Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q11AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q11AAD.

Toxobeey gabaygaas uga ma jawaabin Toxoboow, wayse la dhasalaaluqyootay, mar haddii Toxobow ku mashquulsan yahay siduu xogteeda oon dhimaal lahayn u heli lahaa, waxay na ku tiraabtay ragga caaradkiisiyow, wax walbod iga doonayso dhib la’aan baan kuu fulinayaa, ee ha ka welwelin inaad dhankayga dhibaato kala kulanto. “Socod aan loo dhalan seddex habeen ma dhaafo” balse intii awooddeey ah inaan ku addeeco, waa igu wacad iyo xulad ee sama iigu gama’ goortaas ka dib hurdo ayaa loo hedladay.

Subaxdii markii la jermaatay, Geelina la agaasimay, ayay dhabbiga cagta saareen si ay u gaaraan, goobtay joogeen Toxobeey tolkeeda. Wixii waddada lagu habjaqo, wixii sheekada kolba dhinac laga soo rito, waxay jibaaxeen kaftan iyo araah wadaag meel sare ka cabbir qaadanaysa, kuna binaysan arrimahooda gaarka ah. Qof walba dhankeeda ayay ka waddaa baaritaan iyo xansasho. Qofba goonideeda ayay u baadigoobaysaa inay hesho sooyaalka nololeed ee kan kale.

Toxoboow oo u arkay inay habboon tahay inuu Toxobeey wayddiiyo, afaaro uu kala baqay dhowr goor oo hore. Wadnaha ayuu gufaystay, asigoo maadeysi huwinaya doonitaansiika, ayuu Toxobeey wayddiiyay, wuxuu yiri: Toxobeey waligaa ma lagu shukaansaday? waxay tiri: waxaa i shukaan jiray afar nin, waxaa se mar dambe kusoo biiray nin shanaad oo dhammaantood daadka raacsiiyay. Toxoboow oo u bogay daacadnimada iyo runsheegidda Toxobeey ayaa ku celiyay su’aal kale asiga oo raba inuu ogaado, waxay kala yihiin afarta nin iyo kan shanaad ee gadaal uga soo biiray, wuxuu yiri: maxay kala ahaayeen nimankaasu?” Toxobeey waxay ahayd: garaadleey aan loo geli karin’e waxay tiri: markii hore afar nin ayaa i shukaansan jiray oo kala ah: “Nin Lo’leey ah, Nin Ari leey ah, Nin Beerrey ah iyo Nin ganato/ugaarsato ah” hadda se waxa kusoo biiray Nin Geelley ah oo dhammaantood ka dhigay waxba kama jiraan. Toxoboow oo aan si toos sheekada u fahmin ayaa wayddiiyay Toxobeey siday ku ogaatay nimankaan iyo cidda uga faallaysay, oo sidaas u kala bartay, inay sidaa u kala qodbanyihiin dhaqashada iyo dhaqanka?” waxay tiri: cidi ima barin laakin iyagaa is kay baray, maxaa yeelay Ninka Lo’leyda ah waxaan ku gartay inuu Lo’ dhaqdo, mar walba oo uu i shukaansanayo, wuxuu dhihi jiray:

  • Gees Lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa,
  • Nin seexday sicii dibi dhal,
  • Wayl bireey Dibi ha quustee,
  • Carrab lo’aad caws looma tilmaamo” IWM.

Ninka labaad: ee Ariga dhaqda, waxaan ku gartay, wuxuu ammaani jiray, Ariga mahmaahdiisu waxay ahayd mid u saabsan ariga, sidaas ayaanna ku ogaaday inow Arile yahay. Wuxuu ku mahmaahi jiray:

  • Hadal aan sidii daba Ari loo faydin ma fayaabaado,
  • Ri’ walba shillankey is dhigtaa lagu qalaa,
  • Lax dhukani abaar moog” IWM.

Ninka seddaxaad:: ee Beeralayda ah, waxaan ku aqoonsaday inuu beeralay yahay wuxuu adeegsan jiray mahmaahyo ku saabsan beeraha, taa ayaa ii caddaysay inuu beeralay yahay Wuxuu ku mahmaahi jiray:

  • “Kugu beerahaa kugu baar ah,
  • Ood jiid iyo garabka saar waa is la bowd gayntii uun” IWM.

Ninkaan Afaraad: ee  shukaansi doonayaasha ka mid ahaa, inuu yahay genato/ugaarsato, waxaan ku gartay, wuxuu tusaalayn jiray habka wax loo ugaarsado ama loo gento, wuxuu dhihi jiray:

  • “Qaanso toox dhaaftay ciddood waa kaa daysaa,
  • Gentaa ma gablamo,
  • Aar qoyay dawaco la mood,
  • Harag sagaaro iiga kac maahee iiga durug ma leh,
  • Sagaaro laba tun oo la kala qalo maleh,
  • Atoor sagaaro ilmihiisa abaar ma dhigo” IWM.

Ninka shanaad: ee booska kala baxay dhammaantood, waxaan ku gartay inuu geelley yahay, wuxuu ku mahmaahaa mahmaahda Geela mana arkaysid asigoo mahmaah kale iyo murti kale adeegsanaya, mar walba wuxuu dhihi jiray:

  • “Gacmo Geelleey hoos ayaa loo dhaqaa,
  • Geelna waa gal gashaa Ragna ways geddiyaa,
  • Geel waa geel wixii gooyaana waa geel,
  • Geel baan doonanayaa geeso dhiig leh bay dhashaa,
  • Geel jire geela waa wada jiraa waa na kala jiraa,
  • Gacal kala maqnaan jiray iyo geelba waysu ololaa,
  • Ratiga danbe ratiga hore saan qaadkiisuu leeyahay,
  • Geel xasuus baa lagu xero-geeyaa,
  • Hubsiimo hal baa la siistaa,
  • Geel labo jir soo wada mar,
  • Hasha naasaha adag iyo weedha maxaa kulmiyey?” IWM.

Mahmaahdiisa dhammaanteed waxay ku jaan go’need Geela iyo macnihiisa, sidaas ayaanna ku ogaaday inow “Geelleey yahay” kan dambe ayaan u janjeeraa xaggiisa maadaama Geel dhaqashada ay u wehliso nin karmeednimo. Toxoboow wuxuu gartay in asiga loo danleeyahay sheekada biya dhaceeda na si mug leh, ayuu u fahmay, wuxuu se ugu jawaabay: asigoo is moogaysiinaya aqoonta Toxobeey ragga u leedahay ayuu yiri: Toxobeey duurxulkaaga waxaan u gartay in qof walba ammaanto, wixii ka ag muuqda iyo waxa ay cayntooda taqaanno, howraartaada waxaa iiga kordhay garaad. In kan Ariga lihi amaano, Ariga. Kan Lo’da lihina ammaano Lo’da. Kan beeraha qotaana yaqaanno murtida beeraha. Kan genatada ahina garanayo mahmaahyada ugaaratada. Kan geelleyda ah uu macnaheeda yaqaanno heesaha iyo mahmaahda geela. Wuxuu ku kaftamay Toxoboow anna waa inaan bartaa mahmaahyadaada maadaama aan kaa ag dhawahay, dadka na aan kuu jecelahay. Toxobeey oo la dhacsan siduu u fahmay sarbeebta ay ugu duurxulaysay ayaa la soo boodday, gacaliye waa sidaas ee adigu haween tee ugu jeceshay inay gole kaaga daalliso, gogolna kuu dhigto, garabkaagana ka muuqato?’ Toxoboow oo su’aaahu kedis ku noqotay, ogse ujeedka Toxobeey ka leedahay ayaa la soo booday:

  • Inkastoo nin geesiya
    Rag ka gaadda dheeryahay
    Haddaan garabka laga hayn
    Guul keeni maayo”

Ee Haweenayda aan rabo inay ii dhaxdo, waxaan jecelahay inay shan walxaad lahaato, shantaasoo kala ah:

  • 1). Itaal nimeed inay lahaato.
    2). Aqbal Naageed inay lahaato.
    3). Af muslim inay lahaato.
    4). Anshax culimo inay lahaato.
    5). Arinkeen waayeel inay lahaato.

Sidii adiga. Toxobeey qosol iskiis uga soo go’ay oo aan iska dayid ahayn ayay ilkihii waxaraha lahaa la caddeysay iyadoo u bisin-bisootay, sida loo ammaanay, loogu na tilmaamay inay gaari Dumar tahay. Toxobow se halkaa ugama harin ee wuxuu si kedis ah ku yiri: “Adiguna ninka aad rabto inaad baal gasho, maxaad ku xulan lahayd, tilmaanteese jeceshay anuu lahaado?” Toxobeey Cabbaar ayay aamustay si aan degdegu wax uga halleyn, fikir gaaban ka dib ayay se soo tuftay wixii kasheeda ku jiray, waxay tiri: waxan jeclahay inuu lahaado ninka i guursanaya dhowr arrimood: seddaxbaa ragga ugu xun uguna liita, ma na doonayo inaan guri u dhoqo, gaarina u noqdo, nololna la wadaago kuwaas, waa rag u ekayaal Qurda ka raaracaan balse wax kale aan gelin, waxay kala yihiin:

Nin maqan oon la tebin.
Nin jooga oon la tirsan.
Nin tagaya oon la celin.

Doqon fiiro taqaan.
Fuley daandaansi yaqaan.
Bakhayl damac badan.

Ma dhigte.
Ma dhaqde.
Ma dhaggayste.

Ma Toshe.
Ma Tashiishe.
Ma Tashadde.

Ma fakere,
Ma faa’iidayste,
Ma fooraarsade.

Ma hadle,
Ma heenseeye,
Ma haasawshe.

Gacan gurane,
Gar weecsane,
Guddoon jilicsane.

Toxoboow oo dareemay in Toxobeey ragga kobaha ka daba illatay ayaa la soo booday, murtidaanu caddaalad maahan, waxay na u badantahay inay Dumarku curiyeen inteeda badan. Raggana haddii intaan oo nin xumood ku sifoobay ku jiraan, hal nin oo guurti iyo gabar dhiqi kara laga heli maayo ee bal halkaa ku jooji, waad nagu dul socotay’e. Toxobeey qosol ayay wikaac la tiri mar haddii Toxobow ka gilgilshay murtida ay ku sayrisay maankiisa. Markaas ka dib waxay ku dhaqaaqday ninka ay doonayso sida uu u yaallo, markaasey ugu laab qaboojisay, Waxay tiri: Toxobow Raggu seddax waa ka siman yahay, kuwaas ayaanna doonayaa inaan hooskooda ku harsado, waxay kala yihiin:

  • Qoys kabe
  • Rag kabe
  • Dal kabe

Waxaa se la kala bartaa markii aad u baahato gacan Rageed, mah-maah kale ayaa oranaysa:

  • Sooryo ma wada cunteen,
    Safar ma wada gasheen,
    Meel ma wada seexateen?

Toxobeey oo gaartay halkii ay u socotay ayaa Toxoboow ugu laabqaboojisay seddaxdaan murti oo dambo ayaad ku sifowday, oo Soor xileed ayaan wada cunnay, Socod dheer iyo safar ayaan wada galnay, meel na waan wada seexannay. Haddii uu jiro nin mudan inaan Gacaliye iraahdo, waa adiga, ma na u malaynayo inaan rag kale geed duggiisa kula haasaawi doono, adoo nool ee maalin ma arki doonaa anoo boggaaga ku hurda, welwel la’aan?”

Toxoboow oo ciishooday, ciilna la dhuunyeerinaya, nin doob gaamuray ah, oo gashaanti geyaankiisa ah leedahay, anoo boggaaga ku jiifa ma arki doonaa? Muxuu dareemi lahaa, Toxobow waa dhasalaaluqyooday. Dhogorti iyo xaaddii ayaa yalooxsatay, galiilyo iyo farxad wada jira ayaa boggiisa mushaaxay. Wuxuu hubsaday in wed mooyee aan wax kale Toxobey ka xigin. Waayuhuse umma oggolaan inuu si sahlan ugu jawaabo Toxobeey, maamaada laabtiisu qulubtay, la na bishindigay, nayaayiirta ay u werinayso gashaantiga gayaankiisa ah.

Iyadoo wali sheekadu isku baxayso la na cagagubuuday maaadaama ammin dheer la soo socday. Ayay soo roogsadeen Ceel ma’wiya oo la tuban yahay, Ragguna ku jiltamayaan wadaanta iyo dowliga, dhinac waxaa ku horan kumannaal geel oo kala socda, annaan isku darmeyn, gurxanka, juuca, qeylada, hoohda iyo hiihda ka baxaysa aan la malayn karin. Arigu asigoo xayn xayn ah ayuu hareeraha ceelka tuban yahay halka qaybna la waraabinayo. Lo’da sidoo kale, ayay geeskooda ku horan tahay, Awrta la dhaaninayo iyo dhoonta saarani dhinac kale ayay tuban yihiin dhankaad fiirisaba waa seddex nin oo laba na wadaan darfaha ka haayaan, halna dowliga ka daba sido. Toxobeey waligeed ma imaan Ceel sidaan loo joogo’e indha wax dayaa ka soo haray. Dhinaceeda ayay fiirisay, waxay indhaha ka qaadday Rag dhididku ka tifqayo, dhanka kale ayay dammootay, waa ba nin ay ka dhacday maradii farqa furanta ahayd ee uu darfa laabnaa, waxaa indaheedu qabteen ninkaas dhalfadiisi oo walfanaysa. Xishood dartiis ayay la hugatay.

Iyadoo suulasheeda dayaysa horteeda iyo dhincanaha eegi karin xishood dartiis, ayaa Toxoboow oo indhihiisu ku maqnaayeen qof wal uu garanayo oo ceelka shubanaysa ayuu reeddiisa uga jeeday, Calasoow Qoorleexshe, oo Ratigii afkiisi iyo afartii gocoyo oo u saarnayd shubtay ee haantii ugu dambaysay afkeeda nikaxaya si aanay biyaha u dayn. Toxoboow oo u bogay inuu helay nin uu garanayo ayaa salaamay kuna yiri: Qoorleexshow raradaadi aawday, iyo kabadaadi? Calasoow Qoorleexshe salaanti ayuu ka qaaday kabadiina farta ayuu ugu fiiqay. Toxoboow wuxuu yiri: markaad haamanka soo higaagato, wadaanta iyo dowliga ha kala furin ee biyaan cabno noo keen, harraad iyo oon ayaan naf la nahaye. Calasoow Qoorleexshe, si fiican ayuu u yiqiin Toxobow, wuxuu ahaa nin uu qaddariyo, beriga se waxaa la socda qof Dumar ah, Ragguna waxay ahaayeen, kuwa si gaar ah Haweenka u xushmadeeya’e Calasoow Qoorleexshe, wadaan Ceelka loo dhiciyo lama sugin ee Horaad garab gelis ah oo qoton ku jirtay ayuu janjaka ka soo qabtay, inta higaadki ka furay oo ganuunki ka bujiyay ayuu Toxoboow u dhiibay. Halkaas ayay oonki iyo harraadki uga qabowsadeen.

Toxobeey oo ku indha baqaaqday Raggaan wada duufaya iyo kuwaan xishoodka ka tegay ee dhar dhigtay, qaarna wataan kastuumo Cali fallaax ah, halka kuwa haystaan funaanad Antarnoob ah oo haylyaama leh, ayaa Toxobow wayddiisay, ceelkaan u soconnay sow kan maahan? Toxoboow oo dhulka kala yaqaan, ayaa ugu jawaabay; kan maahan laakin isuma dheera. Reerahaan u soconnay qayb ka mid ahse intaan ka heli doonnaa ee ha ka welwelin. Waxay wayddiisay iyadoo xishoonaysa waa maxaay ceelkaan Raggu wada dhar la’ yahay maxaa se la yiraa?” Toxoboow oo garaawsaday inaan Toxobeey waligeed tegin ceel sidaan loo dhooban yahay ayaa ugu jawaabay: ma maqashay murtida dhahaysa:

  • Ratigi Maaxaay ku booba markaatigiisaa badan!”

Toxobeey ayaa la soo boodday haah! Wuxuu yiri: waa kan. Ragguna ma dhar la’ ee dhibka iyo xoolaha ka ooman ayaa miirkii ka qaaday. Nin baar oomaan oo bahaahin ah wada miyaa ku fikiriya cowradaada ayaa bannaanka taal. Goobtaan lays-kuma dammoodo oo qof walba teedaa cuslaysay. Toxobeey oo warka gacaliyaheeda ku qanacday welise ceelka iyo waxa jooga qalbigeedu ku maqan yahay ayaa la soo boodday, xay tahay Lo’daas oojinta cabaysa? Toxoboow oo u sharraxaya dhaqanka ceelsha ayaa yiri: waa baadi aan haysan qof daryeesha iyo cid biya siisa. Toxobeey waxaa qalaw kusoo tiri, mahmaahdii ahayd:

  • Baadiyo nimaa lahayn bey ag joogtaa.

Kuna cataawday ninkii lahaana wuxuu ku silcayaa baadi goobkeeda iyadu na halkaanbey oojin “DAC” ku cabaysaa ee Toxoboboow adduunkuba dhaqaal wow martiya sabarya dhowrtaane, Lo’da oojinta ka celi oo adiga iyo saaxibkaa biya siiya. Toxobeey waxay ahayd ruux Eebbeheey naxariis iyo bili’aaddannino boggeeda geliyay’e Toxoboow wuxuu u bogay naxariisteeda iyo sidey ugu damqayso bahaahinka ooman. Toxoboow wuxuu u yeeray Calasoow Qoorleexshe, wuxuu ku yiri kaallinta isii iyo xoogga, aan sacahaan dacdarreysan waraabinno’e. Sidaas ayayna sacihii ku shubeen. Markii ay howshii shubaasha dhammeeyeen, ayaa Toxobow waraysi ugu dhaqaaqay saaxibkii si uu xog uga helo, ciddii ay raadinayeen iyo in wax yaqaan ceelka joogaan.

La soco qaybaha xiga.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN