Home Gabay Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q17AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q17AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q17AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waa Toddoba gabay oo “Dacwa rabbi la yiraa” iyo hal nikax ama afmeer u ah. Waxa tiriyay: Abwaan Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (AUN). Gabayadaan wuxuu ka tiriyay, Bedel Hargaysa loo beddelay asigoon markaa raalli ka ahayn inuu ka shaqeeyo. Waxaa guddoomiye looga dhigay “Golihii Murtida iyo madaddaalada ee goballada Waqooyi” waayihii dowladdii kacaanka. Abwaanku wuxuu ka baqay in qoyskiisa oo aan markaa is bixi karin maamul ahaan, ay ka dhiibiyoobaan. Waxaa kaloo, ka welwelayay in reerku ka cidloobo amay waayaan qof u khidmaysa oo sii gaarsiisa. Sidaa darteed Eebbe  ayuu ka baryay in Muqdisho lagu soo celiyo si uu reerkiisa xaaladdooda ula socdo. Mudda sannad ah ka dibna ducadii Eebbe waa ka aqbalay oo beddel Muqdisho ah ayaa ku yimid; Dacwa dheer oo uu sameeyay ka dib! In kasta oo uu Xabsi ku sigtay inuu galo haddana Eebbe waa ka badbaadiyay, waayoo Kacaanka qofki amarkiisa diidda xilligaas ama ku kacda fal liddi ku ah amarkooda, wuxuu ahaa dil toogasho ah ama xabsi dheer.

Gabayga Toddobaad oo uu tiriyay markow dacwadii ku raayay maahane inta kale wuxuu tiriyay intuu dacwada ku jiray! Gabayga Siddeedaad ee nikaxa ahna wuxuu ahaa “Dacwa Rabbi” laakin waa ka u jeeddo duwan yahay, toddobada kale wuxuu ku saabsanaa Xaaska uu qabay oo amminkaas laba wiil u lahayd. Mudda dheerna aan wax uur ah yeelan sida gabayga laga dheehanayo wuxuu Rabbi waydiisanayaa inuu Awlaad kale siiyo haddii ay uga qoranyihiin xagga Eebbe mana dhicin oo labadii wiil ee hore asoo leh ayuu geeriyooday Abwaanku. Gabayadaan “Dacwa Rabbi” waa silsillad isku xiran, oo aan kala harin, isku waxna ka hadlaya sidaa aawgeed, waxaa ila habboonaatay inaanan kala reebin, maadaama ay isku ujeeddo yihiin. Waxayna u dhaceen, sidaan ee ka bogasho wacan:

Gabaygii (1) koobaad, magaciisa waxa la yiraahdaa: “Addoon tacaddiyay”

Allahayoow addoon tacaddiyee, Taa’ibaan ahaye
Tubtiyaan ka laxeedaya waddadi, Xaqa ku taagnayd’e
Inaan kula tartamo iyo inaan cid kale, Tuugo maahayn
Tawaantayda adigaan waxaan, Tebayo moogayne
Tiiraanyo adigaa ba’shiyo, Taawin iyo ciile
Adigaa turaabtaya samada, Taagay kaligaa’e
Tabar iyo awood male cid kale, Talina maayaan’e 
Naf kastaba ha tooqdee adeey, Taada noqotaaye
Tiiraan cuskanayoon ma jiro, Tawakal kaa hayne
Halka aan ka tegayiyo halkaa, Laygu tirinaayo
Tu’ ii roon adigaa garanayoon, Lagu tilmaamayne
Toowbee Rabbigayow adaan, Tali kuu dhiibtay!

Gabayga (2) Labaad, magaciisa waxa la yiraahdaa: “Mahad”

Allahayoow adigaa mahad leh iyo, Megen bariinteede
Adigaan qasnadaahagu meran, Kuna masuugeyne
Adigaa muslim iyo gaal risaqa, Muu’min iyo tooge
Adigaa mariil furay xayina, Mayd kusoo rogaye
Miisaanka adigaa saxara, Maamulka u dhega’e
Markaan yaabo Eebboow adaa, Ii maqnaan jiraye
Hadday miliqdo xaajadu adaa, Lagu majeertaaye
Adigaa ruuxa magacaaga qira, Murugtu daysaahe
Macbuud iyo Raxmaanaa tahaya, Moowlihii sara’e
Mafaatiixda Naartaya Jannada, Malagyadii haayay
Iyo kuwa maguuraha Qabriga, Kugu mashquulsiiya
Laba midigya bidix taagannoo, Maqalka loo qaybshay
Maqaaddiir Ilaah kuma kalsamo, Maay la xoogsadaye
Mugdiyeey gudaan gudcureey, Miri da’aysaaye
Muraadkayga se waynow adigaan, Kuu masuul sadaye
Waa na saad la maagtee ma ahan, Sideey i moodaane.

Mawjadaha guuxoo baddaya, Hirarka maanshooda 
Maanyaduba guulloow markaad, Dhaarti maqashiisay
Halki aad kasoo marin tireey, Dib uga maagtaahe
Mujrim iyo adaan jannan ka baqan, Madax wasaaraade
Muqdisho iyo Hargeysaba sidaan, Maabka ka arkaayo
Middiyay rag ii sahanayaan, Labada meelood’e
Iyagays-ka kay maagayee, Maal kamaan dhicine
Martabada se qofkii ugu hanjaba, Naqasha hoos joogta
Mucjisaad ku taabsiin kartaa, Mirir gadaashiiye
Maareeya guud iyo ku xiga, Kala masayraaya
Mid walba siyow midkaa kale, Neesha uga qaado
Iyo qaar muftaaraya been, Lagu mushaar siiyo 
Marqaatiga siyay ugu furaan, Xaalki mari waaya
Muskaagaan ka galay dabinnaday, Ii maldahayaane
Addoonkaagu waa kuu martiye Mari halkaad doonto!” 

Gabayga (3) Seddaxaad, magaciisa waxa la yiraahdaa: “Daa’in”

Allahayoow adigaa daa’ina oo, Dowlayaan dhicina
Daalicul quuluubaa tahaya, Deeqsi taajira’e
Adigaan wax kaa dedane jirin, Laba daaroode
Adaan daacad moogiye wixii, Duluna kaalmayne
Sow doona yeeloow adigaan, Lagula doodayn’e
Xaq ma doodsiyow maalinkay, Sare ka duubnaato
Daciifkaad abuurtaan ahayoo, Kuu dacwoon jiraye
Derejaya adaa sharaf iska leh, Doorasha la’aan
Xariggaaga aan doogoobinaan, Dacal ka hastaaye
Marka doonta ow fuushan yahay, Daqalka loo gooyo
Dabaal kuma fakado Eebbeheey, Ruuxoow dilayaa’e
Cirku goortow da’ayo iyo markow, Maydku soo degayo
Iyo Dumarka uurka leh ilmaha, Doorka ow dhalayo
Diintaada adigaa ku yiri waa sidii, Daakhiliye
Laba dirirsanaan kala dhex iil, Gu’ iyo dayrtiiye
Mid haddow isoo diro kan kale, Way dib celiyaa’e
Deb munaafaq shiday muuminaa, Lagu dulleeyaahe
Arrintaa haddaan daba galee, Doonay xididkeede
Wali igama daadegine waa, Laygu dillayaaye
Waligoodsa qoomkii damcayo, Hees dibiriyeene
Dugsigaaga Eebboow adigaan, Daalim soo gelin’e
Dariiq nabadahaan kaa baryaya, Degin nabaaddiino!

Gabayga (4) Afaraad, magaciisa waxa la yiraahdaa: “Baaqi”

Allahayoow adigaa baaqiya iyo, Boqoraan geeryoone
Badbaadaya adaa sharaf iska leh, Bela xijaabkeede
Adaanow ruuxa kugu soo baqdaa, Baahan weligiiye
Bedelkii Hargeysaad markii, Buugga laga yeershay
Umma bogine goortaan ka naxay, Buuqna ka xishooday
Boqolkaagi magacoon cuskaday, Waa i bixiyeene
Burjikadi midda kaliyahaan, Baxar ka joohaaye
Bukaan iyo dawana waa jiraan, Beled canshuurtiiye
Bishi raashinkii iyo kor socodkii, Ways barbariyeene
Haddii biil labaad laygu daray, Badayay kiilkiiye
Baryadaada se Eebboow qofkii, Bila kusoo jeeda
Inow baas ka gaashaamanyahay, Badaw-yadaa mooge 
Bisimmada Qur’aankaa ka adag, Qalinka beenlow’e
Babacana sidii abshira, Kaama boosaniyee!

Gabayga (5) Shanaad, waxaa la yiraahdaa: “Kaamil

Rabbiyoow adigaa kaamilohoon, Cidi ku kaalmayne
Kali waaxidkeeyow adaan, Kabid u baahnayne
Kurba tira quweelow adaan, Qola la koodayne
Adow kibirku shaarkaagi yahay, Kiisna ka cabsayne
Waxaadan adigu iisoo ka tibin, Iimma kacayaane
Adaa kadabka ii qoran risaqaan, Loo kal tirihayne
Kareemoow adaan kugu shukraa, Kun iyo dowr jeere
Cadaawuhu markay ii kolmaan, Karinka howshayda
Karkaarrada aday dhaafi jiray, Godadka kaysoone
Kuwiyaa waraaqihi dacwada, Ila kor joogaane
Rabbiyow shartoodiiga kore, Waan karaahsadayee!

Gabayga (6) Lixaad, magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Laambad”

Lix iyo toban qofoodaan u ahay, Laambad kaligeeye
Lixya toban jiroo weyn dadkaan, Liifadda u shido’e
Ladaab celiskana ciddu anigay, I laba qad dhaanshaane
Ninkii soo labeeyana xanuun, Leebahaa helaye 
Luxudkina ma hoos yaal ifkana, Nolosho waa liide
Lugaan faras ku raacddaynayaa, Leedda orod dheera
Lujnad kaamilahaa raashinkood, Laygu laasimaye
Lillaahida warqadahaan u qoro, Laabad ma aqaane 
Waxa lagu lifaaqaa kuwaan, Laaqi u ahayne 
Waxa laab walaa-ciigu riday, Laaji taladiiye
Luqmaddaydasa Eebbaa ku qoray, Loox maxfuudsane
Haba liicsanaadee ma dhaco, Laaman loodshuhuye
Miyaad calanka iga leedihiin, Waa i luraysaane
Libtiigama xigtiinaa intaan, Xaq iga kiin leexin
Maxaad iigu soo ligantihiin, Waa ba lulataane
Kuwii shalay la laadaayayaad, Laxan wadaagtaane!”

Gabayga (7) Toddobaad, Magaciisa waxa la yiraahdaa: “Qaadiru-Raxmaan”

Qaadiru raxmaanow mar hore, Qola aan kuu sheegay
Oo aan kasoo qoray dacwadu, Aniga ii qaasa
Oo kiilka anan qaadi karin, Igu qafalaayay
Qur’aankaya markii aan cuskaday, Qowlki Nabigeenna (S.C.W).
Qurbaan awliyaadnaan baxshoon, Qulun-wallu raacshay
Quluuxiyo iyo li’iilaaf markaan, Qaafka ka higaadshay
Qadi maayo ruuxii baryada, Qira Ilaaheeye
Qawaaniinta Diintaa ka adag, Ka na qabow roon’e
Qodobbada dhibka leh ayaadaa, Lagu qataaraaye
Markow qoonku Diinkuu tashaday, Quuday hilibkiisi
Iyagoo qayaanihi dhismihi, Qaybki ku heshiiyay
Markuu qaddarta Eebbeheey, Helay qabaarkoodi
Qoor dhiibadkow yiri Rabbiga, Qaniyahaa jooga
Qobki aad samaysow ku helay, Nolosha qaashaaye
Aniguna qisqaastii ka baxay, Qayr masuul yadiye
Qaadiru Raxmaanow adaa, Qool furaad badane
Qabatadi ha sii dayn werdige, Waan qatimayaahe!”

Gabayga (8) Seddeedaad, magaciisa waxa la yiraahdaa: “Xaakin”

“Allahayoow adigaa xaakina iyo, Qoqor xaqsooraa’e
Adigaan addoon kugu xamdiyay, Xoorin waligaa’e
Xugunkaaga moogiye ma jiro, Xidid dhaqaaqaaye
Xariirkaaga ruux jaray Jannada, Sooma xaadiro’e
Xasuustaada Eebboow qofkay, Xibin dhexuu toosto
Xantaniiska dhowraya dembiga, Xaasidna an suubbin
Xaaraanna cunin Naarta waa, Laga xureeyaa’e
Anigoo xaqiiqada runta og, Xogaha Diinteenna
Xagmar roob ku da’ayaan wax badan, Dhalin xabuubtiiye
Xilliyada abuurka na intaa, Xagasho laabneeday
Ku xaraarad gooy iyo dhibkiiska, Xeji mooyaane
Xammaal lacag la’a guriddiiso male, Xiisa loo bogo’e
Xurmadoodu waa inay carruur, Kuu xafidayaane
Xera kuma tilmaansana markay, Xaafad meer tahaye
Toddobada xilka lehee shirkado, Xiratay hoowshooda
Xigtaan dhuro habiinnada dambaan, Kula xanaaqaa’e
Xarbil mu’miniinaan ku jiray, Toban xagaayoode
Xambaar guud na dhoowr sano ma arag, Xaasna waan qabay’e
Xaliimoow adaa garan waxay, U xayirraayeene
Xeen joogta iyo qaar dhintaba, Xoog kummaan helin’e
Xaggaageey nimcadu nooga timid, Xarunta tallaaye
Haddii xididka lay furo mar kale, Ka xirmay owlaaddi
Xuski Nabiga waa nidir inaan, Xoola bixiyaa’e
Xamdinnaa naqaa iyo shukri aan, Cidi xisaabayne
Xasbunaa Allaah-naan aqriyo, Kun iyo xaaxaabe
Haddii anan xadkii lay qarriray, Qabin xisaabkaygi
Xaggaagaan Rabbow dhowrayaa, Xiiqay tacabkiiye!

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE