Home Qoraallo Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 8aad

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 8aad

34
0
SHARE

Taariikhda Fekerka Cilmibaarista

Casharkii afaraad, shanaad, lixaad iyo toddobaad,  waxa aynu ku soo baranay fekerka cilmibaarista iyo falsafaddeeduba. Casharkan waxa aynu si kooban uga hadli doonaa taariikhda fekerka cilmibaarista. Socodkii dheeraa uu soo maray cilmiga aan ka baxsaneen moorada bini’aadamka waxaan ku matali lahaa sida webi socda oo kale, cilmiga maanta yaalla dunida reer galbeedka waa mid ay ka dhaxleyn, sidoo kale dib ugu laabanaya Giriigii hore. Qulqulka webiga cilmiga gaar ahaan falsafadda aqoonta lagu doonay, ee bilowgiisu ka yimid giriiga, dhabbadii webiga waxaa jidgooyo u dhigtay oo ka leexiyey Francis Bacon, waxa uuna furay dhabbo cusub si qulqulka webiga cilmiga u qaadaan dhabbada cusub. Ka hor inta uusan furin dhabbadaas cusub, waxaa jirtay waddo hore oo uu webiga cilmiga falsafadda ee cilmibaarista ku socotay, waana waddada loo yaqaano caqliyadda ama maantuska (Rationalism). Inkasta oo kobaca aqoonta sayniska waqti hore la diiwaan geliyey, haddana magacyada sida: saynis, saynisyahan iyo habka sayniska (Science, Scientist and Scientific Method) waxa ay soo shaac baxeen qarnigiii sagaal iyo tobanaad.     

Xilliyadii hore, markii uu bini’aadamku bilaabay isweyddiinta su’aal baarineedyo badan, aqoontu iyo fekerkuba waxay ahaayeen kuwa ku jaan go’an diin. Tani waxaa khilaafay faylasuufyadii Giriiga gaar ahaan Plato, Aristotle iyo Socrates, waxayna ku doodeyn in aqoonta la xiriirta ogaanshaha jiritaanka iyo dunida, lagu ogaan karo iyada oo loo marayo hannaan nidaamsan oo ku duldhisan maantus maangaleed (Rationalism). Waxay rumaysnaayeen in maantusku (Reason) yahay ilaha aqoonta, sidoo kale in wixii run ahna aan lagu jaan goon dareenka, balse dhiraandhirin maangaleed (Deductive).  

Qarnigii lix iyo tobanaad waxaa masraxa yimid feker liddi ku ah kii hore ee Plato, Aristotle iyo Socrates. Fekerkan cusub waxaa bilaabay Faylasuuf Francis Bacon (1561-1626) wuxuu ku dooday, in dhabnimada dunida aynu ku ogaan karno daawasho (Observation). Aqoontu wuxuu u arkay in tahay wax aan ka baxsaneen moorada daawashada, halka faylasuufyadii Giriiga ay u arkeen in tahay wax aan ka baxsaneen xayndaabka maangalka (Logic). Fekerkii Francis Bacon waxa uu si dadban dhidaba ugu aasaasay aragtida Alle diidnimada- Inkiridda rumaysashada ilmaqabata.

Maaddaama fekerkan cusub uu liddi ku yahay kii ka horeeyey, labaduba waxaa dhex maray khilaaf xooggan, oo u dhexeysay faylasuufyada kala taabacsan labada dhinac. Rene Descartes waxa uu la saftay Plato, Aristotle iyo Socrates halka John Locke iyo David Hume ay la safteyn Fransic Bacon.

Qarnigii siddeed iyo tobanaad, Immanuel Kant (1724-1804) oo ah faylasuuf reer Jarmal ah, wuxuu isku dayey in uu soo afjaro dooddii u dhexeysay labadii koox. Wuxuu ku dooday, in dareenku yahay mid ku dhisan daawashada (Observation) iyo maantuska (Reasoning) aysan kala fogeen. Si kale u dhig, labaduba in ay isku xiran yihiin. Isla fekraddan oo kale, waxaa soo jeediyey Faylasuuf Auguste Comte (1798-1857), wuxuu yiri aqoonta dhacda moorada maangalka, xaqiijinteeduna waxay dhacdaa moorada daawashada.

Qarnigii labaatanaad, masraxa akadeemiyada waxaa yimid fekerka tarjumidda (Inrerpretivism), kaas oo liddi ku ah kii Auguste Comte ee ahaa togannidda (Positivism). Bartii ay ka soo burqanaysay fekerkaas, wuxuu ahaa iskuul fekerka Jarmalka (German idealism school of thought), waxaana lagu aasaasay fekraddii Faylasuuf Immanuel Kant.

 

Wixii dheeraad ah, akhri buuggaagta hoose:

  1. Bhattacherjee, Anol, “Social Science Research: Principles, Methods, and Practices” (2012). USF Tampa Bay Open Access Textbooks. Pp. 7-8

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika