Kasmada curineed W/Q: Jamaal cabdinaasir

 
Saadaasha nolosha sideedaba Kuma koobna jiritaankaaga iyo xaaladahaaga, ee waxay ku koobantahay hadba inta fikirkaagu iyo hal-abuurkaaga jiro. Waana sabab kuu gaar ah in hirdankaagu Sara kaco oo ay nolosha ku tusin xaaladaada, oo aad adigu is tusto marxaladda aad ku sugantahay. 
 
Waa daruuri in xarfaha isa saaran ee isbadalka u baahan ay ugu qurux badan tahay in aad isbadal ku sameyso. Jiritaanka curinta waa faham bidhaansan una baahan garasho fiyow loona qiimeynayo waaqica lagu noolyahay.
Sifeynta hal-abuurka aalaaba uma qummana xaaladaha la taaganyahay.
 
Qofka hal-abuurka wuxuu beegsadaa siiyaalka soo socdo. Ammintaan la joogo looma kuur galin muhiimadda ay leedahay in maanku shaqeeyo.
Waxaa udub dhaxaad u ah Dhalinta waaqicaan jooga in ay usafanayaan hogaaminta, waa muhiim in hogaamin la barto, lana jeclaado laakiin hogaan bilaa curin suurtagalnimadeeda ma sahlana.
 
Maskaxda waxay ubaahan tahay in laga shaqeysiiyo lagu fikiro, laguna xisaabtamo, laguna doodo intaaba ileys bay ukeeneysaa maskaxda. Badanaa maanka waan xaqirnaa oo wax aan muhiim ahayn baan ku madadaalinaa, waana ceebta caqliga ugu weyn in uu garto kaliya wax aan muhiim ahayn.
 
Dareemaha curinta waa ifafaalo sare una baahan booqasho ilbaxaysan, waa maan-gal in loo hirdamo Soo saarista aragtiyo cusub loo beegayo Samata bixinta waaqica lagu nool yahay. 
 
Waa xaqiraad in aadan garan kasmada naftaada adiga oo na liidaya dadyow kale. In kasmada naftaada aad garato waa curinta naftaada oo aad garato. Curinta waa sees muhiim ah uu aadanaha ku dhaqaajin karo baahidiisa, iyo koritaanba. Inta badan dadku waxay ku dhibtoodaan in si maangal ah oo garasho xeeldheer oo ku dhisan una gorfeeyaan dhibta taagan waaqica ay ku noolyihiin, waa jiho iyo xeer ay noo sameeyeen dareemaha fal celineed.
 
Nolosha waxaa lamaane ku ah halgan iyo hiigsi sare loo xariiqayo aragti curineed taa oo kor uqaadeyso fahamka garaad iyo mid waaqic.
Curintu waa mid kamid ah agabyada ay ku howl gasho maskaxda Bani’aadamku waana hanti ubaahan in loo fikiro, waxay ku dhaxal siineysaa aragti-fogaan iyo mid aqoonba.
 
 
Mar marka qaar nolosha waa ka hore kana dambe, fikradaas waxay ku baaqeysaa in naftu insaanka hormaro, kadib aragtidii iyo curintii insaanka ay dambeyso waana xaqiiqada falsafadeed ee nolosha looga baahan yahay.
 
Fahanka garashada waxyaabaha lagu daday waxay ka dhigan tahay inta aragtidaada curineed ay soo maaxato, waa asal in la garto in nolosha xiiso loo yeelo kaliya aan lagu noolaan quudka maalin laha. Waxaa caqligu ku wacnayn in waqti badan aad wax baratay isla jeerkaa aad dhexda udhuuqsaneyso mushaar loo ekeysiiyay adoonnimo. Way wacantahay in aad aragti la timaado, kadibna socodsiiso aragtidaas si maanku udhuuqsamo halkii aad dhexda ka dhuuqsan lahayd.
 
Aragti kasta iyo aqoon kasta oo dadku ku gaaraan waxay soo dhex dabaalatay dareen curin, soona saarayo caqliyad muhiim ah. Badanaa dadka ( mufakiriinta) waxay dhex maquuraan aragtiyo qarsoon si ay nolosha ay nool yihiin wax ugu badali lahaayeen. Dareemaha curinta waxay war celin dheer ku siinayaan markii aad maskaxda ka shaqeysiineyso, kolkaa waxaa istarayaa jawaab ka dheer mid hadal ah.
 
Waaqicaan waxa ugu badan ee dadku curiyeen waa qabyaalad, waa saamaxaad ay iskula jeclaadeen in naftu lagu qanciyo ilbaxnimada madow ee ay ku jiraan. Isweydiimo hor leh bay ubaahantahay in maskaxdii loogu baahnaa naruuro iyo ifafaalo wadan, ay curiyaan in qabyaaladi ay muhiim tahay. Waa ayaan darro in soomaliya ay ugu badan yihiin dadka ku xifaaltama curinta qabyaaladda waa dareen dhaxal reeb iyo mid bur burba, si lamid waxaa soo ifbaxayaa dhalin rogaal celis ah soona saaraysa xeerar akhris iyo qoraal waa aragti curin una baahan waaqicaan aynu noolnahay, si loogu gudbo dareemaha qaldan ee sida farriimaha qabyaaladda.
 
Si looga baxo doqonimada inaga heysata inaynu fikirno, waa inaynu ulaabannaa kasmada nafteenna si aan u ogaanno fahamka dareen aynu dooneyno inaynu curinno.
 
W/Q: Jamaal cabdinaasir

SHEEKOOYIN