Waddada suubban. Q26AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q26AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Fadliga suxuurashada saacadaha ugu dambeeya ee habeenka inta Soon-qadka lagu jiro haddii aan laga baqayn waa beriga, iyo Fadliga Afur dedejinta, iyo waxa fiican in lagu afuro iyo ducada lagu ducaysto afurka ka dib!.

عن انس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى ا الله عليه وسلم 《 تسحروا، فان في السحور بر كة》 متفق عليه
Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Suxuurta, maxaa yeelay waxaa ku jira barako suxuurta. (Bukhaari iyo Muslim).

وعن زيد بن ثابت رضي ا لله عنه قال: تسحرنا مع ر سول الله صلى ا لله عليه وسلم ؛ ثم قمنا الى الصلاة. قيل: كم كان بينهما؟ قال: قدر خمسين اية. متفق عليه

Zayid bin Saabit (A.K.R.) wuxuu yiri: mar intaan Nabiga (S.C.W.) la suxuurannay waaberiga ka hor, iyadoo bil soon-qaad lagu jiro, ayaan dabadeed salaaddii Subax u kacnay. Waxaa la weydiiyay Nabiga (S.C.W.) intii u dhexaysay labadaa, Suxuurta iyo salaadda? Wuxuu yiri: ilaa intii laga aqriyo konton aayadood oo qur’aanka ka mid ah.’ (Bukhaari iyo Muslim).

وعن ابن عمر رضي ا لله عنهما قال: كان لر سول الله صلى الله عليه وسلم مؤ ذ نان: بلا ل وابن ام مكتوم ، فقال رسول الله صلى الله عليه و سلم: 《ان بلا لا يؤذن بليل ، فكلوا واسربوا حتي يؤذن ابن مكتوم》 قال: ولم يكن بينهما الا انينز ل هذا و ير قى هذا؛ متفق عليه.

Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu sheegay in Nabiga (S.C.W.) uu lahaa laba mu’addin oo kala ahaa Bilaal (A.K.R.) wuxuu addimaa goor hore iyadoo wali habeennimo ah. Sidaa aawgeed iska cuna oo iska caba ilaa uu Umm Maktuum (A.K.R.) ka addimo. Wuxuu yiri: waxay ahayd xaqiiqdii waqti yar intii u dhexeysay labadaa markii mid soo degay oo kan kale fuulay sarta sare.’ (Bukhaari iyo Muslim).

وعن عمرو بن العاص رضي الله عنه، ان رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: 《فصل ما بين صيا منا و صيام اهل الكتاب اكللة السحر.》 رواه مسلم.

Camal bin Al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: waxa kaliya uu kaga soocan yahay ama farqi ah u dhexeeyaa soonkeenna iyo Soonka ehlu-kitaanku waa suxuurta, waxaa loo la jeedaa Kirishtaanka iyo Yuhuudda ee aan Suxuuran.’ (Muslim).

Intaas waxaa noogu eg qodobkii suxuurta iyo axaadiistii kusoo aroortay oo wada sugan. Sida ciwaankuba yahay qodobkaan labaadna waxaan kusoo qaadanayaa dhowr xaddiis oo ku saabsan “Dedejinta Afurka” saxiixna wada ah.

عن سهل بن سعيد رضي الله عنه، ان رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: لا يزال الناس بخير ما عجلوا الفطر 》 متفق عليه.
Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Muslimiintu waxay ku sugnaa doonaan jidka toosan inta ay dedijinayaan afurka ay afuraan durbadiiba ka dib markii ay qorraxdu dhacdo oo afurka ka dib salaadda la galo.’ ( Bukhaari iyo Muslim).

وعن ابي عطية قال: د جلت انا و مسروق على عاءشة رضي الله عنهما، فقال لهما مسروق: رجلان من اصحاب محمد صلى الله عليه وسلم ، كلا هما لا يالو عن الخير؛ ا حدهما يعجل المغرب والافطار، والا خر يؤخر المغرب والافطار؟ فقالت: من يعجل المغرب والافطار؟ قال: عبد الله يعني ابن مسعود -. فقالت: هكذا كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يصنع، رواه مسلم.

Abuu Caddiyaa (A.K.R.) wuxuu yiri: aniga iyo Masruuq ayaa aadnay si aan u soo booqanno Caa’isha. Masruuq ayaa wuxuu ku yiri: waxaa jira laba nin oo asaxaabtii Nabiga ah labaduba kama gaabiyaan inay kasbadaan kheyr iyo sammaan: laakiin se midkood wuxuu dedejiyaa afurka iyo oogidda salaadda maqrib. Midka kalena labadaba waa daahiyaa? Caa’isha (A.K.R.) waxay waydiisay: waa kee midka dedejiya afuridda iyo oogidda salaadda Maqrib? Wuxuu ku jawaabay: waa Cabdullaahi ibn Mascuud. Waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yeelay sidaas oo kale.’ (Muslim).

وعن ابي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: 《 قال الله عز وجل: ا حب عبادي الى اعجلهم فطرا》 رواه الترمدي وقال حديت حسن.

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Allaah Casaa wajalla wuxuu yiri: Addoomadayda waxaan ugu jecelahay midka dedejiya afuriddiisa.’ ( Tirmidi wuxuuna yiri: waa xadiis Xasan ah, macnaha wanaagsan.).

وعن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: 《اذا اقبل الليل من ههنا ، واد بر النهار من ههنا ، وغربت الشمس ، فقد افطر الصاءم 》 متفق عليه.

Cumar bin Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: habeenku markuu halkaas ka yimaado bari, maalintuna halkaas ka sii socoto, qorraxduna dhacdo, markaas qofkii soomanaa waa inuu afuraa.'(Bukhaari iyo Muslim).

وعن ابي ابراهيم عبد الله بن ابي اوفى رضي الله عنهما قال: سرنا مع رسول الله صلى الله عليه وسلم ، وهو صاءم ، فلما غربت الشمس ، قال لبعض القوم: 《 يا فلان انرل فاجدح لنا》، فقال: يا رسول الله لو امسيت؟ قال: انزل فاجدح لنا، قال: ان عليك نهارا ، قال: 《انزل فاجدح لنا》 قال: فنزل فجدح لهم فشرب رسول الله صلى الله عليه وسلم ، ثم قال: 《اذا ر اايتم الليل قد اقبل من ههنا ، فقد افطر الصاءم》و اشار بيده قبل المشرق. متفق هليه.
Abuu Ibraahiim Cabdullaah bin Abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu yiri: mar waxaan kula jirnay Nabiga (S.C.W.) safar, wuuna soommanaa, markii ay qorraxdii dhacday, wuxuu ku yiri Raggii nin ka mida: Hebeloow, fadlan deg oo noo diyaari shurabadda. Ninkii ayaa yiri: Rasuul Alloow! Xoogaa iftiinka shucaaca ha qarsoomo, gabbalkuna ha ma doobaado. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku celiyay: Deg oo noo diyaari shurbadda.Ninkii wuxuu yiri: waxaa jira weli iftiinkii maalinta. Nabigu (A.C.W.) Wuxuu yiri: Deg oo noo diyaari Shurbadda. Cabdullaah bin Abii Awfaa wuxuu yiri: Ninkii waa degay, oo noo diyaariyay Shurbad. Nabigu (S.C.W.) inta cabay ayuu isagoo tilmaamaya xagga bariga yiri: markii aad aragtaan habeenkii oo halkaas ka yimid bari, qofka soommani waa inuu afuraa.’ (Bukhaari iyo Muslim).

وعن سلمان بن عامر الضبي الصحابي رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: 《اذا افطر احدكم، فليفطر على تمر ، فان لم يجد ، فليفطر على ماء فانه طهور》 رواه ابو داود ، والترمدي وقال: حديث حسن صحيح .

Salmaan bin Caamir ad-Dabay as-Saxaabi (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: qofku markii uu afurayo waa inuu ku afuraa timir. Haddii uusan helin ha ku afuro biyo, maxaa yeelay waa daahir waxba daahiriya.’ (Abuu Daawuud, Tirmidina wuxuu yiri: waa xaddiis xasana macnaha saxiix ah).

وعن انس رضي الله عنه قال: كان رسول الله صلى الله عليه وسلم ، يفطر قبل ان يصلي على ر طبات ، فان لم تكن رطبات فتميرات، فان لم تكن تميرات حسا حسوات من ماء ، رواه ابو داود ، والترمدي وقال: حديث حسن.

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku afuri jiray intowsan Tukan salaadda Maqrib, xabbado timir busur ah, haddii uusan heli oo aysan timir engeg ah oollin, wuxuu cabi jiray dhowr kabboosho oo biyo ah.’ (Abuu Daawuud, Tirmidina wuxuu yiri: waa xaddiis Xasan ah.).

“Jimco jeer suubban. W:D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN