Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q6AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q6AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q6AAD.”

“Geerida gurada dambeedkii Roobo Ratiwaal.”

Subaxdii markii waagu dillaacay ayaa wiilashii is dilay ee xaq darradu halaagtay loo qayla qaaday, waxaa na loo raadiyay rag jilib diir ah oo xabaala, maydka. Raggii loo qayla diray waa yimaadeen labadii wiil na waa laysku reed duugay. Markii qora qaadkii (65) iyo xawaaliddii wiilashu dhammaadeen, ayaa aabbahood Dhiblaawe Qaydar diiday hashii duugta ahayd ee loo qali lahaa ragga aaska ka soo qaby galay. Markii la wayddiiyay sababta uu ku diiday, wuxuu yiri: Wiilashaydu kuma dhiman wadda sax ah, ma na habboona in noole lagu xad gudbo, in qof bili-Aadam ah la dilo iska daay’e. Sidaa darteed wiilashaydi ayaa i dhaafay laakin hanti kuma darayo.” Markii ay afkiisa ka sii baxaysay ayaa igaarta dhintay oday waynkood (66) dhegta waysheeda dharbaaxo ugu shubay oday Dhiblaawe ku na yiri: ma annagoo ka dhalannay beesha Cigwaaqe Caanamaal ayaad dheg xumo iyo ceeb noo soo jiidaysaa?’ Inta dabuuq (67) geed agtiisa kor saar naa la booday ayuu Koron Karinle (68) ah oo miciya keenay, kurkiisu dhiidhiiracayo inta soo galaansaday ayuu goobtii Xawaaluhu ku yiilleen kusoo jilib xiray (69). Toorray haaliqato ah oo uu xirnaa ayuu gasha ka taabsaday Ratigiina haanka ayuu ka gooyay.” Toddobadii karood(70) ee Ratiga ayaa lagu qaybsaday sidii loo kala da’ waynaa ama loo kala curadsanaa, cid wal ba Karteeda ayay qaadatay. Hilibkii ayaa la goobeeyay waxaa na laga dhigay afartan goobood oo min labo ah. Laba wal ba, waxay duurka iyo hawdka xawaalaha u dhawaa ka doonteen Riiran(71) iyo qurdhubaan(72), lagu goglo goobaha hilibka ah. Laba walba raarkooda (73) ayay dhigteen, hilibkii loo saara na ku qaybsadeen.”

Raggu hoos ayay isu la faqayaan, nin walba wuxuu la yaabban yahay ceebta ay la cokoran yihiin (74) Ragga beesha Cigwaaqe Caanamaal oo beri lagu tilmaami jiray reer laga haybaysto oo sharaf leh. Maanta waxay noqdeen reer ceeboobay, halkii loogu yeeri jiray: Cigwaaqe Caanamaal, beriga waxaa loogu yeerayaa: Cigwaaqe Carruur gowrac.” Intii aan goobta lagu kala tegin ayaa waxaa soo yeeray carrab dhaw iyo cilladhaan kale, oo dadkii argagax iyo anfariir ku ridday.

Raggii qaar fadhigii ayay ka sara joogsadeen, nin wal ba wuxuu ku humamaawsaday (75) asigoo foolka gacantu u saaran tahay. Cowlayste oo ragga goobta jooga u gaabnaa ciridhiibsigi na wax ku arki waayay, ayaa Ciiltire oo dhiniciisa taagan killida jug ka siiyay, ku na yiri: hummaagga soo cilladhaaminaya ma u jeedaa adaa si togan u himbiriirsaday’e. Ciiltire Cawlayste ayuu hoos u soo jalleecay ku na yiri: hummaagga qofta soo gulfinaysa ma hubo waa se hummaniyay (76). Iyadoo laba wal ba gees ku baanayaan oo sheeka hadoof ah dhexmarayso ayaa waxaa goobtii soo tucumbursaday, Islaantii uu qabay labada wiil ee la dilay ka u wayn, Geelqaad Dhiblaawe. waa: Doonbira Dammuumiye, iyadoo ooyin la fug-fuganaysa (77) oo aan hadalkeeda la garan karin ayay ku cataawday, wiilkii Koba-Geed ahaa shanlaydii uu duubnaa waa tuuray asigoo dhar la’ ayuu na dhabbiga aada beesha colaadda ba’ani naga dhaxayso ee heer Xaayow ma Jabe isku dhaaniyay, waa na in laga gaaraa inta aan la dilin ama Libaax haleelin.” Oday waynkii Ratiga igaarta lagu duugay lahaa, Qajacley Qaydar ayaa hadalkii ku hormay oo yiri: waxaan ka koobannahay waayeel iyo waax-gaab (78) ee haddii meel noo dhaw gabar teennaa lagu kufsado, cillaadhaantu na soo gaarto odayaasha, waxa ugu horreya ee ay yiraahdaan, waa Habaar iyo ha hoogee muxuu sidaa u falay? Waax gaab tu se waa inay hal mar is la boodaan ee hadday sidii odayaasha habaarramaan, halkaas dhaxan baa reerka ka soo gasha. Hadalka intuusan dhammayn ayaa waxaa hal mar is la boodday afartan nin oo fayl-dheer (79) ah, dhabbigii loo tilmaamay afka saaray, nin qalbkii haabtay iyo kii ka gaari waayay, nin misaar boobay, nin ul boobay, nin waran haabtay, nin dhoolgaad haleelay, nin qaanso iyo qunux (80) helay ba waa la wada kuday.” Wixii fagatimadii Koba-Geed la saangura ba, markii in cabbaar ah la daba joogay, raadkiisi, fagaarta ayuu qutumiyay (81) raggii ugu gulfiska badnaa fayl-dheerta ku raad joogta Koba-Geed, ayaa shib-shaay, waxay na ku tallameen in ragga lays la sugo, la na xulo rag gaar ah oo orod jaantaa rogan ah gala. Taladaas waxaa soo jeediyay Bawd-jebiye oo ahaa nin orodka billad iyo baarqab geel ku qaatay, ninka la saangadayo ee Koba-Geed ah laftiisu waa nin far soo dheeraatay ka ahaa beesha “Cigwaaqe Caanamaal” oo xagga socodka iyo orodka ma badnayn ruux ku gaara. Wuxuu ba ku noolaa geel ay soo gaddoodaan asiga iyo walaalladiisii is dilay. Halka “Cirfiid” u buubsada na waa dhanka beeshii uu xoolahooda dhammeeyay ee Xaayoow ma Jabe.

Raggii caaradka ahaa waxay qaateen taladii Bawd-Jebiye colkii na waa lays la sugay, dhowr il-biriqsi ka dibba raggii oo is ka da ba gulfinaya ayaa yimid. Bawd-Jebiye ayaa hadalkii si boobsiis ah ku billaabay oo yiri: Koba-Geed Dhiblaawe fagatimadiisu waxay u egyihiin nin ay buubsanayaan walax ka tan badan, iyo duulal xoog badan. Sidaa darteed waa in tobaneeyo seed-guduud (82) ah oo ragga caarad u noqda la xulaa?” afkiisa hadday ka sii baxaysay, hadalkii waxaa boobay, Ceesaan ma Deeye, oo hadalka koobaya si aan ammin uga lummin, wuxuu na yiri: Bawd-jebiyow ragga xuladka ah is ka billaaw aniga na igu xeji seddeed kale na taabso ee raggaa tubta ku dhig, si aan ninku cadaw ugu gacan gelin, waad u jeedddaayo Koba-Geed amminkaan wuxuu dhaafay soohdinta noo taal annaga iyo beesha Xaayow ma Jabe ee uu Gaashadooda dhammeeyay’e. Taladii ayaa la qaatay is la markii na waxaa farta lagu fiiqay toban nin oo haadda fadhiga (83) ugu taga. Waxaa guddoon looga dhigay Bawd-Jebiye sidaas ayaa na raacdadii lagu galay. Amminku waa is gurayaa markii hore duugtii xabaasha ayaa lagu daahay’e waxaa lays tusay, in orodka la laba lixaadsado, oo raggu jiirta sii kululeeyo. Wax lays ka da ba yaaca ba, Koba-Geed Dhiblaawe, raadkiisi wuxuu galay Jilqabkii u dhaxeeyay laba beelood ee waagii hore ee nabadda la ahaa jilibka lay sugu aasay, hadda se labada beel raadka ku kala goobtaan. Waa surin la ma degaan ah oo beel walba afka hore ee surinteeda maalin walba ka soo goobto, geel tegaaya oo beesha kale ka yimid iyo rag usoo dhuuntay oo aar doonaya, ka na soo badbaaday Libaaxyada Howdka gaaf wareegaya ee labada beel aan mid na u turayn.”

Koba-Geed waa galbaday, waxaa lays tusay inuu galay gacan Cadaw oo wajiyo badan. Intii raggu hadalka isu haayay, waxaa raadkii kusoo dhacay dhowr Libaax oo galab carraabaya, waxay na daba keceen Koba-Geed. Raggii talaa ku dhalatay, Bawd-Jebiye ayaa sagaalki nin ee uu horjoogaha u ahaa dib u soo jalleecay ku na yiri: Raadka Koba-Geed iyo raadadka kale ee Libaaxa ha ku roogsannina si ragga naga dambeeya u gartaan in xaalku halis yahay si ay dhaqso nooga da ba yimaadaan, Raggii kale ee dabaadiga (84) ahaa. Raggaas waxaa hoggaamiyay Jiinow Tuurya-dheere, iyagu na waxay indha ka qaadeen, Raggii iyaga horjoogay, oo dhabbiga reedihiisa ku socda iyo ninkii la saangurayay oo Libaaxyo da ba joogaan, raggii waxaa galay naxdin hor leh. Jiinow Tuurya-Dheere cod dheer ayuu ku qayliyay asigoo ragga gucaadka (85) ah u sheegaya in xaalku halis yahay. Tobanka nin ee Fayl-dheerta ah ee oo u horreyo Bawd Jebiye ayaa shan nin iska dhex saaray, mar labaad, waa:

  • Bawd Jebiye
    Ceesaan ma deeye
    Geelqaad Abroone
    Guure walaal dile
    Sooma Jeeste

Shantaas nin waxaa loo sii xulay dulqaad, adadkaysi, orod iyo xoog ay qabeen, waa fayl-dheer aan waligood badar cunin, caana geel iyo hilib solan mooyee. Raggii markaan waxay galeen, xawaarihii ugu dambeeyay, raggii Raacdada ahaa waxay u qaybsameen seddax jaanib oo is da ba jooga. Shantii caaradka ahayd ee Bawd-Jebiye, waxay si dhaqso leh u arkeen raadkii Libaaxyada oo dhabbiga ka leexday, una barriiqday howdka. Bawd-jebiye asigoo rooraya ayuu yiri: Sooma Jeestow Dawacadu waa na la socdaan, dhinaceenna ayay na ku ordayaan nagama na gaabiyaan’e yaanay na soo gaadin, oo dhinaca bidix naga fiiri. Ceesaan ma Deyow ad na dhanka midig ayaan kugu oghay ee halkaa naga jir. Hora na anaa laygu ogyahay ee ninba dhankiisa ha xijisto oo yaan dawacadu nooga immaan. Dawacadu waa Libaaxyada illeyn wax ba u ma qaybayaan oo haddii layska hor yimaado ka cabsan maayaan’e. Guure Walaal Dile oo doonaya inuu lambar geesinimo qaato Libaax na uu dilo, ayaa yiri: war Bawd Jebiyow aniga halkeed igu aaddisay ma gadaal?’ markaasuu Bawd jebiye yiri: Libaax gadaal wax ka ma dilo, ammin uu gadaal nooga weeraro na heli maayo oo soddon iyo shan nin ayaa na daba yaal ee ragga ha ka harin. Hadalkaas kuma qancin Guure Walaal Dile wuxuu na is yiri: haddii aad hore Libaax u dili lahayd waa lagaa haybaysan lahaa. Afarta kale nin aan shan Libaax dilin kuma jiro, waxaa na ku tusaysa sababta uu Dawaco ugu tilmaamayo Libaaxa dhan, Bawd-Jebiye Aarsade. Intii uu hoosta ka gubanayay Guure Walaal Dile ayaa waxaa Libaaxii oo dhanka midig ku ordaya arkay: Ceesaan ma deeye, kor na u yiri: dhanka midig colbaa ku jira. Raggu waa jalleecay dhankii Midig mase waxaa feer ordaya Aar Kowkabe ah xooggiisa bulbul kacsaday, is la markiiba waxaa dhanka kale ee bidix ka arkay: Sooma Jeeste dhowr cagabarruur, Dhowr gool, dhowr baranbarqo oo dhalay Cagabarruurta, iyo dowr Aar oo geylaan billow ah. Si degdeg ah ayuu u yiri: dhanka bidix na labaatameeyo ayaa naga bursanaya ee raggu qalabka ha diyaarsado. Wax yar ka dibba waxaa yimid shantii dhexe oo ka faa’iidday intii ay Libaaxyada iska eegayeen, qolada uu horjoogaha u yahay Bawd-Jebiye waa na lays la wada jidqaaday.”

Shiishaaye Oongooye oo shanta gadaal ka timid ku jiray ayaa yiri: ma Dawaca ayaa idin dabcalisay? Waa annaga idinkaa daba nimid idinkoon ninkii gacanta ku dhigin’e?’ is la markii na waxaa la tusay Aar Libaax oo meel aan u dheerayn rooraya iyo xayn dhinaca kale gulfinaysa. Shiishaaye Oongooye ma ahayn nin naxa ee wuxuu dhibsday in Dawacadu nimanka mashquuliyaan, ninkii baxsadka ahaa na uu sidaa ku galbado. Qaansa uu watay ayuu gacanta bidix ku qabsaday, Qunux garabka u surnaa wuxuu ka la soo baxay gammun fallaar leh oo ugu jiray, is la Qunuxa qayb ka mid ah waxaa ugu jiray mariid seddax saamood le ah, oo aglool isku aambur ah ku jiray’e inta kala furay oo fallaartii afka u galiyay mariidkii ayuu qaansadii inta saartay oo isha bidix isku qabsaday shiishay Aarki Kowbaha ahaa ee dhinaca midig ku ordayay. Libaaxu markii uu arkay in loo danleeyahay ayuu toos u soo abbaaray Shiishaaye Oongooye oo jilib u laaban yahay si uu libaaxa u dilo. Is la markiina gammuunkii ayuu tiif ku siiyay Kowkabihii oo wax yar uun u jira, mergaga ayuu kala helay, Aarkiina inta seddax tallaabo hore usoo booday ayuu meel aan ka dheerayn Shiishaaye kusoo dhacay, lugta na taagay/wergeftay.” Shiishaaye Oongooye is ma waalin’e inta roogsaday ayuu fallaartiisi ka soo siibayay Mergagii Aarka, orodkiisi na hore ka galay.

Koba-Geed wuxuu ka gudbay soohdintii ugu dambaysay ee beesha Cigwaaqe lahayd, wuxuu na shiilaqaabta u galay beel cadaawa ba’ani kala dhaxayso oo wiilashooda iyo geelooda uu hore u laayay.” La ye: “Xaqi dhab la saaraa qunya soo dhawaadee” Koba-geed intii aan raggu ka daba tegin, wuxuu gacanta u galay beelihii Xaayow ma Jabe oo ciildaran u qabay. Foolkiisa ma garaneyn, waxay se yaqiinneen maqalkiisa iyo raadkiisa. Dadkii uu u gacan galay waa isu cilladhansadeen, rabtii lagu haayay ayaa marrasti iyo madaxdii beeshu soo hawirteen, bal si loo hubiyo inuu sixranyahay iyo inuu sergef kusoo galay reerka iyo inuu waalan yahay inta ba. Aw Kutuba Xoor Feer Geelle oo beesha Xaayow ma Jabe nabaddoonkooda ahaa, wadaad kutaab gaablooba na ah oo jalladka khaqiisa iyo Yaasiinka yaqaan, Ragga iyo Dumar ka na isku mahriya ayaa loogu wacay, markii looga sheekeeyayay ninkaan ambadka ah ee dadku is leeyihiin xaqii ayaa soo buubsaday. Aw Kutaba-xoor Feer Geelle ninkii waa gartay markii looga xog warramay, waxaa la yiri: waa ninkii gugi la soo dhaafay ee cagaar wayne la guureeyay qaalintaadi caruud cadka ahayd ee rimalowday (86) waa na ninkii dilay wiilkaagii kurayga ahaa ee geela kuu raaci jiray ee maxaa laga yeelayaa?’ Intii hadalka loo bidhaaminayay wadaadka ayaa waxaa meel gees ka maansooday: Colaad Shiddeeye, ku ma tiraabay:

  • Habaskii walaalkaa dilee, qaaday halahaagi
    Oo haatan soo roogsadee, halacsi doonaaya
    Adoo hoota soo haaban kara, horinna kuu joogto
    In la sii hadlaa waa waxaan, ila habboonayn’e
    Maxaa hoogga loo saadiyaa, heerku waa nabad’e.

Colaad Shiddeeye waa ardaal balaayada kiciya, La ye: “Balaayo huruda la ma toosiyo’e.” Colaad kobihii uu illanaa ayuu inta siibtay, calaftii (87) afka gashaday. “Doqon la caraadshay caymo ma reebto’e” waxaa dhoolgaad uu watay ninkii goobta lagu warsanayay madaxa kala dhacay, Calasoow Fiija dheere oo ahaa nin liid aan garan, inaan la dilin ninka megenta kuu ah. Halkaas waxaa nafti uga haadday Koba-Geedkii ragga afartameeyada ah soo saaminayeen. Goortu na waa casir liqii oo gabbalku waa raaracsaday. Goobtii lagu xoonsanaa waa lagu kala haaday rag dakano qaba ma dikana’e waa la kala dareeray, qof walba xoolihii ay beriga raacday ayay soo xera geli tagtay. Halkii daqiiqado ka hor nabad la ahaa caawa waa la maadanayaa, illeyn nin dhiig ku jiro ma dhiirrano’e. Nimankii fayl-dheerta ahaa raggii ugu horreeyay waxay soo dul istaageen maydkii Koba-Geed, oo madaxiisa dhiiggii ka baxay dhulka burar ku noqday, colkii kale ee raacdada ku jiray na waa yimaadeen.

Raggii tuludda ahaa ee soo kala firxanaya markii loo jeeday wixii beesha reer Xaayow ma Jabe goobta ka joogay oo rag ahaa jaanta ayay rogeen. raggii ka socday beesha wiilka laga dilay, oo talo ruugruugayaa ayaa waxaa soo ag roogsaday wadaadkii cidda nabaddoonka ka ahaa oo maro cad babbinaya. Sida dhaqanku ahaa la ma dili jirin: waayeelka, culimada, carruurta, Haweenka, ninka megen ahaan loo qabto, ninka la bixiyo, ninka socotada ah inta ba. Waxaa na laysku dhihi jiray “Berimagaydo” sidaa darteed raggii waxay hoos ugu showreen inaan wadaadka la taaban.”

Markii uu salaantii ka qaaday, wuxuu u sheegay in gef iyo qalad dhacay, wiilka na wax ma garato dishay, uu na diyaar u yahay inuu bixiyo “Duug iyo Xawaala daye, Karfan iyo god” raggii na wuxuu ka codsaday inaysan dagaal qaadin, qof na dilin, wacdi iyo waano ayuu isugu daray, wuxuu u caddeeyay in haddii la kala aarto la bergaabanayo oo aan lagu bilmayn. “Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho” “Minaan la kala roonaan roob ma da’o” Sidaa aawgeed wuxuu u sheegay inuu xil iyo diyo ba bixinayo, raggii oo harraad tabcaan la ah na inta horkacay ayuu gurigiisa geeyay, siddeed gocoyo oo lama rati ceelka ka keentay goor aan fogayn ayuu Qabaal (88) caano suunleey wayn ugu jiray kula barxay, sidaa na raggii ku harraad baxeen. Aw Kutuba-xoor nin gobeed ayuu ahaa dhiig rageed na beeshiisa ku maqan yahay’e qaalin baarqab ah oo Awrta la dabranaa ayuu inta soo galaamiyay haanka ka gooyay ku na yiri: Qurbacaan dubta caawa garta na markii waagu sala’ yiraa ayaan gelaynaa.”

Markii waagu dillaacay, waxaa laysugu yeeray, geed ka hadalkii beesha Xaayow ma Jabe, raggii kale ee Af la horratada lahaa waa laga reebay, si aanay u gelin gar cawaado. Raggu waligiis ba waa Af la horato (89), addin (90) la horato iyo aqli la horato’e(91) gartii subaxnimo sidaa ayaa lagu waax-waaxay. Wax galkii beesha Xaayow ma Jabe waxay soo xireen, laba halaad oo duug iyo xawaalo daye ah, waxay kusoo dhinac xireen, baarqab loo la jeedo god iyo karfan, waxaa kalooy keeneen, rati xeeri saaran yahay oo maydka lagu qaado. Waxaa lagu ballamay in Diyada iyo xilka ay bixin doonaan haddii geel iyo geedo heshiiyaan, waa haddii roob da’o’e. Gura dambeedkii Roobo Ratiwaal ee ka haray igaartii ay dhashay asigoo mayd ah ayaa ratigii uu saarnaa duggaalkii ay joogtay baalkiisa lagu soo tujiyay, dhib se uma arag, waayo mar na ma oggolayn inay xaqdarro ku noolaadaan wiilasheedu, qof na ku xadgudbaan. Hadda na waa waalid wax dhalay’e baarku waa belbelayay. Halkaas waxaa loo xayd-xaydtay in la aaso maydka. Toxobeey oo dhacdooyinka korriinsheheeda sii wadda waxay tiri:

La soco dhacdooyinka xiga.

  • Sharraxdda Erayada:
  • (65) QORAQAAD: Qofka marka la aaso ka dib ayaa qorya lagu wareejiyaa Xawaalka si ammin dheer uu u sii jiro, oo aanu u baabi’in.
    (66) ODAY WAYN: odaga ka wayn Abbaahaa da’ ahaan.
    (67) DABUUQ: Xarig yar oo seddax baaco ah, inta badanna lagu hoggaamiyo geela, gaar ahaan Awrta. Markii hore waxaa laga soohi jiray mayraxda geedaha, Qanrarka, Qansaxa, iyo Hareeriga.
    (68) KARINLE: Kuris-bidaar, ratiga raroyga ah oo baarka kuriskiisa kabada iyo rarku gaylaanta baarka ka jaraan.
    (69) JILIB XIR: Hab neefka geela ah lug looga xiro, iyadoo isku laaban.
    (70) TODDOBO KAROOD: Toddodobada karood, waa hab lagu qaybiyo geela markii la galo. Heregga ayaa loo qaybiyaa toddobo gobol, waa: Afarta lugood oo min kar ah qoorta iyo labada dhinac, feeraha. Sidaas ayaa na toddobo karood loo yaqaan. Waa dhaqan Soomaalidu hilbaha geela ku qaybsan jirtay hab maamuuseed gaar ah.
    (71) RIIRAN: Geedo ku fiican in dhulka lagu goglo, oo aan qudax iyo wax ku mudaa lahayn.
    (72) QURDHUBAAN: Caws dhulka ka baxa oo is la riiranka aan soo sheegay la sii kor saaro, si agabka ama hilibka la saarayo aan ciiddu u gaarin.
    (73) RAAR: Riiranka iyo Qurdhubaanka marka lays dulsaaro ayay noqonayaan raar, waxaa na loo adeegsadaa meela badan, sida: Karoorka, Ceelka afkiisa, sariiraha aqallada IWM.
    (74) COKORNAAN: meel dhooban.
    (75) HUMAMAAWSI: walax meel dheer laga dammooday, mararka qaar foolka ayaa gacanta la saartaa si aragga loogu kabo. Meelaha mugdiga ah na waa loo adeegsadaa sida habeenki oo kale.
    (76) HUMMANIS: walax aad u jeeddo aadan se hubin, waxaa kale oo loo yaqaan, meelaad aadday adoon aqoon ee qiyaas ku raadisay.
    (77) FUG-FUGASHO: Hadal aan afka toos looga sheegin, oo qof ciishoon ama murugu hayso ku tiraabto.
    (78) WAAX GAAB: dhallinyaro isku dhafan afartan jir ilaa labaatan jir ka kooban.
    (79) FAYL-DHEER: Rag Soddon jir dhaafay oo xoog, orod iyo adkaysi lagu ogyahay
    (80) QUNUX: Geed la qoray ama maqaar xoolaad laga sameeyay oo raggii hore gammuunnada fallaaha leh iyo mariidka ku qaadan jireen.
    (81) FAGAAR QOTOMIS: Toos in loo ordo si kama dambays ah.
    (82) SEED-GADUUD: Rag xooggu ku xasilay,
    (83) HAADDA FADHIGA UGU TAGA: Orod kaliya ah.
    (84) DABAADI: gadaal soo socda, inta badan waxaa loo adeegsadaa xoolaha dadku na waa la mid.
    (85) GUCAAD: wax taagtaagsanaya, inta badan geela ayaa loo isticmaalaa.
    (86) RIMALO: Qaalin ugub oo aan wali curan xilligii loogu talogalay na dhaaftay, ee caddiinu maqaarkeeda buuxisay oo dhiidhiiracaysa.
    (87) CALAF: Kobta marka la geddiyo duudkeeda, raggii hore marka ay doonayaan inay qabiil ama qolo dagaal geliyaan kobtooda ayay inta siibtaan afka gashan jireen. Waa hab colaadda lagu billaabo.
    (88) QABAAL: Naar wayn oo xoolaha lagu shubo, xilliyada isu imaadka na hilbaha lagu bixiyo IWM.
    (89) AF LA HORATO: Ka fiirsashu la’aanta hadalka,
    (90) ADDIN LA HORATO: Dagaal badan, dulqaad yar.
    (91) AQLI LA HORATO: Hubsiimo badan, hal adag, aan degdegin, dulqaad na muujiya mar walba.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE