Home Qoraallo Ballan- soomaaliyeed iyo Samatar. Qore: Ismaaciil Cabdilllaahi Caydiid

Ballan- soomaaliyeed iyo Samatar. Qore: Ismaaciil Cabdilllaahi Caydiid

0
SHARE

Ballan- soomaaliyeed iyo Samatar.

Amintu waa goor fiid ku dhowaad ah, cadceeduna usii hadaafayso godkeedii ay ku caano maashay, si ay uga raysato kumanaanka indhood ee ibna,aadam kusoo eegayaan iyagoo ku dhawaaqaya ereyo aan cajabin qorraxdan u miciin is tidhi. Bartanka magaalada uu ku nool yahay Samatar waxa ku yaala kuraas iyo miisas is wajahaya , diyaarna u ah soo dhaweynta bulshada dhabarkooda iskaga fadhiisan doonta bilaa xisaab, iyaga oo aan wakhti qabsan doonin ilaa ay ka daaleyso dabada ay ku fadhiyaan.

Maaalintu waa maalin khamiis ah, ciddina isuma sheegto maalmahan oo kale deegaankan uu ku noolyahay Samatar oo waxaad ka garataa xiiqsanaanta dadka, gawaadhida buux dhaafisa waddooyinka wakhtiyada rawaxaada iyo tegista shaqooyinka. Waa maalin shaqo, waa maalin dadkani aanay caado iyo dhaqan toona u laheyn fadhi iyo nasasho, kaaga sii darane waxay xisaabiyaan daqiiqad kasta meesha ay ku baxayso.

Kuraastani waxay u aheyd maalin mugdigeeda leh, haddii ay maalmaha kale ee fasaxa iyagu dalban jireen in laga kaco si ay u nastaan, iyagaa maanta u baahan wax soo salaama.

Nasiibkooda waxa soo ag marey Samatar oo ay ku loolameen, ugu dambeyntiina midkii geeska u xigay ayaa soo dhoweyn dhoola caddeyn wadata kusoo dhaweeyey, loolanka iyo farxadaa dhacaysa Samatar warba uma uusan haynin ee waa uu ka indho iyo dhago la,aa.

Cabbaar ayaa ka soo wareegay markii uu soo fadhiistey, wakhtiguna waa ordayaa. Laakiin lama dareemayo jawiga oo aad u wanaagsan awgii.

Saacadu waxa ay sii caga-cageynaysaa amin uu Samatar balan ku lahaa goob lagu soo bandhigiyey buug uu aad u xiiseynayey, waa magaalada Stockholm dhexdeedee, badanka ma dhacdo in uu tago madalaha noocan ah, balse maanta Samatar waa is keenay una soo qalab qaatay sidii uu dhiganahaas usoo hantiyi lahaa, ujeedkiisuna intaasi ma uusan dhaafsiisneyn.

Naftiisa isaga oo khasbaya ayuu u soo dhaqaaqay boosteejada baska si uu u fiiriyo tabeelaha una ogaado wakhtiga ka dhiman iyo goorta uu imanayo baska usii dhaweyn doona meel aanu garaneyn waxa uu kala kulmi doono.

Caasimadda carigan uu degan yahay Samatar oo ballaadhan awgeed wakhti aanu fileyn, xisaabtana ku darsan ayaa ay ku qaadatey soo gaadhida meeshii uu u socdey. Xanshaashaq badan ayaa laga dareemayaa baska dhexdiisa , dhammaan dadkii safarkan gaaban ku wehelinayeyna waxay la yaaban yihiin sababta uu wiilkani u hiin-raagayo. ”Ciil badanaa maxaa baskan ku soo raaciyey” ayuu hoosta ka leeyahay. Ereyo qoomamo u badanna way u weheliyaan laakiin dadku kama warhayaan, waxayse ku baraarugeen ”Darawal gaadhiga toos u wad kolba meel ha noo istaagine, wakhti in aanu ku xisaabtamayno miyaanad ogeyn ” iyo weedho kale, una badnaa canaan uu samatar wadihii gaadhiga dusha kaga tuurayey.

Rubuc saac ayaa tegay welina goobtii uu doonayey basku ma gaadhin waana ay dhaaftay ammintii la balamay iyo saacad soomaaliyeeddii labaddiiba. Waxaa na ay ula muuqataa inuu maanta ku hungoobi doonno isku deygiisa koowaad ee soo helida dhigannahan madasha loogu macsuuman yahay ibo-furkiisa.

Samatar uma baran ballan ka baxa iyo soo daahida labaddaba. Waxaana caadda u aheyd inuu yimaado goobta daqiiqado dhowr ah ka hor wakhtiga loo asteeyay balanta. Koritaankiisii iyo kaabaqaadkiisaba wadankan ayaa uu dhex joogey, wax na uu ka bartey lana qabsadey dhaqano badan oo diinteena islaamka tiirar u ah laakiin aynu dayacnay ku dhaqankooda, ay na ka mid tahay in balanta la ilaaliyaa.

Kuma badna kasoo qayb galka xafladaha iyo munaasibaddaha soomaalida wadankan ku dhaqani qabsato marka laga reebo maalmo kooban oo culimo soomaaliyeed lagu casuumo magaaladiisa, Sababta ugu weyn ee u diidey soo dhex gelida iyo imaatinka goobaha soomaalidu ku kulanto waxa kow ka ah ka soo daahida wakhtiga.

Marar dhowra oo horena Samatar waxa uu kala kulmay waxyaabo aanu naftiisa ugu sheekayn karin iyo dabeecado aanu aqbali karin.

Waxay aheyd wakhti muddo bil ka hor ah uun laga joogo markii uu Samatar usoo boqoolay kasoo qaybgalka muxaadiro uu jeedinayey sheekh caan ka ah deegaanada soomaaliyeed, qofkasta oo ku abtirsada qowmiyada soomaaliyeedna uu u hayo sharaf iyo ixtiraam aan lasoo koobi karin, balanta maalintaasina waxay aheyd in muxaadiradaasi bilaabmi doonta Afarta galabnimo(04:00 pm). Sidii lagu yaqaaney Samatar goobta xaadir waxa uu ku ahaa 10 daqiiqo ka hor amintii balanta, balse nasiib daro se waxa uu la kulmay wax aannu filaneynin, madashii sheekha lagu sugayey iyo hoolkii camirnaan lahaa waxa dhex fadhiya tiro dad ah oo aan dhameyn labaataneeyo. ”Maxaa ku dhacay dadkii sheekha dhageysan lahaa, intan kaliya miyaa? , ma aniga ayaa soo daahay oo way dhamaatey? ”Su,aalahaas ayaa ka mid ahaa dhowr weydiimood oo uu Samatar ula holadey wiilal ku labisnaa dhar ka gaara inta kale lagana dareemayey in ay shaqaale ahaan maanta u adeegayaan. Jawaabtoodii ay siiyeen waxay ku noqotey falcelin aanu meeshaba ka fileynin” Walaal muxaadiradii may dhammaan, dadka fadhiyana waad arkaysaa tiro ahaan ma badna, balantiina way taagan tahay laakiin dhibaatadu waxay tahay soomaali ayaynu nahay oo dadkeenu saacada la balamiyo saacad ayay ku darsaadan ay iyagu jeebkooda kala soo baxaan walaal” ereyadaasi waxay hordhac u ahaayeen hadalo kasoo yeedhayey afka wiilka mid ah adeegashaayii maalintaas, iskuna dayaya in uu Samatar u tilmaamo halka ay salaadu ka xidhmi la dahay.

”Ceebteen maaha, ee waa caadadeen” ayaa uu mid kale oo wiilasha ka mid ahi ku soo maguujiyey. Jawaab ma aha balse waa ku jees jees ayaa uu niyaddiisa ka dhaadhiciyey.

Kuma cusba odhaahdani, marar badan ayaa ay dhagahiisa kusoo noqnoqatey. Maalin aan sii fogeyna waxa ku noqotey u qaadan waa iyo niyad jab ka dib markii mid ka mid shaqaalaha shirkadda uu Samatar ka shaqeeyo oo qaabilsan dhaqaalaha iyo cashuuraadka uu kula kaftamay ”Soomaalidu wakhti u gaar ah ayaa ay sameysatey, waanna sababta ay dadka iyo dunida inteedda kale uga dambeeyaan”. Ilbidhiqsigaas hadalka ka kulul dhimbiisha dabka ahi ku socdey waxa dhagtiisa bidix sida waran ku soo dhacay hadal aannu jeclaysan, ”Ballan ayaa aad leedahay usbuuca soo socda, maalinta Arbacada, saacaddu na waa kowda duhurnimo(01:00 pm) ee sidaa u ogow” ayaa uu ku yidhi mid ka mid ahaa saaxiibadiisa ay wada shaqeeyaan qof soomaali ahaa oo uu u adeegayey. Waxa uu kasii daba tuurey hadalkan ku noqday dabka ee aannu jeclaysan maqladiisa ”Wakhtigu kii soomaalida maaha ee ku kaallay oo ballanta soo ajiib wakhtiga caadiga ah” qosol yarna sii raaciyey.
waa Samatar e, waxa uu Eebbe hoosta ka weydiisanayaa in uu la goojo goobtan yar ee uu labadiisa cagood ku hayo. ”Miyaa lagu waayo, oo aad rooxaan noqotid” ayaa uu niyadda iska leeyahay. Saaxiibkiisii ay sheekaddu iskugu lammaaneyd oo dareemay in uu duni kale ka shaxayo Samatar ayaa garabka taabtay, u na sii raaciyey ” waa wixii aan hadda kuu sheegayey.

Horumar gaadhi maysaan ilaa aad sida qowmiyaddaha kale ee dunidan ku nool          aad wakhtiga ilaalintiisa ka faa´ideysigiisa iyo qiimihiisa aad garataan”

Maalintaasi uu u soo boqooley Samatar ka qaybgalka iyo ibo-furka dhiganahan uu daneynayey waxa ay ku kicisey ladh iyo xasuus duugowdey oo ku noqotey boog ku soo kacda, uuna ka damqado markasta oo la soo hadal qaado ka qayb galka madallo ay soomaali ku ballameen. Ilaa hadda waxa uu is weydiinayaa Samatar, su’aalo uu jawaabtooda la yahay.

Yaa soomaalida wakhtigan u gaarka ah u sameeyay?, habbaarkani xaggee ayaa uu kaga dhacay qowmiyaddan eebbe iga beeray?, calaamaddihii munaafiqiinta kama ay mid aheyn miyaa ”ballan ka baxa” ayaa u weydiiyey, siinna raacsaddey, soomaalidu waa islaam laakiin munaafiqiin u badan saw maaha?

Wakhtigii socod, goor sheegtu waxa ay dhaaftey hal saacad iyo toban shan daqiiqo amintii balantu aheyd, welina ma bilaabmin madashiii loo ballansanaa. Samatar quusey, niyaddiisana si qasab ah uga dhaadhici in uu guuldareystay oo dhiganihii uu u soo sacdaalley quus ka joogo.

Labadda dhinac, hareerihiisa oo dad badani aanney fadhiyin iska eeg, midig u jeesey, haddana bidix, waxa ku xigtey kasoo dheemaalid goobtii isaga oo faro madhnaani weheliso.dhacdadaasi waxa ay sabab u noqotey in Samatar uu ka caago, iskana xaaraantimeeyo ka qayb galka madal dambe oo soomaali leedahay.

Qore: Ismaaciil Cabdilllaahi Caydiid

Email:Ismailaidid77@gmail.com
Phone:+46(0)762121134
Västerås, Sweden

SHARE