Home Qoraallo Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q13AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q13AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga qarnigii shan iyo tobnaad. Q13AAD.

Intii aan socdaalka la gelin, waxaa gaar isu la baxay, Qoorleexshe iyo Toxobow maadaama aysan isku dhabbi ku fuli doonin, mudda dheerna aanay is arag. Sidaa aawgeed ayay gaar isu la faqeen, wixii lays xaal waraysta ba, waxa sheekadii lagu keenay Toxobeey quruxdeeda iyo aragti dheerideeda.

Qoorleexshe oo tuhunsan waxa Toxobow oo aan geel aroorinayn ceelkaan keenay inay yihiin rabitaankii ka dhaxeyn jiray, Rag iyo Dumar, ayaa ku tiraabay: qalanja qoordheertaan, ayaad u soo jidqaadday sidaan filayo ee ma inaad guursato, ayaad u diyaargaroobaysaa? Toxobow oo dhinac ka qoslaya ayaa ku tiraabay: haa wadda dheer ayaa se ka sokaysa, ee maxaad igu biirin lahayd?

Qoorleexshe oo arrintii uu u danlahaa loo tilmaamay ayaa ku tiraabay: Toxobow, Waxa la yiri: “Ninki Gu’ kaa weyn isha guudkeeda ayuu ku dheeryahay’e” talo dhallinyaro miyaan ku siiyaa, mase talo Waayeel? Toxoboow oo saaxibkiis ka dhursugaya diidaya na inuu ka hordhoco jidka uu u marayo Qoorleexshe taladiisa walaalnimo ayaa ku gaabsaday tii aad ii doorto ayaan qaadanayaa ee mid uun igu kaalmee. Qoorleexshe oo gartay in Toxobow qoorta dhiibtay yahana nin aan degdegin ayaa ku hal celiyay: “Talo waayeel ayaan ku siinayaa” ee hadalkayga dhagayso.

Calasow Qoorleexshe wuxuu hadalkii ka billaabay sida aad ogatahaba waxan ahay nin soo guursaday dhowr xaas, arrimaha Dumarkana si fiican ayaan u dersay. Markii aan qaadaa dhigana waxaa iisoo baxday in Dumarku u qaybsamo (7) Toddobo nuuc. Toxoboow oo doonaya inuu kala ogaado, Toddobadaa cayn ee Dumarku u kala baxaan ayaa yiri: bal ii bidhaami maxay kala yihiin Toddobada nuuc?” Qoorleexshe oo ah afmiinshaar aan hadalka ku mergan ayaa ku tiraabay, waxa la kala yiraa:

  • 1:Il-dheer,
  • 2:Dheg-dheer,
  •  3:Carrab-dheer,
  • 4:Gacan-dheer,
  • 5:Lug-dheer,
  • 6:Joog-dheer,
  • 7:Garaad-dheer.

Toxobow oo fahmay dulucda guud ee hadalka balse aan garan dedanta iyo sarbeebta hoose ee sheekada, ayaa Qoorleexshe wayddiiyay, maxay kala yihiin Toddobadaa cayn, maxaase lagu kala soocay oo midba magac gooni ah loogu bixiyay?” Calasow Qoorleexshe oo uu bogay dhabbiga sheekadu ku socoto, asigoo murtidiisa u tebinaya sidii uu doonayay ayuu warkii uu deday daboolka ka qaaday. wuxuu yiri: haddii aan kuu kala dhig-dhigo magacyadaan Dumarku u qaybsamo, waxay kala yihiin sidaan:

  • 1. Ildheer

Waa gabadha indhaha warwareejisa, ee ku himbaabirta alaabta guriga, dharka, cunnada, iyo wax kastoo ay ku aragto, Dumarka asaaggeeda ah. Ka dibna ku qasabta ninkeeda inuu soo iibiyo, waxay indhaheedu qabteen, haddii kale na aan gaw iyo gash laga siin oo furriin dalbata. Waa mid muuq raac ah oo wixii ay saaxibteed ku aragto, doonaysa in loo soo iibiyo, iyadoon is weyddiin ma la awoodaa, ma na anfacayaan, ma u baahannahay. Waxaa la yiraa: “Il-dheer” garaadkeedu-na ma dhaafsana aragga indhaheeda.

  • 2. Dheg-dheer

Dheg-dheer waa midda gurigeeda iyo reerkeeda ku bur-burisa, wixii ay bannaanka ka soo maqasho, iyada oo aan hubsanna howl gelisa wixii xan iyo xiqdi ahaa ee dheg-teeda kusoo lismay. Waxaa la yiraahaadaa: “Dheg-dheer” waa na maqal ku nool oo warka ayay quudataa, iyadoon danaha gurigeeda u aabbayeelin. Waa xiin faniin, marba qola ka laalaadda, iyadoo soo xiganaysa wararka kutiri-kutiinka ah ee taas ka fogow abidkaa.

  • 3. Carrab dheer.

Carrab dheer waa tan qaylada badan deriskuna uusan ka hoyan kana hargelin, dhanka kale-na ninkeeda dhuunta u gasha, oo xilliga uu nasanayo, ama fasaxa ku jiro, ku furta buuq iyo dhacdooyin been abuur ah iyo jariimooyin kale. Waxay ku qaadatay magaca “CARRAB-DHEER” waa qaylada iyo qaryabaanka afkeeda ka baxaya, wanaag walba oo ay sameyso waxay ku dumisaa qaylo iyo qarbudaad ee taana ogow!

  • 4. Gacan dheer.

Gacan dheer waa mid dagaal badan, hadya goorna dhexdu u xiran tahay. Waa mid aan laga weyn goor walba goobaha dacwada iyo meelaha dadka lagu heshiisiiyo. Magacaas waxay ku qaadatay waa mid shidda badan oo aan laga lug bixin, qofkii xaggeeda soo eegana indha ayay ku gubtaa iyadoo darbaaxshana u dhaafsiisa, haddii ay ka tabar roontahay ee fiiro u lahaaw.

  • 5. Lug-dheer.

Lug-dheer waa mid wareeg badan, oo aan laga helin gurigeeda, mar walba ee ninkeedu yimaado gurigiisa, waxaa soo qaabila qunful wayn oo lagu jebiyay albaabka, ama ood dhacan ah oo aqalka afka laga saaray. Mar walba waxay aaddaa: Aroosmanka, goobaha xanta, Abaay abbaayda IWM. Waa tii laashinku kula shirbay:

“Ma joogtoo cideheey jirtaa
Iska jir lays-kuma jeclee”

  • 6. Joog-dheer.

Joog-dheer waa mid qurux badan oo leh jir dhisan iyo jamaal dabiici ah, waa mid soo jiidasho leh, ragguna ku tartamaan, heliddeeda iyo hanashadeedaba. Markiise gurigeeda la tago, waxaa la la kulmaa, dhusuq iyo dhiiqo, waa tu’ nadaafad laay ah. Waa tii laashinku yiri:

“Haddey nadaafad laay-tohooy
Hal naas garraarataad nacdaa”

  • 7. Garaad-dheer.

Garaad-dheer, waa marwo Dumar, waa tan ugu qurux badan Dumarka, waxa laga yaabaa inaysan muuqaal ahaan bilicsameyn amaba ay foolxun tahay xaggaa jaahaa iyo joogga, balse waxay leedahay qurux qarsoon, sida: Akhlaaqda, Xishoodka, Diinta, Dulqaadka, Qaddarinta. Waa mid xeerisa, wanaagga qoyskeeda, ninkeeda iyo guud ahaan dadka kusoo hirta. Waa kabto, ninkeeda garabka ka qabata haddii uu kufo, macnaha arrin muraga lihi soo wajahdo. Waa tii Eebbe ku tilmaamay Qur’aankiisa:

Fasaalixaatu
• Qaanitaatun
• Xaafidaatun.

Waa saalixad, qanacsanaan badan awleeddeeda iyo ninkeedana xafidda. Sidaa aawgeed waxan kugula talinayaa maadaama aad saaxibkey tahay da’ ahaanna aan kaa weynahay inaad ka fayjignaato, cidda aad mustaqbalka la wadaagayso.

Dhanka kale wuxuu aammaanay garashada dheerida Toxobeey iyo jaaheeda nuurka leh ee indhahaaqa qabanaya sidii Dayax shan iyo tobanaad ee aan caad qarin. Markii uu dhameeyay waanadii uu Toxobow siinayay, waxaa isla markiiba u mahadceliyay Toxoboow oo sheekadu ku duxday laabtiisa, una riyaaqay sida Qoorleexshe u kala dhig-dhigay iyo waaya-aragnimada uu u leeyahay Haweenka iyo la dhaqankooda. Toxobow goobtaas wuxuu ka guntaday murti macna weyn ugu fadhida, maskaxdiisana ku furtay isla hadal iyo dib u fikirid. Calasow Qoorleexshe oo dardaarankii ugu dambeeyay siinaya Toxobow ayaa hadalkiisi kusoo afmeeray, hadal kooban misna xikmad badan, waxa uu yiri:

• Dad waxaa kulmiya salaan,
• Waxaa isku xiro wanaag,
• Waxaa isu keena xariir,
• Waxaa kala soora samir,
• Waxaa kala geeya kibir,
• Waxaa isku dira been abuur,
• Waxaa kala dila inkirmaad.

Wuxuu yiri, iska ilaali Toddobadaa walax oo ah waxa aadanaha kala geeya, geeddi dheerna kala geliya. Toxoboow oo helay saaxib ka kaalmeya aragtida iyo ka baaraan-degidda cidda uu nolosha la wadaagayo, ayaa halkaas ku marxabbeeyay iyadoo lays qaddarinayo.

Fulliinkii galabnimo intii lagu jiray, Goobtii loo socdana aan la gaarin, dhabbigana sheekada lagu qaruufayo, waxaa ammin gaaban isku helay Toxobow iyo Toxobeey maadaama Jiibshe Lo’da ku quminayo dhabbiga dhiniciisa. Toxobow waxa laabtiisa buuxiyay fikir iyo walaahow uu qabo, maadaama uu Toxobeey kasoo tegayo haddii uu ku simo guriga adeerkeed, sidaana uu ku wajahayo nolol adag una badan tebitaan uu gacalisadiisa tebayo. Toxobey se waa ka duwan tahay sidaa, wajigeeda waxaa laga dheehan karayaa farxadda iyo nayaayiirta ka muuqata, mar hadday u hoyaneyso, reerkeeda oo aysan weligeed arag qeyb ka mid ah. Galabta boggeeda kuma taallo inay ninkii ay ifka u jecleyd, nolosheedana soo bad-baadiyay marar badan ay kala hayaami doonaan, dhul dheerna kala degi doonaan. Toxoboow oo hawada ka maqan caadka sare na heehaabaya, wel-wel iyo walbahaar dartiis, ayaa dhegta farta gashaday, gabayna ku muusannaabay, waxa uu ku gabyay:

• “Habbooneey hurddada jiifka iyo, Hoyga go-goshayda
• Habiinkii hareertayda iyo, Heegan baad tahaye
• Hanaqayga iyo laabta baad, Sacab ku haysaaye
• Hanbaabira ku tooskina i noqoy, Haabashiyo beene
• Hal su’aala oon hibanayaan, Haybi leeyahaye
• Sida kayga loo hubo hadduu, Bahalku kuu haayo
• Heer inan ka gaarnaa cishqiga, Way habboon tahaye
• Hagartooda how jebin kuwaan, Boqonta heeraaya.

• Hooleben ciyaartaad ku tuman, Taniya Hiiraane
• Hobyo Mudug shabeellaa hirwiyo, Dhaanta lagu hayne
• Hodon iyo maddiinaan ku gayn, Haybaddii Xamare,
• Habar wacasha beenaya maxaa, Hagarsi dooqaaga
• Habiin iyo dharaar loo hayaa, Waa hal kuma taale
• Hawadeeda Liidaan ku gayn, Hoy dalxiis badane
• Hal adayg go’aanaya lahaw, Hadafan liicaynin
• Aniguna hunbaallaynta iyo, Haatufkiyo beenta
• Hamigaygu kuma gaabiyee, Waan ku hororaaye
• Iga hoo haddiyadaan adaan, Huuno kuu helaye!”

Markii ay intaas afkiisa ka maqashay ayay illinu soo dhaaftay indhaheeda, dhankeeda ayay kasoo rimcatey in la is waayi doono, ammin dhaw, Toxoboow oo xishoonaya gartana in Dareenka Toxobeey daaran yahay ayaa usoo dhawaaday, illintana gacantiisa midig uga tiray, wuxuu si hoose u yiri: “Gacaliso qalbigaaga adkeey walaalkaa ayaa nala socda’e yaanu naga shakinine” Toxobeey oo bogga ka gubanaysa ayaa ku tiraabtay: “Gacaliye marna sooma xasuusan inaan is waayi doonno, faraxadda iyo nayaayiirta ayaa iga tan badisay, mar haddii aan helay, dadkii aan ka beermay, oo aan mudda dheer u oon qabay aragtidooda ee raalli iga noqo haddii aan kaa mashquulay” Toxobow oo wadnahiisu dhagleynayo ayaa si deggan u yiri: “Raalli waan ahay Gacaliso, xal kama dambeys ah ayaanna gaari doonnaa ee maxaad talo noo haysaa?” Toxobeey kuma dhiirran inay talo keento, beddelkeedana waxay tiri; “Taladii aad keento ayaan kugu raacayaa ee dhabbi noo jeex aan nafta ugu bishaareeyo”

La soco Talada Toxobow

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE