Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 9aad

Habka Cimibaarista

Casharkii siddeedaad waxa aynu ku soo baranay taariikhda fekerka cilmibaarista, iyada oo kooban. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa habka cilmibaarista gaar ahaan labada hab, ee loogu isticmaalka badan yahay marka ay timaaddo baaris akademiyeedka cilmiga bulshada iyo sayniska.  Labadaas hab baarineed waxay kala yihiin: Habka Tirada (Quantitative methodology) iyo Habka Tayada (Qualitative Methodology).

Ka hor inta aan gudaha u galin casharkan, bal aynu dib u yara milicsanno taariikhda labadaas hab, iyada oo la soo koobay. Taariikh ahaan, labadooda waxaa ka dhexeeyey tartan adag, kaas oo ku dulfadhiyey feker falsafadeedyo kala duwan, waana tan sababtay in culummadu isku khilaafaan kan nacfiga badani ku jiro, habboon iyo suurtagalnimada in labaduba la wada isticmaali karo, gaar ahaan marka ay timaaddo sameynta baaris cilmiyeed bulsho.

doodda ku saabsan in labadooda la wada adeegsan karo waa mid dib ugu laabanaysa cilmibaareyaasha dersa siyaasadda iyo markii la helay sooftiweerka CAQDAS (Computer-Assisted Qualitative Data Analysis System). Sooftiweerkan waxay u adeegsadaan kala soocidda xogta iyo macluumaadka tayada (Qaulitative Data), iyada oo u maraya habka tirada (Quantitative method). Sooftiweerka waxaa ku dhex jira barnaamij lagu lafaguro kelmedaha (Content analsis), waana mid lagu derso xogta ama macluumaadka aan ka baxsaneen xayndaabka hadalka iyo qoraalka (Talk and Text). Falanqaynta ku saabsan doodaha ku dulwareegta isticmaalka labadaas hab, ayaga oo faahfaahsan waxay ku dhigan yihiin buugga: ‘Quantity and Quality in Social Research’ ee uu qoray Alan Bryman. Isku day in aad akhriso buuggaas.

Wixii dheeraad ah, akhri buugga hoose:

Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 37-42.

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

 

SHEEKOOYIN