Home Qoraallo “Ergadii aamusnayd.” W/Q: Bile Cabdi Maxamed

“Ergadii aamusnayd.” W/Q: Bile Cabdi Maxamed

1
SHARE

“Ergadii aamusnayd.” W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Amminku is rogrogi ogaa, Dunidu waa geeddi aan joogsi lahayn oo rafaad iyo raaxo, xasuus iyo xanuun, guul iyo guuldarro, geeri iyo nolol midba habeen ku gaaf wareegaysa. Subax ba weji iyo waayo cusub ayay la waabariisataa. Halkaan markaan marayay ayaa tallaab rogi waayay sidii Aar gammuun wadnaha lagu gooyay. Waxaan gartay in ay jirto awood i celinaysa oo doonaysa inaan la hadlo. Waxaan aqoonsaday dhismahaan qarraabka noqday in uu yahay jannadii cagaarnayd oo ay ka soo bixi jireen dhawaqyada macaan ee nolosha milaxa iyo muunadda ku lari jiray (Golihii Murtida iyo Madaddaaladda).

Hoygaan: Abwaannadii, Fannaaniintii, Jilayaashii, muyuusiglaydii iyo dhammaan dadkii ku noolaa waxay ahaayeen dad la falgalay ruuxda san-ku neeflaha koonka saaran. Waxay ahaayeen dad naxariis, jacayl, kalgacayl, damqasho, waddaniyad, aqoon, dhimrin iyo dhixirwanaag inta-ba Ilaahay qalbiyadooda buux dhaafiyay. Dad iyo duunya ba waxay ahaayeen rag af fahmaya oo u hadla la na hadla ka na hadla dhib iyo dheef waxay ku nool yihiin. Annagu haddaan nahay Geela — meesinada Soomaalidu dhaqato kan ugu milgaha iyo manfaca badan. Hal-doorradaas codadkooda quruxda badan iyo murtidooda qaayaha weyni waxay ahayd mid aan ku laab qabaawsanno annagoo dhex mushaaxayna kaymaha doogga iyo ugbaadka leh ee dalkeenna. Ma jirin hees ama gabay ay sameeyaan oo uu san ku jirin magaceenna ama marxaladeenna nololeed. Markaan sidaa u jalleeco dhismahaan taariikhda weyn waxaa dhegtayda ku soo dhacaya nin aad u cod macaan oo aad mooddo inuu ii gacan haatinayo oo ku heesaya:

  • Sida jaawa geeloo
    Jiilaal abaariyo
    Jeel iyo harraad helay
    Xalay jeleledkaygii
    jaarkaa ku toosoo
    kaa jiifi waayoo
    adigu-na majoogtide
    Ma waxaad isoo jirin
    markaan iilka jiifsado
    ee jahada lay dhigo.

Markaasaa meel aan joogo garan waayaa xasuus baan la ilmeeyaa. Dhanka kale fiiri baan is iraahdaa, mise waxaa i dhufsada cod kii hore ka sii luuq macaan oo ku haasaawaya:

  • Sida ayra geeloo
    Oomane ku raagtoo
    Hara illanka jooggiyo
    Deegaan arkaysoo
    La aroori waayaan
    Uu gaabaayayoo
    Uurkaa ku tabayee.

Saa hada na waan sii beercaddaaday meel aan u dhaqaaqo ayaan garan waayay, xasuustaa dhimbilo dab ah igu noqotay waxaan hada na gucday, Gabaygii Cabdi Galayax (AUN):

  • Geelii dir showrood ahaa degelka loo qaadye
    Dugaag iyo finbaa kala jabsaday dalawadiisiiye
    Xaggeebaa dareen kaga jiraa dunida waa yaabe.

Mar kale-na wuxuu yiri:

Caanaha qiyaas laga lisiyo qoran karuurkeeda
Ayuunbaa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye
Qandha iyo kulayl laguma oga qabata meel baase
Qabsinkiyo calooshoo dhanbay qaras u diidaane
Inkastoo qasnado looga furo qadana loo yeelo
Magaalada ma qaayibo ninkay qaawo korisaaye
Qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi laysiiyo
Qaddac subaga weel lagu daroo qiiqu ololaayo
Qalbiga waxawga sii roon inaan dhay qur-quriyaaye
Kol haddaan malkuhu ii qotomin qulubtay laabtiiye
Qisa nimaan lahayn baan ogayn qiimahay tahaye.

Tiyaatarkii qaranka Soomaaliyeed ee beri ahaan jirey, ubucda iyo laf-dhabarka hanuunintii bulshada Soomaaliyeed, iyo tiirkii asaa-siga ahaa ee dowladnimada lagu naas-nuujij jirey, ma mudnayn in sidaan looga abaal dhoco. Ma mudnayn inuu noqdo, qashin qub. Ma na mudnayn inuu ahaado meel ariga, geela, iyo bisaduhu harsadaan.” Qarankii Soomaaliyeed inuu dumay waxaa kuu caddeynayaa, meelihii oollimaadka dhaqanka iyo suugaanta dhuuxa u ahayd ayaa sidaan u e kaatey, ee halkee ku jiraan, meelihii kale ee iya-na muhiimadda u lahaa bulshada Soomaaliyeed sida Garoonkii ciyaaraha ee Muqdisho, (Muqdisho Istaadiyam). La ye:

“Wixi daata dabadooda waa lagu dadaalaa’e”

Waa inaan si guud iyo si gaar ah-ba uga qayb qaadannaa Dhisitaanka iyo nadiifinta golihii ubaxa iyo abwaannada Soomaaliyeed. Run ahaantii markii aad dareen fog ku daawat, hareeraha golihii fanka iyo fooxsiga, jirkaagu waa dubaaxinayaa. Waa halkii abwaanku ka lahaa:

Gablan talo adduunyoy maxaad galabba heer joogtey!!

Qaalintaa geel ee ugubka ah waxay tiri: Aawayeen ninkii sidaa noogu heesayay ee jacaylka uu u hayo gabadha uu tebay ku lammaaniyay aqoonta iyo kalgacalka uu ii qabo. Wuxuu ku xanuunsan yahay Xamar cid warka haysa malahan, hadday awooddayda ahaan lahayd xariir baan u gogli lahaa laakin wax ba ugu ma aallo, anigu ba waan dayacanahay waa anigaa derbiyada magaalada dhex wareegaya.” Fankii qiimaha lahaa ma sidaa ayuu ku galbaday mise toloow maalin kale ayuu soo laaban doonaa oo laga hirqan doonaa? Waxaan maqlay in Abwaan da’yar oo Ehlu suugaan ah haatan madax looga dhigay soo cellinta noloshaa duugoowday tolow ma noqon doonaa halyeey lagu diirsado oo dib u soo fufiya fankiyo suugaantii boorku qariyay?” Kuwa maalmahaan fankii joogga ka riday tolow ma ka qaban doonaa oo fanka ma u hiilli doonaa?’ Aniga ayaa ku caawinaya hal mar ma naga aamusin doonaa yar-yarka fanka qaylada iyo is qurxinta mooday? Waxaan maqli jiray fannaan hore oo la oran jiray Maxamad Cabdi Wahaab ayaa yiri: Waxaa jira fannaan fanka ka faa’iida (hanti ka sameeya) iyo fannaan fanku ka faa’iido (hormariya). Kuwa hadda soo baxay hal iyo la ba ma’ahane inta kale waa dhaqaalo iyo dhuuni raadis fankeennii ka dhigay suuq madoow.

Howraar horaa tiri:

“Fanku waa nolol, noloshu na waa uun nolol, laakiin fanka noloshu waxaa inaad ku noolaato nolol fan la jiro.”

W/Q: Bile Cabdi Maxamed. “DAREEN HADAL.”

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.