Heshiiskii Ethiopia & UAE ee 7/3/2018. W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Heshiiskii Ethiopia & UAE ee 7/3/2018.

Shalay inta badan Madax iyo shacabba waxaa lagu mashquulay 8 Marso, iyo culeyska wadooyin xiran ka doodiddood, qaraab iyo quud raadisna kama marnayn. Xalayna jimca ayay ahayd qaad iyo shiishad badan baladka waa lagu rafaadiyay.

Annigu haddan Alle iyo rasuul ka baqo xalay aniga iyo asxaabtaydu Qur’aan aqris ayaan ku masquulnay sida caadadu noo ahayd Jimcaha, Bun sixin ah iyo cambuulana waa rafaadinnay.

Shalay iyo Doraad maxaa ka dhacayay dhinacyadeenna, yaa noogu maqnaa arrintaa?.

Taariikhda 7 /March 2018 Wasiirka Arrinaha Dibadda ee Ethiopia Dr.Workneh Gebeyehu waxa uu Adis ababa kula shiray Wasiirka arrimaha dibadda & Xiriirka Caalamiga ah ee Imaaraadka Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.

Kana qayb galay shirkii 2aad ee midowga wasaaradaha labada dal : “the 2nd Ethio-UAE joint ministerial commission” kaa oo mar hore sannadkii 2015 lagu asaasay Dubai, muddadaa yarna la kala saxiixday 6 heshiis oo laba geesood ah, in kasta oo labada dal xaq u leeyihiin in ay heshiis laba geesood ah kala saxiixdaan, haddana waxaan sugeeynay labadda Safaaradood ee noo kala jooga Adis iyo Dubai in ay noola socdaan wixii saameeyn uu nagu yeelan karo (laga yaabee in ay noola socdaan, loomana baahno in aan wax badan shaqsiyan ka ogaado bacdamaa aanan ahayn shaqaale Dowladeed oo xaq u leh, illa dowladdu dadweynaha u soo gudbinayso, safaaraduhu ha iga raalli noqdeen).

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ethiopia Dr. Warkneh ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la laba laabo maalgashiga UAE, waxa uu yiri: Hore Imaaraadku waxa ay u maal galiyeen 10.6 Billion Birr ah, & mashaariic shaqeysa oo mira dhal leh oo gaareeysa 135 Mashruuc ,waxayna ballan qaadeen in ay sii kordhiyaan iyo in aan iska kaashano Nabadgalyada Gobalka iyo in dadkeennu ay shaqa ka helaan “UAE” Annaga walaalaheenna UAE meeqa Mashruuc oo mira dhal dhaqaale leh ayeey noo maal galiyeen?.(Dowlada Qadar ogoow iyaduna kama shar yaro imaaraadka)

Labadaan maalmood intii aan mashquulsaneyn waxaa Ethiopia tegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareeykanka Mr. Rex Tillerson lana kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Dr Gebeyehu. Waxaa la sheegayaa kii Ruushkuna waa tagay. Yaah Yaah! aaway wasiirkeennii arrinmaha Dibaddu, shirka golaha wasiirada shalay shirkii todobaadlaha ee wasiiradeenna ee khamiista ma looga hadlay dhaqdhaqaaqaa socda?. Raalli noqo, shalay waxay ahayd 8 maarso firaaqo ma jirin.

Ethiopia oo aan bad laheeyn waxaa ay leedahay ciidan badeed ,9 ka mid ah maraakiibteeda ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca Berbera. Jabuuti iyo Yaman oo hore shirkadaa DP World ula heshiiyay ayaa ku khasaaray. Cabsi ayaa ku timid wadamada qaar iyada oo laga baqaayo in Jabuuti Dekedda kula heshiiso Shiinaha, Laakin hadda waxaa la sheegayaa in Singabuur lagala heshiinayo. Cabsida in shiinuhu uu ku fido dekedaha Geeska Afrika ayaa hore u jirtay markii shiinhu ay hore u sahamiyeen Deked U dhaw Magaalada Cadale ee gobalka Sh/ dhexe, daraasad dheer ka dibna ay naqshaddii diyaariyeen (Naqshadaa oo ahayd Buug aad u weyn oo aan anniguba Arkay iyada oo dhameystiran, ma aqaan Runtii halka ay ku gurtay, beenu waa xaaraane cid aan ku eedeeyo na ma aqaan, isgaad gaadkuse waa badan yahay).

Masuuliyiinteenna waajib ayay ku tahay in ay la socdaan wixii ka dhacaya deriska, si wixii faa’iida noo ahna aan ula wadaagno deriska, wixii khatar nagu ahna madaxdu nooga sii Moosaan. Dowladduna waa ku mahadsan tahay dacwadda ay hor geeysay Jaamacadda Caraabta, Dacwadda yaan lagu soo koobin shirkad ganacsi.

FG: Akhristoow,waxbaa kar karsamaya geeska Afrika wayna na saameeyn doonaan, iga raalli ahaaw yaanan kugu badin warka’e beryahan firaaqadaa igu badane, intaa waa wixii aan is lahaa Akhristayaasha la wadaag maanta, xaqiiqda jirto ee aan iska hubiyay. Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar, arragtidaadu waa muhum.

W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

 

SHEEKOOYIN