Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybta 11aad
Aniga oo gacanteeda iska qaadayo ayaan ku iri waan ka xumahay ubax in waxa aan kuu sheegay aanan oofin karayn, ma furayo Fowsiya.
Guurka iyo jacaylka aan u qabo fowsiya wuxuu la shaqayn waayay dayacnaan aan aniga dayacay, aniga ayaan qaybtayda kasoo bixin, aniga ayaana mar walba cabanayay qofka xun aniga ayuu ahaa, waqtiga aan la soo qaatay fowsiyana wax badan oo noloshayda ah ayaan kasoo bartay.
Adiga xaaskayga labaad ayaa tahay waana ogtahay in aan wax walba kuu sameeyay mana doonayo in aan kusii xumeeyo, balse, qaab dhaqankaaga ima farax galin waligayna naag aan qabo iska daayee nin asaagayga ah sida wajigayga aad gacantaada u saartay uma saarin.
Halkan uma imaan in aan kula murmo oo kula dagaalo xaalad xun ayaa jirta sharraxaad waxba kuma fahmi kartid, indhahaaga in aad kusoo aragtid ayey ku wanaagsantahay, waqti adag iyo waqti xun ayaa lagu jiraa, fadlan inta dulqaad samaysis waxa aan ku dhahayo u dhug yeelo si hadhow shallaayto iyo saas ma ahayn aysan nooga dhamaan.
Fowsiya xaalkeeda meel xun ayuu marayaa waa gaba gabo, waxay codsatay waqti badan maadaama aysan haysan in ay kula kulanto sidaasna cafis aan dhamaanteen iskugu noqono, fadlan iga aqbal wax walba oo labadeena naga dhaxeeya dib aan u dhigano oo uga hadalno, laakin xaalad culus ayaa jirta, isku day in aad i fahamto ee ina keen bani aadanimadana fiiri.
Ubax dharbaaxo aanan ka filanayn ayey iska soo jartay taas oo ay la heshay dhabankayga midig, noloshayda Xaas aan leeyahay ima dharbaaxin ana ma dharbaaxin, kuma sii ekaanee aniga iyo waalidkey ayey caay dabada noogu qabatay, waa sii sikhdoo waa tan caay u taana taanaysay fowsiyo oo aysan waligeed la kulmin in ay sheedha kore ka aragta ma ahee.
Buuq iyo sawaxan ayey isku baddashay goobteena, qaylada sida badan ubax ayey ka imaanaysay, waan qaadan waayay runti qofka aan u dooray noloshayda sida uu yahay iyo naxariis darrada ka muuqata.
Aniga waan yaabanahay waxa igu dhacay ayaan la anfariirsanaa, waxaan ku shakiyay ninka ay sidan wax ugu dhacayaan in aan ahay iyo in kale, soo jeed aan iyada eegayo oo kaliya ayaa iga soo hartay.
Inta rogmaday oo kursi meesha yiil fadhiistay ayaan fakar aniga igu qaas ah galay, ubax meelaha ayey qaylinaysay balse aniga filim ii gaar ah ayaa ii shidnaa kaas oo kolba dhinac uga daawanayay hadba ninka aan min fowsiyo ilaa ubaxdan aan saacaddan dul taaganahay.
Aad ayaan runtii u murugooday, waxaan gartay in aan u qalmo xaalka aan hadda ku jiro waxaan kaloo ogaaday in qofka qiimihiisa uu mar walba ku ag leeyahay qofka jecel ee u naxa, balse uusan wax qiima ah ku ag lahayn qof ay maslaxad dhaqaala midaysay.
Ubax intaas kuma ekaan inta boorsooyin meesha yiil soo taftay taksina wacatay ayey kulleetiga inta igu dhagtay furriin iga dalbatay, waxaan damcay in aan is adkeeyo balse waa igu adkaysay, kama yeelin in aan ku dhawaaqo furriinka balse xaalad xun oo jahwareer ah ayey i galisay, dareenkayga ayey sii kicisay, waxay muujisay in aysan doonayn in ay ila sii joogto, aniga naftayda markaan arkay qaabkeeda ayaan go’ aan fudud qaatay aniga oo haysta dhabanka ama daanka ay iga dharbaaxday ayaan ku dhawaaqay Dalqad hal xabo ah meeshiina waan kusoo kala tagnay iyada oo taagan taksina sugaysa caruurtii mataanaha ahaydna xambaarsan ayaan kasoo lugeeyay.
Waxaan usoo jihaystay dhankaa iyo suuqa aniga oo markaa soo gaday cunto ay fowsiyo jeclayd iyo hadiyado kale ayaan guriga imid, galab casir ah ayey ahayd, guriga cidna ma joogin xitaa naagta shaqaalaha, wiilkeenana wuu maqnaa, albaabka ayaan iska furay, waan soo galay qolka jiifka ayaan usii gudbay, waxaan arkay fowsiyo oo dhinac u jiifta kama waalin in ay hurdayso ayaan u qaatay cunto diyaarin ayaan galay, waxaan rabay marka aan wax walba diyaariyo in aan kiciyo.
Markii aan wax walba diyaarsaday ayaan kici is dhahay mise wax nuuxsanaya ma jiraan, fowsiyo fowsiyo ayaan dhowr jeer ku dhawaaqay,
korkeeda ayaan taabtay mise waa qabow nafta in ay ka dhacday waan xaqiiqdsaday.
Isla markiiba inta aan wacan karo oo dad ah ayaan wacday iyo wiilkayga, waxaan bilaabay in maydka la asturo isla habeenkiiba qabrigeeda ayaan u hoynay Fowsiya.
Quruxda nolosha waa qanaacada yar ee aad ku haysatid qofka nolosha kula wadaagayo, ma ahan Guriga, Gaariga Hantida, lacagta aad ku haysatid Bangiga, waxaas oo dhan waxay abuuraan duni lagu farxo ama u muuqaal eg Farxad, balse farxad dhab ah ma abuuraan.
Waxa kaliya aad ku heli karto farxad waa qanaacada Qalbi aad la wadaagto qofka kula fahmi, bal eeg, Ubax aaway? iyada oo igu haysata wax walba ayeysan i qancin iguna qancin, fowsiyana aniga oo eber ah ayey igu qanacday inta ay ila tacabtayna inta igu wareejisay ka door bidday in aan hal bil xitaa la jilo nolol qayaali ah oo dhab ahayn, taasna waxay u samaynaysay in ay i dareensiiso in nolosha qanaacadeeda aysan Maalka ahayn, ee ay tahay qofka kula wadaagaya.
Wax walba waxay u samaysay in ay i badbaadiso igana badbaadiso dunida ubax aan kula kulmay ee xoolaha in aan la mid noqodo ma ahanee aan xayaato kale laga aqoon.
Sidaa darteed, waa nasiib darradayda waxa igu dhacay, idinka aqrinaya sheekadan haddaad haysato qof qanaaco aad ku qabto fadlan waqtigaada sii lana qaado noloshaada inta ay tahay, nasiib uma yeelan waxba, Fowsiyana ma hayo, Ubaxna ma hayo, waa nasiibkayga!!!
Aqristayaal xikmadda sheekada inta dambe ee uu inoo sheegay dhibanaha la nool qisadan murugada waxaa ku dari lahaa aniga Qoraha sheekada ah in ay muhiim tahay in mar walba labada qof ee ay wax ka dhaxeeyaan uu xiriikooda joogta ahaada, aamusnaanta la kala aamusana aysan xal keenayn dhib ma ahee, sheekadan fowsiya iyo ninkeeda waxaa ku cad in xiriir xumo soo dhex gashay uu mugdi usoo dhex galay qoyskooda, ma jirin labadoodaba qof kan kale in uu xumeeyo ku tala galay, fowsiyo iyada oo uu danaynaysa ninkeeda ayey la aamustay dhibkeeda, ninkeedana faham kale oo ah in ay dayacday ayuu u qaatay, waala sii kala fogaaday iyada oo qof walba fakar u gaar ah aaminsan yahay ilaa lagu soo baraarugo mar ay middi calool gashay.
Wixii xag Alle ka qoran lama gafayo balse, waxaa wanaagsan in la iska ag dhowyahay oo wax walba la wadaagayo, qofka aad nolosha la qaybsanayo waa marada aad xirantahay oo kale, adiga maradaada iskama qarin kartid, saa isla maradaas ayaa cowradaada ku asturataa, waa sidaas tusaalaha aan la meel dhigi lahaa labada qof ee nolosha wadaagaya, haddaad isku daydo ama wax ka qarsato qofka kula nool taas waa bilowga astaanta burburka guriga aad ku dhex nooshahay, is fahamka waa muhiim, xalkana mar walba waxaa laga yaabaa in laga helo meel aan laga filayn, bal eeg fowsiyo qaybtii hore ninkaaga ha dhibin ayey u qarsatay xanuunkeeda isaga lama fahmin ee si qaldan inta u qaatay uu inta aad aragtay oo xumaata ah ku sameeyay, marka ay xalka ka raadisay meel aan jirin, ayna ka codsatay ninkeeda in uu bil la jilo nolol qiyaali ah, waxaa yimid gabi ahaan xalkii ay wada doonayeen, marka samee wax walba oo ku qancin karto lamaanahaaga nolosha, wixii dhib idiin keenaya ama idiin abuuraya waad kala qarsan kartaan balse waxaa wanaagsan in far iyo faraati lawada ahaado mar walba.
Qofka aad jeceshahay haka aamusin, aamusnaanta way dhaawacaysaa
Qofka aad jeceshahay ha dhaawicin, dhaawaca wuu ka oohisiyaa kadibna kala fogaasho ayaa dhasha.
Aad ayaan idinkugu mahad celinayaa dhamaan aqristayaasha sheekada ee fakarkooda had iyo jeer ka dhiibanayay iyo kuwa sheedha kore kala socday, dhamaantiin mahadsanidiin, waa inoo ramadaanka kadib iyo Sheeko kale oo la dhaho ” DHAB AYAAN U JECLAHAY” isla maalinta axadda ah ayey inoo ahaan doontaa insha allah, inta ka sokaysa waxaan idin ku dhaafayaa is jacayl, is xurmayn, is cafin iyo Midnimo.
Mahadsanidiin
Dhammaad
Qore : Mohamed Musa sh. Noor

SHEEKOOYIN