Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya
Qaybtii 4aad
Waxay ahayd habeen aan kusoo tala galay oo in badan aan is lahaa waa jaaniska aad Fowsiyo ugu sheegi karto in nolosheeda ay kaa soo dhamaatay.
Habeenkaas aniga ayaa ogaysiiyay oo ku iri fowsiyo caawa waan kuu imaanayaa waxaana doonayaa in aan wax badan kaala hadlo, si wanaagsan oo qanaaco iyo farxad ka muuqato ayey iiga aqbashay iyada oo ii sii raacisay guriga waa gurigaaga xilliga aad doontana waad imaan kartaa ma ahan in aad isoo ogaysiiso aniga xaaskaaga ayaan ahay xilli walba kuu diyaarsan una diyaarsan u khidmayntaada waqti walba.
Erayadaas ayaa laabtayda sii dilay waxa aan la damacsanahay oo u imaanayo iyo sida ay iila hadlayso maba isku dhigmayn gudaha ayuu eray walba ay dhahdo iiga dhacayay si ayuuna meel nabar ah oo aanan ogayn iiga danqinayay.
Markaan habeenkaas guriga imid si wanaagsan ayey iisoo dhaweysay iyada nafteeda waxaan ka dareemayay in ay damacsanayd in ay wax ii sheegto wax ay muddo badan qarsanaysay oo ka baddalay fowsiyada ay ahayd.
Waanu wada cashaynay waliba hal meel ayaan ku cashaynay, markii aan cashada dhamaysanay aniga oo gacanteeda sii qabanaya una soo dhawaanaya ayaan ku iri fowsiyo waxaan damacaanahay in aan wax kuu sheego.
Inta si fiican kursiga ugu fadhiisatay galaas caana ah oo markaas ay cabaysayna tartiib miiska u saaratay ayey igu tiri “maxaad rabtaa in aad ii sheegtid sharafow”.
Marka ay sidaa dhahayso isheeda qaabka ay uga galac siinayasay waxaan ka dareemayay in uu jiro xanuun ay kahanayso iyo wax badan oo dhibaya in ay jiraan.
Eegmadaas aan eegay wajigeeda iyo qaabka ay u muuqatay waxay meesha keentay in aan aqoon waayo qaab aan afkayga u kala furo laakin waan ku qasbanaa in aan u sheego wax walba oo dareemayo caawa xaalku sida uu doonaba ha noqdee.
Waxa aan damacsana ee markaa in aan u sheego aan rabay waa in aan kala tagno micnaha aan iska furo maadaama aan ka baqay in aan u caddaalad falo jacaylka aan jeclahay ubaxna uu iga sii fogeeyay la noolaanta Fowsiyo.
Si dagan ayaan mowduuca aan rabo miiska usoo saaray inta aanan ku dhawaaqin furriinka aan rabo ayaan dib u xusuusiyay heerka aan kasoo bilownay nolosha iyo heerka aan maanta taaganahay iyo waxa aan iyada ka tabanayay markaa.
Wax aan soo wado taariikhda, darbiya badan kasoo boodo, waddooyin qurxana u sameeyo damacayga ku aaddan furriinka aan markaas ka rabay xageeda iyo in ay iska key cafiso cuqdad badana ii qaadin ayaan markii dambe ku keenay ku dhawaqista aan rabo in aan ku dhawaaqo furiddeeda balse, kuma aanan dhawaaqin oo waxan rabay in aan marka hore eego jawaab celinteeda maadaama ay wax badan naga dhaxeeyeen.
Markii aan dhamaystay hadalkayga qaabka ay iigu jawaab celisay kama uusan muuqan xanaaq iyo murugo toona, balse waxay u muuqatay qof waa hore aqrisatay wajigayga waxna ka fahamtay qarda jeexa aan soo maray, waxaa’sa iiga muuqday kalsooni iyo daganaan badan, taas iyada oo ka faaiidaysanaysa ayey si dagan ii waydiisay hal su’aal oo ahayd, maxaad ii furaysaa?
La soco qaybta 5aad Axadda dambe insha allab
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Ekisyare@hotmail.com 

Xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN