FILANWAA Q8AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q8AAD 

Talo waa tii rabbi, laakiin Maxamed waxaa lagu qanciyay inuu isdajiyo, shucuurta dareenkiisana xakameeyo isla markaana si maskaxiyana qalbigiisa ugu qanciyo  in caashaqa uu calafku ka wayn yahay, maadaama gabadha uu jeclaa hadda ay tahay oori laqabo, arrintuna ayna lahayn wax ka qabasho, xalkuna sida ku wanaagsan yahay.

Balse Maxamed waxaa mahadho ku noqotay oo maankiisa maalin iyo habeen ka dhax guuxaysa sababta ay Canab uga qarisay guurkeeda, wuxuu isweydiiyay waa maxay cadaawada intaa le’eg.

Dhanka kale Canab ninki durba waa is dabeeco fahmi waayeen, waxaa la ogaaday in ninka waddanka loo keenay dhaqan celis, dambiyo badana uu ka galay waddankii magangalyada siiyay, xaalad wajiyo badan leh ayaa soo if baxday, maalin walba qaylo iyo muran ayaa ka dhax aloosan, sheekadooduna waxay noqotay I fur iyo ku furimaayo mar walba taagan. 

Dhibaatada Maxamed lasoo daristay mid la mida ayaa iyadana saamaysay, ninkan hadda qaba wax jacayla iyo kalsooni midna uma hayso, mararka qaar magaca Maxamed ayay ugu wacdaa, waxaa taa ka siidaran dhowr habeen oo kala duwan ayuu maqlay iyadoo ku qarweysa arrimo sira oo iyada iyo Maxamed ku saabsan.

Sayga Canab aad ayuu udhibsaday qofkan oorida u ah ee haddana ku qanacsanayn, xiliyo kala duwan ayuu weydiiyay bal inay xog ka siiso ninkan Maxamed la dhaho ee qalbiga xaday, iyaduna lama gabatee waxay ku dhahdaa, waa nolashaydii mustaqbalka waa qofka kaliya ah ee adduunyada guudkeeda ku sugan ee aan farxad iyo jacayl ka heli karo naftayduna ku kalsoontahay, waan rajaynayaa maalin ay noqotaba inaan noolasha la wadaagi doono.

Haddaladaas iyo kuwa kaloo ka siidaran, waxay quus iyo rajo beel ku sii abuureen ninka ay Canab wada joogaan oo awal naawilaayay inay isdabeeco fahmi doonaan.

Dabayaaqadii sanadka Imtixaankii iskuulka markii loo fadhiistay, nasiibdaro Maxamed wuu ku dhacay, waliba darajo hoose ayuu keenay, hooyadii way ogayd xaaladda wiilkeeda kama ayna nixin dhicitaanka imtixaanka, aad ayay ugu faraxday in wiilkeedu wali uu iskuulka xaadiro, isagoo marxaladan qalafsan ku jira.  

Xasan oo ka mida macalinmiinta Iskuulka ayaa aad ula yaabay xaaladda Maxamed, macalinku wuxuu isweydiiyay waxa Maxamed ku dhacay sababtoo ah wuxuu ku yaqaanay Maxamed  fahmo badan iyo dadaal dheeraada, sidaa darteed macalinku si uu xog dheeraada u helo wuxuu booqday xaafadda waxaa loo sheegay in Maxamed dhib ka soo gaaray gabar ay mudo dheer wada socdeen oo isagoo aad ujecel nin kale ka raacday.

Xidhitaanka iskuulka wixii ka dambeeyay, Maxamed nasasho badan ayuu helay, waxaana si tartiib tartiiba usoo laabtay xaaladiisa caafimaad, dhallinyaro badan oo asxaabtiisa ka mid ah, ayaa mar walba u sheekeeya oo mashquuliya si aanu u fikirin, mararka qaar garoonka kubbada cagta ayay u kaxeeyaan,  isagoon awood uu ku ciyaaro lahayn, haddana waa qasab in ciyaarta qayb laga siiyo, wallow shan daqiiqo ha ahaate,  sidaa ayuuna Maxamed  uga soo kabtay ugana badbaaday masiibadii iyo mowjadihii jacaylka ee ku habsaday. 

Sannadkii danbe iskuulkii markii la furay Maxamed umaba hanqaltaagin in uu ku laabto, oo gabi ahaanba halkaasuu waxbarasho idilkeed ku dhaafay, isagoo u nisbeeyay in uuna diyaar u ahayn in uu dib usoo gocdo wixii dhaxmaray isaga iyo Canab, sababta oo ah iskuulku waa madashii barashadoodu ka bilaamatay jacaylkuna ka unkamay.

Waa iska xaal adduun oo subax noolba waa cayn, Canab iyo Seygeedii ilaa maalintii gurigooda seeska loo dhidbay, iyo maanta oo muddo laga joogo, khilaaf  iyo qaylo joogta ah ayay ku wada noolaayeen, ilaa ugu dambayntii arrintu cirka ayay isku shareertay oo ay  gaadhay odaayaashi reerka ee awalba madaxa isku galiyay, labada qof ee aan aqoon durugsan isku lahayn. 

Inkastoo markii hore Canab aabbaheed rajo weyn ka qabay in ninkani gabadha uu dhoofin doono, maadaama uu dibadda ka yimid, laakiin mala awaalka caynkaasa, xogtiisa oo dhaba ayaa soo ifbaxday.

Odaygu wuxuu maqlay in ninkan dalka loo keenay dhaqan celis, islamarkaana gabadhii ay is fahmi la yihiin, sidaa darteed sheekadu way isbadashay,

Dhowr jeer oo hore oo ayay  Canab soo duday oo ay guriga hooyadeed timid,  balse aabbaheed oo xagga ninka uheelanaa ayaa intuu gacanta qabto durba ku celin jiray aqalkeedii, laakiin maanta xaaladdu  sidii hore way ka duwantahay oo war jiraaba cakaaruu iman!.

Canab hooyadeed ayaa odaygii si aan qarsoodi lahayn ugu tidhi: “Awalba adigaa gabadhayda u guuriyay nin qurbe laga soo masaafuriyay, waan ogahay shilimo lacaga ayaad ugu xilatay, waan dareemaysaa xaqiiqda ayaad iska indho tiraysaa, waad ka war haysa ninkan maalin walba gabadhayda wuu dilaa, waxaan kaa codsanayaa inaad gabadha warqadeeda uga soo qaado, haddii kale xoog ayaa looga furri, wixii halkaa ka dhacana adigaa ka masuula”.

Xaaladdii meel xun ayay gaadhay, odayaal labada dhinac ayaa is arkay, falanqayn badan kaddib, waxaa laysku af gartay in gabadha iyo wiilka la kala diro (laka lafuro),  sidaa ayaa lagu hishiiyay, ka bacdi Axmed ayaa loo yeedhay, isna wuu aqbalay hadalka odayaasha, maadama uu ogyahay xaaladda guriga ka jirta  oo ah mid maalin walba buuq iyo dagaal joogta ah, sidaa ayaana lagu kala fasaxay.

Markii la ogaysiiyay Canab inay madax bannaantahay, mushxarad iyo alalaas ayay afka furatay,aad ayay ugu faraxday warkaas, jacayl ragaaday iyo rajo mar hore dhimatay ayaa qalbigeeda ku soo dhacday, waxayna go’aansatay inay dib usoo noolayso kalgacaylkii qiimaha badnaa ee kala dhaxeeyay Maxamed, waxay durba ku fikirtay inay boodhka ka jafto riyadeedii ay muddada dheer naawilaysay, iyadoo og in waqti badan ka lumay, waxbadana isbadaleen, haddana waxaa la qummanaatay inay sidaa yeesho. 

La soco qaybaha dambe…….

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse 

Yaasiinxm114@gmail.com

 

SHEEKOOYIN