Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q5AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q5AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

 

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q5AAD.”

Toxoboow wuxuu muuqsaday inaan beriga Toxobeey diyaar u ahayn, inay sheegto cidda ay tahay, la ye: “qofta kasheeda wixii ku jira korkeedaa laga kasaaye” Toxoboow waxaa u caddaatay inaan is barasho ka bidhaameyn dhabanka Toxobeey, inuu sii wayddiiya na waa kahdey maadaama uu dhowr jeer hore u weyddiiyey, iya-na aysan si toos ah u sheegin. xogaa ayaa la ka la shibbanaadey, nafaf isu hilow qaba isu na ooman kala ma aamusi karaan’e Toxobeey ayaa dareentay in gartu ku go’antahay, laanta geedku-na xaggeeda u liicdey, dhiggeedu-na qadiin (50) leeyahay. Markaas ayay billaawday inay uga sheekayso noloshii dheereyd iyo dhibkii ay soo martey iyo sababta ay dhabbigaan cidlada ah kaligeed u door biddey inay afka saarto, iyadoo aanay jirin cid wehel iyo wadeec u ah, oo aysan haysan garab iyo gerger. Waxay se Toxoboow uga afeefatey, inuu ka raalli ahaado haddii uu la calool xummoodo dhibka soo gaaray ee ay ka qisoonayso, halkaas-na waxay ka billaadey noloshii dheereyd ee dhibka iyo diifta laheyd.

Waxay sheekadii ku billaawdey, waxaan dhashay: “Gugii Isniinaad” ee afar gu’ ka dambeeyay “Gugii Khamiis kala haad. Gugii Khamiis kala haad wuxuu ahaa Gu’ dad iyo doonyaba gablameen, oo harraad iyo oon dadkii u le’deen, duunyadii-na cows iyo calyo la’aan u gabraarteen, iyadoo waayahaas dhibka badan lagu jiro, xilligu-na kal-dambeed yahay oo la bilkeediyay in xilligii roobku di’i jirey la gaaray, geeduhu na fiixeen sida: Huyunka, Raydabka, iyo dhammaan geedaha cagaara amminka Roobku soo dhaw yahay, Diiranku wuxuu billaabaa foori habeenki, Dhebeddu waxay billaawdaa, dhii’da iyo dhalawda, Jibinta meelaha fog-fog ka qarxaysa jugteeda laga maqlayo ee dadku leeyihiin gaalo jabtay ku dhac, “Runtu-se tahay inay ku dhacayso ciidamo Shayaaddiin ah oo tiro badan sida Qur’aanka lagu sheegay.

Iyadoo amminkaas Roob filshada ah lagu jiro ayaa waxaa is la baxsadey ama is la hayaamey Hooyadeed Dhuubo dhiblaawe Qaydar (51) iyo Aabbaheed Dhaqane Kediye Koba-naar. Waxay ku guuleesteen inay isa soo marahsadaan. Markii ay goobtii sheekhu ku noolaa oo safar dheer loo galay ka soo laabteen, dhulku na kan aan maanta ku socdaalayno, ka halis iyo hoog badan yahay, oo baahalaha ku cunaya, waxaa ka darnaa Aadane ku dilaya, colaaddu waxay ahayd mid ka mid ah nolosha dadka qof-ba qofta ay ka xoog wayn-tahay ayay reebaysay, qola-ba qolada ay ka tabar roontahay ayay xoolaha ka gaddooneysay. Sidaa aawgeed Tawlkeey (52) iyagoo soo gurya noqonaya dhowr habeenna jid-yaal (53) soo ahaa. Nin iyo xaaskiis dhar umma dhaxeyo’e ay soo dhaqmaadayeen, ayaa waxaa helay Aar Libaax oo kali socod ah baahi daranna hayso, iyagoo caddaan aleelo (54) ah ku dheelmanaya, meel la yiraahdo “Caad-Yoon” oo Waraabe iyo Libaax dad qaad ah looga guuray, sidaas ayaa-na aabbahey Dhaqane Kediye Koba-Naar ku dhintey, Libaaxii hanaqa ayuu abley ka geliyay Aabbahay-na madaxa ayuu ka afka ka la helay labadoodi-na waa isku ag ruuxeen. HOOYADEY oo berkaagsan ayaa inta kudday oo naxtintii la hardaftay heshay geed Lebay ah oo wax ka dherer badan dusha-na uga taxaabtay, halkaas ayay uga bad-baadday Waraabayaal badan oo cargaagga Libaaxa iyo cabaadkii Aabbahey ka baxayay soo dheg raacay, iyadoo geedki dushiisa saaran seddax aqoolood, ayaa subixii labaad waxaa ku yimid dhabbigii ay Hooyadey geedka ka saarneyd, niman safar ah oo ka daba yimid una safraya halkii ay u socdeen Hooyo iyo Aabbe sidaas ayay ku soo bad-baadiyeen, iyadoo geed dheer oo Lebay ah kor saaran, goobtii Aabbahey lagu cunay meel aan ka fogeyn.”

Nimankii Safarka ahaa ee Hooyadey soo badbaadiyay ma arkin Aabbahey raqdiisi iyo ruuxiisi ba. Waxay se goobtii ugu yimaadeen dhowr lafood oo kala kaan ah oo meesha yaalla, laga na dareemayo inay ku jiraan lafa baahalaad iyo lafo bili-Aadam. Wax ay ku dhiirra karaan si ay u xawaalaanna waa waayeen, Waxaa se caddeyn u noqotey oo ay goobtii ka soo qaadeen, labadii go’ ee uu hugi ahaan u heysatay iyo qalabkii uu isku difaacayay oo nooc walbaba lahaa, sida: Waran, middi shananabo (55) ah, dhool-gaad, gaashaan iyo ul hareeri ah. Qalabki iyo Hooyadey ayaa ciddii loo keenay, reerkii Abbahey ka dhashay sidaas ayay ku qanceen. Qabiilooyinka hadii nin ka mid ah qabiil kale dilo waa laysku garab iyo gacal beeli jiray, geeridu na waxay ahaan jirtey mid si joogto ah laysugu ba’o. Laakin haddii Asuud cuno waa laga sabri jirey iyadoon cid-na loo ciqaabin, arrimahaasu waxay ka mid ahaayeen dabeecadda lays-ka dhaxlo ee soo jireen-ka ah. Markii la soo geeddi geliyay, Hooyadeey oo hereg iyo laf noqotey cabsi darteed, ayaa waxaa ku dhacey miidaan gaddoon, maskax furan ah. Waayuhu waxay is ged-geddiyaan ba hooyadey waxay la dhul dhacdey heestimo iyo wallac, Waxaa na Ilaahay qaaddaray in aan caloosha Hooyadey dilan ku ahaado, muddo dheer, oo amminkii laygu talogalay aanan ku dhalan. Halkaas na shaki badan galo labadii reer ee kuwa na Hooyadey dhaleen, kuwa na Aabbahey dhaleen.”

Halkaas waxaa loo qaatey in Hooyadey siddo uur bilaa Nikaax ah, dadkii hooyadeed reedeheeda joogay, qaar waxay ku qanceen, inay tahay qaddar Eebbe uur-jiifku na ammin dheer caloosha ku noolaan karo, haddii Eebbe amro, qaar na waxay is tuseen, maadaama geeridii aabbahey lagu sheegay iyo markii araggiisa heer ugu dambeysay laga joogo, dhowr gu’ intaas oo sano-na dadkii ehelka ahaa way rummeysan waayeen. Markii aan ifka imid ayaa hooyadey umul raacatey. Anna waxaa goobtii iga qaaddey abootateed Roobo Ratiwaal Rarane. Abootadey Roobo waxay dhabarka u ridatey inay i barbaariso, dadkii ay dhashay oo aad u tira badnaa waxay ku qasabtey inay i gacan qabtaan ama ay habaar u laba-labayn doonto. Hooyadeey walaalaheed badankood, waxay ii haysteen inaan Ilma duur ahay, oo anan Aabbe laheyn. Mar waxaa dhacdey in ay talo gorfeeyeen dhowr Wiil oo aad u kibir badnaa, ku na anadacoodey inay asaaggood la kaftami waayen, oo markii ay hadal yiraahdaan ba lagu dhahayo, walaashiin ayaa wacal dhashay asaad warramaysiin. Sidaa darteed, waxay go’aan ku gaareen, inay habeenki markii abooto Roobo seexato layga takhalluso, oo waran gaaddaha layga geliyo. Ka dibna ay saan gataan, markii waagu beryo na dhinacooda ka galaan, baadi gooba loogu jiro, wixii i dilay. Laakin aniga oo geedehayga wax ka dhinnaayeen, caleentaydu na ay san soo dhicin, darteed, waan ka fakaday jariimadaas.

Warki ayaa Abootadey Roobo soo gaaray, iya na aad ayay u dhiifooneyd wiilasha-na waa ka dareen qabtey qaab darradooda. Waxay ahaayeen (3) seddax wiil oo maara looga waayay gaddooshada geel Islaameed, haamankooda gocoyada, waxaa ka buuxi jirey geel ay ninkii lahaa soo gowraceen, ma na ahayn niman ka naxaya daadinta dhiig bili-Aadam iyo duurjoog-ba. Qumba-yaasha magaarka xoolaad ka sameysan, waxaa ka tifqi jirey, kuris laga shiiley geel la la soo saantirtey, iyo mid la soo maroojiyey inta ba. Abootadey Roobo oo sharwadayaasha ay dhashay dhibkooda ogeyd, waxay u jeexday shax cajiib ah, waxay sameeyay dhambashii aan ku seexan jiray ee kaabiga lahayd, ayay degeb wayn inta goof maantoo tacab deeyay kasoo ruqsatey u dhex gelisay. Aniga na waab ay seexan jirtey ayay i gaysay, dhab Jeexgogol (56) ah-na waa igu hujisay. Wiilashii iyagoo warma leh ayay saqdii dhexe yimaadeen, Waxaa ugu soo hormaray: Geelqaad Dhiblaawe oo ahaa kan ugu da’ weynaa seddexda wiil ee ii tashadey, la na wada dhashey Hooyaday, waxaa dhinaca bixid uga beegnaa Dhulmadaare Dhiblaawe oo ka lug dambeeyay, waxaa dhinaca kale ee midig ku soo abbaarnaa, Koba-geed Dhiblaawe, oo aan arrinka ku haliilin, balse dheg-xumada ceebeed ee uu ka dhaxlo dhiggisiisa kaftan wadaagga ay dhibayso, dabaadi ayuu ahaa oo meel kabbuu jirta dhowr tillaabo soo fiqiifayey. Geelqaad Dhiblaawe oo dhararsan ciil-na car-car la ah, ayaa Warankii inta labada gacan ku qabsadey oo sacabbada ka buuxsadey, intii xooggii ah, dhabtii DEGEBKU ku dhex jiray ku dhiftey. Eebbehey asaan daacad moogiye, wixii duluna kaalmeyn’e, ushii Waranka ee uu xooggiisa oo xisaab la’aan ah DEGEBKA ugu dhiftey inta la sibxatay ayaa jinfadii Waranka halboolaha ka gashay, dhinaca kale na dhuuntiisa uga baxday. Koba-geed Dhiblaawe oo tafya ka naxay ayaa, Warankii uu haystey soo genay, asuu kalxinta inta galiyey, Dhulmadaare Dhiblaawe ayuu kalxinta kale dadab-dadab uga bixiyey, illeyn Koba-geed wuxuu ahaa igaar xoog weyne ah markiisi hore na xidigga Garbo ku dhashay’e. Goobtii-na waxaa ku ruux baxay laba wiil oo Abootadey Roobo Ratiwaal Rarane dhashey.

Goobtii waxaa ka dhashay ba’ayaysi, halkii wax yar hor la farxsanaa, waxaa yimid mugdi iyo geeri, waabtii Abootadey ku jirtey iyo aqalkii dugaallada weynaa, ardaagii, wareegsanaa iyo qaarkii yaraa ee dhacanta lahaa, ee Abootadey, waxaa gees walba ka soo fuuley, Guumeys-yo aan la garanayn cidda u wax-yootay, waxaa gurigii ku kor haadey gariir madoobe habiin haadaya, waxaa afarta jiho iyo afarta jow-qanaf (57) ka qeyliyay Eri guul, waxaa qaarka iriddiisa soo dhoobtey Jaawiil-Garabey. Waxaa cilla-dhaamisey xiita-xiitadii, Dhebeddii ayaa dhii’leysay. Gooftii salaxyada aheyd, beerihii yaambadu ku dambeysay, geedihii yacayga ahaa ee guriga reedihiisa ku yiil ee xaaja gudadka maalmeed iyo dembi baarista lagu la gamban jirey, dhammaan waxaa fuulay daruuro mugdi ah oo aan isha farta la la helin. Toddobadii habar yaduun ayaa tubta soo tixan, Shayaaddiintii arrinta tala bixinteeda lahaa ayaa geesaha jooga iyagoo gows dambeedka ka qoslaya. Jinniyadii waaweynaa ee Soomaalida dhibi jirey ayaa soo joogsadey, waa: salool iyo sanuun’e, boqorkii Jinniga ee Soomaalidu wada tiqiin “Cirfiid” ayaa hoogga meeha ka dhacaya usoo dhoolla caddeynaya, waligiis-ba wuxuu usoo neefsi doontaa goobaha lagu habaarramo iyo meelaha Aadanuhu isku hiifo, wuxuu dhegta u sii raaricinayaa ba’ayaysiga iyo baroorta ka baxaysa deriska hurda ka soo kaagacay, wuxuu sugayaa habaarka meesha ka baxaya iyo cidda uu haleelayo, si uu saaxib waalliyeed ula noqdo, u na dhaansado. La ye: “Il-Insi meehey gashaa Il-Jinni ka da ba gashaa’e.” Cirfiid wuxuu sugayaa inta habaarku ka waafaqayo halka wiil ee soo haray abooto Roobo, waa Koba-geed’e.

Toxobeey oo sheekadii qabshaaxaysa, ayaa indhaha ka qaadday, Toxoboow, oo cunuhu go’anyihiin, candhuuf bilaa dheecaan ah-na yug siinaya, asigoo dhuun-yeerinaya (58) oo laameersan. Toxoboow waa nin gobeed aan u dul qaada karin, rag u ekaha Dumarka dhabaqada iyo dhibka gaarsiiya, waa geed dhasiiq (59) ah oo haddii uu arko dulmi aan u dulqaada karin. Hadda ka hor iyadoo la joog goob caways ayaa waxaa goobtii yimid, wiil la yiraa Ceejiye, oo intuu dulmi ka gaaray ninkii uu ka dareemo tabar darraan ceejo nab ku leh. Toxoboow oo ninkaa maqalkiisa qabay ayaa arkay ninkii oo goobta soo gelaya dadku na leeyihiin waa Ceejiye ee ka sikada goobta ha soo galo’e. Toxoboow oo dhasiiqnimadiisu xadka dhaaftay, Ceejiye ayuu indha birtooda ugu shubay bahal dharbaaxsho ah, Ceejiya-na waa indho madoobaadey, markii uu soo naaxey ayuu dagaal u hilhishay, waa se la kala qabtey, markii gartoodi la galay ayuu Ceejiye yiri: ninku muxuu igu dilay waligeyba ma arkin’e?’ Toxoboow ayaa Raggii u soo jeesteen, ku na yiraahdeen; ninka maxaad ku dishay? Sow ku jawaabay: “Dulmiyaan ka dilay.” Toxobeey waxay dareentay inuu hawada ka baxay ciil daraaddiis, waxay ba aragtay asigoo mindidi haaliqatada ahayd soo wareegsanaya. Gacanteey bogga ka saartey ugu na laab qaboojisay, hadal koban, ku na tiri: dhibka lay-soo marsiiyey kow ma joogo, oo dhacdadu waa dheer tahay, laakin waxaad ku raalli ahaataa inaan maanta garabkaaga joogo anigoon kaa xoog yareyn, marka saan hiiro gadaal loo ma qaado’e qisada iga dhuux inta aan kaaga dhammeynayo.” Toxoboow dhulka ayuu u soo dhawaadey waa na qaboobey, waxaa ba ku filneyd gacantii Toxobeey ee bogga laga saarey iyo gacalnimadii indhaheeda ka muuqdey. Toxobeey se halkaa ugu ma harin’e inta aysan sheekada ubucdeeda u dhicin ayay gabay afarrey ah ku dhaashatey, oo tiri:

Inow jiilba jiil xigay naflaha, joogistiyo waaga
Jiritaanka Dunidaa ku bari, qisas jawaabtiiye
Joogaha wacyiga kaan la socon, jaaqle ku abaadye
Jihadaya qiblada loo tukado, waajib iyo jaa’is
Ninba meeshow joogoow abbaar, jaaha mariyaa’e
Jid qureeta inaan lagu immaan, jaahil yow mariya
Jirac duullan iyo dhuurridiyo, toban jarraaqaahu
Jilbis iyo abees la lama simo, jeer qanniinyada’e
Nin jadbaysan yow sheega waa joogahaas maqane.”
                      (X.A.C. Abaaji).

Toxobeey waxay u baastay mar na ku baar-qaboojisey, afarreydaas gabayga ah oo ay ugu sheegayso in wax wal ba laga yimid dhib iyo rafaad na ay ka waynaatey. Mar kale ayay uga digtey inuusan ka anfariirin dhacdooyinka amankaagga iyo aragagaxa leh ee ay uga sheekeyn doonto. Waxay tiri: waxaan rabaa inaad ogaato sababta dhabbigaan cidlaa igu soo dhigtey kaligey, sidaa aawgeed yaan dulmi-diidnimo ku qaadin. Toxoboow oo garaawsadey inuu meel cidlaa ka umashooday, ayaa ceemaddiisi (60) dabajulqdu (61) ku jirtay ee durufka (62) ahayd asigoo heellan (63), inta himishadey socodkii-na sii labalixaadsaday (64), ku yiri: ii wad sheekada ha na iga harin oo soo tallaaba dheerey. Markaas ayay iyadoo ka daba saanboobeysa dhacdooyinka u kala dhig-dhigtey.”

  • Sharraxaadda Erayada:
  • (50) QADIIN: Fool aan faraxsaneyn, oo tiiraanyo dareemaya.
    (51) QAYDAR: Waa magac Soomaaalidi hore wiilasha ula bixi jirteen, hadda se waxaa lagu beddelay oo booskiisi buuxiyay magaca; Xaydar. Waxaa kaloo asalka magacaas laga keenay geed la yiraa: Qaydar, oo aan ku badneyn dhulkeenna, waa na halkaas asalka magacu.
    (52) TAWL: Waxaa loo aqoon jirey waalidka inta aan erayga waalid ee Carabiga ahi immaan ayaa Tawl la adeegsan jirey. Dhanka kale waa asalka iyo isirka tolnimada halka laga soo minguuriyey, sidaa darteed “TOL” asalkiisu waa “TAWL”
    (53) JID-YAAL: ammin badan socdaalaya, guuraynaya, safraya oo dhul dheer u sii gaabba-guullaynaya.
    (54) ALEELO: marka bishu tahay ku bax sida: 13, 14, ilaa 15, habiinnada iftiinka bishu ugu caddaan badan yahay, cirku-na uusan caad ku dahaaran laheyn.
    (55) SHANA-NABO: waxaa loo aqoon jirey; Ablayda ama toorrayda dadkii hore xira jireen, midda hadda la xirto aad ayay uga wayneed, ballac iyo dherer-ba, gees dheer-na way lahayd.
    (56) JEEXGOGOL: Waa dhambal weyn oo laba salli la’eg hore iyo gadaal-na KAABI ku leh. Salliga falkadu wuxuu ku egyahay sagaal ilaa toban iyo labo falko, dhambasha JEEXGOGOLKU-NA waxay ka billaabataa Soddon ilaa afartan falko, markaas ayaa JEEXGOGOL la yiraahdaa.
    (57) JOW-QANAF: waxaa loo aqoon jirey meelaha laabadka ah. Eraygaas waxaa beddelay; “Jiiro” iyo “kuurbo” oo Talyaani ah, “koona” oo Ingiriis ah. Erayga soomaaliga ah se waa “Jow-qanaf” oo ammin hore ah, laabad, Luuq iyo xagal oo iya-na dib ka naaxis ah laakin Soomaali dhalada ah. Waxaa kale oo lagu magacaabaa afarta jiho laabadkooda, sida; koofur bari, waqooyi galbeed IWM.”
    (58) DHUUN-YEERIS: waa shaqar la maqlo, marka geela la bireeyo, halka dadku markuu nafbaxayo seddex jeer ka hingoodo, xooluhu waa ka dhuun-yeeriyaan. Waxaa la mid ah marka qofku xanaaqo ee cunuhu ciil dartiis, la goo-go’aan candhuufta beenta ah ee uu liqo, dadka ka agdhaw-na ay maqlayaan markuu qofku dhunxinayo.
    (59) DHASIIQ: waxaa loo yaqaan qofka dulmiga neceb iyo qofka dulmilowgaa labada ba. Goballadu se waa ku kala geddisan yihiin, oo Erayga DHASIIQ qaar baa u yaqaan qofka aan wax bixin ee gacanta adag, “Bakhayl”
    (60) CEEMAD: joonyad ama jawaan/juuni afka wax yar oo gunud ah uga xiran yihiin.
    (61) DABA-JULUQ: raashin yar oo jawaanka, kiiska, ama kolayga salkiisa ku hara.
    (62) DURUF: wax maran sida jawaan ama kolay.
    (63) HEELLAN: Diyaar ah socod u xir-xirtey.
    (64) LABA-LIXAADSI: intii uu awood leeyahay in qofku socdo. Sida qof meel tiigsanaya degdegaya.”

La soco qaybaha xiga.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE