Falanqaynta buugga ‘The 5 Love languages.W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Falanqaynta buugga ‘The 5 Love languages’

 

“Marka qoyska hoos laga dhisaa qaran hagaagaaye

Haddii guudka uun laga qabsado waa qalfoof madhane.”

—Cabdiraxmaan-Luggooyo—

Dhiganahan waxa la qoray kun iyo sagaal boqol laba iyo sagaashankii [1992]. Waxa qoray qoraa reer Maraykan ah lana yidhaa ‘Gary Champan’. Waa dhigane ka warramaya oo ujeedkiisu daaran yahay badweynta dareeneed ee jacaylka. Waa dhigane si guud u taabanaya luqadaha uu jacaylku leeyahay ee uu ku kobco kuna koro inta labada ruux wada noolyihiin ama ay xidhiidh haasaawe-jacayleed leeyihiin. Saddex qodob ayaa uu hordhac uga dhigayaa inta aanu gudagelin mucda iyo miidda farriintiisa.

 

 

Qodobka koowaad: What happens the love after the wedding?

Kolka labada ruux ay hoy galaan ee ay is guursadaan waa wax dhaca in heerkoodii jacayl hoos u dhaco. Dhawrka bilood ee u horreeya aqalgalkooda waa wax la arko in uu furriin ama isku dhaci yimaado. Sababaha ugu waaweyn ee aynu u aanayn karno in ay tani dhacdo waa iyada oo labada ruux kolka hore ba xidhiidhkooda jacayl aanu qotadheerayn ahaana in ay is guursadaan oo kaliya. Waa iyada oo uu ahaa in ay sariir uun wada seexdaan. Waa labadii ruux oo wakhtigii ay hore iskugu heli jireen hadda isku heli waayay. Waa iyaga oo sida ay u wada farxi jireen hadda u wada farxin.

Qodobka labaad: Keeping the love tank ful

Waxa uu qoraagu leeyahay lammaanuhu waxa ay leeyihiin taangi ama bangi jacayl oo ay tahay in ay isku ilaaliyaan. Bangigu waxa weeye goob lagu kaydiyo oo lagu ilaaliyo lacagta. Sidaas oo kale labada ruuxna waxa ay leeyihiin bangi, bangigaa waxa ay iskugu kaydinayaan ee ay dhiganayaan waa ereyo jacayl, dareen qaybsi, wada joog iyo is dareemid dhab ah. Waa ay tahay in ruux kastaa ba uu lammaanihiisa uu ka ogaado waxa uu u dhigayo bangiga.

Qodobka saddexaad: Fail in love

Jacaylkaagii in uu guuldaraysto oo uu guuleysan waayo waa mid ka mid ah waxyaabaha jacaylka wiiqa. Jacaylkaagu kolka uu dhaco ee uu imtixaankii ku baasi waayo maanu noqonayn: ”Jacayl eber keenay, dhibcaha imtixaanka”? Haddaba, aynu gudo galno shanta luqadood ee uu qoraagu tilmaamay.

Luqada koowaad: Words of affirmation

Qoraagu waxa uu leeyahay ruux kastaa waxa uu leeyahay ereyo iyo weedho u gaar ah, oo dareenkiisa kiciya oo uu ka helo markasta in la yidhaa. Ruuxaagii oo wax wanaagsan kuu sameeyay ama hawl fiican kuu qabtay inay ‘mahadsanid’ deeqdaa suurtagala. Ruuxaagii oo hiigsi uu lahaa ka midha-dhaliyay ‘hore u socoo hiigso meelsare’ in uu ku qaboobaa suurtagala. Ruuxaagu in aad ereyo dareen jacayl leh ku tidhaa lana wadaagtid in uu jecel yahaa suurtagala.

Luqada labaad: Quality of time

Qofka aad xidhiidhka jacayl wada leedihiin ama nasiibku ba iskugu kiin daray waa suurtagal in luqadiisa jacayl ay tahay wakhti in aad la qaadato. In aad siiso lammaahaaga wakhti u gaar ah oo aanad wax kale qaban oo aad wada fadhiisataan, wada sheekaysataan, xasuuso wadaagtaan, isku raacdaan meelo jewi iyo neecaw udgoon oo indhaha u roon. Waa in aanad wax kale aanad qabanayn oo aad telefoon iyo telefiishan ba aad ka dheertahay wakhtigan isaga ah.

Luqada saddexaad: Receiving gifts

Ruuxaagu waa suurto in luqadiisa jacayl ay tahay hadyad siin. Hadyadu maaha alaab qaaliya oo aad u soo gado. Hadyadu casho sharaf aad ku casuuntay noqon kartaa, ubax aad u soo gaday noqon kartaa, buug aad u soo gaday noqon kartaa, iwm.

Luqada afaraad: Acts of service

Lammaanahaaga noloshu waa suurto in luqadiisa jacayl ay tahay iyada oo hawlaha guriga lala qabto ama loo qabtaba. Quraacda oo aad u dubto, weelka oo aad la xasho, dharka oo aad la maydho, timaha oo aad u shalayso, lugaha oo aad biyo diiran ugu maydho, kolka ay uurka leedahay ama ay umusha tahay oo aad la joogto caawisana iwm.

Luqada shannaad: Physical touch

Lammaanahaaga noloshu waa suurto in luqadiisa jacayl ay tahay ama ay ku korodhaba dhunkashada, taataabashada, la ciyaarida, la kaftanka, indhaha oo aad si kalgacal aad ugu eegto, dhexda oo aad qabsato kolka aad is hortaagan tihiin, habsiinta, ugu raaxaynta gogosha, laabgelinta iwm. Haddaba, waxa isweydiin mudan sidee ayaa uu midkeen ba uga ogaan karaa dhigiisa kale luqada jacayl ee uu leeyahay? Dhammaan horta shantan luqadood ba waa qaar ay tahay in ay nolosheena ka muuqdaan. Haddana, ma hilmaami karno in aan si gaar ah u sii ilaalino kuwa ah luqadaheenna jacayl ee ay ka mid yihiin: words of affirmation, quality of time and physical touch.

F.G: Dareenka jacayl iyo safarka hawada ahi aad bay isku gu wacan yihiin. Waa haddii ay isku kaa raacaane.

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Muqdisho-Soomaaliya

SHEEKOOYIN