Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q11AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q11AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guuroowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Mahmaahyo” waxaa curiyay, Laahin: Cabdulle Axmed Maxamed (Cabdulle Geedanaar). Laaahinku wuxuu uga hadlayaa waxyaabo badan oo isku dhafan, kuna saabsan nolosha iyo waayaheeda dhibka badan. Laashin Geedanaar guurowga wuxuu ku tilmaamayaa, ruuxa ku jecel iyo ruuxa ku neceb, iyo ruuxa doonaya inaadan dhimman annaadan la joogin. Waa guurow soo koobay murti badan oo nolosheenna qusaysa. Guurowgu wuxuu u dhacay sida tan ee ka bogaaho wacan:

• Maal badan ninkii yeeshay iyo, maro adduunyaale
• Amba macallimoow gaaray ee, miin ku darejaysan
• Amba muuq qurxoon lagu arkoo, midab u nuuraayo
• Amba maanso badan lagu arkiyo, hadal macaanaaday
• Aadane inuu milicsiyaan, cidina moogayn’e
• Mowlow noo dhaxeey waa adigii, magaca waynaayee.

• Maah-maahyada haddaan soo qodiyo hadalka, maantoo ah
• Mool sireed ha qodin oo Islaam, lagu mixnayhaayo
• Mohow kugu sugaayaa had waa, lagama moodaan’e
• Mar uunbaad galeysaa waxaad, keli miraaftaaye.

• Maah-maahyada haddaan soo qodiyo, hadalka maantoo ah
• Labo maytideey kugu rabaan, sida ah maankooda
• Labo inaad maqnaatay rabaan, maanta idilkeed’e
• Labo muuqashay kugu rabaan minanka jooggiisa.

• Martidii muraad kaa leh oo, minanka soo aadday
• Iyo maalka kaaga intaad, maamulka ahayday
• Muuqishiyo waxay kugu rabaan, minanka jooggiisa.

• Muq-muqlayda Naageed ninkay, joogto minankiisa
• Iyadaya munaafaqa xadoo, meel is kula dhuunta
• Hadday meel isaga soo dhacaan, ee la wada maadsho
• Ma joogaa iyo maya warkay, mahdiyaan waaye
• Oo inaad maqnaatay rabaan, maanta idilkeeda.

• Macyuub ina adeerkaa ahood, magac darruu diidday
• Ee maal asaan dhiibi rabin, laga maroogsiiyay
• Munaafaqa shisheeyoo cabsada, meel uu kuu jeedo
• Labadaasna maankooda waa, inaad ka maytaawdo.

• Maah-maahyada haddaan soo qodiyo hadalka, maantoo ah
• Middi dheer ninkii kaaga muday, meel aan laga cayman
• Ee miirku miriq kaaga yiri amad, ku maytaawday
• La dhahoo muxuu kaa qabood, ugu muraadaysay
• Hadduu waa la maadsaayay dhaho, sow mushkila maahan?

• Maah-maahyada haddaan soo qodiyo, hadalka maantoo ah
• Maalmo badan nafkii kaa maqnaa, ood u meer-meertay
• Moorada ninkuu ugu jirood, maanta uga jeeddo
• Hadduu maarag weligay ku dhaho, sow mushkilad maaha.

• Maah-maahyada haddaan soo qodiyo, hadalka maantoo ah
• Nin marqaatigeed loogu yimid, xaajo muran gaartay
• Ma heshaa haddii ay dhahaan, niman maqaabeen ah
• Uusan maya iyo haa toona dhihin, sow mushkilad maaha!”

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN