Farxaddii Luntey Q2AAD W/Q: Cabdul Cabdikariim(Jallaato)

 

FARXADDII LUNTAY Q2AAD

Waxaa ila soo dersay arrin looma fadhin ah, waxaa iiga yimid dhanka gacalisadeyda culeys saa’id ah oo marnaba aanan niyada gashan, waxaa iigu darnayd inuusan jirin markaa xal aan hayey aan ahayn hundhur iyo hoos u guux, intaa waa tallamayaa, marba dhanbaan iska taagaya xaalka, haddana waxaan go’aansaday inta aan ergo u dirin ka hor inaan ku qanciyo in qorsha sida aan ugu talo galay loo fuliyo, haddii ay ku adkeysato dalabkeeda gooni socodkaa waa labo daran mid ii dooro in aan reerkeyga dhagaha ka fureysto iyo inaan saas ku macasalaameeyo, halgankii Toddobadii sanno ee la soo dhaafayna hal bacaad lagu lisay uu noqdo.

Markii arrin kugu cuslaato haddaad Alle kor ahaayee u dhawaato arrinkaas ur ayaa u baxo waxaan aaday masaajidka oo aan duhur ku tukaday ilaa iyo casirkii laga gaaro halkeyga ayaan iska joogay, qalbi ololkii iyo walwalkii faraha badnaa waan ilaabay,  anigoo saaxiga keenay xaq iyo baadilkana ii kale cad yihiin, ayaan waxaan go’aansaday go’aan kama danbeyn ah qalinka ku duugey, inaan la hadlo marka hore, haddey diidana ergo u dirro labo ay mid ka keenaan ana aan ku eed la’aado waayo wax la iska ogyahay ceeb ma keenaan, haddey ceeb keenaana caasi ma yeeshaan , ujeedkeyga ugu weyn in la ila ogaado halka sarta ka qurunsan tahay. 

Ruux jaceyl dhaawacay dhaayo maleh, qof jacayl barkadayna balwo iyo hees kama daalo, oo maskaxda ayuu ku dhayaa, dhawaqa heesaha macaan ee ay ku xareediyaan hobollada ama aan iraahdo Afhayeennada jacaylka, waxaan dhuuni ka dhigtey dhegaysiga heesaha, aan ka bilaabe:

  • Annoo dhoof ku maqan baa
  • Ii keentay dhiiladda.
  • Laab dhaafay taladii
  • Hadduu dhaawac kugu yaal
  • Anba waan dhutinayee

 

  • Dhow horraada caashaqa
  • Ka ilaali dheelliga.

 

  • Haddii aadan Dhuuxooy
  • I sugeynin dharraar
  • Soo jeeda dhabarkuna.

 

  • Iminkeeynu dhawnee
  • Caashaqa ma dhaafnaa.

 

  • Dhan markaan u seexdaa
  • Annigoo dhadhabayaan
  • Kiciyaa dhallaankee.

 

  • Dhib baad ii horseedoo
  • Dadka waan dhibsanayaa
  • Wadnahaad dhax taaalaa.

 

  • Sida dheeha ololeey 
  • Dhab miyaad u nooshahay 

 

  • Haddii aadan Dhuuxooy
  • I sugeynin dharraar
  • Soo jeeda dhabarkuna.

 

  • Iminkeeynu dhawnee
  • Caashaqa ma dhaafnaa?!

Wax la arag waxna dhiman waxey iigu darneyd markii telefoon ay iga qaban weyday waxaa ii haray oo kaliya in aan ergo u diro iiga war keena waliba war i farax galiya waa kaan jeclaan lahaa inuu ii yimaado, ergaddii markii ay gurigeeda tageen waxaa loo sheegay iney jowhar aaday labo biloodna ku maqnaan doonto. Markii warka dhiilada xanbaarsan ii yimid waan jeclaa iney Jowhar ugu tagaan taas oo aan suuro gal aheyn waqtigaas, balse, qofka wax jecel waa anigii waxaasi waa suurtagal iyo ma aha midna ma yaqaan, haddaan in badan maqashay, ilmaha yaryar ee muluqshaha ah ma yaqaanan ma hayo iyo ma yaal, qofka wax jecelna ma yaqaano ma jirto iyo suurtagal maaha. 

  • Waayaha adduunka 
  • Ku wax qaadan meyside
  • Ruux walaal ku moodaa
  • Haddii uu ku weheshado 
  • Aad wacad ka diidaa
  • Warrankaad ku tuurtaa 
  • kugu weecan doonee.

Runta qarraar badanaa saddax bil ayaa dhammaatay wali war lagana hayo sannad barkii baa tagay, wali waa maqan tahay,  wax walba madaxeeda ayey u xayiran yihiin ugu danbeyn waasoo laabatay, ha soo laabato ma xumo e, waxa ay soo laabatay ayadoo cabursan xanaaq aan meel laga saro dhiig laheyn, waayo ergaddii aan dirsaday ayaa ka dhammaan waayay farriimo aan joogsi laheyn qofkii Jowhar tagaaba farriin ayuu u wadaa isku mid ah goor maad soo laabanee? Waa lagu dhararsadey, dadkii la xariir iwm.Laba kala bariday kala war la’ iyana teeda u cad ana teydaa alle ayaa u maqan, maxaa na kala haysata,

 

  • Laba dhoof ku kala maqan
  • Kala dheerna aragtida
  • Dhulal durugsan kala jira.

 

  • Midna uusan dhaadeyn
  • Dhanka kale wixii jira
  • Mid dhursuga maalmaha
  • Ka dhabtahay ujeeddadu
  • Midna dhirif carra ah qabo
  • Dhiileysan yahay weli
  • Xaajo dhabaqdey weeye
  • Horta dhambali kara?

 

La soco sheekadoo dhameystira

W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Jallaato)

 

SHEEKOOYIN