Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 6aad
Habeenkaas aan kusoo tala galay waxba iima suura galin, buuq iyo oohin ayaa hareeyeen kulankeenii, balse ugu yaraan farriintayda way gaartay halkii loogu tala galay waqtigana wuxuu naga dhacay inaga oo waxba isla garan qof walbana sariirta ayuu la tagay arrinkiisa.
Habeenkii xigay waxaan imid waqti dambe fowsiyana aad ayey u mashquulsanayd oo xisaabaad fara badan ayey ku jirtay, markii aan nabdaystay oo waydii is iri waxa ay ku mashquulsantahayna waxay igu tiri marka aan dhameeyo ayaan kula socodsiinayaa.
Wax fakar ah kama haysan waxa ay qoraysay iyo wax ay ula jeeddaba, balse iguma cusbayn oo way dhici jirtay mararka qaar in ay sidaas wax u xisaabsato waase marka ay adeega dibadda ka timaado, balse markan waa ka duwanayd howsha ay hayso oo waxay iila muuqatay mid ka baaxad weyn tii ay markaa qaban jirtay, fakar badan iyo murugo ayaa laga dheehan karay wajigeeda mana rabin in aan sii taa taabto si aysan u ilmayn.
Sidii ayaan isaga seexday habeenkaa oo iskuma mashquulinba waxa ay qorays, saq dhexe mar aan soo kacay ayaan arkay fowsiya oo wali fadhida waxna qoraysa balse, iskuma sii dhibin howshayda hurdada ayaan iska watay.
Subixi markii aan is leeyahay kac oo isku diyaari shaqada ayey ii dhiibtay warqad ay shuruudo ku qoran yihiin, waa shuruudaha ay ku aqbali karto furriinkayga, waxay kaloo ii dhiibtay xisaab badan oo ay ilaa xalay ka shaqaynaysay waa hantida qaybta ay ka haysay, dhamaan aniga ayey igu soo wareejisay taas oo fajac igu noqotay, waxayna ii sii raacisay Qaasim adiga ninkayga ayaa tahay, labadii i dhashayna waan kaa doortay haddaad adiga i nacday hantina wax kula tahay aniga waa taas waxba kaama rabo dhamaan magacaaga ayaan ku wareejinayaa inta dhiman, xisaab wixii xagayga jirayna waa tan.
Uma sii jawaabin, in aan u jawaabana igama hayn oo waxaan la amakaaksanaa waxa ilaa xalay lagu dhafray qoristooda waxa ay noqon doonaa, aniga oo yaaban ayaan warqadda aqris u galay, mise waxaa ku qoran codsi.
Codsigeeda ku saabsan furriin aqbalidda aad ayuu u fududaa, wax kale ma codsan, waxa ay dalbanayso waa wax iska fudud waa wax uu ka bixi karo ninka anoo kale ah ee doonaya in uu ka dheeraado nolosha naagtan uu kahaystay.
Waxay iga codsatay in hal bil aan iyada la noolaado waliba nolosha aan la noolahay ay noqoto nolol la mid ah tii waagi aan nolosha bilownay, codsigeeda ayuu ahaa, xitaa haddaanan samayn karayn in aan la jilo bishaas nolosheeni macaaneed ee xusuusta lahayd inta aan ka xasuusto ayey inta i waydiisay in kale oo xasuusana iigu dartay, iguna tiri intaas ii samee bishan.
Shuruudeeda waxaa kaloo ka mid ahaa in wiilkeena uu bishan imtixaan leeyahay, sidaa darteed aan la qasin oo labadeenaba aan u muujino jacayl iyo dhiir galin gaar ah si uu natiijo fiican u keensado.
Runtii iguma adkayn, waxayna ahaayeen wax aan samayn karay, balse mid ayaan ka codsaday iyada, taas oo ahayd in hantida maadaama ay ii wada daaysay ay iga aqbasho waxa aan uga garto taas oo ay ku gacan sayrtay.
Dood dheer kadib waan aqbalay fulinta codsigeeda, subaxaas marka aan xaafadda fowsiyo kasoo baxay oo shaqada kusoo fool leeyahay ayaan Ubax wacay una sheegay sida wax u dhaceen, ubax waxay igu dhiiri galisay in dalbashada fowsiya aysan ahayn wax adag aana u sameeyo inta ay dalbanayso si aan uga soo dhamaado.
Aniga iyo xaaskayga fowsiyo waxaa inoo bilaabatay bil aroos cusub oo jacayl aan laabta iga jirin aan darteed u jilayo, iyadase ujeeddo ayey ka lahayd.
Aniga iyo fowsiyo xiriir dhanka jismiga ah oo samayno waa hore ayaa isugu keen dambaysay, waxa inoo bilaabatay nolol cusub, runtii waxay iga codsanaysay in wax walba sida ay ahaayeen waagi hore aan u sameeyo oo wax walba sida dhabta aan u jilo waana sameynayay runtii.
Waan la yaabanaa awal soo jeedinta iyo codsiga shuruudda furriin aqbalidda ujeedada ay ka lahayd.
Ujeedadeeda waa caddayd, waxay dareentay in labadeena aan kala fogaanay iska warqabkeena iyo wax wadaagiddeenana ay yaraadeen, fakar dheer ayey samaysay oo waa taqiin halka markan oo kale la iga maro.
Wax badan ayey is waydiisay waxayna dhab u dhuuxday waxa naga maqan labadeenaba maadaama rug caddaa dhanka cilmu nafsiga ay si dabciyan ah u ahayd, balse aqoon aysan uga qalin jabin ayey shuruudahaas fudud igu dul adkaysay.
Qofka marka uusan si hoose u fakarin oo waxa u muuqdo kaliya eego sidayda oo kale, waa qof markaa muuqashada waxa uu rabo dabin loogu dhigi karo, haddii la doonana lagu dili karo isaga oo aan calfan waxa uu jecel yahay ee u muuqda.
Ubax iyo anigaba meel gaaban ayey noo taagnayd, waxaana ka wada mideysnayn sida aan fowsiyo isku dhaafij lahayn oo nolosheena aan uga saari lahayn, ubax danteed waa dan dumareed wax kasii dheer ma jirin anigana ujeedadayda waa caddayd, waa in aan soo gaabiyo nolosha fowsiya igala dhaxaysay, balse fowsiyo shamaagtii ay daadsatay waa hubtay in ay wax ugu dhacayaan, qofka loo dhigay shamaagtaasna aniga ayuu ahaa , maxaase igu dhacay?
Waxaa igu dhacay is baddal, waxaan dareemay in aan xaaskayga fowsiyo dayacay ee ay wali sidii u macaantahay, cuntada mararka qaar waan u karin jiray sidii ayeyna iga codsatay inta u kariyo aan ula cuno, waana sameynayay.
Nolol macaan oo aana u diyaarsanayn ayaa la i dhex geeyay, xusuustayday dib isku qoris ayey bilowday, kaaga daranee jilaha fimkan waa aniga, filim sameeyahana waa Fowsiya, iyada sida ay wax samee ii dhahdo ayaan u sameynayay, heshiiska shuruudihiisa ayey ku kirtay in bishaas aanan hadal iyo iska caabin toona ula iman.
Aniga waxaan lahaa ujeeddo, waxan is lahaa ka baxso nolosha fowsiya, balse waxaan arkay aniga oo mar kale sii dhex dabaalanaya, mar walba waxaan dareemayay in aan ahaa kan khaladamay ee is baddalay ee aysan fowsiyo qaladka lahayn .
La soco qaybta 7aad
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

Ekisyare@hotmail.com 

Xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN