Ninba waayahiisa,Ileyn meel ku waabee! W/D; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

Sac

Ninba waayahiisa,Ileyn meel ku waabee!
Ammintu waa 9:30 geeska afrika,Diyaaradii aan saarnaa,waxey isu diyaaraneysaa,iney hoobato,oo ku dagato,garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho,Waxaa ii muuqda humaaga geedaha cagaaran,ee xaafadaha Xamar caanka ku ah,Carafta dhirta iyo dhulka ka baxeyso,ayaan sanka la raacayaa, Waxaan dareemayaa,jawi aad u wanaagsan,Si caadi oo habsami leh,ayeey u dagatay,dayuuradii cagaha la heshay laamigii lagu hagay,Alxamdu lilaahi Cala salaama.
Waxan ahaa qofkii ugu horeeyay oo ka soo daga albaabka dayuurada,Waxan u jiheysanahay,dhanka xafiiska immigrationka si nalooga hubiyo,waraaqaha aan dalka ku soo galnay,Wadanka waa kaygii,wax kastaba aan ku soo galee,Maxaa la iga weydiin,ayeey ku qeylinaysaa,haweenay dhararsan ineey hab siiso,Ilmaheeda illaa xalay heeganka ugu jiray ineey arkaan hooyadood mar labaad.
Geesaha ayaan eegayaa,waxan ahay qof la tacajubay,horumarka iyo nidaamka meesha ka muuqdo,Garoonka waxuu ahaa,mid aan kubadda ku ciyaarno,Daaqadahii jajabsanaa ee aan aarbitada ku dheeli jiray,iima muuqdaan,Waaw aduunki waa is badalay,Ma arko,Ciidii garoonka ku rogneyd,ee nala oran jiray,ha isku tagina waxaa ku duugan miinee,Ma ogi,goorta la raray,iyo cidda sidan u nadiifisay,Si dhib yar,ayaan ku gudubnay xeydaabkii,Gaabnaa,ee nalugu hubinayay,Horey ayaan u soo dhaqaaqay,Waxaan arkaa askar labisan,Oo kala garaada duwan,dhoowr askari oo shisheeya ah,ayaa iiga dhax muuqdo,Tolow kuwani ma brundeeysaa? ayaan qalbiga iska iri,Waxan ka soo baxay albaabka wayn,Dadki ila socday,badankoodi waa helaan asxaabtii sugeysay,waxana rkaa dad inta hab isa siiyay,isku ooyayo,Doorkayga ayaan sugayaa,dadku, si si bey iila madowyihiin,maadaama aan ka imid,wadan dadkiisu cadcadaayeen.
Guriga dabaqa ah ee iga soo horjeedo,Waan garanayaa,Darbigiisa,waxa maalin nagu qabsaday,Waxuu ii lahaan jiray,Calaamad madoow,oo aheyd maskaxda ruux halkaasi ku qaraxday,Oo yaa qarxiyay?Waxey aheyd 1994,waxan dhigan jiray,iskoolki Alimra ee luqadaha lagu baran jiray,yar aan saaxibo aheyn,oo wadada ka danbayso daganaa,ahaana loodkii iga horeeyay,ayaan soo aaday,si aan uga helo”New words”Vocabularies,Balse nasiib daro,Waxaa halkaasi ka dhacay,shil,Gaari mareykan oo gaashaaman,oo ka yimid siliga,(Safaarada Mareykanka)Kuna socday garoonka ayaa gooladda,lanbar 4 laga soo xabadeeyay, Gaariga waxaa sarnaa,Qof ma,suul ah,oo garoonka ka dhoofi rabay,Gaandharigii mareykanka ahaa,oo naxay,ayaa ooda uga qaaday qorigii weynaa,Ruux kasto oo wadada marayay,Waxuu u qeylinayay,sida aflaamta atoorayaasha jillo,Xabadiisa ka sokow,dhawaqiisa ayaa qalqal iigu filnaa.Nin oday ah,oo aan ii dhereyn ayeey madaxa ka qabsatay,Cararkii aan is lahaa,ayaa madaxi oo faniinayo,waxuu ku dhacay,darbigaas oo aan ka wareego is lahaa,Madaxii dhulka ayuu ku soo dhacay,laakiin maskaxdii iyo caraq la socday ayaa halkaa ku sawirmay,Maalin walbo waan eegi jiray,Maanta uma jeedo,Illaahey mahadii,Laakiin qalbigayga ayaa xasuusto.
Allah, waa walaalkey,Hebel qofka iga kala jaray,xasuustii aan ku jiray oo garabka iga taabtay,waan isku soo boodnay is dhundhunkay,Waxa iigu danbaysay asagoo yar,maantase gar buu leeyahay,Walaashey oon 8 sano arkin ayaa gadaashiisa taagan,alla farxad weynaa,Iyadoo halkaas ii mareyso,ayaa albaabka la igu soo garaacay,Waqti dawaam ayaan maqlay,Wan soo booday,Mise waxanba joogaa,Qolkii aan xalay seexday,Waxuna waaba riyo!
Alloow ii rumee.Aamiin.
W/D; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN