Maansada; GUBTAANYO! Waxaa curiyey; Hodan Sheikh Cumar

 

Maansada; GUBTAANYO!

 

Inkastoon gu’ weyn jirin

Garaadkeygu dheereyn

Oon  waliba gabar ahay

Garashada markay tahay

Dadka aan u gaabnahay

Oonan guurti hadalkeed

Iyo mici galool oday

Garta madal ka jeediya

Nin sidii garrami karin

Waan uun gubanayaa!

 

Afkaan Guulle igu xiray

Haddaanuu gadaal marin

Asuu maalin iga go’in

Naftu geeddi dheer gelin

Geeriyootay lay oran

Galbashadu i guud iman

Godka laygu hamag siin

Haddaan gees la ii dhigin

Intaan gaaro waan oran

Dheegu gama’ ma yeelee

Waan uun gubanayaa!

 

Suugaan ma guurtaa

Gallad Eebbe ii galay

Af gobaadsi sharafeed

Xigmad gaara weeyaan

Guulleheey i siiyoo

Guunyadayda laga dhigay.

 

Inaan Gabaya curiyiyo

Geeraarro dhaadheer

Oon gorfeeyo maansada

Tix kastoon u gudagalo

Kama gaabsan doonee

Gurmadkayga waan wadi

Iyo Gulufka Gobonnimo.

 

Geyigayga caanka ah

Geeska Afrikada bari

Cadaawaha guntiis tuban

Gaalada ku timid dhoof

Kenyaanka gocorkaa

Ugaandhayska soo galay

Geeshkeeda Xabashida

Gabre iyo wixii dhalay

Ayaan seef sideed goyn!

 

Gobannimadu waa sharaf

Oo waa xaq geeridu

Gumeysiguna waa ceeb

Waa geeddi duniduna

Garashaduna waa hibo

Gardarrana ma qaabiyo

Gacmahoo la laabtiyo

Gabbashada ma aan barin

Iyo hoos u guuxiyo

Abid inaan gunuunuco

Gefka iyo ma falo ceeb

Illaan guusha gaarana

Ma galeeyo toorrida

Gaaleefta iyo waran

Gamuunka iyo qaansada

Geddigeed Adduunyadu

Geyigey ku noolyiin

Geddaa waa ogsoon yihiin.

 

Abtirsiimo gaariyo

Dhaqankii gobeediyo

Hidda gaara weeyaan

Ruuxaan i garanoow

Ii raac gadaal dheer

Soomaali baan galli

Nin kastoo is giijiya

Waxaan laygu gaarayn

Geesinnimada weeyaan

Dowlad gaar ah baan ahay

Hidde guun ah ii xiran

Kutub guudka ii suran

Dastuur aan go’ayn iyo

Sunnuhu gaarka ii joog!

 

Gayigeygu waa qani

Waase lagu gabood falay

Waa guri barwaaqeed

Waase gole dagaaleed

Afartiisa geesood

Dadka guud ahaan daga

Waa xigaalo iyo gacal

Waa duul is wada gala

Sida geedyo laamihi

Wax kastoo i gaarana

Cadaw iima gaysane

Alleeylehe anaa galay!

 

Middaan gacalkay moodoo

Balse aan waxbaba galin

Oon midabka guud iyo

Gurigaba wadaagnaa

Giniyaal ku dhiiboo

Ahey! Laysku keey gooy

Gobaleysi laga yeel

Qarankii gimgimi jiray

Ajanabigu u kala goosh

Oo la gawrac maandeeq!

 

Maalinkaas gablamayoo

Baddii qaar la gooyoo

Berrigii la gadayoo

Gorgortame wuxuushtii

Dambigaas kuwii galay

Noo fidiye gogoshoo

U durbaan garaacnoo

IGAD gacalka moodnoo

God ayaan ka duulnee

Haadaan gunteed iyo

Gunnimada guddoonee

Geeriyoonnay idilkeen

Waxba nooma nabad galin!

Dhammaad. 

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

SHEEKOOYIN