Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 10aad

Habka Tirada

Casharkii sagaalaad waxa aynu ku soo baranay labada hab cimibaarineed, kuwaas oo loogu adeegsi badan yahay, marka la joogo cilmibaarista. Casharkan waxa aynu si gaar ahaaneed ugu falanqayn doonaa hab baarineedka ku jaan go’an tirada ama nambarka (Quantitative Method).

Habkan waxa uu diiradda saarayaa cabbiridda iyo xisaabinta xogta uruursan, taas oo uruurinteedu loo maray labada aalad sida weyddiin iyo sahmin (Questionnaire and Survey). Baarista tirada (Quantitative Research) waxa uu xooggeedu u badan yahay xogta aan ka baxsaneen moorada nambarka ama tirada (numberical data). Marka la joogo marxaladda xog kala soocidda, cilmibaareha waxa uu kala miirayaa xogta tirada ah, isaga oo adeegsanaya labada sooftiweer ee kala ah SPSS iyo SAS. Haddaba, ardayga raba in uu wax ku darso habkaas, waxaan kula talin lahaa in uu wax badan ka ogaado adeegsiga sooftiweeradaas.

Habkan waxaa lagu darsaa xogta ilqabatada ah (observable data), gaar ahaan tan ku dhisan tiro ama nambaro. Ujeeddada waa ogaanshaha in xiriir ka dhexeeyo laba shay (Indepedendent Variable and Dependent Variable) iyo in kale. Marka la darsayo baarista tirada waxaa loo darsaa labadan qaab: Qaabka sharxidda iyo Qaabka tijaabada. Midda hore waa mid tilmaamaysa in xiriir jiro iyo in kale, balse tan dambe waa midda go’aamisa sababta.

Astaamaha Habka Tirada

Xogta waa la soo uruuriyaa iyada oo la adeegsanayo aalad baarineedyo habaysan.

Natiijadu hadba waxay ku xiran inta ay la’egtahay tirada xogta.

Dhabnimadeedu waa mid la isku halayn karo.

Xogta waa mid ku duldhisan tiro, waxayna u dhigan tahay hab nambaro ah, kuwaas oo ku xaraysan shaxda taabalka, jaatarka iwm. (Tables, Charts, etc).

Natiijadu waxaa laga dhigi karaa mid bixinaysa sharxid guud, sidoo kale loo adeegsan karo saadaalin.

Aaladaha sida weyddiimaha iyo sooftiweerada SPSS, SS.

Sikastaba, habka tirada ma aha kan ugu badan ee cilmibaaruhu adeegsado marka ay timaaddo baaritaanada bulshada, sidaas awgeed halkan ayaynu kaga hari doonaa. Casharada xiga waxa aynu diiradda ku saari doonaa, gudahana u gali doonaa habka tayada (Qualitative Method), waana habka ugu badan ee loo isticmaalo baaritaanada arrimaha bulshada.

Wixii dheeraad ah, akhri buugga:

  1. Bhattacherjee, Anol, “Social Science Research: Principles, Methods, and Practices” (2012). USF Tampa Bay Open Access Textbooks. Pp. 219-227.
  2. http://libguides.usc.edu/writingguide/quantitative (Accessed 03. 17, 2018).

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN