Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q15AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q15AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Gabagaan magiciisa waxa la yiraahdaa: “Duqa ha loo sheego” waxa tiriyay: Abwaan Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” Eebbe ha u naxariistee. Amminkiisu wuxuu ku beegnaa xilligay ugu xoogga waynayd dowladdii Kacaanku. Waa gabay caan ah oo Soomaalidu garanayso, dhacdada iyo dhibka uu ku baxay. Eebbe ha u raxmadee, laashin Cabdulle Raage waxyaabihii uu ka gabyay amminkaas, waxaad mooddaa inay weli sidoodi yihiin, dadkii uu u hadlaayay berigaas. Waxa la yaab leh, in laashinku ku dhiirraday amminkaas dhibka badan oo ruuxi ka hadla arrin ka baxsan kacaanka madaxa laga gooynayay, inuu muujiyo in bulshada qayb ka mid ah caddaalad darro lagu haayo. Wuxuu go’aansaday inuu dhinto asigoo runta sheegaya, halkii uu noqon lahaa nacamleeye.

Gabaygaan “Duqa ha loo sheego” laashin Cabdulle wuxuu ku iftiimiyay qaladaad badan oo markaa ay ku haysay dowladdii Soomaaliyeed ee xilligaa jirtay, walina aad mooddu wuxuu ka hadlaayay 1980ki inay wali sidoodi yihiin oo aan wax is beddelin dadkii uu amminkaa u hadlaayana ay wali joogaan duqa ha loo sheego. Gabayga “Duqa ha loo sheego” wuxuu ka kooban yahay laba gabay oo isku xaraf ka kacaya laakin kala ujeeddo duwan. Qaybta koobaad wuxuu uga gabyay dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa dabiiciga ah. Halka kan labaad uu uga hadlayo bulsho gardarro lagu haayo. Hormada labaad ee is la gabaygaan waxaan kusoo qaadan doonaa qormada xigta, haddii Eebbe idmo.

• Ergo kaaga timid dowladdiyo, golihi deegaanka
• Oo doonayeen inaan murtidi, dib uga faalloono
• Ammaan dhaqan da’weynaa jiree, doonno xididkiise
• Dalku badane dhowrkaa degmee, dilane laad-laaday
• Oon dowladdii hore na tegin, tanina deerraysay
• Haddoo maanta duul khayr-qabaa, dib ugu soo laabay.

• Duqowdiyo waxgaradkii xigmada, dowliga u haayay
• Iyagoo dembiyo laga galee, dedan tilmaaya
• Dacwad dheer inay soo qoreen, duqa ha loo sheego.

• Duullaanki inaan ugu hormaray, daafici amxaaro
• Derejada na aan ka qadsannahay, duqa ha loo sheego,
• Inaan doonistii taakullada, doorar ka ciyaarnay
• Waxaan galona lay diiddan yahay, duqa ha loo sheego,
• Inaan daawa iyo ceelal li’i, duurka ku abaawnay
• Oo daanka oon laga tirtiray, duqa ha loo sheego.

• Dakano iyo eed inaan u galay xisbiga, oo is daba jooga
• Annay waa danaysta i dhahaan, duqa ha loo sheego,
• Inaan doorashadi layga helin, diiday kaligeeda
• Dariiqina aan wali la bixin, duqa ha loo sheego,
• Deelaasha maaxaay ilaa, doodka Xaradheere
• Waydaarki deexdaya midkii, degadka hooseeya
• Labadiba inow duugay bacad, duqa ha loo sheego.

• Danwadaagta innaan ku jirin, lagu dul noolaaday
• Annaan gooni roob noogu di’in, duqa ha loo sheego,
• Dadka kale in loo raro qamadi, lagu daryeelaayo
• Iyadoo warqada lagu dabbaqay, daaya ku hor taallo
• Deg-degnay gadaal uga dhistaan, daaha ka ilaali
• Aniguna midkaan suuqa duwan, degel kusoo iibshay
• Anigoo habiinnoo dib jiray, diiddaya akhbaarta
• Gaariga inay kala degaan, kuwa dembiilaahu
• Dilya xarigna lay-gugu beddelay, duqa ha loo sheego.

• Diirkaygaa wanaagsane markuu, dabin is waydaarshay
• Dulqaad iyo inaan leehay sharaf, diifta u adkaysta
• Oo anan cuntoo dudid aqaan, duqa ha loo sheego,
• Dirirdhabaya arar maalintow, holoco duulaayay
• Oo daba Golyaalaya Godeey, deb isku noolaaday
• Dalabaadki inaan ugu badnaa, diriddi gaadiika
• Marna aanan biil soo dallacan, duqa ha loo sheego.

• Hasha aan Amxaarada dufta leh, duhurki eedsiiyay
• Kuubbanaan hub darandoorri dhaca, kula damaashaaday
• Hasha Ruush dabbaabaadka culus, Diriridhaboo keenay
• Haddaan Dunida qaarkeed na dhihin, dib uga soo laabta
• Dirqaa looga gaaraye baqeey, dabada taageene
• Inaan maydku dayhayn rag ogi, dulun ma qaataane
• Shareecadu waxay diiddan tahay, waa la dirirnaa’e
• Hasha doolle iyo faafsan iyo, ula san daaqaysa
• Haawayda diifka lihi hadday, damacday naaskeedi
• Diyaaraan u nahay geeridee, duqa ha loo sheego.

• Dalladdii kacaankaan nahaya, danab ma leexdaahe
• Inaannaan danjira yaal lehayn, debadda noo aada
• Debotoodna uu nagu yar yahay, duqa ha loo sheego,
• Anigaa dammiir adag lohoon, dirasha yeelayne
• Inaan daacaddii eedsannahay, duqa ha loo sheego,
• In kastoon dadaal iyo farsamo, daaha ka caddayn
• Dallacaadda kama qeyb galnee, duqa ha loo sheego.

• Doqon iyo nin liitaa hunguri, lagu dulleeyaahe
• Inaan raashin lay daadi karin, duqa ha loo sheego,
• Daba dhilifyada qaa’innada, laba duglaynaaya
• Kuwa doollarada loo babbiyo, dabinku hoos yaallo
• Marna inaan ku daran layga helin, duqa ha loo sheego,
• Haddaan daacad wixi igu ahaa, dibatidii oofshay
• In diyaaradihii laga la’ yahay, duqa ha loo sheego,
• Dayuus looma kaalmeeyo iyo, nacaski diiflaahe
• Docdi aan ka xigo inaan si adag, ugu dadaalaayo
• Dabaylnaanu uga soo dhaceyn, duqa ha loo sheego,
• Dagaalkaya abaartaan lahaa, ha idin daayeene
• Daruufaha adadagaan ka jiray, inaan ku doodnaahe
• Inaan doonta wada saarannahay, duqa ha loo sheego,
• Dug joogsiga xafiiskaya baryada, waa la dirinaahe
• Rabbigeey cirkow noo da’shiyo, duurka tacabkiisa
• Duxa muruqa kama quusanniyo, daabka yaambada’e
• Doodraaca inaannaan ku jirin, duqa ha loo sheego.

• Wareegtadi dambiishaya xisbiga, waa la duudsiyaye
• Degmo iyo enji iyo xaafadaa, diiday amarkiiye
• Danyartow kacaanku u dhasheey, degatay tuugtiiye
• Laaluushku waa daba qabsiye, duqa ha loo sheego,
• Isu duma haddii aad ku tiri, waysku dirayaane
• Goballadi in dayr kala dhex yaal, ha iso soo dayna
• Oo adan daqiiq gudubsa karin, duudka lagu qaado
• Oy kala dilaayaan shacbigi, duqa ha loo sheego,
• Dooxaha Hargeesiyo burcaya, degelka laascaano
• Daantaa galbeed iibku waa, nin iyo dooqiiye
• Dulmi Xamar ku sinanaa jiree, duqa ha loo sheego.

• Gubannimadu waa doog ka baxa, doojintiyo dhiige
• Dadkay iib u tahay kuma jirnee, duqa ha loo sheego,
• Dee iyo waryaa nimaan lahayn, Diintana aan caayin
• Dowladdanaan lacagteeda xadin, dad umma haystaane
• Diiwaanka taariikhda waa, laga daboolaaye
• Dal-daloolka meeshaa ku jira, duqa ha loo sheego,
• Dadow ina dadbane waa mahmaah, naga da’ weyneede
• Naxariistu waa uga dartaa, duulkan gob aheyne
• Niman soo dejiyay inow i raray, duqa ha loo sheego.

• Dalluugaa ku tiil Xamar markaan, Daara ku laheyne
• Damba suganayaashii markaan, diidnay hadalkoodi
• Dunshee rara durgiye iga fogeey, daba kecee cayrsha
• Iyagaya kacaackiisku dira, ha is dagaaleene
• Dabka korontada iyo meel biya leh, dacalka how saarin
• bal inay ka diiraan shacbiga, ugu dambaysiiya
• Debin-daabyadaa inaan qabnaya, digashadaa hoose
• Duluucdu-na isoo raaca tahay, duqa ha loo sheego.

• Dugsiyadi xaggoodina ardadi, dayro laga keen’e
• Daymooya eegaa xarfihi, laga dersaayaa’e
• Daraafaa la qorayaa war bixin, duur xul iyo caaya
• Debaloomadeenniyaa lifaaq, lagu deraayaahe
• Digrigeenna iyo dee’du waa, ul iyo diirkeede
• Degaankaan ka imid iyo mushaar, laysu dacareeyay
• Danaanada xafiisyada dhex taal, duqa ha loo sheego.

• In qabiilki aan shalay dilnayo, dabarki soo goostay
• Annay daqarki gaaraya nabrihi, madixi daawaynta
• Nimanaa dabbiyay xayl watoon, daacad ka ahayne
• Markaan duugan iriyeey qabrigi, daraf banneeyeene
• Inay daadihanayaan ragaan, lagu dareemayne
• Annay dowladduu badan yihiin, duqa ha loo sheego
• Darab iyo haddii waysa li’i, Duhur la aadaamo
• Dukaashaas inaan la aqbaleyn, duqa ha loo sheego
• Duddun aad ogtahay baahal inow, daaqalka u yaallo
• Dummaal wiille lama aaminee, duqa ha loo sheego
• Digri iyo kuwaan waa na iyo, ahabi deeqayn
• Laba daan ku cunid waxay ahayn, nimanaan doonaynin
• Dowladda na ka midahaa jiree, duqa ha loo sheego.

• Dalka kii qayaanaye dhacaye, duray nadaamkiisi
• Dagaal iyo afxumanoo qasdoy, dabata taagtiiso
• Iyo kii difaac iyo dhismaha, halis u diidaayay
• Haddii ay isaga kiin darmeen, debacday howshiiye
• Is dib dhaafka meeshaa ku jira, duqa ha loo sheego
• Sidow ruux kaluu daadahshaa, Dowlad nimadeenna
• Darteed nimanki Ruush ula saftaye, dirirta soo qaaday
• Iyo kuwa sirteennuu diraa, wax is ma doorshaane
• Derejaya kursiba waa inaan, dab u lahaannaaye
• Ra’yigaas diciifkaa intay, doqonto sheegayso
• Dalka wow dhashaye kuma imaan, dalabya meel dheer’e
• Deb hadday liqdee holac rintee, dhuxula daacayso
• Kuwiisugu dambeeyaa nahahe, duqa ha loo sheego
• Hinaasuhu qofkow daa’intee, dilo muraalkeeda
• Markow daaho woxow soo baxyaa, duulal iyo saar
• Mingisna wuu dillaacaa markow, daawyo ku hayaa’e
• Dawacada Maroodiga hanjabaad, wax uga doonaysa
• Dafteey tumanayaan waa sidaas, waa na demayaahe
• Inaan doobba koron guux ahayn, duqa ha loo sheego.

• Rabbibaa na dilayee haddaan, xaqa la diidayn
• Deferaadya been iyo haddaan, hagid la doonayn
• Inaan dowladnimo jirin hortii, duqa ha loo sheego,
• Dullaallada fakadayee u galay, daacuf la Amxaaro
• Ee diidayaan qarannimada, dib ugu soo laabta
• In dirkood wax naga maamulaan, daaqad ka arkaahe
• Dareemaa halkaa naga galee, duqa ha loo sheego
• Dibjiryaalka baaddaya markaa, xabashidoo doonta
• Markay daabka haayeen middiday, dabatay shayddaanku
• Dawarsiya baryeey nagu wadeen, toban diraacood’e
• Inay doorka kacay ka xun yihiin, duqa ha loo sheego.

• Haddii nabad ku wada daaqiddaa, laysku dayi waayo
• Oo duulka dheeraadka jecel, damucu soo waalo
• Dusha iyo gadaashaya hortaya, labada daafoodba
• Derbi xoog lahaa uga gudbane, duqa ha loo sheego
• Durbaannadu hadday soo kordhaan, oo la demi waayo
• Lixdiyaan diyaar uga dhignaye, duqa ha loo sheego
• Haddii Dunida waxa aalad jira, nalan kusoo daayo
• Innaan duc uga leexaneyn, duqa ha loo sheego.

• Duudkaan ku qaadney nabrihi, doogti nagu taale
• Dambarkeenna inaannaan qubeyn, duqa ha loo sheego
• Dadku waxay ka beermaan naflaha, dunida joogaahi
• Dumar iyo Rag baynkood kulmaya, Daa’in amarkiiye
• Inaan Hooyo laga deeqmi karin, duqa ha loo sheego.

• Ummad qaranka meeshii u daran, loo diraan nahaye
• Iyaguna difoosoo ahoon, diidin waligoode
• Deked Cadale waa mudan yehee, duqa ha loo sheego
• Deris nama tarraxo Xamar ilaa, Dibirta Ceeldheere
• Dulsaaraan nehee gobal haddaan, cadadu noo diidin
• Dermo laba cidood kuma filnee, duqa ha loo sheego
• Haddow waalidkiis qaar dugsiya, dahar qurxoon geeyay
• Qaarnow daleel uga tegaya, lama degaan howd ah
• Ducadaasu waa dhiman tehee, duqa ha loo sheego.

• Dacwa iyo tusaalaya warbixin, dan iyo hood sheegad
• Dersi iyo tilmaan qaasohoon, duubnayaa jiraye
• In dardaaran loo baahan yahay, duqa ha loo sheego
• Diiday iyo ka baxay iyo anaa, dib u habayn doona
• Dilya xarigba waa laga fishaa, dowlo ficilkeede
• In jawaabti naga daahsan tahay, duqa ha loo seego
• In kastoo darbada xoog leh iyo, daqarro lay gaystay
• In kastoo dhaqaalihi dadkaya noloshi, lay diiday
• In kastoo la ii dilay si aan; dadabehee muuqan
• Inaan dhalasho doorsoomi karin, duqa ha loo sheego.

• Dusha Calan sidii loo suree, magacu noo deeqay
• Intay dowlad Soomaaliyeed, derejadaa haysay
• Ayaan wixi isugu keen darraa, dayro ka ahayne
• Danta waxan ka taagneyn nacfiyaan, daaf ku leennahaye
• Ha degdegini joogaa waqtigi, laygu duudsiyaye
• Anigana dhambaal layma darin, lamana deyneyne
• Haddan laydin soo dirin maxaa, nalan kasoo doonay.

• Duulka qoray daad sidaya, tuug la daba joogo
• Iyo Naag dalqada lagu furoo, daacad laga waayay
• Da’ma xays iyo doqon loo hanjabay, daqar na loo gaystay
• Dal nimaan u dhalan ee la yiri, dul iyo hoos maamul
• Haddow dumiyo xeerkuu degsane, fuliyo kow doono
• Dembigaa waxays kale ninkii, daallun wax u dhiibtay!”

SHEEKOOYIN