Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q9AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q9AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magiciisa waxaa la yiraahdaa: “Ibliis” waxaa na tiriyay: Abwaan Cabdulle Axmed Maxamuud (Cabdulle Geedanaar) wuxuu ummadda ugu tilmaamayaa dhibaata uu leeyahay “IBLIISKU” Shayddaanku waa cadaw soo jireen ah oo ka sii hor jiray inta aan Eebbe uumin Nabi Aadam oo ah aabbihii basharka Insiga. Laashin Cabdulle Geedanaar, wuxuu bulshada uga digayaa dhibaatada uu leeyahay Shayddaanku. Wuxuu wax ka bidhaaminayaa wadiiqooyinka tirada badan ee uu qofka ka soo weeraro. Waa guurow dhan walba loo qaadaan karo, mar waa wacdi iyo digniin, mar waa ka fiirsasho iyo ka baaran degid, cadawgaas soo jireenka ah, mar na wuxuu noo sheegayaa dhabbiga uu noo soo maro iyo siduu u farxayo markii u jar naga tuuro ee uu haadaan naga rido. Guurowgii laashinku ku qaadaa dhigay dhibaatada “Ibliiska” wuxuu u dhacay sidaan ee ka bogasho wacan:

1. Layga-na aqoon badan dadku na, iga il dheer garadsan
2. Waaya arag ayaansaday ma ihi, ee aqliya dheere
3. Adduunyada war uma haayo, iyo afafka aajnabiye
4. Jaamacad Islaam iyo mid Gaal, maarag abadkeeye
5. Ayu nuuc dugsi-ba layma geyn, ewel horraantiiye
6. Afar goof dhexdoodaan ku koray, falay awoowgeeye
7. Ula jeeddadeydu-na waqtiga, aragtidii waayee.

8. Abuurkaya quraanyada dhammaan, uunka hoo soo dhan
9. Maroodiga ilkaha wayn leh ama, Aar iyo Nibiri
10. Uuleey iyo Shabeel iyo Dhurwaay, habar usuudoo dhan
11. Isjin kala yar Ariyoo ku xiga, iyo ugaar doorka
12. Islaamka iyo gaalada dhammaan, magaca Aadanaha
13. Orraxda iyo bisha urta iyo, aarriyada buubta
14. Arladaya Samada geedahaya, aaramada Roobka
15. Ilaahay asaa oontayoon, axad-na moogayn’e
16. Idinna uma qabyaa ruux inow, ruux addoonsado
17. Cid-na la oggolaa maa cid kale, inay afdoobtaaye
18. Edeb xumina waa wixi Ibliis, hor ugu eedoobay
19. Asigoo inkiray Aadanoo, dhooba laga uumee.

20. Adduunyada billaawgeede hore, Aadan iyo Xaawo
21. Iyo saacaddaad aragtay ee, seminu aakhiriya
22. Intaasaa Ibliis iyo Islaam, is ahligaayeene
23. Qaarbow adeegsaday dulligu, waa in kaar qabaye
24. Ololohow dhigaayaa ka badan, howlaha adduune
25. Infiitooyinow dhiibayaa, eberohoo liita
26. Oon adduunya aakhiro midna-na, lagu arwaaxsaynin
27. Ilaahay intow necebyohow, ku isticmaalyaa’e
28. Rabbiyow asaan naga adkaan. nacabka eedoobay.

29. Il kuleyla uur xaasidaya, beenta la abuuro
30. Iimaan laaway iyo tuugga iyo, axadka jaajuusa
31. Aaminkiis khiyaanaha akhwaanka, is ku sheegaaya
32. Anfaca diidka xaasida iyo, umalya ceebaal
33. Ummadaha is laayaan mihii, eray ka yeeraaba
34. Asalkoodu gebigoodba, waa shaqa Ibliisaade
35. Ilaahay intow necebyohow, ku is ticmaalyaa’e
36. Rabbiyow asaan naga adkaan, nacabka eedooday.

37. Usuudku-ba haddow xoola helo, xerada aafgooyay
38. Kolkow agagaf soo dhoho haddii, lays anfici waayo
39. Goorteey ordaan reerka waa, soo ollogayaane
40. As-na meesha lala aadi rabo, ma oggolaayee
41. Hawdkow la aadaa intow, geeri ka ogaado
42. Goortow amsigu ee dhergow, aad u werixyaa’e
43. Ibliisku-na sidaasow islaam, kuu ambinayaa’e
44. Goortow asbaabsho ee dembiga, oogada u saaro
45. Kolkaasow ilkaha taagayaa, caasiga Ilaahe
46. Rabbiyow asaan naga adkaan, nacabka eedoobay.

47. Haddaan-se aarmi loo qaadan iyo, eebadiya seefta
48. Oon lagu in-kirin howlohow, nagu asbaabaayo
49. Waa huboon ammuur toostay iyo, la arkin towfiiqe
50. Afka salliga lagu haayo iyo, aayadaha Diinta
51. Ashahaadka tiirkaa markow, dhacaya aadaanku
52. Ajir wixi ku sugan nacabku, waa ka ag dhaqaaqaa’e
53. In kastoo ammuuruhu yihiin, idam Ilaahay
54. Addoon camal san waa loo filaa, iridda kheyraadee.

55. Jameecada aruurta-na haddii, la Alla toogaayo
56. Niyad hubanya uur saafiya iyo, daacad la ogaaday
57. Aamusnaanta iyo edebta iyo, kheyr isku adkaynta
58. Iriddaas waqooyiye wajiga, la la abbaaraayo
59. Magacaas Ilaah iyo Rasuul, aayad daba joogga (S.C.W.)
60. Kolba inay imaam leedahaa, lagu ammaanaa’e
61. Sida awr kax lagu horay haddii, xoogga la awoodo
62. Ama axad-ba goonuu akhriyo, erayga kow doono
63. Ajir laga helaa roone waa, la ahligmaayaa’e
64. Ummad kibirtay ila kheyrka waa, laga albaabaa’e
65. Adduunyadi la seeg aakhira-na, aragtideed waaye
66. Is aqoonso Soomaaliyeey, wa is illaawdeene
67. Jameecadi imaam diiddayoo, eedanaa tahayee.

68. Arla nabada uur saafiya iyo, aamin lagu joogo
69. Dad Islaama iimaan ku jiro, Diintana akhrooda
70. Onkod da’ay irsaaqoo la helay, baahi la illoobay
71. Ix-saankaas Ilaahay haddii, lagu Ibliisaabo
72. Addoonnimo haddaan la oggoleyn, iyo Ilaah tuugid
73. Ummad kibirtay ila kheyrka waa, laga albaabaa’e
74. Adduunyadi la seeg aakhira-na, aragtideed waaye
75. Is aqoonso Soomaliyeed, waa is illaawdeene
76. Jameecadi imaam diiddanoo, eedanaa tahyee.

77. Anaa adag anaa adag haddii, lagu awood sheegto
78. Ahalkaya qaraabada haddii, eedo ka la gaarto
79. Abaarahaya cudurrada iyo, aanfaya colaad-ba
80. Argagixiso waa lagu ridaa, qoom inkaarsadaye
81. Ummad kibirtay ila kheyrka waa, laga albaabaa’e
82. Adduunyadi la seeg aakhira-na, aragtideed waaye
83. Is aqoonso Soomaliyeey, wa is illaawdeene
84. Jameecadi imaam diiddanoo, eedanaa tahayee.

85. Islaanki iyo islaanti-ba haddii, eray ka yeeraayo
86. Ilma iyo adoogood haddii aamin, laga waayay
87. Askartiya masuulladi haddii, eedo ka la gaartay
88. Afki soo horreeya-ba haddow, umaddi oomaayo
89. Iimaan li’ido waa waxaad, ku ebtelowdeen’e
90. Uqubada dhammaanteed-na, waa waxaad abuurteen’e
91. Ummad-se kibirtay ila kheyrka waa, laga albaabaa’e
92. Adduunyadi la seeg aakhira-na, aragtideed waaye
93. Is aqoonso Soomaaliyeey, wa is illaawdeen’e
94. Jameecadii imaam diiddayoo, eedanaa tahayee.”

 

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

SHEEKOOYIN