Hammi caashaq iyo hunga been ah Q15AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungu been ah Q15aad

Xasanow gabadhaan aad Lamberkeeda isiisay waan aqaanaa waxayna ka mid tahay rukunkayga , Lambarkeeduna waa ii kaydsan yahay ayay Khadra Xasan kaga naxsatay isla markii uu taleefoonka ka qabtayba!

Xasan faraxad baa isku hareeraysay, sidii nin in wiil loo dhalay lagu wargeliayay u farxo ayuu asna u riyaaqey, hadalba waa iska waayay, afkiibaa juuqda gabay, nayaayirka saaqey ee sida lama filaanka ah loogu sheegay ayaa keenay in kala badbato, isagoo sidii isugu dhex yaacsan ayaa mardanbe ay afkiisa ka soo baxeen erayo is dabraya aad moodo inuu ku dhawaaqayo qof meel dheer ka soo orday oo hiinraagaya tabcaan ah oo wuxuu yiri: walaal Khadra ma runbaa inaad gabadha taqaano, mIse waad igu ciyaaraysaa, Xasan waa ogyahay ineysan Khadra ku ciyaarayn ee wax kale uu yiraa ayuu waayay, mararka qaarkoodna way dhacdaa farxada iyo naxdintuba inay keenaan dakaan maskaxeed qofka erayga dhumucdiisa iyo dhihidiisuba ka lunto.

Walaal maanaa been kuu sheegi jiray ayay tiri Khadra ayada oo dareentay inuu rumaysan la’yahay, haddana waxayna u raacisay waa dhab walaal, balse gabadha waan is weji naqaan keliya, arrimaheeda hoosese kama warqabo, sheeka wadaagna ma nihin, kaliya inney dukaankeeda waxaanuse nahay aqoonin mararka qaarna waxay ka adeegataa dukaanka.

Walaal horta baadidiii naga dhunsaneyd waaba noo soo dhowaatay gabadhaas dabagal war sugana ka keen, waqtiguna yuusan kugu dheeraan haddana shaqo ayaan hayaaye, aan markale isa soo wacno, Xasan shaqo sidaas u badan ma hayo ee waxa uu rabbaa inuu saaxiibkiis Axmed u bishaareeyo warka cusub iyo farriinta ka soo noqotey ergadii la direy.

Isla markii ay Khadra taleefoonka ka baxdayba waxa uu Xasan wacay saaxiibkiis una sheegay in arrintiisii meel fiican mareyso walaashiisna gabadhii iney is garteen, mar dhowna warbixin tafaftiran oo qalbigiisa qaboojisa loo keeni doono.

Xasan waa nin khayr suge ah, mar walbana dhanka wanaagsan wax ka eega ma ahan balaayo suge bidhaanta ka cabsada, ee waa wiil xasilan oo degan inta qof degan yahay, waxaana halkudhegiisa ah “ Nin xasilan xageey ma rido”

Axmed filanwaa bay ku noqtay in Xasan walaashiis iyo Nasra is aqoonsadaan, waxa uu is yiri: Baryadi alle waa kaa aqblay culayskii ku dulsaaraana waa kaa qaaday, waxa uu xasuustay, ducadii hooyadiis, waxa uu dib u milicsaday, habeennadii soo jeedka, ciilka iyo carada, waxa uu qalbiga iska yiri asaga oo isla guuxaaya, mar kale ayay maalmihii wacnaa albaabka soo garaaceen.

Nasra iyadu waa shidanaaba shidan, dhibka iyo eedaadka, rafaadka iyo galiilyada haysa ee jiifka iyo jooga u diiday Axmed war iyo wacaal kama hayso, dan iyo heellona kama laha, waxa ay iska raacataa danaheeda, habdhaqankeedana maaha inay dib u jaleecdo, widaay, walaal iyo waalid, waa gabar meel walba laga soo ferday, wehelkeedu hadba waa qofka maalintaas la nool, wax intaa dhaafsiisana ma jiraan dhankeeda. Wixii dhexmarey iyada iyo Axmed kalama duwana dhankeeda filin ay gashay oo ka soo baxday, wax raad ahna kuma aysan reebin.

Horta warka xasan iyo Axmed aan kaa duwo akhriste aan markale dib u jaleeco xaalada Nasra, waxaan hubaa inaad xiisaynayso innan kula socodsiiyo xaalada Najma, xaqbaad u leedahay innaad naawisho ka sheekaynta labada ruux ee sheekada xidiga u ah xaalkoodu halka uu ku sugan yahay innaad ogaato.

Nasra ayadu maalintii ay Axmed iska xirtay iskana xanibtay ayaa xasuustiisa ugu danbaysay, waa ilowday markii horaba ma ayadaa jacleyd danbay ku wadataye, waa daysan aan danayn xaaladda adag ee qof kale ku sugnaan karo, kama fikirto wixii dhaafay, waa qof u dhalatay calool adeyg, dhego adaygna ku darsatay, waxyaabaha labadii nin ee soo furay ey ku fureen dhega adayg iyo qadarin la’aan ayaa ka mid ah, waa xiisa ley, maalinba meel diirada saarata.

Axmed jacayl aan lala wedin ayuu markii horaba jilaayay, Xaalkiisu waa halkii Abwaan, hoobal Hanuuniye ka dhihi jiray “Jaceyl aan lagula wedin waqtigaaga yuu lummin“ laakiin Axmed ineysan Nasra jaceyl la wadin lana wadaagin oo arrintu kaligiis ku egtahay, ma jirto qof adigu ka dhaadhicin kartaa, nin meeli u cadahay, nin maali u cadahay meeli ka madow.

Haataan Axmed waxaa u cad jaceylka Nasra wixii ka soo harna waa ka madowyihiin, waxaan oran karnaa dooq baa indho la’aan leh, jaceylbaa xis la’aan leh.

Nasra waa gabar ay dadkeedi iyo qoyskeedi kala go’een oo aan walaal iyo waalid midna waxba kala dhaxeyn xiriirna la lahayn, waa hore ay dadkii dad u xigey kala hadaafeen iyaduna ma tirsato, iyaguna ma tirsadaan, Axmedna waa warmooge, codkeeda debecsan iyo erayadii qalbi jileeca ahaa ayuu rumeystay ilaa haddana rumeysan yahay.

Gabadha dayrada ah Axmed ma oga, waa kaaf iyo kala dheeri, Axmedna haddaanu waalidkiis maalintii laba jeer la hadal wuxuu isu arkaa CAASI iyo nin ilaaway waalidkii, heerka jacaylkooda iyo tixgelintoodu ka joogto.

Hadduu ogaan lahaa in gabar waalidkeed deyro ka ah, walaaladeed ay kala go’een, xilaheeda ku weyday dhaqan iyo dhego adeyg, maalin muu soo dhaweysteene wuu ka dheeraan lahaa, Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin.

Axmed waxaa kaday oo hoday gabarta uu bartey codkeeda iyo erayadeeda ayuu jeclaaday, muuqeeda iyo sooyaalkeeda ma yaqaan, waa nin hummaag iyo dhalanteed rumeystay, hadaladii soo jiidasha lahaa ee qalbigiisa ruxayey ayuu u qaatay qof wixii ay nafteeda ka sheegtayba ay run tahay, eedaas isagu ma laha ee waxaa leh, Aalladahan casriga ah fududeeyey xiriirka qof aan kula joogin, sida internetka, telefoonka iwm.

Baraha bulshada qof walba sawirkiisa qurxoon ayuu saartay, gadaashiisana ciddi ma oga qofka uu yahay, magaciisa hadduu doono wuu beddelay, mid kalena wuu la baxay, da’diisa waa ka been sheegay, hadalo uusan ku dhaqmin iyo haasaawe been ayuu ku indho sarcaadinayaa cid walba.

Haa baraha bulshadu waa ROONOOW DARAN, waxaa jira dad ka faa’iiday oo lammaane wanaagsan ka helay wax wanaagsana ka kasbaday iyo kuwa ku dhex ambaday oo dhalanteed iyo dhaan dabagaale la kulmey.

Baraha bulshadu waa dukaan wax walba haya, xumaan iyo samaan jaadkaad doontaad ka helaysaa, Axmed wuxuu noqday bahda ku sirantay ee jabka kala kulantey iyagoo daacad ahna lagu dhagrey, mase oga.

Hummaaga beenta ah iyo hammiga aan jirin ee uu ku hungoobey Axmed waxaa horseed ka ahaa, halacsigii magaceeda iyo hanqaarkii maqalkeeda, haasaawihii beenta ahaa. Nasri rag badan ayay jebisay waxay hanti haysteenna ka furatey, iyadana huq iyo hagardaamo badan waa qabtaa waase qarsaneysaa.

Hooyadeed macaan iyo halyeeygii dhalay waxay isku seegaan, habdhaqanka xun ee ay u nooleyd, waxaa dhici jirtey inay habeenno badan iska dhixi jirtey lana ogeyn halkay joogto, habaar haaraan, hiif iyo haraanba waa lagala daaley, walaaladeed, waxay kula coloobeen sida ay u waalidkeen u xushmo tirtey, magac xumada iyo maqal yarida waanada dadkii jeclaa.

Qofna ubadkiisa ma naco, mana tuuro ilaa ilmahaasi bannaanka is geeyaan, waxay ahayd gabar la jecelyahay oo la koolkooliyo, iyadaase wax walba iska haraatida, ayaandarradeeda ayaa arrin walba seejiya.

Nasra waxay ahayd gabar la jecelyahay, gaar ahaan aabbaheed ku indho kuusho, waxay ahayd ubax ka dhex baxay beer cagaaran oo kale, waxay ku barbaartey guri wanaagsan oo dadkiisa oo dhami ka macaan yihiin malabka balse,

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN