Wareysiga Madaxda

Casharkii laba iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay aaladda wareysiga. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa sida uu cilmibaaruhu u wareysan karo dadka madaxda ama siyaasiyiinta rugcaddaayaasha ah (political elites).

In cilmibaaruhu wareysto xubno ka mid ah xisbiyo ama siyaasiyiin waa hawl inta badani ay u gooni tahay baarista siyaasadda (political research). Waa shaqo dhib badan waayo ma sahlana in la wareysteyaashu bixiyaan xogta muhiimka ah, ee cilmibaaruhu baadigoobayo. Wareysiga fiicani wuxuu u baahan yahay diyaargarow, qorsheyn iyo kalsooni (preparation, planning and confidence).

Mararka qaar waxaa suurtagal ah in la wareysteyaashu codsadaan in lala wadaago weyddiimaha wareysiga ka hor.

Cilmibaaruhu waa in uu qariya ama xogta ku saabsan la wareysteha uusan qofkale la wadaagin, waxaana loo yaqaanaa (In confidence). Sidoo kale, inta lagu guda jiro wareysiga, la wareystuhu wuxuu kaloo codsan karaa in aan laga duubin jawaabaha uu bixinayo, waxaana loo yaqaanaa (Off-the-record). Marka la wareystuhu oggolyahay in laga duubo jawaabahiisa waxaa loo yaqaanaa (On-the-record). Haddaba, cilmibaaruhu wuxuu adeegsan karaa qalin iyo waraaq si uu u qorto meelaha ugu muhiimsan, waa haddii la wareystuhu uusan oggolaan in la duubo wareysiga.

Habka uu cilmibaaruhu u samayn karo wareysi fiican

  1. Abbaar qofka aad rabto in aad wareysato: Ha isku halayn oo keliya hal qof, balse samayso qorsheha A, B, C. Si haddii qofka koowaad ay kuugu suurtagaliwaydo aad u baadigoobto qof labaad ama saddexaad.
  2. Raadi macluumaad ku saabsan la wareysteyaasha kuu diiwaangashan, si aad u xaqiijiso hoyraacyadooda (Addressess) iyo heerarka kala sarrayntooda sida Dr, Mr, Wasiir iyo Xildhibaan. Kaddib waxaad warqad codsi ah u diraysaa waaxda u qaabilsan jaamacadaha, si aad u ogaato la wareysteha mudan bixin kara jawaabaha. Waraaqda gudaheeda waxaad ku caddaynaysaa in cilmibaaristaadu tahay mid aan ka baxsaneen ujeeddo akedemi. Waxaad kaloo raacsiinaysaa hoyraacaaga (Address) iyo magaca lataliyahaaga cilmibaarista (Supervisor). wargeli waaxda in aad soo wici doonto la wareysteyaasha iyo xilliga aad soo wici doonto. Haddii aad doonayso tusaale ku saabsan sida loo qoro waraaqdaas, ka akhriso buugga: Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008: P. 122).
  3. Xilliga aad la ballamayso la wareysteha, waxaad qabsataa waqtiga hore gaar ahaan xilliga qadada, waayo waxaa suurtagal ah in la wareystuhu kugu casuumo fadhi qado sharaf ah, waxaad ku heli kartaa fursad fiican oo aad kula sheekeysanayso, kuna weyddiinayso su’aal baarineedyadaada.
  4. Haddii ay kuu suuragaliwayso in ballanqabashada la wareysteha, ha quusan! Isku day in aad meel kale u soo marto, si aad u hesho la wareysteha, xitaa hadduu yahay wasiir ama xildhibaan mashquulkiisu badan yahay. 

Wareysiga ka hor Cilmibaaruhu wuxuu qaadayaa tallaabooyinka soosocda:

  1. Labiskaagu ha noqdo mid soo jeedasho leh: Ha iska soo xiran labis walba, balse soo xiro dhar qurux badan, ugu yaraan suut (Suit).
  2. Dhammaytiro agabkaaga: Iyada oo ay kuu dhammaystiran wixii qalab ah soo xaadir goobta aad kula ballansantahay la wareysteyaashaada.
  3. Haddii la wareystehu kuu garto shaax, kafeey, iwm si xushmad leh uga oggolow.
  4. Ka fogow in aad indho indho u saarto la wareysteha, fadhiiso meel ka yara durugsan meesha uu fadhiyo.
  5. Dareenkaaga sii la wareysteha, taasi waxay u noqonaysaa farriin togan, oo ah in aad xiiseynayso wareysigiisa.
  6. Dhageyso-Hana hadlin!
  7. Isku day in aad samayso indhadaawasho (Eye contact).
  8. U dhugyeelo farriimaha jirku bixinayo (Body language).
  9. Isku aaddiso nootyadii aad qoray wareysiga kaddib.

 

Wixii dheeraad ah, akhri buugga hoose:

Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. P. 119-125.

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika