

79. Eebboow abaar iyo colaad, ka Alla tuuggeeda
80. Cid kaloo awood u leh, Arjiga kuma lifaaqeene
81. Adigaa irmaaney yaqaan, Ibaha xoolaade
82. Addoomada ammaanada gutee, Ehelu towxiida
83. Adigaa abaalkooda guda, Yowmal aakhirada
84. Abtirsiino Soomaalidaan, Ehel wadaagnaaye
85. Eebboow ayaamaha abshira, Saacatul ijaabo
86. Ee colaadda lagu soo afjaro, Ummaddaniis raacsha
87. Ee ammuurihii kala dhex maray, Wada illowsiiya
88. Ee ilays-ki nabadeed iftiin, Oogta ka hillaacsha
89. Eebbow Allahayow inaad, Nagu iraaddeyso
90. Ee albaabka kheyrka leh indhaha, Noogu kala qaaddo
91. Ummadduu yabooh waa digii, Ammarka weynaayee.”

 

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

 

SHEEKOOYIN