Mushkiladaha Soo Ifbaxaya Waqtigan

Maxaa inoogu soo bixi kara haddaynu ka gudubno dhawaaqa aynoo fidinayaan kuwa ku xasila qummanaanta maskax miiradka? 
Muhiimad inooma laha inaynu ku baraarugno qalalaasaha qarsoon e, ay fidinayaan dad loo hubeeyay in maanku ay qaawiyaan. Haa, baraarug ka weyn baa jiro oo noo soo saarayo inaynu si xilkasnimo ah, oo jiritaan xaqiiqa ah aan dabar goyn karno.

Hubaal inaynu hiraal wacan qorsheysaneyno, laakiin hiraalkaa inoogu ma baahna in aynu isku dhiirigelinno. Dhiiranaantu waxay soo deg-degtaa kolkii loo filan waayo inaynu dejino hiraal gor-gortamayo.

Qiyaasta ugu badan oo aynu ka filaneyno udub dhaxaadka nolosha, ayaa ah in nafta loo socod baro cawaaqibta iyo ray-raynta nolosha.

Waxaa soo ifbaxo aammintan( wakhtigaan) loo hadaaqayo doqonimo, halkaa looma sawiran karo dulucda saxda, laakiin waa iska yeel yeel loo xariiqay dabar goynta wacyiga naf ahaaneed.

Aammintan duqonimada waa mid laga macaasho si loo soo xeri geliyo agabyada ay adeegsato maskaxda. Sidaa bay isu xilsaaraan gulufyada ku hubeysan raad racaynta kasmo dabar goynta.

Aammintan doqonimada waxay isu xilsaartaa sidii bulsho masuul ay ugu noqon lahaayeen, waxayna soo saaraan bulsho u horumartay doqonimada.

Halbeegga ay suurta geliyaan doqomada waa ayagoo taariikh unuurta faraca doqomada soo saaraan. Ogow maamuus waliba oo wacan ama xun, tillaabadiisa iyo horjoogiisa waqtiga uu joogo kuma cabbiro, wuxuu ku cabbiraa haykalka taariikheed oo uu boos ka geli karo. Waana astaan maskaxeed loo turxaan bixiyay caqliyadda taariikheed.

Aammintan looma socdaalin kasmada naf ahaaneed, ee waxaa loo socdaalay qirashada u bahowday daruusta walbahaarka.
Ma cabiro karo sohdimaha iyo filashada ay qorsheeynayaan kuwa uxawaareeya quruxda horboodka aan loo qurxineynin kasmada.

Aammintan waxaa xeen daab ku jira fikirka, kolkii fikirka looga baahnaa in caalamka iyo jeerihiisa loo diro. Qof waliba wuxuu wax ku cabiraa isla meesha ama goobta uu joogo, laakiin fikirku farriintiisu ma dhaafsiisna xeen daabkaas.

Derbiyada kasmo waxay xaaqdaa, inta ku garasho ah si caqlabiyad ay uhesho. Waana cubtanka aammintaan ay fulinayaan kuwa u majeertay maamuuska doqonimo.

Aammintan waxaa astaan noqotay maamuus loogu socnaado dadka, halkii lagu baraarugi lahaa rog-rogga fikirka si uu baaq diiran usoo saaro.

Ammintan maamuuska baa fikirka isbaaro udhigtay, waayo keenni fikirayay wuxuu u tillaabsaday astaan jago. Waana halka ay ku kala gudbaan aqoonyahanka fikirka ugu socdaala bulshadiisa iyo aqoonyahanka ubislaada nafciga jago.

Aammintan waxaa awood sheeganeyso luuqadda, kolkii la doonayey in uu awood sheegto fikirka xorta ah. Qof waliba wuxuu wax ku cabbirayaa hadalkiisa, halkii la doonayey in qaab fikir ahaan wax lagu cabbiro.

Gabl dhac waliba fikirku aragti soo ma saaro, halkii gabal dhac waliba la odoroosi jiray, jiritaanka fikirka iyo unuglahaanshaha fikirka. Gabal dhac waliba farriin bay soo gudbisaa cadceedda, farriintaana aammintaan looma fikiro. 

Cadceedda waxay soo saartaa tashi iyo baaq ay jeceshahay in lagu baraarugu sii socodkeeda iyo in jeceshahay joogitaankeeda, si astaamaha nolosha inoogu tusiso.

Waxaa soo xarooganaya waaqicaan xogo aan xaqiiqo ku salaysnayn si loogu baraarugo qiyamka xogtaas ay sidato, halkii loogu baahnaa xog waliba lasoo marsiiyo ilo sax ah. Waana habraac la’aanta aynu ku shaqaleysiinin maanka.

Aammintaan waxaynu noqonay dad qaadashada ku habboon aan warcelin weydiimo la imaan karin, waana hab maan dameyreysi aan jawaab soo celin karin. Yeelkeede, aragti waliba waxay sameysantaa kolkii loogu kuur galo qabatinka fikirka iyo weydiinta. Halkaa waxaa kasoo baxo aragti fog una dhabo gasho natiijada.

Aammintaan la joogo waxaa nisbo isu yeelay dadyowga u bahaloway fahamka mansab ay ugarteen in ay qiil ku raadsadaan magacaas, isla jeerkaa ay qaaciddo ka sameystaan mansabkaa. Hubbaanti waa inaynu kala saari karnaa cadadka garaadka iyo cadadka maamuusyada.

Umuurta waaqicaan waa mid aan ahmiyad la siineynin daruufta taagan, waxaana loo ordayaa daruufo aan maxalli ahayn kuwaa oo lagu mashquulinayo bulshada.

Waa si wacan in la falanqeeyo gulufyada ku bahoobay danta, waana si wacan in la lafa guro kuwa shiilla danta bulshada. Kolkii isla xisaabtan fikir yimaado waxaa soo xaroodo qiyam bulsho ahaaneed.

Mushkiladdu waa anshax, waxay dar-dar gelisaa baahida taagan si xal loogu keeno, xalkuna waa joogteyn loogu kuur galayo eegidda fikirka si uu umacsalaameeyo mushkiladda.

Ogow akhristoow in loo socdo dhabbo aynan ogeyn jiritaankiisa iyo natiijadiisa, waa inaynu la imaannaa fikir sare loo sara kiciyay caqliyad fiyow.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

SHEEKOOYIN