Gabayga: “Jaan Ibliis” W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabayga: Jaan Ibliis

“Jaan Ibliis” waa gabay taabanayo marxaladda haatan ee umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba dhibaatooyinka guud ee la degay.

Gabaygu wuxuu qeexayaa in kooxaha sida Qowm Aakhiraad (Al-shabaab), Burcad badeed, Subbar-baawar, Burcadda tuugada ee wax dhaco, boobo ama dilo iwm ah ee ka dhisan meelaha Soomaalidu degto Afrika illaa Ameerika, in la abuurey, loona abuurey in lagu ugaarsado magaca, maalka iyo maskaxda wax-ku oolka bulshada Soomaaliyeed.

Qaybta dambe ee gabaygu wuxuu tusaalaynayaa awoodda umadda Soomaaliyeed, haddii ay wadajiraan, isla markaana uu duco Alle bari ah u marinayaa, in ay dib u midoobaan.

Gabaygu wuxuu curtey kaddib weriyaha Al-jazeera Maxamed Caddow oo usbuucan tebiyey filin dokumenteri ah oo uu kaga hadlayo gabood falka lagu hayo soomaalida Kenya, Filinka magaciisu waa “Not yet Kenyan” – Weli Keenyaan Maaha.

Gabaygiina waa kan.

1. Cabdow (1) jaawintii(2) gabay beryahan, waan ka joogsadaye
2. Jafaalkayga(3) waa taan ka jarey, jirinta suugaane
3. Uma jeesan inaan jiinki qoro, jowharka ahaaye

4. Hayeeshee markaad jaa’ifada(4), kaga jibaalootey
5. Ayaan jiriricoodoon damqadey, jiirnaxaygiiye
6. Afku waa awood jeedal oo, jeysh ka xoog badane

7. Jawaab gabay haddaan kuu jallado, jiibta iyo luuqda
8. Xikmad jaran leh, suugaan naxwa leh hadal jimayntii ah
9. Anigoo wixii jira ogoo, kuu jumlaynaayo

10. Jahda Gaarisaad iyo Adari, jiridda Mooyaale
11. Mandheeriyo jalkeediyo Wajeer, juqihii iimeey ah
12. Halkii aan jalbeebnaba haddey, jare(5) na waydiini

13. Jeelalkii (6) Mombaasana hadday, juuci (7) nala taallo
14. Jidka Nayroobi goortaan marnana, jeenan nala haybin
15. Jirrabkiyo dhibaatadu hadday, nagu jaflaynayso

16. Sida ari la jaanyadey haddii, nalagu jeesjeesey
17. Jawaanada haddii nalagu gurey, jaadad kala nuuca
18. Imisaad ku joogtaa haddow, magaci jeeraamey

19. Jabadkii kismaayana haddow, joogsan kari waayey
20. San-ku dhuudhe(8) jaarriya(9) haddow, jihada naga haysto
21. Oo aan jaawe iyo juuq islaam, lagu jarmaadaynin

22. Afrikaan jamaamulan haddow, joofaf(10) nagu haayo
23. Addoonsi aan jid loo helin, gumays, nalagu leeb jiiday
24. Oo jiiraan ka noo xigana aw, nagu jasaaraayo

25. Ugaandhayska jawrka(11) leh Amxaar, jaahiliyo burundhi
26. Jalwo iyo Kikuuyiyo Tigree, laysku jananeeyey
27. Shacabkii ka jeer iyo ka jeer, naga jaraaxowye

28. Amreekiyo Israal jaarriyaa, soo jifaysadaye
29. Keligood jug may nagu kareen, wayna jabayaane
30. Qiddad jaan ibliisey warhoy, nagu jaraayaane

31. Al-qaacidda u jeerina ayey, nagu jaraayaane
32. Borobagaandho aan jirin ayey, nagu jaraayaane
33. Oo wax aan jiilkayagu noqon, ayey nagu jaraayaane

34. Buracaddii baddoo julul(12) ah bay, nagu jaraayaane
35. Jiciir tuuga iyo been cad bay, nagu jaraayaane
36. Supper power(13) iyo qolo jinneey, nagu jaraayaane

37. Markastaba jikaar(14) ugubaheey, nagu jaraayaane
38. Annagoo u jeedneey runtaba, jaa’ifahayaane
39. War ka jooga goortaan dhahneey, sii jarribayaane

40. Ninkii jilicsan baa laga jebshaa, laba jeeqaaqe(15)
41. Jilba jiibna loo xirahayaa, jeegadoo maqane
42. Waxa maanta nagu jeeraraa, jidibta(16) weeyaane

43. Jabka gaarey Soomaalidii, jaranjartaa noqey’e
44. Jilbis(17) iyo abays baa u galey, halaq jadeecaahe
45. Jazeeriyo(18) waxaa laga tebshaa jaannalka adduune

46. Cadaawuhu intow nagu jilladey, bow na jeelalaye
47. Xaqeennii ayow kala jirrabey, jeer aan moognahaye
48. Markaan juruq dheh maagnaba, naftow naga jaraayaaye

49. Jillaabeey inoo dhigahayaan, gu’ iyo jiilaale
50. Hadallada ay jaasaynayaan, joholo weeyaane
51. Oo kaamamka(19) in aan jiifno, bay nala jersaayaane

52. Al-shabaabna waa jiil ka mida, oo la jilayaaye
53. Garka jaana haw qabin inow, jeeddo gaaryahaye
54. Oo jaajuus ayaa laysku yahey, had iyo jeeraale

55. Waxa lagu janjeersanahayaa, jiridda Soomaale
56. Jihaad beena, jiririco dagaal, jug iyo baaruudda
57. Jasadkeenna baa lala rabaa, inow jarmoodaaye

58. Dad is-jecel, jamaamiir is-raba, jaaha noloshooda
59. Jicsin nabada, jeefaaf(20) wanaag, laga juqaynaayo
60. Iyaguna sidii jaawa geel, isu jibaadaayo

61. Jowhar iyo Afgooyiyo Berbera, jiidda Beledwayne
62. Jilib iyo Jamaamiyo Bakool, junudda Boosaaso
63. Garasyaani, Jalam iyo Senaag, taniyo Jiidaale

64. Jigjiyo Wardheer iyo Putland, Jalalaqsiyo Saylac
65. Janta gushe kol ay tahey Jawiil, jinawgi Buuhoodle
66. Jubbalaandhi iyo jabad la dego, xerada jeeskeenna

67. Jabuutina kamaan tagin, Cartiyo Obokhdi jaalnayde
68. Shanta calanku jaawiyo ayaan, kuu jalladayaaye
69. Isticmaar ha jiirnaxo markaan, juuq iraahdaba’e

70. Intaan soo jamciyey oo dhan waa, jihada Soomaale
71. Waa jeex walaala ah dhammaan, laysku jaangooye
72. Mid haddow jirrado wow naxaa, kii la jaal ihiye

73. Quluubtooda baa laysku jiney, jiingaddoo kala’e
74. Mar haddey jibaaxaan kufriga, way jug-dhabayaane
75. Cadowgeey jebshaan waxey ka dhigi, mayd janaasaade

76. Waa duul haddey wada-jiraan, juud ka xoog badane
77. Jalaalaqo(21) haddey gelahayaan, lama jaleeleene
78. Samirkaa juhdinayee marbey, jaanta soo rogane

79. Aseey jaabo noqon gaal wixii, jilicsan moodaaye
80. Nin waliba waxow janafsadaa, laga jeseeyaaye
81. Haddaan baaq u dirayaa dadkaygii, jayga ahaaye

82. Jaliil Eebbaheey haysu dumo, kalama jiitaane
83. Raxmaddiisa jawska ah la sii, lagu jalaabiibe
84. Jamashada kalgacalkana, ilaah jeebba uga yeelye

85. Midnimada kuwii isu jabhado, oon jadeer wacanin
86. Meelkastaba adduunyada jagiyo, jilasho loo haayo
87. Ducadaan u juuniyey leggiyo, laabta laga jeenye

88. Ifka dunida jurmi iyo wanaag, jaa’isiyo kheyr’e
89. Jaguug looma quuree, la sii madax jidayn roon’e
90. Aakhirana jannada Eebbahey, jamac u sii geey’e.

Waxaa tiriyey: Maxamed Cilmi Dhicisow

Eray bixin

1. Cabdow: Abwaan Cabdirashiid Cumar (Ina Caws Gurow)
2. Jaawin: suul dhabaalin, suulka iyo farta oo laysku dhufto si ay dhawaaq u sameeyaan.
3. Jafaal: xoog u soo dhufasho, jafaalin.
4. jaa’ifo: waxyeello, dhibaato af iyo addinba.
5. Jare: xakame, qabad lagu qabto sheey ama walax, halkaan waxa uu abwaanku kala jeedaa sharciga Kibaandhaha ee Kenya, kaas oo Soomaalida Kenya si gaar ah loogu bartilmaadsado oo qofkii aan haysan la xiro.

6. Jeelalkii: Eray Ingiriis ah (JAIL) oo micnahiisu yahey xabsi, taas oo muujinaysa sida soomaalida Kenya ay xabsida ugu jiraan guud ahaan dalka Kenya.
7. Juuc: baahi, gaajo lala ildarnaado, taas oo micnaheedu yahey sida ay xabsida ugu dayacmeen.
8. San-ku dhuudhe: Halkaan waxa lagala jeedaa Keenyaatiga.
9. Jaarri: Ruuxa madax adeegga jahlinnimo ku darsadey oo aadka u macangagga ah.
10. Joofaf: Wiirsi iyo waxyeello bareer ah, oo macangaggu ku kaco.
11. Jawr: Gardarro iyo gabood fal aan geed loogu soo gabban.
12. Julul: xad-gudub, gardarro, dulmi iyo jawr.

13. Supper power: Eray ingiriis ah oo micnahiisu yahey “Awood baaxad leh” waxa jiro dhallinyaro Soomaali ah oo magacaan loo abuurey oo ka dhisan xaafadda Islii ee soomaalida kenya, kaas oo lagu ugaarsado dhallinta loo sameeyey maahine kuwa kale, Islii oo keliya kama samaysna ee dunida meelo badan ayaa dhallinyaro la abuurey lagu ugaarsadaa bulshada kale ee soomaaliyeed waxaa ka mid ah meelahaas Waqooyiga Ameerika iyo Menopolis oo aan markasto maqalno in ay burcad Soomaali ah is-dileen, taas oo dhallinyaro la abuurey ay dilaan dhallinyarada bad qabta, waxbarta, ama aqoonyannada ah, waa qiddad la doonayo in aqoonyahanka lagu baabi’iyo.

14. Jikaar: ruuxa runta iska indha saaba, ee beenta u bareera, oo ku dooda in uu qummanyahey, asaraara ee aan oggalaanin qaladkiisa, halkaan qiddada jikaarka ayuu abwaanku ula jeedaa.
15. Jeeqaaq: basarka, aragga, ama iftiinka indhaha.
16. Jidib:masaar, ama godin.
17. Jilbis: nuuc ka mid ah halaqa, maska, goodka abayska ee aadka u waxyeellada badan.
18. Jazeeriyo: Muuq baahiya caalamiga ah ee Al-jazeera, oo baahiyey filinka “NOT YET KENYAN”

19. Kaam: eray afka ingiriiska laga soo amaahdey oo micnihiisu yahey xeryaha qaxootiga.
20. Jeefaaf: in wax loo jeefaafo, loo jiirnaxo, loo sama-falo, loo isxaan falo, loo turo.
21. Jalaalaqo: dirir, dagaal laysku wiirsado.
22. Jaleel: jaleelid, riixid, tuurid, Soomaalidu: Jalaalaqo haddey gelahayaan, lama jaleeleene.

Mohamed Elmi Dhi’isow
Email: elmi_0@hotmail.com
Eldoret, Kenya

SHEEKOOYIN