Farxaddii Luntey Q3AAD W/Q: Cabdul Cabdikariim(Jallaato)

Farxaddii Luntey Q3AAD 

Waxa ay soo laabatay, iyadoo Xaas ah, naxdin weynaa tolow yaa baas u baas baxay mustaqbalkeedii ifaayay, ma mid kale oo ka sii if badan ayey heshay, mooji! Ergaddii sidii ay warkaan iigu sheegi lahaayeen ayey garan waayeen, waa i soo wacaan waxna iima sheegaan qofba mar ayaa la iigu dhiibaa adiga u sheeg iyo adiga u sheeg isku tuur markii ay ka dhammaan waayeen waa dareemay in wax jiraan balse culeyska inta uu la egyahay maanan ogeyn.

 

War jiraaba cakaar uu imane, waxaan ku dhahay: “Inta isku tuur tuurka iga dhaaftaan wax uun ii sheega” 

Waxey igu yiraahadeen: “Ma run rabtay mise been, gabadhii safarkii waa ay ka soo laabatay, in aan is aragno waa ay diiday, hadda warkii uu duuduuban nin Raggaa Alle kaa dhigee gabadhii tashataye tasho.

 

Waxaan ku dhahay: “I dhageysta waxaa ii muuqda in aad wali wax qarineysaan, xaajana haddaan sidii dabo Ari loo feydin ma fayoobaato, aan tashado ma xummee maxaan ku tashadaa, kol haddaad arki weydeen micnaheedu maaha in jaceylkeenii 10 jirsaday ay lugta ku dhufatay, dad waaweyn oo aan dirsaday ayaad tihiinee war cad i siiya. Runta dadka ma disho ee waa ka nixisaa ugu danbeyntii waxa ay hadal iigu soo koobeen gabadhii dhoof doonimeyso ee ka tasho, markaad ka tashato kaddib ayaad xaqiiqda ay ku diiday ogaan doontaa. Warkaas kuma qancin waxaase iiga baxay in gabar faro iigu jirin, maalinkaas intaa xog ka badan iney i siiyaan aad ayaan u rabay mase dhicin taas. Waxaan halkeygii ka sii miistay heesihii caloolyowga iyo gocoshada:-

 

  • Arrintaan is iri libin
  • Ku lammaani howlaha
  • Wax dab shidan la saaroo
  • Leyr la dhigay haddey tahay

 

  • Waa luggooyadeydii
  • Haddaad laacday meel kale
  • Waa lur iyo dhibbaatee
  • Haddaad lagaday caashaqa
  • Waa hawo ku lumisee
  • Nabsigaan labada garab
  • Ka laadlaadso kugu iri
  • Sidaan kugu laabkacay
  • Ood iigu laaday howl yari
  • Adigana hakaa xiro Loowyaha…………….!!

 

War la helyaaba talo la hel, bil iyo bar ayaan xabsi guri isku xukumay, waxaan noqday maqane jooge, waxaa iga dagi waayay sida ay wax walba isku baddaleen saacadihii u danbeeyay, waxa aan soo xasuustay maalinkii aan is baranay, waxa aan ku sugnaa xaaladda maanta aan ku jiro mid ka sii fool xun, waxa aan fadhiyay Jardiinka gurigooda hortiisa aad ayaan maskaxda uga daalnaa buuqa iyo walwalka igu furan awgii, arrinkaas xaafadda oo dhan waa wadda gaaray oo ma aheyn mid igu kooban, ayada iyo saaxiibteed oo bannaanka ka yimid ayaa isoo dul is taagay, salaan diiran ka dib labada dhinac ayey iga fariisteen, waxey marba dhinac war iiga keenaan markii danbo ayey igu tiri: “Sadaqadii sokeeya dhaaftaa soo ma noqotaa la yiraa maxaa dhib ku galiyay labada reer kala badbaadi u fur gabartooda, labadeena taad rabto ka dooro.

Waa uga mahad celiyay soo jeedintaas iyo hiillada ay ii muujiyeen waxaanse ka cudur daartay in ballantii aan la galay gabadhaas inaan jabiyo marnaba aan dooneyn. Waxa ay igu dhaheen si wadajir ah hadda ayaan xaafadeeda ka nimid xaalkeedu ma fiicneyn qol ayey ku xiran tahay, waliba intaa waxaa u dheer silsilad ayaa lugaha looga dabray, labo wiil oo ilmo adeeradeed oo hubeysan ayaa waardiyeeyo, waxa ay ka baqayaan si kadis inaad u soo kaxeysato ama ay ayada soo dhuummato.

Hadalkaas aad ayuu ii damqiyay waxaan ku dhahay waa idiin soo laabanaa intaan ka badan looma dulqaadan karo, ciddaan iyo canaadka ay ku haayaan gabadhooda. Labadoodii ayaa i hor istaagay oo ii diiday xaafadda ciddaas inaan aado, laakiin been ayaan u sheegay iyo inaan gurigeyga aadayo iigama harin intaa waa i soo raaceen oo gurigayaga ayey ila yimaadeen.

Gudaha ayaan soo galnay waxaa deerka ama daaradda fadhiyay Hooyadey oo caadiyan salaadda cishe haddey tukato kaddib aan soo jeedin. Waxey igu tiri kheyr waaye mar haddaad adigoo nabad qaba si hoyatay, baqshadaan reerkaad gabadha ka qabtay ay ka timid, waxaas qaboow ma dhihi karo ee iga guddoon.

Isla markiiba warqaddii ayaan feynuusta u dheereystay, waxey u qorneyd sidaan:

Ka: Gacalisada oo ku jecel

Ku: Nuurkii indhaheyga

Waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan ka soo kashka iyo laabta, salaan kaddib waxaan kuu rajeynayaa caafimaad qab cimri dheer iyo cibaaddo suubban.  Gacaliye waxaan rabaa in aan kuu sheego arrin muhiim ah, maalintaan is baranay iyo maalinkaan la joogo ma jiro qof aan dunida kugu doorsanaayo haddaan adiga ku waayana nin kaa danbeeyo ma guursan doono.

 

La soco qeybaha xiga

W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN