Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q10AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q10AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan waxaa la yiraahdaa: “Ilaahoow na bixi” waxaa na tiriyay Abwaan Laashin: Muluq (A.U.N.). Waa guurow dhinacyo badan oo nolosha ku saabsan xeerinaya. Laashinku meelaha qaar wuxuu ku tilmaamayaa walax aan dhici karin, sida ruux sabbaad wadnaha uga yaal ee subag Idaad ku daawaynaya. Mar na wuxuu taabanayaa ducada iyo awoodda Ilaahay u leeyahay Jiraalkaan aynu dul joogno. Hadda ba ka bogasho wacan guurowgii “Alaahoow na bixi” iyo siduu u dhacay:

Gabagu waa bil dhalatoo macnaha, been ka saafiya’e
Abwaankii la baro waa inow, badiyo taariikh’e
Boqollaal qofood waa inow, buunda dheeryahay’e
Wixii beriga muuqdaya wixii, bila la soo mooday
Asigoon beddelin waa inow, kala bayaanshaaye.

Mase ba’aan bidaar diirantay iyo, buro ku taal foolka
Ama boog la cunay ee tisxigu, baad ka dhiganayo
Ama se baahi gurigaa taqaan, badar la’aantiisa
Ama oon berrimadaa og iyo, biyahaan kuu aallin
Amma naag bilcaanehe, waxay baratay kaa weyday.

Ninkise baahal koriyoow haddow, boqonta kaa gooyo
Bermaad uga dacwootaa adaa, soo barbaarsaday’e
Buubaal nin dhaanshoow haddow, biyaha kaa daadsho
Bermaad uga dacwootaa adaan, soo hoggaan barin’e
Ninki buda weraayow haddii, layrtu kala boobto

Bermaad uga dacwootaa adaa, meel bannaan dhigay’e
Ninki beer abuurow haddii, bocor lagaa daaqo
Bermaad uga dacwootaa adaan, baylah ka ogaanee.

Nin basiin gedaayoow haddow, gubayo booskaagu
Bermaad uga dacwootaa adaan, kala baxnaaneyn’e
Billaawihi ad leedahay haddow, bedinka naafeeyo
bermaad uga dacwootaa adaa, beecsadoo geday’e
Booyaasa naag qorateey, goor ninkaa barayo
Bermaad uga dacwootaa adaa baydka keensaday’e.

Bad macaatay badar ceel ku yaal, boqol jir caadootay
Abaar baad leh jiilaal biya leh, hoga barwaaqaysan
Bun la diiday biirkoo la cabay, booli lagu soomay
Bur mariida meel kaa bugtee, lagu badbaadaayo
Nin sabbaad ku boorootiyee, Ida ku baanaaya
Bariirroow gacmaha lagu sidee, baarri noqonaaya
Bili aadam kala baqanayee, bahal rabbaayoobay
Bela lagu ducaystaya colaad, beri sammaanaatay
Berka uur leh ee waalidkeed, farax la boodaayo
Boodaan dammeer lagu xiree, baar qab laga reebay
Beled Geel ka soofaye barqadi, buraha loo qaaday
Booyaas xakuma reerohoow, wax u bislaynaayay
Beesaani jaamiciya iyo, badaw xafiis joogee.

Badahaas la owdaya intaan biyuhu, maanshoodin
Jibaaluhu intay inya burburin, beraha naafaynin
Buuraha rakiban iyo intaan, ciiddu kala bayrin
Buunkii qiyaamaha intaan, baaqa lagu yeerin
Baratada naflaydaa intaan, baabah laga siinnin
Ilaahoow na bixi waadigaan, baadilka aqoon’e
Basharkaad abuurtaan nohoon, baadi kaa naqanee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN