Gabaygii Isku Duubni iyo Farriintii Xildhibaan Dalxa

1Gabaygii Isku Duubni iyo Farriintii Xildhibaan Dalxa.

Caawa ayaa waxaa wada kulmay Jaaliyadda Gobolka Zurich oo Casho sharaf iyo soo dhaweyn u samaysay, Mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. Anigoo ka mid ahaa, Ka qaybgelayaashii kulan ayaa ayaa farriin suugaaneed u dhiibay Xildhibaan Dalxa oo ah, Gudoomiyaha Arrimaha dibadda ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaanan halkaas ka tirshay, Tix magaceeda la yidhaahdo. Isku Duubni.

Gabaygii Isku duubni.

1. Diraacoow(1) dabkii gabay ma shidan, daayey oo dhigaye
2. Dahnigayga waa taan ka jaray, Dirirka suugaane
3. Cidna iima diidine dadkaan, Maqal dabuubtiiye
4. Durbaaniyo dafbaa loo tuma, Daaranoo kale
5. Dambigay u wada duubanyihiin, Daanno aan damine
6. Daratoole xumihii dhacay, weli dareemaane
7. Kama daalayaan doogihiyo, Duumadii hore.
8. Maantana haddii damal la yimid, Gole la doonyeystay
9. Duubka iyo madaxdii dalkuna, Degelka noo joogto
10. Waa inaan dareershaa murtida, Daad sidaan ahaye
11. Waa inaan da’aa sida daruur, Una darooraaye
12. Waa inaan dilaacshaa halkaan, Doonayee raba’e
13. Dulucda iyo ujeedkana dhigaa, Dayrka noo xidhan.

2

14. Dunidaan ku nool nahay dadyahaw, Diiftan soo mara’e
15. Dagaaliyo dhib waa soo arkeen, Dirir sokeeyaade
16. Kamay daalin inay doogsadaan, Samana doonaane
17. Bal maxaa dadkeennii ku dhacay, Daayin waa magane?.
18. Jimcaale(2) ka sii digay dhibkaan, daafta noo galaye
19. Haddii duul walaalo ah is naco, durugyey xaalkoode
20. Dulibaa ku dhaca duul haddey, War iska diidaane
21. Duqaydiyo waxay caasiyaan, Duubabkiyo shiikhe
22. Dibadey wareegaan markii, Darar la maalaaye
23. Dad kalaana soo dega halkay , Dan u lahaayeene
24. Diinteenu waxay sheegtayoo, Daahir u caddeysay
25. Dad hadduu is diido is naco, inay daciifaane
26. Wadartuna dadnimo ay tartiyo, Daaqad xoog badan
27. Isku duubni bay ina fartiyo, Ulliyo diirkeed.

28. Afartaa darkaan doortay iyo, Dalabkii maansood dheh
29. Dooduu dalkaygii qabiyo, lagama dayrshaan dheh
30. Dacwad furan dabuub gabaya iyo , Dux iyo miisaan dheh.

31. Afar kale dantaa leeyihiyo, Doobtahaan culay dheh
32. Dunidaa Islaamiyo ahayd, Gaal is dilayaaye 
33. Darandoorri Roomaanku guluf, Daaqadna u waaye
34. Beershiyaba doorkay lahayd, Dacar la leefsiiye
35. Shiinaha dagaalkii dhex maray, Duugga muu dhicine
36. Damdaguugan baa laga dhigiyo, Dogobya qiiqoode
37. Iyagay is dilaaye ma jirin, Duul u soo galaye
38. Markay dacarta leefeen, ka tage Dirir sokeeyaade
39. Isku duubnidaan aragnaybay, Duhur cad qaateene.

40. Dadku waa is dilay dunidatanoo, Duulimaad badaye
41. Maraykaanka doorka ah ayaa, Daadshay dhiig badane
42. Anaa door aha anigaa dable ah, Laysku wada dooxye
43. Anaa Doonya Shaahiyo ku rariyo, Layku dooxye
44. Damac kibirle duudsigu ceeb, Laysku wada doox
45. Anigaa dalkoo idil ka talin, Laysku wada dooxye
46. Hadba waxay dillaantoo xumuhu, Daaqad sare gaadho
47. Markay dacarta leefeen ka tage, Dirir sokeeyaade
48. Isku duubnidaan aragnaybay, Duhur cad qaateene.

49. Jarmalkaa dagaal culus la galay, dowladihii Yurube
50. Dabkuu shiday habeen qudha ayuu, Gaadhay dunidiiye
51. Dabbaabadaha duuliyo cirkaa, Layska daaqulaye
52. Daaraha ku yaal Hollan ayaa, Dumay dhammaantoode
53. Faransiiska duukhii ku dhacay, doonyo laga raacye
54. England daafadii gaadhay bay, Wada dakaameen
55. Dirka Eeshiyaanka iyo Yurub, Daaryey holaciiye
56. Markay dacarta leefeen ka tage, Dirir Sokeeyaade
57. Isku duubnidaan aragnaybay, Duhur cad qaateene.

58. Dadku waa is dilay oo is dilay, Dib u heshiiyeene
59. Dulmi dhacay gadaashii ayaa, Daacad soo hoyane
60. Dubatada abaartii dhacdaba, Deyr ayaa xigiye
61. Darxumaba mar baa laga baxaa, Doogsin kuu curane
62. Diif iyo xanuun laguma jiro, Daayin abidkaaye
63. Dunidaa ah laba door midkaad, Adigu doontaaye
64. Dib maxaa inoo dhigay dadyahow, oon la degi waynney?
65. Maxaa Dowlad inaan yeelaniyo, Doorsan noo diidey?
66. Dadkeennii maxaa kala diloo, Dacalba qaar joojay?
67. Maxaa daanno aan damin ka riday, Degelka Soomaali?
68. Damanaha maxaa naga dhigiyo, Doqonta caynkeeda?
69. Maxaa helay damiirkii dadnimo, Dibu dhac weeyaane?.

70. Afarta darkaan doortayiyo, Dalabkii Maansood dheh
71. Doodu dalkaygiii qabiyo, Lagama dayrshaan dheh
72. Dacwad furan dabuub gabaya iyo, Dux iyo miisaan dheh.

73. Afar kale dantaan leeyihiyo, Doobtahaan culay dheh.
74. Dalxoow(3) maqal farriin diirran baan, Kuu dirsanayaaye
75. Dowladdeennii gaadhsii adaa, Doorkan noo xulane
76. Dadka haw sinnaadaan u sheeg, Daaf kastaba yaalla
77. Ha la doorto kii daacadnimo, Raadin danaheenna
78. Iska diida kii aan dadnimo, Garannin dawgeeda
79. Dammaniyo dambiilaba ka jira, Wuu na dagayaaye
80. Danaystahiyo tuuggana ka jira, Wuu daldalayaaye
81. Duuflaal qabiiliya ka jira, waysku keen diriye
82. Ma damqadaha daallina ka jira, Waa na dilayaaye
83. Mid kastoo inoo daran ka jira, Daalyey shacabkiiye.

84. Afarta darkaan doortay iyo, Dalabkii maansood dheh
85. Dooduu dalkaygii qabiyo, lagama dayrshaan dheh
86. Dacwad furan dabuub gabaya iyo, Dux iyo miisaan.

3

87. Afar kale dantaa leeyihiyo, Kama dambaystii dheh
88. Xildhibaan dad dibad joogahoo, Daallan baan nahaye
89. Da’yartii ku dhalataa halkaan, Doorshay dhaqankiiye
90. Duqaydii qaboowbaa diloo, Duukho badankoode
91. Dumarkii dhibaatay qabaan, Ciil aan damahayne
92. Daltabyaan qabnaa guud ahaan, Doolna waa nahaye
93. Dalkoo nabada baan dhawraynaa, lagu dekaayaaye
94. Dadkoo wada jiraan dhawraynaa, Dawlad caadilahe
95. Dadweynahoo israacaan rabnaa, Doorashiyo guule
96. Isku duubni qaran baan rabaa, Kala dambantiiye
97. Khilaafkoo na daayaan rabnaa, Muran dagaaleede
98. Xeerkoo ah dabar baan rabnaa, Diidey ay jirine
99. Intey dunidu tahay baan rabnaye, Horumar daaweede
100. Garsoor diinta raacaan rabnaa, Caadil loo diraye
101. Ducafadoo la dhawraan rabnaa, Loona diirnaxo’e
102. Dumarkoo la dhawraan rabnaa, Cidi dureyne
103. Da’yartoo la dhawraan rabnaa, Doorna loo furo
104. Duqaydoo la dhawraan rabnaa, Oo daryeel hela
105. Dadkoo dhami wuxuu doonayaa, Dowlad daacada’e
106. Dalxoow Dowladeenii u sheeg, Waa farriin dirane
107. Duciyo wanaag baan wadnaa, Lagu dawoobaaye
108. Dadkoo mida dalkoo mida, dowladnimo taama
109. Dulmigiyo dagaalkoo ka baxa, Nabadi door gaadho
110. Allow daayin baad tahee dalee, Sharaftii aan duugney
111. Allow daayin baad tahee ajiib, Duciyo baaqeenna
112. Allow daayin baad tahee, Quwee dowladnimadeenna

Sharax Kooban.

1. Diraac waxaa widaageyga Bashiir M. Xersi
2. Jimcaale: Waa Abwaan Jimcaale Dhegataag AUN
3. Dalxa: Waa Prof Xildhibaan, Maxamed Cumar Dalxa.
Amminta: 18.10.2014
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN