Waddada suubban. Q29AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q29AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Qaddarinta Culimada Ahlu Diinka ah iyo wax garadka, samaha ka taliya iyo in laga hormariyo kuwa kale oo la muujiyo sharafta, meeqaamkooda iyo karaamadooda!”

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

أَمَّنْ هُوَ قَانِتٌ آنَاءَ اللَّيْلِ سَاجِدًا وَقَائِمًا يَحْذَرُ الْآخِرَةَ وَيَرْجُو رَحْمَةَ رَبِّهِ ۗ قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ ﴿٩﴾

139. “Ku dheh! iyagaa, Muxammadow (S.C.W.). Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin? Mayee kuwa waxgaradka ah oo keliya baa waansamaya, oo dareemaya wanaagga iyo kheyrka”. (Suuradda az-Zumar: Aayadda.9).

وعن أَبي مسعودٍ عقبةَ بن عمرو البدري الأنصاري رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «يَؤُمُّ القَوْمَ أَقْرَؤُهُمْ لِكِتَابِ الله، فَإنْ كَانُوا في القِراءةِ سَوَاءً، فأَعْلَمُهُمْ بِالسُّنَّةِ، فَإنْ كَانُوا في السُّنَّةِ سَوَاءً، فَأَقْدَمُهُمْ هِجْرَةً، فَإنْ كَانُوا في الهِجْرَةِ سَوَاءً، فَأقْدَمُهُمْ سِنًّا، وَلاَ يُؤمَّنَّ الرَّجُلُ الرَّجُلَ فِي سُلْطَانِهِ، وَلاَ يَقْعُدْ في بَيْتِهِ عَلَى تَكْرِمَتِهِ إلا بِإذْنهِ».

348. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri-al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofka ugu habboon inuu tujiyo oo uu imam ka noqdo salaadaha jamaacada waa kooda kitaabka Alle u badiya, uguna wanaagsan akhrinta Qur’aanka kariimka ah; haddii inta goob joogga ahi, ay isku mid ka yihiin arrintaa, markaas waxaa la fiiriyaa kan sunnaha u badiya; haddii ay dhacdo inay isku mid ka yihiin xagga sunnaha sidoo kale, markaa waxaa iimaam noqonaya kan u soo hor haajiray yacni kan kheyrka ku horreeyey, haddii ay ka sinnaadaan dhammaantood arrintanna, markaas kan u da’a weyn waa inuu tujiyaa oo imaam u noqdaa. Qofnana waa inuusan iimaam ka noqon qof kale meeshi hadduusan u idmin, sidoo kalena waa inuusan qofna kaga fariisan qof kale fadhigi hadduusan u idmin”. (Muslim).

Werin kale oo Muslim dhigayo ayaa leh: Kooda u hor islaamay, halka ah kooda u da’ weyn”.

Werin kale ayaa iyana ah: “Dadka ninka tujinaya waa inuu ahaadaa kooda kitaabka Alle u badiya oo u akhrin og; haddii ay akhriska isku mid ka yihiinna kan u soo hor haajirey ayaa tujinaya; haddii ay haajirida isku mid ka yihiinna, kan u da’weyn ha tujiyo”.

وعنه قَالَ: كَانَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم يَمْسَحُ مَنَاكِبَنَا في الصَّلاةِ، ويَقُولُ: «اسْتَوُوا وَلاَ تَخْتَلِفُوا، فَتَخْتَلِفَ قُلُوبُكُمْ، لِيَلِني مِنْكُمْ أُولُوا الأحْلاَمِ وَالنُّهَى، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ». رواه مسلم.

349. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri al-Ansaari wuxuu kaloo sheegay in Nabigu (S.C.W.) saari jiray gacmahiisa garbahayaga markaan u safaneyno salaadda wuxuuna dhihi jirey: Safafka toosiya oo sima oo khilaaf dhexdiinna ha yeelina, haddii kale quluubtiinnaa is dhaafeysa heshiis la’aan iyo khilaaf darti. Kuwa i xiga ee igu dhow ha ahaadeen kuwa da’da ah, cilmiga iyo caqligana leh, iyo kuwa ku soo xiga ee tilmaamahaa oo kale leh, misna kuwa ku soo xiga oo tilmaan ahaan u dhow.’ (Muslim).

وعن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «لِيَلِني مِنْكُمْ أُولُوا الأحْلاَم وَالنُّهَى، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ» ثَلاثًا «وَإيَّاكُمْ وَهَيْشَاتِ الأسْوَاق». رواه مسلم.

350. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Salaadda markaynu tukaneyno ha igu soo xigeen dadka waaweyn ee cilmiga iyo caqliga leh, Kuwa kuwaas xigana ha ahaadeen kuwo u dhow xagga tilmaamahaa da’da, cilmiga iyo caqliga, Seddax jeer ayuuna sidaa yiri: wuxuuna raaciyey intaa: Iska jira oo ha ku hadlina hadallada xunxun ee suuqa markaad masjidka joogtaan”. (Muslim)

وعن أَبي يَحيَى، وقيل: أَبي محمد سهلِ بن أَبي حَثْمة- بفتح الحاءِ المهملة وإسكان الثاءِ المثلثةِ- الأنصاري رضي الله عنه قَالَ: انطَلَقَ عَبدُ اللهِ بنُ سهْلٍ وَمُحَيِّصَة بن مَسْعُود إِلَى خَيْبَرَ، وَهِيَ يَومَئذٍ صُلْحٌ، فَتَفَرَّقَا، فَأتَى مُحَيِّصَةُ إِلَى عبدِ اللهِ بنِ سهل وَهُوَ يَتشَحَّطُ في دَمِهِ قَتِيلًا، فَدَفَنَهُ، ثُمَّ قَدِمَ المَدِينَةَ فَانْطَلَقَ عَبدُ الرحمن بنُ سهل وَمُحَيِّصَةُ وحوَيِّصَةُ ابْنَا مَسْعُودٍ إِلَى النَّبيّ صلى الله عليه وسلم، فَذَهَبَ عَبدُ الرحمن يَتَكَلَّمُ، فَقَالَ: «كَبِّرْ كَبِّرْ»، وَهُوَ أحْدَثُ القَوم، فَسَكَتَ، فَتَكَلَّمَا، فَقَالَ: «أتَحْلِفُونَ وتَسْتَحِقُّونَ قَاتِلَكُمْ؟ …» وذكر تمام الحديث. مُتَّفَقٌ عَلَيهِ.

351. Abuu Yaxya ama Abuu Muxammad Sahal ibn Abii Xathmah al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Sahal iyo Muxayyisah ibn Mascuud baa waxay aadeen Khaybar intii lagu jiray heshiiskii dagaal joojinta, waa kala leexdeen oo nin walba dantiisii iyo howshii uu halkaa u yimid raacday. Dabadeed Muxayyisah baa wuxuu u yimid Cabdullaah oo la diley, dhiigiisiina uu qooyay. Inta xawaalay ayuu Madiina ku laabtay. Markaa ka dib Cabdur Raxmaan ibn Sahal iyo Muxayyisah iyo Xuwayyasah, oo ilma Mascuud ahaa, ayaa markaas Nabiga (S.C.W.) aaday Cabdiraxmaan oo u cod karsanaa intooda ayaa hadalkii bilaabay; markaasuu Nabigu (S.C.W.) yiri: Kan idiinku weyn ha hadlo; markaasuu Cabdur Raxmaan oo ugu da’ yaraa seddexda hadalkii joojiyey oo uu aamusay oo labadii kale Nabiga la hadleen. Nabiguna wuxuu ku yiri: Ma ku dhaaranaysaan arrintaa, oo iga dalbaneysaan in qofkii wax idin ka diley caddaaladda la hor keeno wuxuuna weriyey xaddiska oo dhan. (Bukhaari iyo Muslim).

وعن جابر رضي الله عنه أن النَّبيّ صلى الله عليه وسلم كَانَ يَجْمَعُ بَيْنَ الرَّجُلَيْنِ مِنْ قَتْلَى أُحُد يَعْنِي في القَبْرِ، ثُمَّ يَقُولُ: «أيُّهُما أكْثَرُ أخذًا للقُرآنِ؟» فَإذَا أُشيرَ لَهُ إِلَى أحَدِهِمَا قَدَّمَهُ في اللَّحْدِ. رواه البخاري.

352. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Markuu dhammaaday dagaalkii Uxud ka dib, Nabigu (S.C.W.) wuxuu iskula xabaalayey laba kasta oo shuhadada ka mida hal qabri. Mar kasta oo uu labo xabaalayana wuxuuna dadka weydiinayey: Kee ba labadooda in badan Qur’aanka dusha ka qabtay? Kii loo sheego buuna hor gelinayey iilka. (Bukhaari).

وعن ابن عمر رضي الله عنهما: أن النبي صلى الله عليه وسلم قَالَ: «أرَانِي فِي المَنَامِ أتَسَوَّكُ بِسِوَاكٍ، فَجَاءنِي رَجُلانِ، أحَدُهُما أكبر مِنَ الآخرِ، فَنَاوَلْتُ السِّوَاكَ الأصْغَرَ، فَقِيلَ لِي: كَبِّرْ، فَدَفَعْتهُ إِلَى الأكْبَرِ مِنْهُمَا». رواه مسلم مسندًا، ورواه البخاري تعليقًا.
في الحديث: تقديم ذي السن في السواك، ويلتحق به الطعام والشراب والمشي والكلام، وهذا ما لم يترتب القوم، فإن ترتبوا فالسنة تقديم الأيمن.
وفيه: جواز استعمال سواك الغير بإذنه.

353. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Waxaan ku riyooday in anoo cadayanaya – laba nin ii timid, oo midi ka weyn yahay kan kale; Waxaan damcay inaan siiyo cadaygii kii yaraa markaasaa waxaa la i yiri: sii cadayga kan weyn, markaasaan kii weynaa siiyey.’ (Bukhaari iyo Muslim).

وعن أَبي موسى رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «إنَّ مِنْ إجْلالِ اللهِ تَعَالَى: إكْرَامَ ذِي الشَّيْبَةِ المُسْلِمِ، وَحَامِلِ القُرآنِ غَيْرِ الغَالِي فِيهِ، وَالجَافِي عَنْهُ، وَإكْرَامَ ذِي السُّلْطَانِ المُقْسِط». حديث حسن رواه أَبُو داود.

354. Abuu Muusaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Dhab ahaantii waa xusid iyo weyneyn Alle inaad cisaysid ciroolaha muslimka ah; sidoo kale cisaysid Qur’aan yaqaanka ama fasiraha macaanida Qur’aanka; waxaase shardi ah in qofkaa Qur’aan yaqaanka ama fasiraha macaanidiisa ah uusan ku kordhin Qur’aanka waxaan ka mid aheyn uusanna ku khilaafin ficilka iyo dhaqankiisa; sidoo kale waa cisayn iyo wayneyn Alle inaad xurmayso suldaanka caadilka ah”. (Abuu Daawuud) Waa xadiis xasan ah oo sanad wanaagsan leh.

وعن عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «لَيْسَ مِنَّا مَنْ لَمْ يَرْحَمْ صَغِيرنَا، وَيَعْرِفْ شَرَفَ كَبيرِنَا». حديث صحيح رواه أَبُو داود والترمذي، وَقالَ الترمذي: (حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحيحٌ).
وفي رواية أبي داود: «حَقَّ كَبيرِنَا».
فيه: الوعيد لمن لا يرحم الصغير، ولا يُجلّ الكبير، وذوي القدر.

355. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu ka wariyey aabbahay oo is na ka soo xigtay aabbihii, in Nabigu (S.C.W.) yiri: Qofka aan naxariis u hayn carruurtayada aan xurmeynna waayeelkayaga naga mid ma aha. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi).

Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah. Werinta Imaam Daawuud waxay leedahay keennii aan aqoonsan xaqa waayeelkayga, halka ah aan xurmayn waayeelkayga.

– وعن ميمون بن أَبي شَبيب رحمه الله: أنَّ عائشة رَضي الله عنها مَرَّ بِهَا سَائِلٌ، فَأعْطَتْهُ كِسْرَةً، وَمَرَّ بِهَا رَجُلٌ عَلَيهِ ثِيَابٌ وَهَيْئَةٌ، فَأقْعَدَتهُ، فَأكَلَ، فقِيلَ لَهَا في ذلِكَ؟ فقَالتْ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «أنْزِلُوا النَّاسَ مَنَازِلَهُمْ». رواه أبو داود. لكن قال: ميمون لم يدرك عائشة. وقد ذكره مسلم في أول صحيحه تعليقًا فقال: وذكر عن عائشة رضي الله عنها قالت: أمرنا رسول الله صلى الله عليه وسلم أن ننزل الناس منازلهم، وَذَكَرَهُ الحَاكِمُ أَبُو عبد الله في كتابه «مَعرِفَة عُلُومِ الحَديث». وَقالَ: «هُوَ حديث صحيح».
فيه: الحضّ على مُرَاعَاة مقادير الناس، ومراتبهم، ومناصبهم وتفضيل بعضهم على بعض، فلا يقصر بالرجل العالي القدر عن درجته، ويعطي كل ذي حق حقه.

356. Maymuun ibn Abii Shabiib Allaha u naxariistee wuxuu yiri: Nin baa wuxuu weydiistay Caa’isha sadaqo waxayna siisay jab rooti ah. Markaasaa nin kaloo wanaag ka muuqdaa u yimid markaa ayay ugu yeertay inuu fariisto raashin iyo cuntona siisay. Markii la weydiiyey sida kala duwan ay ula dhaqantay, waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu na faray: Dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay”. (Abuu Daawuud).

Xadiiskan waxaa lagu cilleeyey kala go’ waayo Maymuun ma soo garin Caa’isha, sidaa awgeed waa daciif. Laakiin se qaybta dambe ee xadiiska wuxuu ku soo arooray Saxiixu Muslimka waana qaybta ka billaabaneysa wuxuu na faray Nabigu oo yiri: dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay.

وعن ابن عباس رضي الله عنهما، قَالَ: قَدِمَ عُيَيْنَةُ بنُ حِصْن، فَنَزَلَ عَلَى ابْنِ أخِيهِ الحُرِّ بنِ قَيسٍ، وَكَانَ مِنَ النَّفَرِ الَّذِينَ يُدْنِيهِمْ عُمرُ رضي الله عنه وَكَانَ القُرَّاءُ أصْحَاب مَجْلِس عُمَرَ وَمُشاوَرَتِهِ، كُهُولًا كاَنُوا أَوْ شُبَّانًا، فَقَالَ عُيَيْنَةُ لابْنِ أخيهِ: يَا ابْنَ أخِي، لَكَ وَجْهٌ عِنْدَ هَذَا الأمِيرِ، فَاسْتَأذِنْ لِي عَلَيهِ، فاسْتَأذَن له، فَإذِنَ لَهُ عُمَرُ رضي الله عنه فَلَمَّا دَخَلَ قَالَ: هِي يَا ابنَ الخَطَّابِ، فَواللهِ مَا تُعْطِينَا الْجَزْلَ، وَلا تَحْكُمُ فِينَا بالعَدْلِ، فَغَضِبَ عُمَرُ رضي الله عنه حَتَّى هَمَّ أنْ يُوقِعَ بِهِ، فَقَالَ لَهُ الحُرُّ: يَا أميرَ المُؤْمِنينَ، إنَّ الله تَعَالَى قَالَ لِنَبيِّهِ صلى الله عليه وسلم: {خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ} [الأعراف: وَإنَّ هَذَا مِنَ الجَاهِلِينَ. واللهِ مَا جَاوَزَهاَ عُمَرُ حِينَ تَلاَهَا عليه، وكَانَ وَقَّافًا عِنْدَ كِتَابِ اللهِ تَعَالَى. رواه البخاري.

357. Cabdullaahi Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cuyaynah ibn Xisn ayaa madiina yimid, wuxuuna ku soo degay wiilkii walaalkiis Xurr ibn Qays, oo ka mid aha. Cuyaynah wuxuu ku yiri Xurr: adeer adaa waji ku leh amiirka’e idan ii weydii aan ku arko. Sidii ayuu na yeelay Xurr oo wuxuu u weydiiyay Cumar idankii, Cumarna waa uu u idmay. Markii uu Cuyaynah uu u soo galay Cumar wuxuu ku yiri: ina khaddaaboow, nama siisid wax badan, noo lama dhaqantid si caddaalad iyo sinnaan leh. Cumar inta xanaaqay ayuu damcay inuu wax yeelo, markaa ayaa Xurr wuxuu yiri: Amiirul-mu’miniinoow Alle kor ahaaye wuxuu Nabigiisa (S.C.W.) ku yiri:

خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ ﴿١٩٩﴾

Cafiska Caadeyso Muxammadoow! Farna sammaanta iyo isu naxariisashada, isagana jeeso jaahiliinta.(Suuradda al-Acraaf: Aayadda 199). Kanuna Cuyaynah wuxuu ka mid yahay Jaahiliinta. Markii uu akhriyay Xurr Aayaddan ayuu Cumar degay oo kama nuuxsan kursigiisii. Wuxuu mar walba ahaa mid ku adag oo raaca Kitaabka Eebbe oo xudduuddiisa ku is taaga, oo dhowra sinnaba aan u dhaafin.‘(Bukhaari iyo Muslim).

وعن أَبي سعيد سَمُرة بنِ جُندب رضي الله عنه قَالَ: لقد كنت عَلَى عَهْدِ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم غُلامًا، فَكُنْتُ أحْفَظُ عَنْهُ، فَمَا يَمْنَعُنِي مِنَ القَوْلِ إلا أنَّ هاهُنَا رِجَالًا هُمْ أسَنُّ مِنِّي. مُتَّفَقٌ عَلَيهِ.
في هذا الحديث: الأدب مع الكبار من أهل العلم.

358. Abuu Saciid Samuurah ibn Jundub (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil yar waqtigii Nabiga (S.C.W.) waxaana xafidi jiray axaadiista Nabiga (S.C.W.) ha yeeshee ma werin jirin wixii aan ka xafiday, waayo waxaa joogay dad iga waaweyn. (Bukhaari iyo Muslim).

وعن أنس رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُول الله صلى الله عليه وسلم: «مَا أكْرَمَ شَابٌّ شَيْخًا لِسِنِّهِ إلا قَيَّضَ الله لَهُ مَنْ يُكْرِمُهُ عِنْدَ سِنِّه». رواه الترمذي،

359. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Hadduu nin dhallin yaro ah xurmeeyo ruux sheyb ah da’diisa awgeed, Wuxuu Alle u bixiyaa qof xurmeeya goortuu da’diisa oo kale gaaro”. (Tirmidi)

FG: waxaan toos uga soo xigtay “Baabka Afartan iyo afaraad (44). ee Kutubka Riyaalu-saalixiin, Beertii Suubbanayaasha, ee ka hadlaya Culimada iyo qiyaamkooda!”
Sidaa awgeed waxaa maalmahaan suuqa ku jirtay ama in badan oo ka kid ah Ummadda Soomaaliyeed ay aad u dhaleeceynayeen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo qaar ayba ku xugmiyeen inow tuug yahay, (Subxaana-allaah). waxaana ugu talogalay in ay ogaadaan inbadan oo aan wax u kala soocneyn waana qowlka Eebbe ee Nabi Nuurre (S.C.W.). loo soo dhiibay sidaa darteed waxa kugu quman inaadan culimada u gefin si aan ciqaabta ka dhalata kuu saameyn!” Mahadsanidiin.

“JIMCO SUUBBAN: W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN