Waddada suubban. Q27AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q27AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Karaamada Awliyada. Awliyada waxaa loo la jeedaa kuwa Alle wayne rumaysan oo u hoggaansan qowl iyo ficilba. Rag ama Haween iyo fadligooda!”

ALLAAH kor ahaaye wuxuu yiri:

أَلَا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّـهِ لَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ ﴿٦٢﴾ الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ ﴿٦٣﴾ لَهُمُ الْبُشْرَىٰ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الْآخِرَةِ ۚ لَا تَبْدِيلَ لِكَلِمَاتِ اللَّـهِ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿٦٤﴾

Xaqiiqdii Awliyada Alle baqdin ma fuuli doonto oo ma murugoon doonaan. Waa kuwee kuwaasu? Waa kuwa mu’miniinta ah ee Eebbe u hoggaansan, xilka u sarreeyana u guta asiga dartii, lihidooda waa bishaarooyin wanaagsan adduun iyo aakhiroba. Go’aannada Allena cidi ma beddeli karto, taasaana liibaan weyn ah.’ (Suuradda Yuunus Aayadaha. 62-64).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaayee:

وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا ﴿٢٥﴾ فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَـٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا ﴿٢٦﴾

Oo u soo ruxruxo Maryameey timirta salkeeda xaggaaga waxaad sabab u noqon doontaa timir busur ah inay kaaga soo daataan. Ee markaas cun oo cab oo il qabowso.’ (Suuradda Maryam. Aayadda 25-26).

ALLAAH! waxaa kaloo yiri kor ahaayee:

كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا ۖ قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَـٰذَا ۖ قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ اللَّـهِ ۖإِنَّ اللَّـهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ ﴿٣٧﴾

Markastoo Sakariyaa ugu soo galo MARYAM mixraabka wuxuu arkaa cunto ag taal. Wuxuu yiri: Maryameey! Xaggee kaaga yimaadeen cuntada tani? Waxay ku jawaabtay: waxay ka yimaadeen xag ALLE, Allaana u irsaaqo ciddow rabo xisaab la’aan.’ (Suuradda al-Cimraan. Aaydda 37).

ALLAAH! kor ahaayee waxaa kaloo yiri:

وَإِذِ اعْتَزَلْتُمُوهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ إِلَّا اللَّـهَ فَأْوُوا إِلَى الْكَهْفِ يَنشُرْ لَكُمْ رَبُّكُم مِّن رَّحْمَتِهِ وَيُهَيِّئْ لَكُم مِّنْ أَمْرِكُم مِّرْفَقًا ﴿١٦﴾ وَتَرَى الشَّمْسَ إِذَا طَلَعَت تَّزَاوَرُ عَن كَهْفِهِمْ ذَاتَ الْيَمِينِ وَإِذَا غَرَبَت تَّقْرِضُهُمْ ذَاتَ الشِّمَالِ

Oo markii aad ka soo fogaateen iyagii iyo waxa ay caabudaanba Alle maahee, markaa ka gala gebiga. Rabbigiin ayaa naxariistiisa idiin soo fidin doona oo arrinkiinnana si turid leh u hagaajin doona. Waana aad aragtaa qorraxda, markii ay soo baxeyso, waxay kaga wareegeysay gebigooda geeska midig, markii ay dhaceysona waxay u dhaafeysay geeska bidix, waxayna ku sugnaayeen bartanka gebiga.’ (Suuradda al-Kahfi. Aayadaha 16-17).

Cabduraxmaan bin Abuu Bakar Siddiiq (A.K.R.) waxaa laga soo weriyay in asxaabu sufa ahaayeen dad sabool ah. Mar Nabigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: qofkii heysta cunto laba qof deeqda ha wado qof seddaxaad oo ka mid ah asaxaabu sufa, qofkiina haaya cunto afar qof deeqda waa inuu wado qof shanaad ama lixaad oo qoladaa ka mida oo quudiyaa. Markaasuu Abuu Bakar (.A.K.R.). kexeeyay seddax qofood, Nabiguna (S.C.W.) Kexeeyay toban. Dabadeed Abuu Bakar wuxuu la soo casheeyay Nabiga (S.C.W.) oo la joogay ilaa uu tukaday salaadda Cishaha, dabadeed markii uu Abuu Bakar (A.K.R.) u soo laabtay guriga, iyadoo habeenkii in ka mid ah, uu Alle doonay ay tagtay, xaaskiisii ayaa weydiisay: maxaa kaa xabbisay martidii kuu joogtay? Wuxuu yiri: oo ma waadan siin iyaga cunto? Waxay ku jawaabtay: waa diideen inay wax cunaan jeer aad soo noqoto, inkastoo loo geeyay. Cabduraxmaan (A.K.R.) wuxuu yiri isagoo hadalka sii wata: waan tegay oo qariyay naftayda. Abuu Bakar (A.K.R.) ayaa iigu yeeray cod caro iyo nacaan ay ku jirto oo yiri: Doqonyohoow xumi! Oo caay ka dhacday, oo dabadeed yiri: haddaan idinku cuna, mindhaa ma noqoto saami idin deeqa’e wallaahi ayaan ku dhaartaye aanan afka saareyn. Weriyihii xadiiskaan wuxuu yiri: asigoo hadalka sii wata waxaan billaawnay inaan cunnaa waxaa dhacday in luqmaddii aan ka qaadannaba xagga dusha sare in ka badan dhikankeed uga darsantaa xagga hoose jeer midkeen walba ka dhergay raashinkiina ka batay tiro ahaan intii uu ahaa markii hore. Abuu Bakar (A.K.R.) waa fiiriyay cuntadii oo ku yiri asigoo cajabsan haweentiisii: ilma Firaas walaashoodeey waa maxaay waxa kanu? Waxay tiri: indha qaboowsigeeygiyoow, yacni farxaddeydii! Cuntadu haddeey seddax laab ka sii badan tahay intii ay aheyd markii hore. Abuu Bakar inta wax ka cunay ayuu yiri: shayddaan ayaa iga keenay dhaartii, markii uu wax ka cunay ayuu intii oo kale xaggii Nabiga u qaaday oo agtiisa waagu ugu beryay. Waqtigaas muddo dagaal joojin ah ayaa jirtay oo la lahaa qolo markaas heshiis dagaal joojin naga dhexeysay ayaa dhamaatay, markaasaa labo iyo toban nin oo naga mid ah loo magacaabay shan ahaan inay ilaalo ugu baxaan dhaqdhaqaaqa cadawga dooro walbaana waxaa jiray rag la socdo oo tiro go’an leh oo hoos yimaada. Alle oo kaliya ayaa ogsoon intee in la’eg bay ahaayeen raggii dooro walba hoos imaanayay. Dhaammaantood raggaa way cuneen cuntada ilaa ay ka dhergeen.

Werin kale waxay leedahay: Abuu Bakarbaa ka dhaaray inuusan cuneyn cuntada, xaaskiisiina sidoo kale waxay ka dhaaratay iyaduna inay cuneyn waxna, markii ay taa arkeyn martidii iyaguna waa ka dhaarteen inay cunaan jeer uu isagu Abuu Bakar ah cuno markaas kaliya ayaan cuneeynaa ayeey yiraahdeen. Markaasuu Abuu Bakar yiri: dhaarteydii waxay aheyd Arrin uu ka dambeeyay shayddaan oo dalbay raashinkii. Wuxuu Abuu Bakar (A.K.R.). la cunay raashinkii martidii. Saa markii ay qaataan waslad waxaa ku soo saa’ida halka hoose wax ka badan wasladdii la qaatay. Abuu Bakar A.K.R. wuxuu ku yiri xaaskiisii: Ilma Faraas walaashoodeey waa maxaay waxa kanu? Waxay ku jawaabtay: Indha qaboowsigeeygiyoow, macanaha Farxaddeydiyoow! Raashinku waa ka sii batay intii uu ahaa inta aysan billaabin cunidda. Markaaseey dhammaan cuneen oo u soo dhiibeen Nabiga (S.C.W.) Waxaana la sheegay in uu asiguna wax ka sii cunay!”

Werin ayaa waxay leedahay iyaduna: Abuu Bakar ayaa wuxuu ku yiri: Wiilkiisa Cabduraxmaan (A.K.R.) waxaan aadayaa Nabiga (S.C.W.) ee martida si fiican u soor oo si fiican u sii cunto inta aanan ka soo noqon Nabiga (S.C.W.). Markaasuu fiidkii Abduraxmaan (A.K.R.). U keenay martidii wixii ay heli kareen, oo ugu yeeray inay cunaan. Waxay weydiiyeen: aaway odaygii guriga? Wuxuuna ku adkeeyay inay cuntada cunaan. Martidiina waxay yiraahdeen: mayee cuni meyno jeer odaygii guriga yimaado. Cabduraxmaan (A.K.R.). wuxuu yiri: fadlan ajiiba sooryadeenna oo cuna raashinka, maxaa yeelay markii uu yimaado oo arko idinkoo aan wax cunin waa noo caroon doonaa. Laakinse martidii waa ku adkeysteen diidmadoodii. Cabduraxmaan (A.K.R.) wuxuu yiri: waa iska garanayay in uu Abuu Bakar xanaaqayo sidaa aawgeed markii uu yimid waan ka dhuuntay. Is la markii uu yimidba wuxuu weydiiyay: sidee u gasheen martidii? Waxaa looga sheegay xagga reerka qaarkiis wixii dhacay. Abuu Bakar waa u dhawaaqay: Cabduraxmaanoow, waa se ka aamusay. Wuxuu ii yeeray mar kale, Cabduraxmaan misna waa ka aamusay. Mar seddaxaad ayuu ii yeeray: oo yiri: Nacaskoow! Dhaar ayaan maray haddii aadan ii imaan adigoo dhawaaqeyga maqlaya oo aadan hore ka soo bixin. Markaasaan soo baxay oo aan iri: weydii uun martidaada. Waxay yiraahdeen: waa runtiise waa noo keenay raashinka. Markaasuu Abuu Bakar (A.K.R.). Yiri: oo maxaad iila sugeyseen, wallaahi inaan afkeyga saareyn raashin caawa. Martidii waxay yiraahdeen: wallaahi inaan annaguna sidoo kale cuneyn, haddii aadan wax ka cunin. Markaasuu Abuu Bakar (A.K.R.). misna yiri: Idinkuma habboona! Maxaydaan nooga aqbaleyn martigelinteenna? Keena raashinka, markaasaa la keenay raashinkii oo Abuu Bakar intuu bisinka ku billaabay yiri: dhaarteydii waxaa iga keenay sheyddaan oo gacanta geliyay raashinkii oo isaga iyo martidii wada cuneen raashinkii.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hureyrah (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ummadihii idinka horreeyay waxaa jiri jiray dad leh garab daar, dad ka hela i shaaro xagga Alle. Ummaddeyda cid ihi haddii ay jirtana waa: Cumar, A.K.R. (Bukhaari iyo Muslim).

“Jimco Suubban. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN