Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q9AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q9AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q9AAD.

Labadii dabbaal.

Labadii dabbaal waxay sahaay u qaateen, hunguri aan meel gaarsiin, haddii ay isku darsdaanse ku filnaa lahaa. Wax la sii gabbaatiya ba, markii ay baahi dareemeen nin walba qandigii uu watay ayuu afka ka furay, ruugma na ugu dhaqaaqay, nin walba waa ka meriyay qandiga wixii kayd ugu jiray ee socdaalka loogu talogalay. Goobta loo safrayaa ma dhawa, wixii baad iyo biyo ahaa na waa hormasadeen, sidaas ayaa na baahiyo ku dhishay iyagoon gaarin halkii ay u socdeen.

Sidaa aawgeed laba dabbaal is ma kaalmeeyaan waxna iskuma darsadaan ee qof walba halkeeda ayay ku dhimataa, iyadoo baahan. “Dabbaal, dabbaal ma doorbido”

Dabbaal iyo garaadsame.

Labadoodu-ba waxay siteen sahaay ku filan socdaalkooda, wixii waddada lagu habjaqoba, waa la baahooday. Ninkii Garaadsamaha ahaa wuxuu u seexseexday dabbaalkii jiscinkii uu watay ayuu na kula jid qaaday, kiisi oo afka uga xiran. Wuxuu tegay goobtii loo socday jiscinkiisi oo aan la furin oo uu dhitaysano. Dabbaalkina wuxuu uga soo tegay dhabbiga asigoo oon la socon la’ haddaba dabbaal iyo Garaadsame waxaa lagu korsocdaa ama lagu dul noolyahay Dabbaalka. Halka Garaadsamuhu maankiisa maalo. “Dabbaal iyo Garaadsame, Dabbaalkaa lagu meel gaaraa”

Labadii Gaaradsame.

Labadii Gaaraadsame waa is la socdaaleen, sidii kuwa aan soo sheegay. Nin walba wuxuu sitaa wixii uu u dhigaashaday inuu jidka uga boxo. Mar haddii safar dheer la gelayo, cid kaa horraysana aadan ogayn ma sahlana in lagu dhiirrado waddada, adoo kaligaa ah e. Markii cabbaar la socday sheeko maantoolaysi u badanna dhex marayso ayuu nin ka mid ah labada Garaadsame, wuxuu soo jeediyay inay jiscinka isku darsadaan. Wixii qoyaan ahna qaybsadaan. Nin wuxuu sitaa barax uu dhuunta ku qoysto, haddii uu harraad iyo oon ka joogi waayo. Kan kale na wuxuu wataa biyo uu cabo. Sidaa aawgeed waxaa laysla gartay in baraxana la cabo markii baahi la dareemo, maadaama caano ku daranyihiin. Biyahana markii la oomo la cabo, sidaa ayay ku jidqaadeen, iyagoo heshiis ah. Waxay tageen goobtii loo wada socday iyo halkii safarkoodu ku ekaa iyagoo wada qoslaya, intii socdaalka la soo ahaa na, aan soo arag baahi iyo oon. Taladii ay wadaageen iyo heshiiskii dhex maray ayay uga soo gudbeen waayihii socdaal ee dhibka badnaa. haddaba laba “Garaadsame iyagoo is og ayay is maamulaan”

Toxoboow wuxuu gartay inay safarkooda u danleedahay, inta dib ugu soo jeestay ayuu yiri: hadalkaaga waxaa iiga baxay labada garaadsame inaan annaga nahay. Dhibkii nahaystay iyo jicsinkii aan wadananna waan wadaagnay oo waa kusoo cid galnay!. Toxobeey oo la dhacday sheekada ay maldahaysay in Toxoboow gartay ayaa la soo boodday, Haah! Ee waxaan meel fog ka maqlaa koor boodaan ah “Gugundhaw” ee dhabbiga naga leexi.

Inta sheekadii la haadinayay ayuu Toxoboow arkay Raad geel oo uu garanayo, raadkii ayuu si togan u fiiriyay, is la markii ba wuu garatay inay tahay qaalintii rimalada ahayd ee ay dhashay hashii ina Mooykable ee caana diidka ahayd. Qaalinta waxaa leh: Suldaan gaadda fuul oo ah nimay deris yihiin, geeluna isugu darraan jiray. Qaalinta raadkeeda Toxoboow wuxuu ku aqoonsaday lugta hore ee bidix ayay labada cijo, mid u dheerayd sidaa aawgeed markay soconayso, dhulka ayay figix ku siisaa. Labada lugood ee dambo tan midigta ah ricirteeda waxay ku leedahay toxob kacsi yar oo dhulka ku qoraysa koobaabin. Toxoboow markii uu sifiican ugu ilyaroobay, wuuu gartay inuu soo cidgalay, waliba geelisi loo sheegi doono. Toxobeey ayuu raadkii tusay una sheegay inuu garanayo raadka halkaan maray ee horsocda. Toxobeey kulama yaabin inuu garto raadadka Geela oo uu kala tilmaansado, maxaa yeelay wuxuu u sheegay maalintuu dhashay ilaa ammikaan uu gaashaan qaad dhaafay inuu geel daba joogay oo uu qowsaar ahaa.

Dhabbigii ayay malliiq ka yiraahdeen, waxayna afka saareen halkii boodaantu ka qaryamaysay, wax yar ka dibba waxay galeen, geel jedda iyo howdka kusoo kaagacay. Dhulka shan maalin ka hor waxaa ka da’ay roob milmillo aan dhammayn oo fara qarrer ah. Laakin cows mullaaxa iyo geed jileecu waa dildillaaceen, waxayna u hawoodeen inay caleen, cargo iyo ubax keenaan. Balse ishu kuma bogsoonayso eegmada dhulka oo waxaa laga garanayaa harraadka iyo siigada ka muuqata oogta iyo oonta dhulka. Geelu si teel teel ah ayuu howdka ugu jiraa, horwaynku waxay laalayaan geedaha cagaarku oogada sare uga soo haray, iyo geedaha fiixay ee hoosaaska laga daaqay. Halaha raayda ah waxay jebinayaan geedaha dheedheer ee doogga leh, hal walba waxaa dhinac socda xayn sagaaro ah oo dhulka ka gurubsanaya geedaha geelu jebiyay caleenta ka soo daadatay.

Aaranku cowska ayay daaqayaan iyo xayaabada yar yar ee docaha geedka kusoo haray. Toxoboow geeli ayuu dhex qaaday, wuxuu gartay in geelu yahay guul wabax oo uu mar dhaw ceel ka soo fulay. Is la markiina wuxuu gartay sumaddii geela ku tiillay. Wax yar ka dibna wuxuu isha ka qaaday halo uu yaqaan oo uu leeyahay; Suldaan gaadda fuul, markay aarankii dhex qaadeen, qof la joogta na waa yeen ayuu Toxoboow qaylo ku dhiftay: “Wuuw Geela yaa la jooga?”

Meel aad uga durugsan ayaa qaylo ka yeertay iyo waa la la joogaa. Goobtii jabaaqdu ka yeeray ayay abbaareen, iyagoo ku ildoogsaday wehelka ay heleen galabta. Toxobeey se murugu hor leh ayaa u bidhaantay, mar haddii Toxoboow helay geeliisi waxay is tustay inuu halkiisa uga hari doono. “muraadkiisa hele meel dheer ayuu maraaye” Toxobeey waa kusoo joogsaday murugo iyo fikir is herdina, maankeeda ayaa lagu dagaallamayaa, waxay ku tallamaysaa soo cid gasheene adiga maxaa kuu talo ah? Ciddii aad u socotay ma taqaannid xitaa haddii laguu tilaamaamo, oo ciil iyo caro ayaa kaa soo wadday kobtii aad ku kortay ee reer “Cigwaaqe Caanamaal” Kobtaasu-na joogis kuuma lahayn mar haddii ay xijaabatay abootadaa Roobo Ratiwaal oo karkaarra badan kaa soo tallaabisay. Maanta sow dantu kuma badayso inaad kaligaa dhabbiga afka saarto. Waxaa kusoo joogsanaya mahmaahdii ahayd: “Allaa watoo wehel uma baahna”

Toxobeey oo gudaheeda lagu dagaallamayo ayay soo ag roogsadeen, wiil dhellex oo ku jeeni qaaran Toorrey, ul baay ahna sita oo uu geela ku waabinayo Toxoboow is la markiiba gartay inuu yahay wiilkii dhexaynka ahaa ee uu dhalay Suldaan Gaadda fuul. Salaan iyo bariidin ka dib wuxuu wayddiiyay halka uu jiro, Suldaanki iyo mooradii Geela lagu xerayn lahaa? Carraale wuxuu u tilmaanay halka uu jiro Suldaanki iyo moorada geela lagu xereeyo halka ay ku taal.

Carraale wuxuu u sheegay inaan suldaanki arradaan joogin oo uu jiro ardigii goofeed, geela na uu kula daran yahay qolooyin ay qaraabo yihiin, sidaa darteed wuxuu yiri: mooradii geela waxay jirtaa halkaas gadaashayda ah, anaa idin geyn doona’e aan geela soo waabinno. Libaax dool ah ayaa carrada soo galay habeen hore ayuu na qurbac uu lahaa nimaan deris nahay meel aan noo dheerayn ku cunay, hadda na waxaa laga yaabaa inuu geela gosha ka ilaashanayo ee geela afkiisa hore ayaan la soo wareegaynaa si aan raad iyo ruuxba uga hubsanno inaysan joogin. Waxaa isoo daba jooga dhowr wiil oo geela ila soo xera geyn raba’e haddii ay dhaqso noogu yimaadaan ayaa wiil laydinku dari doonaa, haddii kale anaa idin wadi doona si aad u nasataan socdaal dheer ayaad ku timideen sida idinka muuqata’e.

Geela inta ay soo aafmareen, welina aysan sahankii kusoo simin ayaa waxa soo yeeray hoobaalaysi iyo sacab galbeed oo soo jibaadaya. Waa wiilashii Carraale sugayay oo geela gabbalka usoo ridi rabay. Wax yar ka dibba waxaa yimid:

  • Ciiltire,
    Cagmadhige
    Dubbad

Markii lays warsaday ayaa waxaa lagu deray inuu xeradii geela geeyo Dubbad, Dubbad waa wiil garbo wayn oo aad mooddo in loo carbiyay mellateri duullaan ku qaadi raba waddan ay colaad ba’ani kala dhaxayso. Dubbad waxaa shaki ka galay ninkaan wata gashaantidaan quruxda badan laakin harraadka iyo rafaadka socodku ka muuqdo dhabankeeda. Xoogaa markii la kaftamay ayaa Toxoboow ku yiri: wadaayow magacaa? Kolkaasuu yiri; waxaa lay yiraa: DUBBAD xoogaa ayuu aamusay Toxoboow waligiiba ma degdegin’e cabbaar ka dib ayuu ku celiyay ma Dubbad ayaa lagu yiraa mase Dibbad? Dubbad inta dhoola caddeeyaay ayuu yiri: Dubbad iyo Dibbad maxay ku kala duwan yihiin? Toxoboow oo garaadsame ahaa, ayaa yiri: Dibbad waxaa loo bixiyaa wiilka dhashay habeenka bishu Diddoodka tahay waa habeenka la yiraa: “Mugdi kow” waa habeenka (16) lix iyo tobnaad, wiilka ku dhashay waxaa la aaminsanyahay inuu yahay wiil dagaal noole ah oo aan tobanu ku aadin. Sidaa aawgeed Toxoboow oo og in nin walba magaciisa laga garto goorta uu dhashay iyo geedka uu bulshada ka joogo. Markii uu sheekadii dhammeeyay Toxoboow ayuu Dubbad yiri waa is la middaad sheegtay ee ninyohoow waxaa tahay garaadsame aan loo geli karin, waxaanna ka gartay taa sida aad durbaba magacaygii lagu wareeri jiray aad miisaanka u saartay, is la markaana u garatay is la habeenka aan dhashay. Iyagoo sheekadi wada ayay tageen mooradii oo ay joogaan dhowr nin oo gergaab ah kuna jaraysanaya geed wayn oo Qalaanqal ah hoostiisa.

Toxoboow raggii geedka jalbeebtiisa ku jaraysanayay, wuxuu ka aqoonsaday; Oday Warfaa kaariye oo ragga dhinacooda ku jalbeebsanaya, markii uu salaamay raggiina is baray Toxobeey na geed Raxanreeb ah oo reeddooda ku yaal jalbeebtiisa ayay salka dhigatay. Iyadoo haasaawe la qaruufayo Toxoboow na ragga waraysanayo, dhanka uu ka xigo geeliisi iyo wiilkii yaraa ee la dhashay iyo adeerkii Gaashaama xoor, ayaa waxaa dhinaca duge ee qorraxdu u sii dhacayso ka soo yeertay; Raggu Nabad ma sheegay?” iyadoon lays ogayn ayaa hal mar laysla yiri; dareen ma jiro haddii aadan wedin adigu! Mase waa ba Toxoboow Adeeekiis Gaashaama Xoor oo qurbac laba maalin ka hor kasoo durduriyay raadinaya.

Markii lays xaal waraysatay ayuu duq Gaashaama xoor Raggii geedka hoos fadhiyay wayddiiyay bal inay arkeen qurbaca uu raadinayo, si fiican ayuu u tilmaamay, wuxuu yiri; waa qaalin lix gu’ jira dushiisana aan kebed la saarin, waa baarqab Caruud cad oo leexo yar gaar hays ah leh, una qalloocda dhinaca midig. Wuxuu leeyahay gergod oo waxaa dhalay Awr raay ah; “Afar lugoodle Awrkiisa la meraa, laba lugoodla na Hooydii’e” waa qaalinkaas baarqabka ah raadkiisuna geeliinna ayuu soo galay ee meel ku baytiya?’

Oday Warfaa Kaariye oo ragga kobta joogay u da’waynaa ayaa yiri: soo dhawoow adeer Gaashaama Xoorow, qaalinka aad sheegayso, geela waa soo galyay inaad leedihiinna waan ogayn oo sumaddiina ayaa ku tiillay, laakin waxaa shalay galab casir liqii xilligaan oo kale kala gooyay Libaax dool ah, oo carrada soo galay, qaalinku maadaama uusan geela aqoon wuxuu daaqayay meel aaf ah, waa tii abwaanku yiri:

  • Ereg baadi fiirtaa jirtiyo, ood ka bood nafehe
    Aroor biyaha diiddana marbow, uujin cabayaahe
    Ma ogtahay usuud waa dilaa, Awr dibbood badane.

Sidaa aawgeed qaalinku geela lama qabsan karin oo isma yaqaannaan ee isagoo aaf socda ayaa Libaax kala gooyay haddii aan ku baxnana waxaan u tagnay asigoo bakhtiyay. Gaashaama Xoor wuxuu ku qancay jawaabtaas la siiyay mar haddii aan qaalinkaas la sii arkayn oo wedkii galay. Wuxuu yiri: Aarka raadkiisa iyo duufyihiisa ayaan soo arkay, oo dhabbiga aan ku socday ayaan dhowr meel oo uu ku fagatimeeyay soo maray’e haddii uu dhintay anna waxaa iga haray dhibki iyo saanintiisi ee raggu nabad ma sheegay, gaar ahaan igaarkaan Toxoboow ee aan adeerka u ahay? Waxaa hadalkii ku naqsaday oday Warfaa Kaariye oo ku afjigay Toxoboow iyo gabadhaasu ba hadday noo yimaadeen oo wax badan kaama soo horrayn, laakin hadda ayaan is la waraysanaynaa’e waa gabbal dhac ee walleen nala hoya maysiin caawa?” oday Gaashama Xoor ayaa ku jawaabay: maya oo mooradii Geelu ii degganaa waan ka gaaraa intaan il-cawo soo hil-hilan, Toxoboow iyo gabadhu na waa i raacayaan. Warfaa Kaariye oo aan jawaabtaas u bogin oo raba inuu Gaashaama Xoor Caawa u sheekeeyo, maadaana ay isku fac yihiin ayaa la soo booday, AARKII shalay cunay Qaalinkaagi ardiga kama dheera’e waa intaasuu idin soo weeraraa? Intaan Gaashama Xoor dhawaaqin ayaa Toxoboow la soo booday adeer Libaax anoo kaligeey ah ayaan iska dhicin jiray ee annagoo seddax ruux ah waxba naga ma dhibayo, ee socodkeenna ayaan sii wadaynaa idinna waa mahadsantihiin.

Waxaa hadalkii qaatay Warfaa Kaariye oo yiri: Adeer Gaashama Xoorow ragga iyo geela maxaa u talo ah? Dhulkeennii deegaanka noo ahaa iyo beerihi ba waxa naga soo fogeeyay omoska jiilaal amminkaanna Roob ayaa la sugayaa, waa tii aad ogaydoo Dirirku habeen hore Dayaxa kula degay TODOB (17) bisha dhalaysa na waa Sabbuux/Sedbuux ayaanka ay kusoo aaddan tahana waa Jimco, ma na ahan ayaan isku aadkooda loo bogo, Eebbe ayaa se naga og ee maxaa noo talo ah?’

Gaashaama Xoor ayaa hadalkii qaatay maadaama ragga Kobta fadhiya u wayn yahay, wuxuu yiri: Adeer Warfaa’ow seddex abaarood baa jirta;

  • Abaar Geel.
    Abaar Naageed.
    Abaar Rageed.
  • Abaar Geel waa ilko la’aan,
    Abaar Naageedna waa Ubad la’aan,
    Abaar Rageedna waa arrin xumo.

Ee talada iyo arrinsugu wuu naga dhaxeeyaa ee aan talada iyo tusmada isku darsanno si aan towfiiqda u haleeno. La ye: “Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa” ee waaxgaabta iyo dhallinyarada talada wax ka sii adeer Warfaa’ow. Oday Warfaa ayaa hadalkii ku ceshtay si uu waaya aragnimadiisa talada ugu biiriyo, wuxuu yiri:

Seddax Ilaahay kuma bado, haddow ku bada na Seddax kaaga ma dhigo.

  • Waalid inkaar badan oo caasi ah Ilaahay kuma bado, haddow ku bada na Ilmaha curadka ah kaaga ma dhigo.
    Cunnimo iyo Cirwaynan Ilaahay kuma bado, haddow ku bada na Hooyada qoyska kaaga ma dhigo.
    Talaxumo Ilaahay kuma bado, haddow ku bada na odayga reerka kaaga ma rido.

Sidaa aawgeed adeer Gaashama Xoorow, waa kugu raacsanahay inaan talada waaxgaabta u celinno, si aynaan tala xun u go’aamin. Kulmiye Diindeeye oo waaxgaabta ugu da’ roonaa ayaa hadalkii qaatay asiga oo soo koobaya ayuu yiri; warku wuxuu mudnaan ku yeeshaa shan arrin, kuwaa soo kala ah:

  • Cidda sheegta,
    Cidda loo sheego,
    Goorta la sheego,
    Goobta lagu sheego,
    Habka loo sheego.

Haddaba ciddii sheegi lahayd waa labadiinna oday, ciddii loo sheegi lahaa na waa annaga, goorta iyo goobtii uu ku habboonaa na waan joognaa, habkii loo sharrixi lahaa na idinkaa laydin ka sugayaa ee talo loo aayo nagu hoggaamiya. Dhallinyaradii dhamaa warkaas Kulmiye Diindeeye ayay wada ajiibeen, una riyaaqeen. Taladii si qumman ayaa ruugruugay, loo ged-deggiday, waxaa se la dhaafi waayay in raggu geed madar oo kan ka ballaaran isugu yimaado. Si talo midaysan loo qaato rabta loo guurayo, iyo kobta lagu Riibi baxayo haddii daawgu aarmo.

Gaashama Xoor, Toxoboow iyo Toxobeey halkaas ayay socodkii qabyada ahaa, mar dhawse soo afjami doonaa ka billaabeen, iyagoo tiigsanaya inaay u wada hoydaan Geeli Toxoboow ee caruuddada ahaa. Toxoboow wuxuu u hammuun qabaa inuu cantuugo xig laga soo lisay caruuraddadiisi raaydaa ahaa ee jiilaaku ku daba dheeray, laakin geed fiix iyo dhul Roob faraqarrer maray isku haysta. Wuxuu ku hamminayaa in Toxobeey cabto caana laga soo lisay hoorcadka xagmaraysan ee labada naas oo is xiga ee bidix saaka laga marqay. Toxobeey se waxaas oo nimco iyo wehel ah ee ay heleen uma jeeddo, waxaa boggeeda ku dagaallamaya maxaa xiga geela Toxoboow? Adiga maxaa kuu dan ah? Intee ka heli doontaa ciddii aad raadinaysay? Ma Toxobow ayaa ku raaci doona, mase kaligaa ayaad dhabbiga ku dhici doontaa? Yaa kuu miciini doona, yaa kaa celin doona habar dugaag iyo uum hoose. Halkee, goobtee goortee ciddi heli doontaa IWM.

La soco qeybta xigta oo xiiso badan.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE