Leygu kaa sawiri maayo! W/Q; Saciid Muuse(Ustaadka)

Sac

Leygu kaa sawiri maayo!

Xiisaha iyo xubiga jaceyl oo eey u haysay Xasan, ayaa ahaa, mid xajmigiisu weynyahay, kaasoo Hodan ku sababay, iney xajin kari wayso sirteedii. Xasana ma aheyn, nin isagu jaceylkaas, xanuun ku hayo,Waayo, xageeda ayuunbuu ka yimid xulashada dooqa, iyadaana Xasan iskeed xabadka ugu qoratay, Waxa kaliya uu xasuustaa, in Habeen habeenada ka mid ah, Xaanshi qoran ula timid gabadhan, Taasoo asoon xaraf ka aqrinin, si xilkasnimo la,aan ah uga dhuntay jeebkiisa.
Waxuu iska xisaabiyay, in warqaddu xanbaarsaneyd fariin jaceyl, sidaas awgeed ayuu “nin xil qaaday eed qaad” uun isaga xaawilay inuu gabadhan ku xaalmariyo, hadalo eey ku xasisho.

 

Habeenkii xigay oo la wada kulmay, ayuu xasan u sheegay, in uu aad ula dhacay, sida quruxda badan ee warqada loo soo xardhay, waxuu uga mahad celiyay, xaruuftii aadka u macaaneyd, oo eey u soo xulatay xaanshideedii.

Xilli gaaban oo uu wadada la taagnaa, ayuu xeeladdaas ku qanciyay, Laakiin hodan oo awalba jaceylkoodu xaddhaaf ahaa, xiiso iyo rayrayn beey ka qaaday, waxeyna ka codsatay, in uu u soo xaadiro, xaflad ee habeen danbe dhiganeyso, Xasan waa tahay ayuu ugu soo xiray, isagoo diidan in xog wareysi kale lala yeesho, Sidaas ayaa lagu kala tagay habeenkaas.

 

Hodan xafladeedii ayeey dhigatay, habeenkii xigay, xasanse ma imaanin, oo xiskiisaba kuma soo dhicin, in xaflad lagu balamiyay, waxuu xariiftan u aaday, xaafado kale, ma jirin meel lagala xariiro, oon ka aheyn xaafadiisii, Hodana xagan iyo xagan u socod bey habeenkii ka bixi waysay, taasoo dadkii xaflada yimid, ku dhalisay ineey xamxam hoose iyo xan u galaan, gabadhan xanafwareersan ee xaydaabka guriga uun ku warwareegayso
La soco qaybta dhiman.
W/Q; Saciid Muuse(Ustaadka)

SHEEKOOYIN