Ukuurgalka Weydiimaha! W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Ukuurgalka Weydiimaha!

Ogaanshaha halka ay ku kala baxaan saadka iyo hilowga ayaa ah hab tix raac looga baahan yahay qof inuu ku baraarugo safka uu kaga jiro nolosha. Nolosha micnaheeda kuma koobsan kartid ku dhex jirkeeda iyo lafal galkeeda, ee waxay qiimo iyo il fogaan kuu noqoneysaa markii aad sheedda ka eegtid. Waana qummanaan ay ku xifaaleeyaan noolaha iyo nolosha.

Nolosha xorriyaddeeda waa sal raac kolkii ay kuu go’aamiso dareenka aad ku farxeysid iyo dareenka aad ku xanaaqeysid. Hubbaantii waxa kaliya ee kuu go’aamiya in aad dareemaha isticmaasho iyo hab fikirka sare kuu socod siiya inaad ku dul barato meesha aad nolosha iskaga ekeysiiso.

Waxaad moogaaneysaa tifaftirka laguu abuuray adigoon u bisleyn ku dhaqmidda madhabka neefsashada, si ka duwan kolkii lagu bacriminayay sida aadan usoo dul baran.
sifada ugu badan ee aad soo galooti maldahan ku tahay ayaa ah in naftaada iyo garashadaada aad xambaarto.

Isweydiinta in ay ka maqnaato hab nololeedkeenna bulshadeed, ayaa sabab iigu riixeysa inaan si fog aan ula fal gali karin kheyraadka nolosha.

Waxaan yaqiinsaday weydiimaha salka leh in ay muhiim tahay taa soo ambabixineyso qiimaha raadinta jawaabaha muhiimka ah ee nooluhu ugu habboonyahay in nolosha kula fal-galo.

Nolosha aalaaba waa qoritaan waxayna saldhigtaa erayo mug leh, kaliya u baahan qofkii xambaari lahaa. Mar marka qaar nolosha qoran kuuma sharxi karaan markii aadan fahmin hor boodkeeda iyo siyaasadeeda jiritaan, waxayna u baahan tahay dhiiranaan iyo waayo ragnimo.

Nolosha waxaad ku miizaami kartaa wada hadal loo sara kiciyay wada sheekeysi dumuc iyo dareen falsafad la socota. Waxaana ku darsan karnaa nooca nolosha aan la hadleeyno. Adeecidda nolosha kolka aan wada hadleyno waynu garan karnaa farriinta aynu sidno.

Habka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo nolosha, waa in caado aynu ka dhigannaa weydiimaha loo nisbeeyay sabab sifeyneysa weydiimaho hor leh. Waana astaan gaar in aad la daristo ukuur galka weydiimaha nolosha falsafadeed.

Gor-gortanka aynu la galayno nooca aynu u noolaaneyno, ayaa ka sabab badan gor-gortanka aynu ku tilaabeyno taa oo noo micneyneyso fuulitaanka wada hor leh noo saamaxeyso inaynu ku tilaabno baa sabab inoogu noqoneyneyso habka aynu unoolaaneyno.

Waa lagama maarmaan in adkeysi iyo xaqiiqo aad la kalliyoodo taa oo falaaro ka bixineyso qiyamka ruuxiyadeed iyo mid garasho soo jireen oo aad la guuxtamayso markii aad la soo ambaqaado wadada xaqiiqada iyo isweydiin loo koryeelay sabab maan gal ah.

Aqoonyahanada daraaseeya dabeecadda dadka iyo qiyamka bulsho ahaaneed, badanaa waxay sifeeyaan dumucda iyo haykalka bulsho qaabkii la isugu qabad siin lahaa muuqaalada nololeed iyo nolosha qarsoon ee dadku dhex jibaaxaan ayaa ah salka doorashada ee nolosha ka weydiiso ruuxa labada muuqaal inuu mid ku dul sabeeyo. 

Garashada tijaabada waxay timaadaa markii isweydiin daaqadda kasoo gasho, taa oo u cabboon inay la xurguftanto marqaamka ay noloshu ku ciyaareyso. Waana sal fudud una baahan quudinta maanka iyo garashadaba.

Waa quursi in aad aqbasho wax waliba adiga oo awood u leh in aad maankaaga kaashato si aragtida laguu soo bandhigay aad unaqdido iyo su’aal ka keento. Waxaa soo badanaya dhalinyaro u fatahaadaya u kuurgalka aragtiyaha lasoo dhaweyn Karo iyo aragtiyaha soo galooti ee ubaahan in bulshada loo sifeeyo.

Waxaa umadi ku halaagsamaan kolkii ay lasoo deg-degi waayaan kheyraadka weydiimo ee maskaxda ugu baahan tahay in loogu shaqeeyo si rayn-rayn iyo fursado nololeed loogu noolaado.

Markii aad ruux la sheekeysaneyso waxa kaliya ee aad iskuday ku sameyneysaa aaraahdaada sida aad ku gaarsiin karto, si ka duwan markii aad naftaadu aad la sheekeysaneyso, waa xaqiiq inay culus yihiin labadaa umuurood laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aad ka door biddo farriimaha ay nolosha kuu dhiibeyso iyo farriimaha aad ruux la wadaageyso aad aqbasho farriinta aad ruux la wadaageyso tubtii ay ku gaari lahayd, laakiin farriinta naftaadu ay kuu soo gudbiso aad gaabis aan maan gal ahayn ka sameydo. Waana hab socdaal aan loo wadanin saad!.

Weydiintu waa suuragal inay kaaga timaado dhimaalo ku ragaadiya, yeelkeede ha u garan qaan gaarkuba markii uu afuufka dareemo wuu isa sareysaa si u ugu bishaareysto soo saarista mowjado caqli ah.

Looma kala harin muujinta caqliyadda soo koreyso ee xeendaabka kawaanka saaran si ay ugu wacdiyaan hareerahooda kuwa joogo, si ay u ogaadaan afuufka caqli ee ku soo kordhay. waana astaan kal furan soo dhex dabaalatay soo saarista manhajyo caqli soo koraya. Marka u feejignow caqliyadaha Soo koraya iyo caqliyadihii u tilaabay marxalad kore ee il fiiqan wax ku eega, sababta oo ah kuwa maankooda soo saaray marxalad hore waa kuwa is weydiinta ku xeeldheer.

Waa sal fudeed aan loo garaabin in aad ujileecdo qaadashada kaliya aad ka janjeerto weydiimaha, waa wareer u ek sameysanka sharta.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

SHEEKOOYIN