Home Qoraallo Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 12aad

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 12aad

26
0
SHARE

AALADDA WAREYSIGA

Casharkii koow iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay hab baarineedka tayada, iyada oo kooban. Casharkan waxa aynu ku baran doona aaladda wareysiga (Interview), oo ka mid ah mid ka mida labada aalad ee loogu isticmaalka badan yahay marka la joogo marxaladda xog uruurinta habka tayada (Qualitative Method).

Ujeedka uu cilmibaaruhu u adeegsanayo aaladda wareysiga waa sahmin khibrad nololeedyada la wareysteyaasha-koox ama shakhsi. Qaabka uu cilmibaaruhu u dejinayo weyddiimo baarineedyadiisa (Research Questions) waxay ku xiran yihiin ujeedka guud ee cilmibaarista, iyada ayaana ah tan hagaysa hannaanka cilmibaarista-bilow ilaa iyo dhammaad.

Waa muhiim in ardaygu uu garasho u yeesho farqiga u dhexeeya wareysiga aynu casharkan ku dhex falanqayn doono iyo wareysiyada caadiga ah, ee aynu garanayno. Balse wareysigani wuu qotodheeryahay, weyddiimahiisuna waa kuwa cilmibaaruhu ka fikiray, dejiyey, una nidaamiyey habkii loogu tallagalay.

Wareysigu wuxuu ka billawdaa weyddiimo. Weyddiimahaas waa dhabbadii loo mari lahaa ujeeddada-oo ah helidda xog ama macluumaad ku fadhida warcelinno kala duwan. La wareysteyaasha waxay noqo karaan kuwa madax ah, oo ay adag tahay in lala yeesho wareysi toos ah ama weji ka weji (Face to Face) iyo kuwa iska caadi ah, oo fursad iyo waqtiba ku siin kara. Marka ay timaaddo in la wareysto dadka madaxda ahi, ee aan fursad iyo waqtiba u hayn wareysiga, wuxuu cilmibaaruhu adeegsan karaa hab email ah.

Weyddiimaha wareysigu waxay u qeybsami karaan laba: Weyddiimo xiran iyo Weyddiimo furan (Closed Questions and Open Questions). Tan hore, wuxuu cilmibaaruhu adeegsadaa marka uu rabo in la wareysteha (Subjects) uu ka helo jawaab celinno ku kooban haye, maya iyo ma ogi. Dhanka kale, weyddiimaha furan waxay la wareysteha ku qasbayaan in uu bixiyo jawaabo dhaadheer, kuwaas oo khuseeya sababta uu wax u sameeyey, sida uu u sameeyey, waxa uu ka aamminsan yahay, fekraddiisa. Inta badan waa kuwa ku dulwareegta sheekooyinkiisa iyo taariikh nololeedkiisa (Stories and Biographies).

Qeybin kale ayaa jirta, oo ku saabsan wareysiga. Waxaa loo qeybiyaa wareysi qaabeesan, dejisan (Structured Interview) iyo wareysi aan dejisneen ama qaabeesneen (Unstructured Interview). Kan hore, weyddiimahiisu waa kuwa la dejiyey wareysiga ka hore, iyaga oo nidaamsan ayaa la hordhigaa la wareysteha. Midda dambe, waxay ku saabsan tahay wadasheekeysi guud oo uu cilmibaaruhu la yeelanayo la wareysteha. Haddaba, cilmibaareha dersa siyaasadda wuxuu adeegsadaa qeyb dhexe oo la dhaho (Simi-Structured Interview). Cilmibaaruhu wuxuu la imaanayaa tiro weyddiimo ah, oo nidaambsan. Weyddiin walba wuxuu dabadhigayaa falanqayn kooban oo ku saabsan weyddiinta, ka hor inta uusan u gudbin weyddiimaha kale. Wareysiga ugu fiican waa kan ku dhisan wadasheekeysi wax soosaar leh, kaas oo uu cilmibaaruhu la yeelanayo la wareysteha, abuuranaa xiriir kalsooni iyo is-aamminaad dhex maraya cilmibaareha iyo la wareysteha.

Goobayn, cilmibaareha adeegsada habka tayada (Qualitative Method) wuxuu la yimaadaa weyddiimo furan, isaga oo raaca qeybta dhexe ee wareysiga (Simi-structured Interveiw). Cilmibaaruhu wuxuu wareysan karaa koox yar oo kooban ama shakhsi. Dhanka kale, marka la joogo habka tirada (Quantitative Method), cilmibaaruhu wuxuu doorbidaa weyddiimo xiran (Closed Questions), isaga oo raaca qeybta hore (Highly Structured Interview). Aaladda ugu badan oo ay isticmaalaan cilmibaareyaasha raaca habka tirada waa kuwaashineer (Questionnaires), mid ka mid ah casharada xiga ayaan si fiican ugu dhex falanqayn doonaa.

Casharka xiga waxa aynu kaga hadli doonaa sida uu cilmibaaruhu u wareysan karo dadka madaxda ahi, ayna adagtahay in uu cilmibaaruhu la yeesho wareysi weji ka weji ah.

Wixii dheeraad ah, akhri buugga hoose:

Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Chapter 9. P. 116-119.

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika