FILANWAA Q9AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muus

FILANWAA Q9AAD

Canab muddadii dhowrka bilood ahayd ee laqabay, Maxamed wax xidhiidha lama ayna samayn, mana ogo xaaladda hadda uu ku suganyahay, xog badana kama hayso waxa iska baddalay dhankiisa intii ay kala maqnaayeen, balse waxaa ku qufulan ama ka dhaadhacsan maadaama wixii dhacay  iyadu ayna habayaraate wax shaqo ku lahayn, oo waliba guur ayna raali ka ahayn lagu qasbay, isagana ay ku war galisay sidii ay wax u dhaceen qoraal dheerna wax walba ugu faahfaahisay, islamarkaana u balan qaaday goor ay noqotaba inay noolasha la wadaagi doonto, dabcan waxba idinka xumaan maayaan ayay isku qancisay. 

Balse maalmo kaddib, waxaa mahadho ku noqotay oo hammigeedi habaas ku riday, kaddib markii dhowr qof oo kamida dhallinyaradii iskuulka wada dhigan jireen ay uga sheekeeyeen dhibaatadii mugeedu cuslaa ee uu Maxamed la kulmay, markii iyada la guursaday,dareen naxdin leh ayay ku tilmaamen dhacdadaas, iyagoo aad ugu xun waxay usheegeen in uu Maxamed marxalad adag wajahay maalmihii arooskeeda loo sacaba tumayay oo murugo iyo walbahaar la jiifay. 

Qaar kamida dhallinyaradaa oo aan ka warqabin in ayna Canab raali ka ahayn ninka lagu daray, ayaa ku eedeeyey inay godob ka gashay Maxamed, oo jacaylkii iyo wanaaggi muddada dheer isla soo jilaayeen labadoodu ay ka door biday hanti oo kaliya, hadaladaasi Canab nabar naxdin leh ayay ku noqdeen. 

Maxamed horay ayuu uga quustay Canab, haddana wax rajo kama qabo, laakin gabadh ay walaalo yihiin ayaa marwalba aad u amaanta Canab, waxay ku dhahdaa: “waa qof aad uwanaagsan oo sidan iyo sidaa ah” waxay marar kala duwan usheegtay inayna Canab haba yaraate wax khiyaama ah ayna samayn, jacaylkii ay Maxamed u qabtayna ilaa hadda qalbigeeda uuna ka bixin, waxay ku doodi jirtay wax badan oydaan lasocon ayaan ogahay, waana hubaa in wakhti aan fogayn in Canab rajadeedu u rumoobi doonto.

Maxamed walaashii sir badan ayay heysaa, sababtoo ah warqadii wax walba ku qornaayeen iyada gacanta ku dhigtay oo cidna ma ogo, balse ma jiro qof warka ka hoos qaada oo gabadha wax weydiiya, iyaduna xogta ay heyso ma rabto inay soo bandhigtoo sababtoo ah Maxamed ayay ka baqaysaa maadaama dhib ka soo gaadhi doono.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Canab ayadoo suuqa adeeg u doontay ay si kadisa badhtamaha magaalada gaar ahaan Huteel Hiiraan hortiisa Maxamed iskaga hor yimaadeen, naxdin iyo cabsi darteed way ku dhici wayday inay salaanto, balse nasiib wanaag, Maxamed intuu ku soo leexday ayuu si caadiya u salaamay, inkastoo ayna dhaxmarin wax dhaafsiisan bariido, haddana aragtida kadiska ah ee maanta  waxay noqotay mid Filanwaa ah!

Sababto ah, Ilaa iyo wakhtigii Canab la guursday wixii ka dambeeyay, marnaba horay uma dhicin aragti iyo hadal toona, waxayna arrintani abuurtay xusuus iyo wakhti farxad badan laysla soo maray, ka gadaalna murugo iyo naxdin ku danbaysay. 

Canab, aad ayay ugu faraxday aragtida Maxamed, waliba xili ku habboon oo indhaheedu uxiiso qabaan inay ku ildoogsadaan qofkii adduunyada dusheeda aragtidiisa ugu jeclaayeen, kaasoo muddo bilo ku siman wakhtiga iyo waayuhu kala fogeeyeen.

Canab In muddo ah waxay isu diyaarinaysay sidii ay Maxamed ula kulmi lahayd, si ay uga wada hadlaan dhibaatadii baaxadda lahayd ee labadooda mid walba dhan usaamaysay, nasiib wanaag aragtida maanta Canab waxay u noqotay fursad,waxay ku abuurtay yididiilo maadama Maxamed si dagan oo xushmadi ka muuqato u salaamay.

Dhanka Maxamed, inkasta uuna ku faraxsanayn aragtida Canab, haddana in uu salaanta kala baydho way laqumanaan wayday, balse waxaan shaki ku jirin in maankiisu durba ku soo dhaceen wakhti waayo wanaagsanaa  jeer dambana murugo qoto dheer dhaxalsiisay.

Intaa kaddib Canab waxay go’aansatay inay hammigeeda hirgaliso isla markaana howsha ay damacsantahay hagaag ugu dhaqaaqdo, waxay bilowday inay la tashato qaar kamida asxaabteeda ay sir wadaaga ahaayeen, waxayna usheegtay in maalintii loo sheegay in ninkaa lagu maheriyay muragadii iyo dhibaatadii la soo daristay ilaa hadda ayna ka hadhin, sababta ay gurigeeda u dumisayna ay tahay jacaylka ay Maxamed u qabto oo ilaa yaraanteeda qalbigeeda ku lingaxnaa, kaasoo marnaba maankeeda aan ka baxayn ilaa ay noolasha la wadaagto, waxay tidhi: “Maanta waxan ahay qof madax bannaan, laakin ma garanayo waxaan la hortago Maxamed, ma aqaano waxaan ku qanciyo, waan ogohay in uuna i aaminayn, laakin  waxaan qiraya inaan aad u ujeclahay”

Toddobaad kaddib waxay Maxamed u dirtay gabadh ay saaxiibo ahaayeen oo la yidhaahdo Sagal, si ay usoo ogaato waxa uu Maxamed aaminsanyahay, iyo halka uu ka taaganyahay xidhiidhii labadooda ka dhaxeeyay ee muddada hakadku galay, balse waxay kala kulantay arrin aad ula yaab badan!.

lasoco qaybaha dambe,,,,,,,

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

SHEEKOOYIN