Home Curis FILANWAA Q12AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q12AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

29
0
SHARE

 

FILANWAA Q12AAD

Maxamed iyo Deeqa dhowr habeen ayay Telefoonka ku wada sheekeysteen, waliba si wanaagsan lays kula fahmay kaftankii. Maxamed gabadha aad ayuu ugu qushuucay hadaladeeda aad ka u macaan, balse waxaa la yaab ku noqotay oo caqligiisa ka daadagi wayd, qofkan sidan u garashiyo garaadka badan ee magaalada joogta, ee haddana gashaantida ah, waxa uu is weydiiyay talow miyayna arag, ragga tirada badan ee guurdoonka ah ee maalin iyo habeen qolqolada wareegee laga seexan waayay.

Deeqa lafteeda sidaa iyo ka badan ayay ugu bogtay hadallada Maxamed, waxay ku sifaysay inuu yahay nin aftahana oo codkara, waxay si kal iyo laab u soo dhawaysay barashada Maxamed. Si walba ha ahaate, waxaad mooda inay isu riyaaqeen iyagoo muddo gaaban sheeko telefoon ku eg ku wada hadlay oo aan wali is arag.  

Muddo laba todobaad kaddib, sheekadoodu sidii hore way ka soo dhawaatay, kalsooni iyo Isfahan aan la dhayalsan karin ayaa durba soo bidhaamay, si habsamiya oo aad moodo dareen jacayl oo cabsi qaba ayay sheekadii u biyo shubatay, waxaana dhaxmaray isu soo dhawaasho mid waliba midka kale u muujinayo dabacsanaan, sidii xalay oo kale ayay caawana waabarigii kala tageen. 

Maxamed waa nin dhallinyara ah, horena waxaa loo yiri rag damac iyo dareen kama dhammaado, wuxuu go’aansday bal inuu si dhaba gabadhan u barto oo uu wajigeeda arko, kaddib haddii sida hadda ay telefoonka uga qancisay muuqaalkeeduna u qanciiyo in uuna ka laba labayn ee soo xerogaliyo oo xillo ka dhigto.

Isla maalinimadii ayuu telefoonka ka wacay, nasiibdaro waxaa ka qabatay qof waayeela, waxaana loogu jawaabay ma naqaano qofka aad sheegayso, Maxamed intuu shakiyay ayuu is yiri, talow ma lambar qaldan ayaad garaacday, markaasu haddana ku celiyay, balse sidii iyo sil amida  waliba canaan ayaa dhagta loo saray iyadoo loo raaciyay maandhow ammaan noo sii lixda lambar.

 Dhanka kale, Deeqa lafteedu waxaa galay dareen, waxay ku fikirtay sida Maxamed si la mida, taaso ah inay marka hore ay is arkaan ninkan kaftanka badan eed moodo Abwaan ruugcaddaa ah, is la markaana xikmada iyo murtida caqligu u dheeryahay, waxay go’aansatay haddii uu ka ogolaado isla caawaba inay kulmaan, haddii kalana habeendabe ayna ku dhaafiin aragtidiisu.

Saacad kaddib ayuu Maxamed telfoonkii ku celiyay, waxaa ka qabatay deeqo, salaan kaddib, markay cabbaar wadda sheekaysteen weliba uu uga sheekeeyey wixii ku dhacay markuu soo wactamay ee ayeeyadeed ka qabatay iyo sida loogu hanjabay, ayaa qosol loo wada dhacay, deeqa oo waalidkeeda taageeraysa ayaa dhahday, ayeeyo hawsheeda ayay haystaa, gabar walba waalidkeed waa u darbi iyo deyr ilaaliya, waa u dugsi iyo dugaal wixii halis ah ka dhawra, waa u sahan iyo soofjeris meel wanaagsan la baadi gooba.

Maxamed oo murtideedu soo jiidatay waxoogana jikaaraya ayaa dhahay, iskoolka miyaa laguugu dhegay xigmadan mise bug ayaad ka aqriday?

Deeqa oo garatay ujeedkiisa: Ayaa tiri maxaa dhacay anigu murtidaada kaagama baqaylee inaan aniga maankayga ka keenay ma ii quuri weyday gacale, kaddib waa la wada qoslay.

Maxamed ayaa markaas wuxuu ku yiri: “Walaalo deeqa, wax kale kuuma soo wicin ee si aan casharadaada wanaagsan fool ka fool ugu qaato, waxaan rabay inaan kulano haddii aad awoodo, waxaan jeclaan lahaa inaan caawa is aragno”.

Hadalku wanaagsana, waxaad moodaa in qalbiyadoodu is ogaayeen dareenkooduna wada shaqaynayo, waxba kama qabo ayay ugu JaWaabtay, iyadoo uraacisay inay aad udanaynayso aragtidiisa, waxay tiri: “Waa arrin wanaagsan, aniga lafteyda ayaa raba inaan ku arko, waayo warkaaga waa weynyahay, marka inaad sida warkaaga u weyntahay iyo in maankaaga iyo maskaxdaadu da’daada ka weyn yihiin waa rabay inaan ogaado oo aan dadka kaa barto.

Maxamed intuu u mahadceliyay ayuu ku yidhi: “Walaalo aniguba sidoo kale aad ayaan ugu heelanahay aragtidaada, balse xagaynu ku kulanaa, aniga xaafadda aan daganahay waa iska cidhiidhi, haddana gurigu wuu dad badan yahay, mida kale yar saaxiibkay ah oon qolkiisa tagilahayna, safar ayuu ku maqanyahay. 

Deeqa waxay tidhi: “waan ka xumahay, caawa gurigeena marti ayaa joogta, laakin dhib malahaan gabadh saaxiibtay ah oo dagan xaafada Nuur Xawaad, oo ninkeedi Xamar ku maqanyahay, ayaan gurigeeda ku sheekaysan  doona, waxaadna iigu timaadaa marka hore, Garaashka Dhagax jabis  inshaa’alaah 7:30  fiidnimo dharka noocaas iyo noocaas ayaan soo xidhan doonaa, markaad soo baxaysana telefoonka laynka iga soo wac” 

Maxamed, xili hore ayuu sii diyaar garoobay, markii wakhtigii la gaadhay horay ayuu u baxay, una abbaaray halkii lagu balansanaa, isagoo faraxsan ood moodo inuu helay qofkii uu ku ilaawi lahaa jabkii ka soo gaadhay jacaylkii guuldaraystay ee dhibaatada badan dhaxalsiiyay.

Maxamed  jidka intii uu  sii socday farriimo badan ayaa maskaxdiisa kusoo dhacayay, intii uu kaligii isla tallamayay ayuu dhaafay Goobtii lagu balansanaa, waxa uuna is arkay isagoo Bakhaarada Nuur Xawaad taagan,  yaab durba intuu ismajiiray ayuu isagoo tallaabo boobsiinaya, dibna ugu noqday halkii balantu ahayd.

Markuu yimid ayuu arkay gabadh meel aan ka dheerayn sii jeeda, waa gabadh hubqaad iyo hannaanba isku darsatay ilaa markaas hab dhismeedka jidhkeeda, jooga iyo dhererka isku qotoma ee aan hilibka badani saarnay, caato weydana aan ahayn, isku jaango’ naanta iyo quruxda muuqaalkeeda, waxaa ka daray isagoo isha la raacaya markay soo jeesatay oo Maxamed u maleeyey inay riyo tahay ee tan oo kale aysan ku nooleyn beledweyne, haddana isagoo isla xanshashaqaya ayuu hoosta ka yiri, mindhaa waaba beerlula tani.

La soco qaybaha dambe……

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse 

Yaasiinxm114@gmail.com