Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 5aad
Waxaan isku dayay in aan ka meer meero su’aasha ay i waydiisay ee maxaad igu furaysaa, maxaa yeelay, ma hayn jawaabta saxda ah ee ku haboon in aan ku dhaho, waana ka xishooday runtii in aan ku dhaho Ubax darteed ayaan kuu furayaa, maxaase dhacay?
Hal mar ayey inta carootay xoortay Macalgat iyo fargeeto meesha tiil iyada oo ku qaylinaysa ma tihid n
Nin raga ah oo dhamaystiran, nacas ayaa tahay aan shalay ku qaldamay, reerkayga oo dhan ayaan kaaga soo go’ay, go’aan kaas la mid ah ma qaadan kartaa ayey i waydiisay?
Naag ayaad guursatay waxba kuma dhihin waan kaa shibbanaa intaas, waxaan eegayay sharaftaada iyo karaamada aad agtayda ku leedahay, ma rabin in aan ku murjiyo oo kugu rido Buuq, waxaan ilaalinayay farxaddaada, ma waxaad u moodday in aanan lahayn damiir ama kaa baqayo, ma waxaad u moodday in aanan ogayn waxba, maxaad is moodday?
Buuqeena wuu sii kordhay habeenkaa aad ayey u oysay, illin badan oo aan dareemayay in sababteeda aysan ahayn arrintan ayaa ka daadanaysay, mararka qaar waxay is waydiinaysay su’aala aad mooddo in ay iyada ku qaas yihiin, waxay dhahaysay maxaa imtixaankan i baday, allow xaalkayga hoose waad ogtahay iyo waqtiga aan haysto maxaa ku dhacay qoyskaga, maxaa ku dhacay noloshayda oo dhan, intey iiga timid musiibadan.
Jawaab uma heli karin su’aalaheeda qaar, waxa kaliya aan jawaab u heli karay waxay ahayd in aan ka jeclaaday Ubax, waxaan oo dhana ay u dhacayaan jacaylkeeda oo iga lumay iyo kan ubax oo igu kordhay, mase muujin karin mana ka hor dhihi karin.
Aniga oo dareemaya dambi badan ayaan lasoo baxay Dukumint badan oo hantida aan leenahay ah, Fowsiya markaas diifkeeda iyo illinteeda ayaa baxaysay, waxaan ku iri “fowsiya waa waqti dambe macaaney, in aan kala tagnana waa iga go’aan balse, qof igu dheer ayaa tahay, wixii aan hanti lahayn qaybta aan ka hayo waa tan inta aad haysidna waad ogtahay noo qaybi, gacantaada ku qaybi adiga ayaa shaqeeyay, adiga ayaana iiga xaq badan, haddaan is furayno micnaheeda maahan in aan ku xaqirayo, adiga ayaan kaaga marti ahay inta hantida aad iga siiso ayaan qaadanayaa balse waa iga dhab noloshaada ma sii wadi karo macaaney i fasax”.
Hal mar ayey inta dhinacayga usoo jileecday igu soo tuurtay wixii dukuminti ahaa iguna tiri “inta aan hayana ku darso haddaad doonto, aniga shalay marka aan hooyadey iyo aabahay kaa soo doortay oo dartaa la ii soo deyrshay xoolo kuguma soo raacin mana doonayo xool waqtigan adiga ayaa ninkayga ah adiga ayaana ku doonayaa sidaas u garo dareenkayga”.
Fowsiyo 20 sano oo nolol ah ayaan isla soo qaybsanay waan ka xumahay in aan aqoonsan waayay dareenkeeda, waxaa i galay dareen runtii i dhaawacay ina dareensiiyay in aan dambiila ahay, aad ayaan uga xumaaday runtii in waqti badan iyo energy badan aan ka lunsho fowsiyo, balse wax aan soo celin karo ma jirin, wixii aan dhahay waan dhahay.
Fowsiyo hal mar ayey dhabtayda isku soo tuurtay iyada oo jilbahayga madaxeeda saaraysa aadna u oynaysa, waan dareensanaa in xaalku uusan fiicnayn, balse, xoogaa waxay u muuqatay qof doonaysay in ay nafisto, aniga naftayda waa nafisay marba haddaan tuuray wixii feerahayga ka guuxayay, balse fowsiyo in ay isii deyso in ay ku adagtahay ayaan dareemayay.
La soco qaybta 6aad axadda dame insha allah
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Xabuu8@gmail.comĀ 

Ekisyare@hotmail.comĀ 


 

SHEEKOOYIN