Dardaaran Tawl(Waalid) Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Dardaaran Tawl(Waalid) Q1AAD.

Waa soo jireen iyo dhaqan ab ka dhaxal ah in Tawl weliba la dardaarmo ubadkiisa una gudbiyo talo iyo tusmooyin nololeed, isaga oo ku kordhinaya waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisaba. Ugana digaya dhibaatooyinka soo foodsaari kara noloshiisa geerida tawlka kaddib.

Haddaba wiil la yidhaahdo GOROD ayaa Aabbihii GEEDI la dardaarmay waxa uuna ku yidhi, maandhoow haddaad noolaato Afar iska jir:

1.Wacal/ Garac ha korsan, haddaad korisana baradaada haku korin.
2.Boqor iyo hoggaamiye hala noqon jaal iyo widaay aad ku kalsoontahay
3.Doqona iyo nin liid aad taqaanna gabadhaada ha siinin.
4.Xog halis naftaada gelin kartana haweenaydaa ama xaaskaaga haw sheegin.

GOROD wuu weynaaday waxa uuna gaadhay 20 jir, haddaba dadkii hore ma ahayn kuwa maanta jooga ee badankooda dhulka lagu culeysiiyey ee waxa ay ahaayeen dad karti iyo hawlkarnimo u dhashaye, guntiga ayuu dhiisha isaga dhigay, wuxuu noqday nin magac iyo milge ku leh bulshada dhexdeeda, aadna loo tixgeliyo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa markuu guursaday waxaa ku soo dhacay dardaarankii Aabbihiis. Ka gadaal waxa uu ku tallamay inuu bal si dadban u ogaado isagoo digtoonina ku jirto wixii aabbihii faray hadduu yeelo waxaa uu kala kulmi karo.Intaannu waxba dhalinba waxa uu ka billaabay inuu korsado WACAL uu ogyahay inuusan dhalin, gurigiisa ayuu keenay waxa uuna dhiibey xaaskiisa, si wanaagsan oo la mid ah sida loo daryeelo loona koolkooliyo ubadka ayuu u soo barbaariyey. 

Tallaabadii labaad waxa uu jaal iyo widaay la noqday BOQORkii deegaanka isagoo u soo maray jiidaal dheer, mar uu ammaano iyo mar uu deeq iyo milgeeyn geeyaba waxa uu suurtageliyey inuu noqdo qofka ugu dhaw BOQORKa, weligiisan dan gaar ah ma weydiisan, taasoo boqorku u arkay inuu yahay taageere lagu kalsoonaan karo. 

Markii la joogay muddo 20 Gu’ oo kale ku dhawaad ayaa uu gabdhihiisa laba mid ah kala siiyey DOQON xoolo leh iyo DIRAC oo sabool ah.Markii dhammaan ay usoo Af jarantey hawlgalkii ogaanshiiyaha waxaa dhici kara hadduu sidaa yeello, ayuu waxa uu bilaabay sidii uu uga gun gaadhi lahaa dardaarankii Aabbihiis.

Boqorku waxa uu lahaa DEERO aad uu u jecelyahay oo uu xannaaniyo, waxaa DEERADA ilaalin jirey adeegayaal u gaar ah oo tabobaran, deeradaas agteeda iyo agagaarkeedana lama mari kareyn.Maalintii dambe ayaa uu GOROD waxa uu BOQORki u weydiiyey si kaftan ah, BOQOROOW horta maygu kalsoontahay? Boqorkii oo iska ilaalinayaa in xumaan lagu tilmaamayo ayaa yidhi: ” HAA naftaydaan kugu halayn karaa wax kale iska daaye”

GOROD ayaa yidhi: Waa tahaye haddey sidaa tahay waxa aan kaa doonayaa inaad toddobaad igu haleyso DEERADAADA oo aan beertayda ku soo hayo, si dadku u ogaadaan jaalnimadeenna iyo kalsoonida aad ii hayso?!

BOQORki ayaa yara aamusay, waxa ayna la noqotey arrintaasi gar, maxaa yeelay waxa uu is yidhi: Haddaad maya tidhaahdo jaalkaaga hadalkaad ku tidhi nafteydaan kugu haleyn karaa wuu beenoobayaa, isagoo werwerna ku jiro haddana is giijinaya ayuu qaatay go’aan kuna yidhi waad wadan kartaa, balse, ogoow deeradayda naftayda waan ka jeclahay, hadday wax gaadhaan qoortaan kaa goynayaa.

GOROD durba arag in boqorku deeradu kala weyntahay qof dhan, haddana waa nin ujeed lehe, haye Boqoroow ayuu yidhi:

GOROD waxa uu kaxeeyey deeradii waxa uuna geystay beertiisa, halkaas uu ku dejiyey habkii uu dhammaan afarta arrimood ku ogaan lahaa. Goor galabnimo ayuu ka soo degay FARASkiisa isaga oo NEEF qoorta ka go’an sida oo caloosha laga saarey meel ka mid ahna Nabar ama gunaad Fallaadh ku dhacday ka muuqato.Waxaa durbadiisa weydiisay xaaskiisa waxa uu yahay neefkani, isagoo xanshaqaqaya dadka kalena xogtaas ka qarinaya ayuu dhegta ugu sheegay in isagoo galabta dhugtamaya ay faallaadh seeraarahi u gudubtay dhanka kale oo DEERADI boqorku daaqayso, wadnahana ka haleeshay, waxa uuna u raaciyey walaaley arrinkaas cidna haw sheegin hana la wadaagin.

La soco qaybta Labaad.

Cabdiraxii Hilowle Galayr

 

SHEEKOOYIN