“Fikirkii miyuu isu rogay caannimo?” W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Fikirkii miyuu isu rogay caannimo?” W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Fikrad kastaa waa u tacab inay noolaato si ay ugu warceliso fikradaha kale ee la soo saari doono. Waa wax weyn in la fikiro, laguna fikiro maskaxda aadka u tan weyn si ay ugu bishaareysato ka qeyb qaadashada qeybta ay u nooshahay. Mar haddii la beegayo soo saarista fikrado dhaxal gal ah, ugu horeyn waa in maskaxda la dhuujiyaa si fikrado dhuujin leh ay usoo saarto.

Fikradaha xiisad bay qaataan inta maskaxda ay ku keydsantahay fikrado, waxayna tarbiyo asaas ah ay usoo xamaalaan akhris iyo baraarug waayo-aragnimo leh. In kastoo waayo-araggu uu leeyahay dareemo mug leh, sidaasi si la mid ah ruuxa inta uu wax akhriyo buu noolaadaa, wuxuuna soo beegaa aragtiyo maan-gal ah. In la fikiro oo la xisaabtamo waa wax weyn waana hab-raac ilbaxnimo u keenta ummadda.

Fikirku waa mid guuraya halka uu dego, wuxuu ku xarriiqaa raad weyn kuna yeeshaa ilaa uu soo saaro taariikh ay dhaxlaan jiilba jiil.

  • Fikirka iyo faa’iidadiisa meelo badan baa lagu sheegay oo Qur’aanka kariimka ugu horreeyo sida uu Eebbe innoogu sheegay ayadahan cad cad.
  • فَاقْصُصِ الْقَصَص
    َ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ ﴿١٧٦ الأعراف﴾.
  • كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ ﴿٢٤ يونس﴾.
  • أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا فِي أَنْفُسِهِمْ ﴿٨ الروم﴾.
  • أَنْ تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ﴿٤٦ سبإ﴾.
  • إِنَّهُ فَكَّرَ وَقَدَّرَ ﴿١٨ المدثر﴾.

Iyo ayaado kale oo farabadan baa lagu sheegay Qur’aanka kariimka ah.

Aynu usoo daadegno mowjaddeennii innoo ballansaneyd.

In la fikiro ma suura gelidaa in garasho fikir la isku carbaabiyo? Haddii aynu eegno caalamka iyo fikradaha hannaanka la isugu walaaqayo si habsami leh, iyagoo koox kasta ama (mufakir) kastaa uu astaantiisa fikireed ay tahay inuu soo xambaaro aragti muuqata. Humaag fikireedku waa sawaxan dhawaaqaya sida jabaqda oo kale, wuxuu ku dabaalanayaa caalamka aan muuqan si uu xaqiiqada aan muuqan uu ugu bara kiciyo xaqiiqo muuqata. Haddaad eeg ruuxa fikiraya iyo haykalka uu u fikirayo waa kala jaad, oo waa kala duwanyihiin.

Hannaanka loo fikiro waa turxaan bixin hannaanka loo yeerayo iyo agabka uu isticmaalayo si uu u fara geliyo waxa uu u fikirayo iyo waxa soo hoos gala fikirka. Umuurta iyo saldhiga ugu ballaaran ee fikirku waa socdaal aragti dheer si fikirka waayihiisa uu u dheeraado.

Nolosha iyo laamaheeda waa keyd horay loo soo diyaariyay kaliyana u baahan In loo fikiro si wadarta iyo isir sooca nolosha loo gaaro. Sabab waa middii ka horrayso fikirka, fikirkuna waa mid ka horreeyo natiijo, natiijaduna waa mid ku waarta taariikhda. Haddii loo baahan yahay in lasoo dhacsado quudka maalin laha waa in loo tillaabsadaa seefta fikirka.

WAAYAHAN IYO FIKIRKA

Haddii loo kuur galo qalalaasaha ka taagan Soomaaliya waa mid loo baahan yahay in si sare loogu il fiiqnaado. haddii lagu noolyahay kaliya nolosha caadiga iyo dhambaaladeeda waa mid doorasho ku timid oo aan waxba laga qaban karin, ilaa loo sacab tumo dareemaha fikirka si uu wax ugu qabto. Waxaa soo ifbaxay duulal ku abtirsada (Aqoonyahan) waa halkeedee, waxay soo saarayaan aragtiyo baahidooda aysan taagnayn kaliyaata ay isu garteen in ay aragti soo saaraan. aragtidooda waxay jeebka dambo ka sidataa faafinta caannimo, waynu aragnaa duulal badan oo ku xisaabtama isa soo saaris lagu barkaday darajo iyo wixii la halmaala. Ma imaan karto aragti aan loo yeerin, mana soo saari karto natiijo, sidaa si la mid ah waxaa baraha bulshada iyo waaqica rasmiga ku duul-duula aragtiyo loo sara kiciyay caannimo. Mowqifka laga taagan yahay in fikir saamaxaad leh la soo saaro baa waxay hunguri iyo nidaam calal qurxoon u yeeratay in fikirka iyo calalka la wato isu ekaadaan waa mowqif la beegay waayahan aynu noolnahay. Haddaa fikirka miyuu riixa calal bidhaansan mise garasho is beddal buu riixaa. Waa la yaab!

Nafta iyo noloshuba uma baahna dardaaran kaliya waa in fikir dardaaran leh la soo gudbiyaa ee ma ahan in calal qurxoon la soo gudbiyo. Jiilka jooga wuxuu u socdaa hannaan uusan u fikirin badi haddaad la haasaawdo waa dad suga is beddel, haddaa nolosha miyaa la isu soo saaray in la isa sugo, geeriduba kuma sugto halkeeda bay kugu timaadaa. waa in nolosha indho-indheyn lagu wadaa si is baddalka soogalootiga ah jawaab loogu helo.

Waa in lagu baraarugaa aragtida caannimo inay ka sabab badantahay neeftaada caannimadeeda, waayo neeftaada meesha aad tagto way neefsataa oo waxay is bartaan neefaf kale oo dadku iyo adiguba aad neefsataan halkaa soo caannimo innooma joogto. Bal aragtidani aynu eegno (waa in aynu madaxa hubaynaa ka hor inta aynaan gacmaha hubayn!)― Maxim Gorky
Aragtidani hannaanka loo dhisay iyo baaqeedu waa in la shiilaa maskaxda si fikirku uu taariikh uu usoo saaro. Haddii aynu ku dabaqno meesha uu leeyahay (ka hor inta aynaan gacmaha hubayn) halkaa waa in garasho loo cuskadaa oo waayahan aynu joogno xeerarka ay ka taagan yihiin iyo qaanadda gacmaha oo la buuxinaayo, waynu ka wada simannahay ciidanka qoriga sita iyo kan wax-bartay calalka sita haddaa bal u fiirso nidaamka ay ka wada simanyihiin halkii la doonayey in sinnaantu ay ka horreeyso sinnaanta maskaxda.

Hirarku way dhambaalayaan oo waxay u yeeranayaan waxa ay tufeen si uu dib ugu soo noqdo waana dhigaal ay isku fahmaan, aragtiyihuna waa hiraal loo qoondeeyay in dhaxal ay reebaan si jiilkastaahi uu u sacab tumo. Waxaan ula jeednaa in aragti kastaahi ay soo hoos galeyso waxa aragtidani sheegeyso iyo hardanka loo beegayo iyo sinnaanta ay fulineyso si wadciga iyo umuurtiisa ay ula xurguftanto.

Aqoonyahankeenna badi waxa uu soo waranayaa aragti, aragtidiina waxay ku qallaleysaa meesha lagu waray. Waana sababta aqoonyahannada soo shaac baxay oon kanshi ku filan aysan heynin kolkaa bay soo xerteen aqoonyahan iyagoo ka door biday caannimo (aqoonyahan beeneed).
In caan la noqdo waayahan waa uur ku taallo dhow in dhambaalo caannimo la diro baa fududaatay oo aan la kaashan maankii saxda ahaa.

—Dhiirrigiliyiina wuxuu sitaa aragtiyo aan loo beegin halka la joogo iyo cidda lala joogo, wuxuu weel cidla ah ku shubayaa farriimo uusan soo tifaftirin.

Siyaasigiina wuxuu soo xeranayaa dhambaallo aan garashada saxda ahayd loo kaashan kaliya loo kaashaday sumcad iyo xaq la orad, waana macaash loo xareeyay inta maanka uu ka gaajeysan yahay. Caannimadii waxay sababtay in dhalintii ay isku soo shaac bixiyaan meediyaha iyagoo la il daran isa soo saaris aysan maankiisa doorannin kaliya naftiisa ay dooratay waana wareerka lala shirtago waayahan.

Curinta hal- abuurada ku xifaaltama dhiggooda waxay sasabayaan waxa ay soo saaraan iyago badi ugu dan leh inay ka xamaashaan caalamka caannimada. Waagii hore curintu way ahayd dhalad iyo dar-dar, laakiin waayahan waxaa xoog sheegasho lagu hayaa hal-abuurka isu rogay (caannimo). 

Waxaa guux dheer wada qoraalka oo waayahan kasoo barakacay qolka dagaalka ee wadanku collaaduhu kasoo fakaday, dhiggooda waxay ku tillaabsadeen horumar iyo ifafaalo fog oo ruux kastaahi arko ku qancayo laakiin waxay dhex dabaasheen unugyadii caannimo. Dhaallaan kasta oo wax qora ama aragti beega wuxuu aragtidiisa ku sargooynayaa jumladda caannimo waa wareer aan saldhig lahayn.

Qaamuusyada unugyada waxay shaqo ballaaran siiyaan inta loo garto in ay shaqeeneynin si looga saaro axwaasha laga shaqeynaayo oo maaskaxda looga shaqaaleysiiyo. Waxaan ula jeednaa dadbaa jiro kaliya u furan baaluqa maskaxda oo xeerarkii kale ka tagay oo aysan ka shaqeyn karin kaliya ka shaqeyn kara maskaxda iyo hababka loo curiyo.

KOBACA FIKIRKA

Kobcinta maskaxda waxay dul martaa kobaca fikirka si nashqadaha ay soo saareyso maskaxda ay ula tashato garashada fikirka. Garashada fikirka waa quummaan u baahan in loo yagleelo si xawaasta (dareemaha) ay isku dhiirrigeliso habka ay usoo saari lahayd. Kobaca fikirka waxa uu maraa xeerar badan oona loo baahan yahay in laga shidaal qaato si uu ugu warceliyo waaqica la joogo. Marxaladani waxay sababtaa in jeex badan ay kugu hirgasho inaad soo bandhigto aragti, ugu horeyn waa in lala soo ciyaaraa qiyamka akhriska iyo baadhista qotada dheer si akhriska iyo noloshiisaba aad caan ugu noqoto.

Damaashaadka akhriska waa u bidhaan ruux kasta oo jecel in uu akhriska badiyo, jeer kastana maankiisu waa u bidhaan in uu la xifaaltamo aragtiyada nusqaanka leh.

Nolosha sideedaba waa biseyl saaran hareerahaaga, waxaadna ku sifeyn kartaa hareerahaaga dhugmo iyo garasho waana halka ay dadyow badan ugu safreen hareerahooda ay u aadeen hareero kale. In aad harsato hareerahaaga waa cabbir aad u nooshahay, u lama jeedno in lagu ekaado hareeraha aad la joogtid waxaan ku sifeyn karnaa in garaadka halka uu wax ka eegi karo laga eego aanan qoor taagid iyo isa soo saaris caannimo aysan meel galeynin.
Naftu waa in la dabraa oo loo fasaxa waxa ay dareemeyso iyo baahideeda. Waa in la fasaxaa nolosha si aad u ogaatid qiyaamka ay u taagan tahay nolosha. Halkii aad kaliya naftaadii aad garaneysay, waa in noloshuna warcelinteedu aad dhugmo iyo ilgaar ah aad u yeelatid xurguftankeeda iyo daruufaheeda wiiqaya.

Wabillaahi toowfiiq.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Email: jamaalabdinaser@gmail.com

SHEEKOOYIN