Waddada suubban. Q28AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q28AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Fadliga Xerta, ama xilqada Alle(S.W.T.). lagu xusayo ee Qur’aanka lagu wada aqriyo si “Subcis ah” iyo dhiirrigelinta iyo daa’imidda kulannadaa oo kale iyo iska reebidda ka teggiddooda iyo faaruqidda kulannadaa oo kale cudur daar la’aan!”

Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
واصبر نفسك مع الذين يد عون ربهم بالغداة والعشي يريدون وجهه ولا تعد عيناك عنهم》
La samir kuwa Rabbigood galab iyo subaxba barya oo wejigiisa doona, indhahaagana ha dhaafin.’ (Suuradda al-Kahfi. Aayadda 28).

Abuu Hureyrah(A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu(S.C.W.) wuxuu yiri: waxaa jirta malaa’ig Alle oo marmara waddooyinka oo raadineysa kuwa xusa Alle, markiina ay la kulmaan qoom xusaya Alle ayeey u yeeraan rafiiqyadoodii iyagoo leh: kaalayooy waa kan wixii aad doonayseene; markaasey baalashooda ku hareereeyaan ilaa cirka. Markii ay Malaa’igtani noqdaan, Rabbigood ayaa wuxuu weydiiyaa isagoo ka og waxa ay addoomadiisu lahaayeen. Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Malaa’igtu waxay yiraahdaan: waa kugu tasbiixsanayeen oo kuu mahadnaqayeen oo ku ammaanayeen, kuna weyneynayeen, wuxuu yiraahdaa; oo ma i arkeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: mayee wallaahibaysan ku arag.’ EEBBE WEYNE! misna wuxuu weydiiyaa: maxuu xaalkoodu ahaan lahaa haddii ay i arki lahaayeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: in markaas ay ahaanayaan kuwa kusii dadaalid badan caabudiddaada iyo hufiddaada iyo ammaaniddaada. Misna Eebbe kor ahaaye wuxuu warsadaa: oo maxay iga doonayaan? Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Malaa’igtu waxay ku jawaabaan oo u sheegaan inay ka baryaan Janno Eebbe. Eebbe ayaa haddana warsada: Oo miyeey arkeen Jannada? Waxay ku jawaabaan: mayee wallaahaay baysan arag Rabbiyoow. Eebbe ayaa misana weydiiya: muxuu xaalkoodu ahaan lahaa haddii ay arki lahaayeen? NABIGU(S.C.W.). wuxuu yiri: Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: haddii ay arki lahaayeen aadbeey u sii dooni lahaayeen oo ugu sii dadaali lahaayeen oo u sii jeclaan lahaayeen. Dabadeed wuxuu weydiiyaa: oo maxay ka magan gal weydiisanayeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: waxay ka magan gal weydiisanayeen Naarta. Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Eebbe weyne kor ahaaye. Wuxuu weydiiyaa oo ma ay arkeen Naarta? Waxay ku jawaabaan: mayee wallaahaay baysan arag, wuxuu dabadeed Eebbe kor ahaaye weydiiyaa: maxaa dhici lahaa haddii ay arki lahaayeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: haddii ay arki lahaayeen waa ka sii carari lahaayeen oo ka sii baqi lahaayeen. Nabigu(S.C.W.). Wuxuu yiri: wuxuu dabadeed Eebbe weyne yiraahdaa: markhaati ka ahaada, waan u dembi dhaafaye iyaga! Malag Malaa’igta ka mid ah ayaa wuxuu yiraahdaa: waxaa ku jira hebel oo aan ka mid aheyn iyaga. Wuxuuna ugu yimid oo kaliya dan uu lahaa? Dabadeed wuxuu Eebbe weyne kor ahaayee yiraahdaa: waa in wada fadhiday, sidaa aawgeed xitaa qofkii la fadhiista ma tegi doono ajar la’aan.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: wuxuu Abuu Hureyrah(A.K.R.). yiri: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: Eebbe wuxuu leeyahay koox malaa’ig ah oo iska socota iyagoo doonaya kulanno addoomihiisa ah oo u wada kulma xusidda Alle. Markii kastoo ay arkaan kulan noocaas oo kale ah oo isugu yimaado Alle xusid, iyana sidoo kale wey la fadhiistaan oo ku daboolaan qaarkoodba qaar baalashooda ilaa masaafada u dhexeysa iyaga iyo cirka buuxsanto. Markii uu kulankaa kala tago, Malaa’igtuna sidoo kale waa kacaan oo u duulaan Cirka. Eebbe kor ahaayee wuxuu weydiiyaa: isagoo ka og halka ay ka yimaadeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: waxaan ka nimid qaar ka mid ah Addoomadaadii dhulka joogay oo kuu tasbiixsanaya oo ku weyneynaya oo ku waxidaya oo ku ammaanaya oo ku baryaya adiga. Eebbe weyne kor ahaayee, wuxuu weydiiyaa: oo maxay iga baryayeen? Malaa’igtu waxay ku jawaabaan: waxay kaa baryayeen Jannadaada. Eebbe weyne wuxuu mar kale weydiiyaa: oo ma waxay arkeen Jannadeyda? Waxay ku jawaabaan: mayee wallaahibaysan arag Rabbiyoow. Markaasuu wuxuu weydiiyaa: oo sidee ahaan lahaa arrinku haddii ay arki lahaayeen Jannadeyda? Malaa’igtu waxay yiraahdaan: oo sidoo kale way ku magan gelayeen? Wuxuu weydiiyaa: oo maxay iga magan gelayeen? Waxay ku jawaabaan: Rabbiyoow, Naartaada, wuxuu weydiiyaa: oo ma arkeen Naartayda? Waxay yiraahdaan: maya. wuxuu weydiiyaa: oo sidee yeeli lahaayeen haddii ay arki lahaayeen Naartayda? waxay yiraahdaan: oo sidoo kale waxay ku weydiisanayeen dembi dhaafkaaga. Eebbe weyne wuxuu yiraahdaa: waa u dembi dhaafay, wixii ay iga baryeenna waa siiyay, wixii ay iga magan galeenna waa ka magan geliyay. Waxay yiraahdaan Rabbiyoow! waxaa ku jira hebel oo addoon dembi fal badan ah oo meesha is kasoo maray oo iska ag fadhiistay? Eebbe weyne kor ahaayee wuxuu yiraahdaa: waa u dembi dhaafay asigana sidoo kale. Waa qoon ah saalixiin oo qofkii la fadhiista aan la qadin doonin.’ (Muslim).

Abuu Hureyrah IYO Abuu Saciid Al-Khudri(A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nabigu(S.C.W.). wuxuu yiri: ma jiro qoon u wada kulma wadajir xusidda Eebbe weyne kor ahayee, illaa waa kuwii ay kusoo heentaan malaa’ig, oo ay daboosho Naxariista Alle, oo xasillooni ku soo degto korkooda, Allena wuxuu ku xusaa wanaaggooda kwa agtiisa jooga.’ (Muslim).

Abuu Waaqid Xaaris bin Cawf(A.K.R.). waxaa laga soo weriyay in mar Nabigu(S.C.W.) fadhiyay xilqad isagoo ay la joogeen asaxaabtiisa, ayaa waxaa u yimid seddax qofood. Seddaxdii laba ka mid ah waxay soo abbaareen Nabiga(S.C.W.) kii seddaxaadna waa iska tegay. Markii ay Nabiga(S.C.W.). soo kor istaageen ayaa mid wuxuu arkay meel xilqada ka bannaan oo fadhiistay, kii kalena wuxuu fadhiistay dadkii fadhiyay gadaashooda. Kii seddaxaadna waa tii uu dhabarka jeediyay oo iska tegay. Markii uu Nabigu(S.C.W.). dhammeeyay hadalkiisii, wuxuu yiri: wax ma idinka sheegaa seddaxdaan qofood? Midkoow wuxuu ka dalbaday hoyaad Alle kor ahaayee, markaasuu hooyay Eebbe weyne. Kan labaadna waa ka xishooday inuu ku cariiriyo naftiisa kulanka oo meel ka galo, isla markaana Eebbe kor ahaaye, sidoo kale waa ka xishooday ninkaa. Kii seddaxaad waa sii jeesaday oo iska tegay, marka Allena sidoo kale waa ka sii jeesaday.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Saciid al-Khudri(A.K.R.). waxaa laga soo weriyay in mar Mucaawiyah(A.K.R.) u yimid Xilqo masaajid fadhida oo wada akhrineysa Qur’aanka. Wuxuu weydiiyay: maxaa idin fadhiisiyay? Waxay yiraahdeen: waxaan ugu kulannay masjidkaan inaan ku xusno Eebbe. Wuxuu yiri: Allaah baan idinku dhaarshaye ma sidaas kaliyahaad u fadhiisateen? Waxay yiraahdeen: wax kale umma aanu fadhiisan aan aheyn taa. Mucaawiye (A.K.R.). wuxuu markaa ku yiri iyagii: idiinma dhaarin tuhmo aan idinka qabo. Midkiinna igu lama mid noqon karo sida ay aad ugu yaryihiin werinteyda intii la rabey aan aheyn marka sidaa darteed waxaan ka soo weriyay axaadiis aan badneyn oo xoogaa ah Nabiga(S.C.W.) mar wuxuu u yimid xilqo asaxaabtiisi ah oo meel fadhida oo weydiiyay: maxaa idin fadhiisiyay halkaan? Waxay ku jawaabeen: waxaan u fadhiisannay inaan xusno Alle oo ammaano hanuuninta uu na hanuuniyay iyo galladda uu noo galay darteed. Nabigu(S.C.W.) wuxuu weydiiyay: Ilaah baan idinku dhaarshaye ma sidaas keliyahaad u fadhiisateen? Asaxaabtii Nabiga (A.K.R.). waxay yiraahdeen: wallaahi baanan wax kale u fadhiisan u jeeddadaa kaliya maahee. Wuxuu Nabigu(S.C.W.). Yiri: idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo ee waxaa ii yimid Malag Jibriil oo wuxuu ii sheegay in Alle idiinku faanay Malaa’igta.’ (Muslim).

“JIMCO SUUBBAN: W/D Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN