Waddada suubban. Q25AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q25AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Fadliga saaladda Taraawiixda ee la tukado bisha soon-qad!”

Abuu hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii u kaca inuu Tukado salaad taraawiix ah bisha Soon-qad, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo yar yar ah ee horey uga dhacay.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waa ku guubaabin jiray dadka inay tukadaan taraawiixda bisha Soon-qad isagoo aan dadka ku adkaynayn, si aan looga dhigin waajib ama salaad faral ah. Wuxuu yiri: qofkii u kaca salaad taraawiix bisha Soon-qad iimaan qab iyo ajar dalab dartood waa loo dhaafi doonaa wixii dembiyo yar yar ah ee horey uga dhacay.’ (Muslim).

Fiiro gaar ah: fadliga iyo ahmiyadda saaladda Taraawiixda ee la tukado bisha soon-qad, waxay ku sugan yihiiin axaadiista iyo falalka Nabiga (S.C.W.) laakiin se intii uu noolaa Nabigu (S.C.W.) la ma adkayn. Si ayan u noqon salaad faral ah. Laakin markii uu dhintay Nabigu (S.C.W.) ka dib oo ay suushay baqdintii, iyo cabsidii laga qabay in faral laga dhigo. Ayaa Cumar bin Khaddaab (R.C.) oo ay ku raaceen asaxaabtii Nabiga (S.C.W.) ayaa u soo bandhigay salaadda taraawiixda, oo sunno ah in ay Jamaaco ahaan u tukadaan!”

“Fadliga salaadaha inta lagu jiro habeennada Barakeysan ay ku dhex jirto LAYLATUL-QADARKA”

Allaah kor ahaaye, wuxuu yiri:

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ .

“Xaqiiqdii waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qaddarka”

Waxaa kaloo yiri: Eebbe kor ahaaye:

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ ﴿الدخان: ٣﴾.

Xaqiiqdii! waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakeysan:(Habeenka Qaddarka).

Abuu hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii u kaca inuu Tukado salaado aan faral ahayn, macnaha sunno ah Taraawiix iyo tahajud Habeebka laylatul-qaddarka iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa laga dhaafi doonaa wixii dembiyo yar yar ah ee horay uga dhacay.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: rag ka mid ah asaxaabtii Nabiga (S.C.W.) ayaa waxaa lagu tusay LAYLATUL-QADDARKA inay ku jirto, Toddobada habeen ee ugu dambeeysa bisha soon-qad riyo. Markaasuu Nabigu (S.C.W.) yiri: Riyooyinkiinna waxay sugeen ku jiridda Leylatul-Qaddarka, Toddobada habeenood ee u dambeysa bisha Soon-qad, sidaa aawgeed qofkii raadsha habeenkaa Qaddarka, waa inuu ka doono Toddobada habeen ee ugu dambeyaa bisha Soon-qad.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu si gaar ah ugu dadaali jiray isagoo ku ictikaafi jiray masjidka tobanka maalmood ee u dambeeya bisha soon, wuxuu na yiri: ka raadsada oo ka doon doona Laylatul-Qaddarka tobanka habeenood ee u dambeysa soonka.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ka raadsha oo ka doon-doona Laylatul-Qadarka tirada is dheer, waa 21aad, 23aad, 25aad, 27aad, 29aad, ee tobanka habeenood ee u dambeysa bisha soon-qad.’ ( Bukhaari).

Caa’isha (A.K.R.) waxay sheegtay: in markii tobanka maalmood ee ugu dambeysa bisha soon-qad billowdaan, Nabigu (S.C.W.) uu€ habiinka oo idil soo jeedi jiray oo sidoo kale toosin jiray reerkiisa, guntiga ayuu na giigsan jiray, macnaha wuxuu aad ugu dadaali jiray cibaadada iyo inuu u tukadaa Allaah.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu dadaali jiray cibaadada bisha soon-qad si ka badan bilaha kale, wuxuu na ugu dadaali jiray cibaadada iyo salaadda tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Soon-qad, si ka badan sidii uu ugu dadaalay labaatanka maalmood ee hore ee bisha Soon-qad.’ (Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) waxay sheegtay inay weydiisay Nabiga (S.C.W.) Rasuul Alloow! Haddii aan garto oo la kulmo habeenka Laylatul-qadarka maxaan iraahdaa, oo ku duceystaa habeenkaa?
Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) dheh: “Allaahumma in-naka cafuwun tuxibbul cafwa facfu cannii.” Alloow adigaa wax cafiya oo jecel wax cafiyidda ee iska kay cafi.’ Waxaa weriyay: (Tirmidi).

“Jimco san oo Suubban: W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN