Home Qoraallo Maxaa Dadka Soomaaliyeed ka gedman? W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jallaato)

Maxaa Dadka Soomaaliyeed ka gedman? W/Q: Cabdul Cabdikariin(Jallaato)

0
SHARE
Maxaa Dadka Soomaaliyeed ka gedman?
Madax iyo majo ilaa mindhicir iyo laf iyo maqaar ilaa dhuux qabyaalad baa na madax martay, waxa aan ka simanahay yar iyo weyn  Buuni iyo dadweyne , aqoonyahan iyo waxgarad adadeyg qalafsanaan iyo quuriwaa.
Weydiintu  waxey tahay maxaa noogu wacan inaan is ceshan weyno? ma is tiri habaar ayaa na looga dhintay!
Beri hore ayaa waxaa jiray dadyow ku dhaqanaa  Qorrax dhac iyo Qorrax sin inta u dhaxeysa, waxaa la dhihi jiray HALABLE.
Dadka HALABLUHU degalkooda waxa uu ahaa degel barwaaqo, oo Cudur iyo Collaad iyo Baahi lagama weligood may arag,  aqoondarrona warkeed daa, waxa ay ku  ku xirnaayeen xarunta laga maamulo HALABLAHA Qol ka mid ah gudaheeda  Abxad(Sanduuq) ku dhax jira furahiisana waxa heyn jiray dad ka madax bannaan guriga Ugaaska beesha, sida nabaddoonada iyo waxgaradka beesha.
Dadka HALABLAHU waxa ay ahaayeen dad hantidooda quuta muruq maal ah, kuna tiirsan beeraha iyo xoolaha qof ay hoggaanka u dhiibtaan haddii laga dareemo is dabo marin ama dhaqan bi’is, dadka deegaanka ayaa isku soo bixi jiray waxa ayna ku duceysan jireen labo eray oo ah eebboow hadduu dhib yahayna naga dheeree, hadduu dheef leeyahayna nagu dhuree.
Waxaa dhici jirtay maalinta eebbe la tuugo maalinka ku xiga  Ugaas geeridiisa ayaa la soo sheegi jirey xaruntana isaga oo dhintey ayaa laga soo saari jirey   kaddibna mid kale ay dooran jireen.
Xilkaas qof walba waa diidi jiray asagoo ka baqaya in habaar lagu dilo inta wax ka xumaadaan.
Waxaa dhacday reerkii HALABLAHA oo in door ah iska dhaqnaa waxaa u soo baxay nin raba inuu banneysto dhiiga iyo xoolaha dadka cabsi weyna waxa uu ka qabay, in habaar lagu dilo.
Ninka waxa uu ahaa hooyo gooni ciil ku kor ahaa, aadna ugu hammuun qabay inuu dad dhibaateeyo asagoo walwalkii qaba ayaa sheydaan oo muuq dad leh u yimid, waxa uu ku yiri:  “Ogi waxa aad damacsan tahay si aad u fuliso waxa aad yeeshaa reer qurac beerihii waa ka ba’een gu’gaan ee reer qansax ka soo qaad ee kuwaan sii waxa aad kaloo yeeshaa intaas kaddib qolkaan waxaa dhax yaallaa Abxaddii  uu weligeed  ku jirey furaha ee la soo wareeg, kaddibna marka aad  furaha la soo wareegto Abxaddaasna fur wax walba ay sameeyaan habaarna ma kugu dili karaan waxa aadna u xuub siiban doontaa Boqortooyo oo xukunka Beesha ilmahaaga ayaa kaa sii dhaxli doona.
Sidii ayuu yeelay reerkii dhaqnaa ayuu xoolahoodii ayagoon raali ka aheyn ka soo qaaday kuwii baahnaa ayuu siiyay, waliba asagoo ugu mano sheegtay.
Gu’gi xigay ayuu tabtii sameeyay umaddii deegaanka  xoolo booli ah  ayuu wada cunsiiyay, ogaal iyo ogaaldarro,  waxa uu hantiyey furihii qolka Abxadiina waa furyay, waxaa Abxaddi ka soo baxay wixii ku qarsanaa ee ay ka mid ahaayeen, Gaajo,  aqoondarro ,Cudur iyo Colaad iyo qabyaalad IQB
Waxaa dhacday deegaankii beeshu tiilay iney isla ololaan oo guluf iyo colaad aan waligeed horay loo arag ayaa ku dhacday,  waa ay isku tagaan oo geedka ku soo eebbe tuugaan balse, wax isma dooriyaan oo waa la waayay, suldaankii waa kan soo taagan,  waxey  joogteeyeen habaar aan loo kala kicin habeen iyo maalin, waxbana uma soo kordhin.
Waayo badan ayey ba’ iyo hoog ku noolaayeen waxay buuxiyeen xabaallaha dhimasho aan kala joogsi lahayna waxay u noqotey deris. amid cudur dilo mid gaajo u dhinto mid mid kale dilo, halaag iyo dhibkii dhacay looma kala harin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxgaradkii beesha dadkii magaalada iskugu yeeray sidii dhaqanka u aheyd, bulshadi oo ka  quusatey  iney dib danbo barwaaqadii iyo nabaddii ay heysan jireen dib u heli doonaan ayaa Odaygii u weynaa ka codsaday marka u horreyso inuu qof walba qofka dhinac taagan uu caloosha u furo oo wixii dhexmarey xalay dhalay ka noqdo.
Dabadeedna qof walba uu dadka deegaanka oo dhan  caloosha furey oo liqay si kal iyo laab ah wixii tabasho jirey,
Ninkii waayeelka ayaa wuxuu yiri: “Waxa aan cunay hilibkii walaalkeen kaasoo nalaga reebay, waxa aan cunay xoolihiisii oo booli ah, qof walbo oo naga mid ah waxa uu cunay booli iyo waxaan loo banneyn waana arrinka habaarkeena iyo eebbe barigeenu uusan waxba u tareyn oo Waaqa ayaa noo carooday, waxa kale oo idinka codsanaa yar iyo weyn walba oo soomi kara inuu sodon maalmood oo xariir ah soomo,  maalinka sodonkaas dhammaado ruux walba halka uu joogo uu ku af furo ha kasoo duceeyo.
Sidii ayey yeeleen, maalinkii soddonaad Ugaaski waa dhintay wixii wax la qasanaayay iyo sheydaana waa carareen, halkaas ayey noloshoodii maceyd beesha HALABLAHA  ugu soo ceshteen.
Haddaba dadka Soomaaliyeed wax ka ka gedman waxa ay ila tahay hal walxaato taas oo ah iney banneysteen boolida oo ay ugu horreyso dhiiga, hantida gaarkaa iyo tan guud, taasoo u baahan in Eebbe loo noqdo Laysu calool fayoobaado,   maxaa yeelay  codna  lama gudi karo wixii gaf iyo gabood fal dhacay ogaal iyo ogaal la’aan sidey doontaba ha ku dhacaanee, waayo  Soomaali dhamaanteen waa:
Gacan ku dhiigle 
Uur ku dhiigle
Qalin ku dhiigle 
Af ku dhiigle 
Indho ku dhiigle
Adin ku dhiigle
Kuwan iyo kuwa ka badan ayaynu noqoney,  haddaba waxaa lagama maarmaan ah ineynu isu uur fayoobaado s koley na gaartaye aan is gargaarno.
Ninkii garaad lahoow ul waad heysataa.
Cabdulle Cabdikariin( Jallaato)
SHARE