Hammi caashaq iyo hunga been ah Q12AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q12AAD 

Saaxiib waan ogahay inaad garab iga rabto, diyaarna waan u ahay in aan xal kula goobo arrinta ugubka kugu ah adiga ee ku haysta , illintaadu way I dhibtay wayna I damqisay . waan fahmi karaa culayska ku saaran baaxaddiisa iyo cariiriga aad dareemayso, marnaba ma rabin dubaaqaygana ma gelin inaan kaa illimaysiiyo ee waxaan rabay in aan wax kula saxo amaba kula haggaajiyo.

Jaalkaygiiyow nin rag ah waxa uu yiraahdo nin rag ahi weligaaba waa ka biyo diidi jiray ee bal adigu ii sheeg sida aad is leedahay xalbaa loogu heli karaa xaaladdaadan cakiran? Waan ogahay in aad aniga is leedahay muu xal keeno waa sax oo waa in aan anigu arrintaan xaliyaa! Balse, marka hore bal adigu iisoo bandhig hal dariiq oo aad is leedahay waxba lagu bilaabi karaa?

Axmed hadal kaan badan ee saaxiibkiis ku tiraabay aad uma maqlin dhegtiisa oo tabcaan ah darteed, dhegto say tabcaan u noqotay haddaad is waydiinayso ogow waxaa jira awood hadday hoos u dhacdo uusan qofku waxba maqlin. Waxaana qasab ku noqotay in uu yiraahdo asaga oo naxsan lana moodo in asaga oo hurdaaya biyo qabow dusha looga shubay ayaa yiri: saaxiib igu soo celi waxaad lahayd?

Saaxiib maba joogitodoo waan ku arkayaaye jacaylkaagaan hawada kuu soo maray ee kuu soo dhuuntay, waaba mid halbowlayaasha dhiigga ku kala jaraye, oo xitaa heer qof kula fadhiya hadalkiisa aad maqli wayso ku gaarsiyay, bal hadda saaxiib saani ii dhegayso, Xasan ayaa saaxiib kiis intaas ku canaantay.

Xasan canaanta waxa ka keenaaya waxa ka mid ah, weli ma arkin wiil gabar uusan arkin hawada ka jaclaaday kaliya, waxa uu yaqaanay wiil iyo gabar is arkada, balse waxa uusan ogayn in hawada iyo aalladaha bulshadu ku xariirto waqti xaadirkaan layska jeclaado, waxaaba la dhihi karaa waa jacaylka cusub ee casrigan ee laysku jeclaan karo.

Axmed oo soo hingday ayaa saaxiib ku yiri:Widaaygiiyow gabadha aan jeclahayi waxa ay milkisay qalbiga aniga igu rakibban anoo arkin waxa ay la jira dareenkayga, waad ogtahay oo jaceylku ogaysiis ma leh qofka uu asiibaayana farriin uma diree waa uu ku dul habsadaa.

Anigu weligay isma dhihin dubaaqaygana ma gelin inaan xanuunkaan oo kale jaceyl kala kulmi doono, balse way dhacday, Axmed oo hadalkiisii xabeeb saaqday carrabkana ruugaaya ayaa intaas ugu calaalay kuna beer laxawsaday saaxiibkiis Xasan.

Xasan dabool kama saarna in saaxiibkiis si wayn loo helay wuu ku guuxayaa cishqigu ileyn cidduu maago maydbuu ka dhigaa, maskaxdiisa ayuu la tallamey waxa uu ka baaray xal markiiba waxaa u soo baxday arrin cajiib ah oo uu is yiri gabadhaas waa lagu soo heli karaa!

Halmar ayuu ku soo dhowaaday kuna yiri waxaan hayaa xal aan ee su’aashaan iiga jawaab.Axmed oo ay farxay saaqday ayaa yiri: waan kaaga jawaabayaa saaxiib ee isoo waydii?

 Xasan :Gabadhu halkay Nairobi ka degan tahay?

Axmed: Saaxiib xaafadda soomaaliddu u baddan tahay ee Islii.

Xasan ayaa yiri:Sax waan gaartay, haddaba waxaa jirta gabar aniga walaashay ah oo dukaan ku leh Islii waana hubaa iney na caawinayso, ayada ayaana gabarta u dirayna numberkeeda waa siinaynaa ee ka warran haddaan sidaas samayno say kula tahay?

Axmed oo raba soo jeedintaan, haddana werwer ayaa galay in la sii ogaado arrinta inay dhabqin karto, jeclaan lahaaya waxan oodhami inay been noqdaan oo siduu jecelyahay wax weliba u dhacaan, isagoo ay arrintu kedis ku noqotey oo shigshigaya ayuu yiri: Eeen een waa xal wanaagsan ee aan ku dhaqaaqno.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN