Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 11aad

Hab Baarineedka Tayada

Casharkii tobanaad waxa aynu ku soo baranay hab baarineedka tirada ama nambarada (Quantitative Research Methodology), iyada oo kooban. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa hab baarineedka tayada (Qualitative Research Methodology). 

Ka hor inta aan gudaha u galin casharkan, bal aan qeexo hab baarineedka tayada. Iga hoo qeexitaan fudud, habka tayada (Qualitative Method) waa hab ka mid ah hababka cilmibaarista, kaas oo lagu derso xog hadal iyo qoraal. Cilmibaaruhu, habka tayada wuxuu isticmaalaa marka weyddiimahiisu yihiin kuwa ku dulwareeganaya xayndaabka xog tayo (Qualitative data)-qoraal iyo hadal. Hab baarineeka tayada waa kan loogu adeegsiga badan yahay marka lagu dhex jiro xerada cilmiga bulshada. Waxyaabaha la dersayo ama la doonayo in la sharxo waxay noqon karaan wax aan dhaafsiisneen xayndaab shakhsi ama koox.  Si kale u dhig, waxa la dersayo ama la sharxayo waa wax iskudhafan, isha qaban karin, lana xisaabin karin-tiro ahaan. 

Cilmibaareyaasha isticmaala habka tayada waxay isku dayaan in ay ogaadaan qofka ra’yigiisa iyo khibrad nololeedkiisa, fahmaan, kaddib daaha ka roggaan iyaga oo usii maraya labadan aalad: Wareysi iyo Daawasho (Interview and Observation). Hab baarineedkani, inta badan waxaa doorbida cilmibaareyaasha dersa arrimaha bulshada, sababtuna waa in uu yahay mid ku habboon baaritaanka ilmaqabataayasha dhaca xayndaabka bulshada, siyaasadda iwm. Waana hab baarineed ku dulfadhiyaa afar ujeeddo: Sahmin, Sharxid, Fahmid iyo Tarjumid. Haddaba, marka ay timaaddo qaabeenta iyo dhigista weyddiimo baarineedyada tayada (Qualitative Research Questions) waa muhiim in cilmibaaruhu u dhugyeesho saddexdaas ujeeddo.

Ugu dambeyn, casharada xiga ayaan si faahfaahsan uga hadli doonaa aaladaha habka tayada (Interveiw and Observation), Weyddiimo baarineedyada tayada (Qualitative Research Questions), Kala miiridda xogta tayada (Qualitative Data Analysis).

 

Wixii dheeraad ah, akhri buugga hoose:

Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 42-47.

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN