Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q10AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q10AAD.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

104
0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q10AAD.”

Waxay sama tageen kobtii geelu ku oodnaa, ammin ku beegan fiid cowlki, waxa gasada geelu hoydo kusoo dhaweeyay, koraygii Toxoboow la dhashay ee xorrodka ahaa. Toxobeey waxaa salli yar oo kaabi leh loo dhigay geed raxanreeb ah baalkiisa, si ay qaboonaha waa beri iyo xanfarka deyreed ee sii dhammaanaya uga gaashaamato. Toxoboow xamaamadii uu  siday lixda aqoolood, meel kabaal ah ayuu dhigay, wuxuu fiirfiirin ugu dhaqaaday geelii uu dhowrka isbuuc ka maqnaa. Nasiib wanaag ma jiro neef lumay iyo neef dhukaanay. Aad ayuu ugu oobsaday, markii uu waayay wax maqan iyo wax baadi ah. Marka laga reebo Qaalinkii adeerkiis ee laba habeen ka hor, libaaxu dilay.

Toxoboow adeerkiis Gaashama xoor ayaa doobtay ku gamboonaa qurdhubaan raar ahaan gasada loo keenay inta la booday, oo debshidka la tegay, si fiicanna u culay, dhowr halaad oo saaka la xagmareeyay inta nirgaha hu helliyay, markii ay gurteen iyagoo godol la haaneedsaday, kasoo lisay, Haruub caana oo xoor leh. Toxoboow ayuu u dhiibay ku na yiri: gabadhaas kula socota iyo adigu is la caba. Toxoboow intuu labada dhinac ka qabtay ayuu baalka kadalloob ka yiri, Raxanreebkii Toxobeey duggaalkiisa jiiftay.

Toxoboow iyo Toxobeey haddii ay maalmahaan socdaal dheer soo ahaayeen, caawa waxay iidaan iyo ollogba ka dhiganayaan caana geel oo kamkamaya, carafta ka baxysana ku miidaan geddinayso. Laakin “Bedin berkii buko berkii ma fayaabo’e” Toxobeey waxay u haysataa in waa cusub oo dhibkiisa iyo dheeftiisa lihi u baryay. Ninka ay la soo jidqaadday ee halis badan oo soo wajihi lahayd iyo af Libaax ba kasoo badbaadiyay uu yahay nin golihiisi yimid. Dhanka kale, ma ahan nin ay is qabaan se waa nin ay waddada isku soo barteen, gasarki uu u socda na jooga.

Toxobeey xaalkeedu waa fikir iyo farajac cusub, ciddii ay raadraaceysay ma garanayso goob ay deegaan ku yihiin, magacyadooda muuquuda iyo abtiriskooda ba, si fiican uma taqaanno, waxaa se loogu sheegay inay joogaan deegaan la yiraahdo: Ceel Lebaale, waa maalintii ay Toxoboow dhabbiga isku baranayeen, goobtii uu ku yiri: Geelaygi ayaa jira. Mar mar ayay bogga iska leedahay maad Toxoboow wayddiisid halka ay joogaan hadda iyo inta uu u jiro Ceel Lebaale, waxay se isku qancisaa waayaha ayaa sheegi doona’e ha hordhicin, inta laga orbegayo. Toxoboow ayaa la kaftamay, asigoo xasuusinaya, waayihii ay soo mareen iyo sideey jidyaal usoo ahaayeen. Caanihii ayuu dhowr jeer cantuugay, waa na u dhiibay is la markii uu gacanteeda ku hubsaday ayuu u daba dhigay, heestaan kaftanka ah:

  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xamar kula dalxiisoo
    Xeebta Cadale kula dega.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xaafuunya Ceeldheer
    Xareed kugu cabsiiyoo
    Xubbi kugu yiraa nabad.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xawaadleeya Ceelbaraf
    Xamurkiyo xabuubkiyo
    Xoorta geela joogiyo
    Kuu keena xaarmaha.
  • Xaaliyay allowyaa
    Xaabaale iyo hawd
    Xeradii abkeen iyo
    Xawaal Cali ku geyoo
    Xagmar kaaga fala oo
    Xasan iyo Xaliimiyo
    Xuseen kuu xanbaariya.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Hawadoo xasilan iyo
    Xilli rooba baaweed
    Xanfar kaa ilaalshoo
    Xabadkaaga jiifsada.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xeer iyo xushmayn iyo
    Xusuus kula wadaagoo
    Xuska caashaq kula dhiga.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xoola badan ku siiyoo
    Xisaab la’i adduunyada
    Ku yiraa xilkuu qabo.
  • Xaaliyeey Alloowyaa
    Xajka kugu dawaafshoo
    Xarameyn ku geeyoo
    Xabiibkii rasuulkiyo (S.C.W.)
    Xawdkii Jannada iyo
    Xuural caynta kugu dara!”

Toxobeey oo buragii caanuhu ku jireen labada dhinac uga dheggan, oo fikirki iyo naawiliddi ay ku jirtay ee welwelka ku haysay ku illowday heesta Toxoboow mariyay ee boggeeda uga daadegtay sidii malabka. Ayaa is la markiiba dhulka dhigtay doobtagi caanuhu ku jireen iyadoon weli kabban. Waxay soo hingatay gabay afarray ah oo ay Toxoboow wanaaggiisa ugu sheegto, si ay jeelka iyo jacaylka ay u qabto ugu muujiso. Waxay ku maasootay:

  • Alloowyaa xalaal kugu heloo xaasid ka ilaalsha
    Alloowyaa xaqaagii gutoo hadal xun kaa reeba
    Alloowyaa xariir kuu gogloo kugu yiraa Xaaji
    Alloowyaa Xabiibiya ku dhaho hadalla loo xiiso
    Alloowyaa xaq dhoowr iyo xushmayn kugu xannaaneeyo
    Alloowyaan marnnaba kaa xumaan minidna kaa xiisin
    Alloowyaa xayaatada u hela sidii Xaawo iyo Aadan.

Toxobeey caanihii ayay ka kabbatay, una dhiibtay, Toxoboow waxay u daba dhigtay abaalkaaga ma gudi karo, la’aantaana ma hubo inaan halkaan soo gaari lahaa. Laakin weli “Faanoole fari kama qodna” waayoo ma gaarin golihi aan hiigsanaayay, sidaa aawgeed waa inaad si fiican ii amba bixisaa, waddada na igu adaadintaa, adigoo i siinaya tilmaan fiican oo aan ku gaari karo ciddii aan tiigsanaayay. Waxay u daba dhigtay, adigu ima raaci karaysid waayoo mudda badan ayaad geela ka maqnayd, halkii aad u socota na waa sama timid. Anigu se weli socod dheer oo nolol iyo geeriba leh ayaa ii dhiman. Toxoboow wuxuu dareemay inaan farxadda uu dareemayo iyo nasiinada aan gacalisadiisu la qabin. Wuxuu dareen debecsan kula falgalay dardaaran gaaban oo dhiirrigelin ah. Wuxuu ugu laabqaboojiyaay inaanu ka harayn ilaa uu ku simo ciddii ay u soo jidqaadday. Toxobeey oo hadalkaas naxariista leh, kalsooni ka qaadday ayaa ku tiraabtay: “Horta Ceelkii aan kuu sheegay ee Lebaale maxuu u jiraa halka aan caawa ku hoyanyno?”

Toxoboow adeerkiis Gaashaama Xoor oo hadalka ay is dhaafsanayeen, labada lamaane, sheedda ka eegayay ayaa hadalkii soo dhex galay, wuxuu yiri: sida aan idinka dareemay, waxaa tihiin laba ruux oo kalsooni isku qaba. Xariirka haasaawe wadaaggu na ma ahan wax cusub oo hadda idinka billaabanaya ee waa soo jireen, la kal dhaxlo. Sidaa aawgeed haddii aad is gaclooteen anigu na garabkiinna ayaan ahay maadaama aan waalid ka joogo. Toxoboow adigu na gabadha ku sin halka ay rabto, Ceelka ay sheegayso ma dheera oo wuxuu noo jiraa hal cabbaar, maalin haafkeed ayaa loo soconayaa, isbuuci hore ayaanna geela ka soo fulinnay, geelu waa sagaal qad, haddii ay sugi kartana laba maalin ayuunbaa u dhiman. Haddii se ay dhararsanayso adigu wad, Geela na aniga iyo wiilka kurayga ah aa ku aadna, maalmahaaba annagaa jirnay’e. Waxaa kaaloon kuugu darayaa, dhulku aamin maaha oo waxaa yimaada Dhurwaay iyo Libaaxyo dool ah. Waxaaa kaloo jira dhallinyaro Geelley ah oo aan xeer qaban xaakimkana ka biqin, waxaa laga yaabaa inay faraxummeeyaan gabadha halkaas na ceebu naga raacdo. Sidaa darteed haddii aan gabadha kaligeed dhabbiga ku fasaxno ee dhib soo gaaro, ama ay dhimato, waa dembi iyo ceeb dushayna ahaatay ee garabkaaga Alle ha galo, gabadhana ciddeedi ku sin. La ye: “Fulay Guuli u dhaw, kana dheer” ee haddii aad dhulkii aan ogaa ee johalada iyo hayla qaadqada ahaa soo dhaafisay, meel aad uga harto ma joogtid ee rag iska dhig oo waayaha iska giiji, waligeenba xummaan iyo xagatin kale nalankuma xaman adigu na waxaan filayaa inaad dhowri doonto wanaaggii tolkaagu lahaa, hadalka na waa idinka dhex galay ee raalli ahaada.

Toxobeey markii intaasu ku dhibacday dhegteeda, laabta ayaa u qabowday, waxay garatay halka Toxoboow ka hidda raacay dhaqanka wanaagsan iyo milgaha miisaaman ee geesinimadu u dheertahay, waxay gunudday in reerku yahay reer laysu dhiibi karo, naftana lagu aamini karo Eebbe ka sokow. Toxoboow ayaa hadalkii qaatay una mahadceliyay adeerkiis kuna ammaanay garasha dheeridiisa. Wuxuu u ballan qaaday inuusan reerka ceeb usoo jiidi doonin, gabadhana uu ku simayo halkii ay u socotay. Toxoboow waa: “Dhurwaagii halkow rabay loo raacay’e” hadalkii adeerkiis wuxuu u noqday fursad kale oo uu Toxobeey ugu abaal sheegto, amminka dhaw iyo mustaqbalka imaan doona. Toxobeey ayaa hadalkii qaadatay iyadoo adeerka iyo gacaliyaheeda ba u mahadcelinaysa. Waxay tiri: caawa waxaan guntay inaad tihiin reer gobeed lagu soo hirto, wax na la la wadaago, waxaa ii dhabowday in Toxoboow yahay nin rageed mudan in gole looga daalliyo, gogolna loo firaasho, waan hubaa haddii amminku igu simo, wedku-na iga waabto oo uusan na kala wedin inaan u abaal gudi doono.

Toxoboow oo halkaas ka helay, toobi uu ku dhigi karo rabitaankiisa isa soo taraya, adeerkina u firaaqo yeelay oo gasada geela dib u laabtay ayaa ku maansooday gabay dardaaran iyo digniin ah. Toxoboow wuxuu doonaya inuu dhan walba ka tusaaleeyo Toxobeey la ye: “Ama xiiso maal ama xoola adoogaa’e” Toxoboow wuxuu is tusay in Toxobeey u heellantahay jacaylka ay u qabtana uu xarkaha sii goosanayo, asigoo fursaddaas ka duulaya ayuu yiri:

  • Afadayda tii noqon lehayd, aqalka ii joogta
    Idileey astaamahan ka rabo, yaan wax kaa orane
    Iska eeg hadhoow eeddu waa, waxan ekoonayne
    Asluub iyo xishood aan idlaan, iyo afkoo gaaban
    Ehel soo dhaweyntiyo addeec, aan arriminaayo
    Amaanadi Ilaahay ku faray, inad adkaynayso
    Adduunyadaan socdaal aadayaa, ama ardaagiiye
    Aqalkana haddaan soo galoon, Qaali ku ag joogo
    Afka aniga oon furin markiba, eegma dhugad kayga
    Uurkayga waa inad taqaan, Eleled doonkiisa
    Astaamahan markaan kugu arkiyo, inan ka sii dheerba
    Ubaxaan adaa mudan haddaan, Lays inkirihayne
    Ku ildoogso waan kula ogahay, eelka caashaqa’e.

La soco jawaabta Toxobeey iyo soo afjaridda Socdaalka.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”